Nin Xildoon Ahi Waddan Ma Xoreeyo
C/Waaxid
C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com
Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha
ahaato.
Waa maxay xil? Hadduu yahay xarafka ka horreeya …dhibaan (xildhibaan)
ma aqaan wax laga wado ileyn xoolaha Baydhabo lagu siiyo galleyda
(xubnaha baarlamaanka) haddiiba waddanka oo Gabre xukumo leeyihiin
waxaan nahay sharci-dejiyayaal waa wax kale. Shirkiga ay ku jiraan
(Ilaah baa Sharci-dejiye ah) kaddib waa Zenawi ninka Soomaaliya sharciga
u dejiya. Kuwaan xildhibaanada xorta ah sheeganaya waxba kama fiicna
kuwa Xabashida wata. Soomaalidu runta ma jecla. Qaarkood dhowr iyo
tobankii shir waa taagnaayeen. Qaarkoodna maba jirto wax la soo dhisay
ilaa Cali Mahdi ka soo biloow ilaa hadda oo aysan xil ka soo qaban. Yaa
xoolaha Baydhabo (xubnaha baarlamaanka) Baydhabo keenay? Soow C/hi iyo
Shariif Xasan maaha? Shariif Xasan yuu watay oo markaas saaxiib la ahaa?
Soow kuwa hadda meelaha yaacaya oo leh waddan baan xoreyneynaa maaha?
Weligiis Zenawi wuxuu raadinayey bal mar in la arko xoolahaas (xubnaha
baarlamaanka) oo meel iskugu yimaada ileyn haddey kala joogilahaayeen
Xamar iyo Baydhabo marna Zenawi ma heleen marmarsiiyo ah xubnaha
baarlamaankaa noo codeeyey noona yeeratay inaan Soomaaliya soo galno.
Marka kuwaan meelaha yaacaya (barlamaanka xorta ah) qeyb bey ka yihiin
soo-gelidda Itoobiya. Haddeer, haddii shisheeye kale u yeertaanna waa
aadayaan.
Sidoo kale, kuwa badan oo qurbojoog ah, sheegataanna iney u
taaganyihiin xoreynta Soomaaliya waxba kama duwana kuwa Meles Zenawi iyo
Tigreega Soomaaliya jooga u yaqaan “geesiyaasha”. Rumeyso ama ha
rumeysan waxaan dhowr maalmood ka hor ku arkayey shabakad internetka ah
oo Soomaali hagto iyadoo la leeyahay waxaa xaflad xus ah Xamar looga
dhigayey geesiyaashii Itoobiya u dhashay ee ku bakhtiyey Soomaaliya!
Waa yar yahay qof siyaasad sheegta ama wax ka qora Soomaaliya oon
tegin Eldoret iyo Mbagathi. Kolley anigu waan ku wareeray siyaasiyiinta,
suxufiyiinta iyo qorayaasha Soomaaliyeed. Maanta dagaalooge buu la jiraa
berrina waa afhayeen maxkamadaha. Maanta wuxuu taageerayaa maxkamadaha
berrina wuxuu leeyahay Itoobiya waxay u timid iney Soomaaliya
badbaadiso. Shalay Itoobiya buu waddanka wax ka soo gashay maanta wuxuu
rabaa inuu ku shahiido inuu Itoobiya waddanka ka saaro! Waxaad kaloo
arkeysaa qurbo-joog sheeganaya inuu mas’uul ka yahay maamulada ka jira
Soomaaliya.
Sidaas Waddan Looma Xoreeyo
Ma rabnaa in waddanka Xabashi laga xoreeyo? Haddaba nin xil doon ah
ha soo dhoweysanina. Ninna kama xigo dadka xildoonka ah iney arrimaha
Soomaaliya ka hadlaan ileyn waddankey wax ku leeyihiine laakiin waa
doqon qofkii intaas oo jeer hal god laga qaniino. ALLAAHU AKBAR. Ka
warran nimanka inta Asmara tegey yiri yaan jihaad la soo hadal qaadin ee
hala dhaho “xoreyn” baa kheyr laga sugayaa? Haddee ogaada qof jihaad
diida waa qof aan dan ka lahayn guul Ilaah bixiyo. Haddii dagaalka
lagula jiro Gabre iyo Meles Zenawi loogu yeerin jihaad xagee jihaadka
loo adeegsan? Waxaa loo adeegsan markii Feysal Cali Waraabe weerarayo
Garoowe. Ama “mujaahid” Cadde Muuse dib u xoreynayo Laascaano ama
meelaha lagu soo qoro mujaahid Caydiid. Ama Muuse Suudi dhaho C/hi
Yuusuf waa mujaahid! Ama reer Waqooyigu ay dadkii ku jiray SNM ugu
yeeraan mujaahidiin! Goormaa saas loo hoogay. Yurub iyo Mareykan baad ku
arkeysaa qof SSDF ama SNM ama USC ku jiray oo la leeyahay “mujaahid”
laakiin dadku ma ogola in ninka Gabre la dagaalaya loogu yeero mujaahid
iyadoo la iska dhisayo reer Galbeed! Micnuhu waa qofkii qabiil kale ee
Soomaaliyeed laaya waa “mujaahid” laakiin qofkii Tigree la dagaala waa
dal-xoreeye loogumana yeeri karo mujaahid!
Waxaan idin xasuusinayaa xaddiis saxiix ah oo labada Sheekhba isku
raaceen oo nabigu (SCW) yiri mar uu nabi (CS) ka mid ah nabiyaasha (CS)
Ilaahay rabay inuu jihaado ayuu yiri, “ yuusan i raacin nin dhowaan
guursaday oo raba inuu haweentiisa la aqal galo; nin guri qabyo ka yahay
oo weli aan saarin saqafkii, iyo nin xoolo gatay oo iney u tarmaan
sugaya ama sidii nabigu (SCW) yiri.” Jihaad kaddib nibigii Ilaahay waa
guuleystay.
Waxaa halkaas laga fahmayaa in ikhlaaska iyo run-sheegiddu muhiim
yihiin. Qof xildoon ah ama xisaab rabaa waddan ma xoreyn karo. Seddex
sano ka hor waxaan arkayey kuwa hadda mucaarad sheegta oo xaflad u
qabanaya dhisiddii dowladda Geeddi. Mudo ka dibna waa ka soo
horjeesteen. Haddeer waxaad meelaha ku arkeysaa xaflado loo sameynayo
Nuur-cadde. Waxaana laga yaabaa markey dantooda ka waayaan iney hadhow
nacladi doonaan.
Xildoonka iyo xoolodoonka waxaa lagu yaqaan iney raalligelinayaan oo
la ciyaaraan shisheeye. Wuxuu jecelyahay inuu ka raadgato xukunka
Ilaahay. Ka warran ninka ka baqaya inuu jihaad ku sheego xoreynta Gabre
iyo Zenawi laga xoreeynayo Soomaaliya?! Waxaa kaaga daran haadku ugama
soo degayo inuu caayo nin waqtigiisii iyo naftiisii u huray inuu Gabre
ka ceyrsho Soomaaliya.
Xeer-Ilaah-doone iyo xil-doonku mid bey ka simanyihiin - naf-hurid.
Waxaa fiican nimanka meelaha yaacaya iney akhriyaan taariikhda
hogaamiyayaashii xildoonka ahaa sida Fircoon, Abuu Jahal, Napoleon iyo
kuwo kale. Waxay ahaayeen geesiyaal diyaar u ah iney u dhintaan
danahooda siyaasadeed. Marka nin Yurub iyo Mareykan wareegaya xil ma
heli karo. Kaaga daran wuxuu rabaa inuu caayo dadkii difaaca dalka
diyaarka u ah.
WALLAAHI ineysan is gelin xabad-ka-soo-carar iyo xildoon.
Qolyahayagan qurbaha jooga ma noqon karno xil-doon maxaa yeelay xabad
baan ka soo cararnay oo dowlado kalaan magangalnay marka waa noo nifaaq
inaan xildoon noqonno. Waa nagu waajib taageeridda shacabka Soomaaliyeed
iyo sidii Tigreega looga xoreynlahaa waddanka laakiin qof qurbo jooga oo
qaboow ku jira inuu umadda madaxa isu gesho isagoo jago doon ah waa u
khalad.
Khaladka ugu badan waxaa leh shacabka. Waxaad arkeysaa iyagoo
maamuusaya oo soo dhoweeya niman wada dambiilayaal ah oo intaas oo shir
taagnaa lana soo shaqeeyey dagaalooge kasta. Tusaale ahaan haddaan
madaxweynaha Soomaaliya ku nacay siyaasaddiisa macquul ma aha inaan
dambiilayaal kale dhegeysto anoo isleh isaga ku nacee. Marka shacabka
laftiisu hadduusan niyadda fiicneyn oo qofkey soo dhoweynayaan aysan
Ilaahay darti iyo waddanimo u soo dhoweyn haddee iyaga laftoodu waxay
raaceen raadkii siyaasiyiinta mana gaarayaan wax guul ah maxaa yeelay
waxay taageerayaan khaa’in kale.
Waxaan leeyahay waddan-xoreyntu waxay leedahay qaab loo maro. Marka
waa jirtaa in loo dagaalo jago-doon sida Soomaalidu taqaan oo hadda
horteenna taalla. Marka shacabku waa ku khaldanyahay iney taageeraan qof
jago-doonna iyagoo iska dhaadhicinaya iney waddan-xoreyn ka tahay. Waa
la yaqaan qofka diyaarka u ah waddanka inuu xoreeyo oo aysan ka ahayn
jago-doon. Waxaan aaminsanahay in la arki doono dad hadda sheeganaya
iney yihiin xubno baarlamaan oo xor ah oo hadhow hoos taga Garbe. Marka
bal aan aragno dufcadda kale ee qurbo jooga ah ee sheegandoona iney u
taaganyihiin xoreynta Soomaaliya.
C/Waaxid
C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com