SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Nin Xildoon Ahi Waddan Ma Xoreeyo 

cabdiwaaxidC/Waaxid C/hi Khaliif

London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com


Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. 

Waa maxay xil? Hadduu yahay xarafka ka horreeya …dhibaan (xildhibaan) ma aqaan wax laga wado ileyn xoolaha Baydhabo lagu siiyo galleyda (xubnaha baarlamaanka) haddiiba waddanka oo Gabre xukumo leeyihiin waxaan nahay sharci-dejiyayaal waa wax kale. Shirkiga ay ku jiraan (Ilaah baa Sharci-dejiye ah) kaddib waa Zenawi ninka Soomaaliya sharciga u dejiya. Kuwaan xildhibaanada xorta ah sheeganaya waxba kama fiicna kuwa Xabashida wata. Soomaalidu runta ma jecla. Qaarkood dhowr iyo tobankii shir waa taagnaayeen. Qaarkoodna maba jirto wax la soo dhisay ilaa Cali Mahdi ka soo biloow ilaa hadda oo aysan xil ka soo qaban. Yaa xoolaha Baydhabo (xubnaha baarlamaanka) Baydhabo keenay? Soow C/hi iyo Shariif Xasan maaha? Shariif Xasan yuu watay oo markaas saaxiib la ahaa? Soow kuwa hadda meelaha yaacaya oo leh waddan baan xoreyneynaa maaha? Weligiis Zenawi wuxuu raadinayey bal mar in la arko xoolahaas (xubnaha baarlamaanka) oo meel iskugu yimaada ileyn haddey kala joogilahaayeen Xamar iyo Baydhabo marna Zenawi ma heleen marmarsiiyo ah xubnaha baarlamaankaa noo codeeyey noona yeeratay inaan Soomaaliya soo galno. Marka kuwaan meelaha yaacaya (barlamaanka xorta ah) qeyb bey ka yihiin soo-gelidda Itoobiya. Haddeer, haddii shisheeye kale u yeertaanna waa aadayaan. 

Sidoo kale, kuwa badan oo qurbojoog ah, sheegataanna iney u taaganyihiin xoreynta Soomaaliya waxba kama duwana kuwa Meles Zenawi iyo Tigreega Soomaaliya jooga u yaqaan “geesiyaasha”. Rumeyso ama ha rumeysan waxaan dhowr maalmood ka hor ku arkayey shabakad internetka ah oo Soomaali hagto iyadoo la leeyahay waxaa xaflad xus ah Xamar looga dhigayey geesiyaashii Itoobiya u dhashay ee ku bakhtiyey Soomaaliya! 

Waa yar yahay qof siyaasad sheegta ama wax ka qora Soomaaliya oon tegin Eldoret iyo Mbagathi. Kolley anigu waan ku wareeray siyaasiyiinta, suxufiyiinta iyo qorayaasha Soomaaliyeed. Maanta dagaalooge buu la jiraa berrina waa afhayeen maxkamadaha. Maanta wuxuu taageerayaa maxkamadaha berrina wuxuu leeyahay Itoobiya waxay u timid iney Soomaaliya badbaadiso. Shalay Itoobiya buu waddanka wax ka soo gashay maanta wuxuu rabaa inuu ku shahiido inuu Itoobiya waddanka ka saaro! Waxaad kaloo arkeysaa qurbo-joog sheeganaya inuu mas’uul ka yahay maamulada ka jira Soomaaliya. 

                        Sidaas Waddan Looma Xoreeyo 

Ma rabnaa in waddanka Xabashi laga xoreeyo? Haddaba nin xil doon ah ha soo dhoweysanina. Ninna kama xigo dadka xildoonka ah iney arrimaha Soomaaliya ka hadlaan ileyn waddankey wax ku leeyihiine laakiin waa doqon qofkii intaas oo jeer hal god laga qaniino. ALLAAHU AKBAR. Ka warran nimanka inta Asmara tegey yiri yaan jihaad la soo hadal qaadin ee hala dhaho “xoreyn” baa kheyr laga sugayaa? Haddee ogaada qof jihaad diida waa qof aan dan ka lahayn guul Ilaah bixiyo. Haddii dagaalka lagula jiro Gabre iyo Meles Zenawi loogu yeerin jihaad xagee jihaadka loo adeegsan? Waxaa loo adeegsan markii Feysal Cali Waraabe weerarayo Garoowe. Ama “mujaahid” Cadde Muuse dib u xoreynayo Laascaano ama meelaha lagu soo qoro mujaahid Caydiid. Ama Muuse Suudi dhaho C/hi Yuusuf waa mujaahid! Ama reer Waqooyigu ay dadkii ku jiray SNM ugu yeeraan mujaahidiin! Goormaa saas loo hoogay. Yurub iyo Mareykan baad ku arkeysaa qof SSDF ama SNM ama USC ku jiray oo la leeyahay “mujaahid” laakiin dadku ma ogola in ninka Gabre la dagaalaya loogu yeero mujaahid iyadoo la iska dhisayo reer Galbeed! Micnuhu waa qofkii qabiil kale ee Soomaaliyeed laaya waa “mujaahid” laakiin qofkii Tigree la dagaala waa dal-xoreeye loogumana yeeri karo mujaahid! 

Waxaan idin xasuusinayaa xaddiis saxiix ah oo labada Sheekhba isku raaceen oo nabigu (SCW) yiri mar uu nabi (CS) ka mid ah nabiyaasha (CS) Ilaahay rabay inuu jihaado ayuu yiri, “ yuusan i raacin nin dhowaan guursaday oo raba inuu haweentiisa la aqal galo; nin guri qabyo ka yahay oo weli aan saarin saqafkii, iyo nin xoolo gatay oo iney u tarmaan sugaya ama sidii nabigu (SCW) yiri.” Jihaad kaddib nibigii Ilaahay waa guuleystay. 

Waxaa halkaas laga fahmayaa in ikhlaaska iyo run-sheegiddu  muhiim yihiin. Qof xildoon ah ama xisaab rabaa waddan ma xoreyn karo. Seddex sano ka hor waxaan arkayey kuwa hadda mucaarad sheegta oo xaflad u qabanaya dhisiddii dowladda Geeddi. Mudo ka dibna waa ka soo horjeesteen. Haddeer waxaad meelaha ku arkeysaa xaflado loo sameynayo Nuur-cadde. Waxaana laga yaabaa markey dantooda ka waayaan iney hadhow nacladi doonaan. 

Xildoonka iyo xoolodoonka waxaa lagu yaqaan iney raalligelinayaan oo la ciyaaraan shisheeye. Wuxuu jecelyahay inuu ka raadgato xukunka Ilaahay. Ka warran ninka ka baqaya inuu jihaad ku sheego xoreynta Gabre iyo Zenawi laga xoreeynayo Soomaaliya?! Waxaa kaaga daran haadku ugama soo degayo inuu caayo nin waqtigiisii iyo naftiisii u huray inuu Gabre ka ceyrsho Soomaaliya. 

Xeer-Ilaah-doone iyo xil-doonku mid bey ka simanyihiin - naf-hurid. Waxaa fiican nimanka meelaha yaacaya iney akhriyaan taariikhda hogaamiyayaashii xildoonka ahaa sida Fircoon, Abuu Jahal, Napoleon iyo kuwo kale. Waxay ahaayeen geesiyaal diyaar u ah iney u dhintaan danahooda siyaasadeed. Marka nin Yurub iyo Mareykan wareegaya xil ma heli karo. Kaaga daran wuxuu rabaa inuu caayo dadkii difaaca dalka diyaarka u ah. 

WALLAAHI  ineysan is gelin xabad-ka-soo-carar iyo xildoon. Qolyahayagan qurbaha jooga ma noqon karno xil-doon maxaa yeelay xabad baan ka soo cararnay oo dowlado kalaan magangalnay marka waa noo nifaaq inaan xildoon noqonno. Waa nagu waajib taageeridda shacabka Soomaaliyeed iyo sidii Tigreega looga xoreynlahaa waddanka laakiin qof qurbo jooga oo qaboow ku jira inuu umadda madaxa isu gesho isagoo jago doon ah waa u khalad. 

Khaladka ugu badan waxaa leh shacabka. Waxaad arkeysaa iyagoo maamuusaya oo soo dhoweeya niman wada dambiilayaal ah oo intaas oo shir taagnaa lana soo shaqeeyey dagaalooge kasta. Tusaale ahaan haddaan madaxweynaha Soomaaliya ku nacay siyaasaddiisa macquul ma aha inaan dambiilayaal kale dhegeysto anoo isleh isaga ku nacee. Marka shacabka laftiisu hadduusan niyadda fiicneyn oo qofkey soo dhoweynayaan aysan Ilaahay darti iyo waddanimo u soo dhoweyn haddee iyaga laftoodu waxay raaceen raadkii siyaasiyiinta mana gaarayaan wax guul ah maxaa yeelay waxay taageerayaan khaa’in kale. 

Waxaan leeyahay waddan-xoreyntu waxay leedahay qaab loo maro. Marka waa jirtaa in loo dagaalo jago-doon sida Soomaalidu taqaan oo hadda horteenna taalla. Marka shacabku waa ku khaldanyahay iney taageeraan qof jago-doonna iyagoo iska dhaadhicinaya iney waddan-xoreyn ka tahay. Waa la yaqaan qofka diyaarka u ah waddanka inuu xoreeyo oo aysan ka ahayn jago-doon. Waxaan aaminsanahay in la arki doono dad hadda sheeganaya iney yihiin xubno baarlamaan oo xor ah  oo hadhow hoos taga Garbe. Marka bal aan aragno dufcadda kale ee qurbo jooga ah ee sheegandoona iney u taaganyihiin xoreynta Soomaaliya.  

C/Waaxid C/hi Khaliif

London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com
 

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 2, 2007

Geeddi: Xataa Aniga, C/hi Dhurwaa la tag bartay; war dhig waa ku ceeb... Akhri..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com