SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

XUSUUS TAARIIKHEED LA DUUGEY: Talyaaniga ayaa Gumeysatey Itoobiya Shan sano (1936-1941)


Geeddi: Xataa Aniga, C/hi 

cabdiwaaxidC/Waaxid C/hi Khaliif

London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com


Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed ha ahaato. 

Geeddi mar hore baa daaqadda lagala bixilahaa hadduu soo dhigan lahaa jaamacaddii Daraasaadka Islaamka! Maaddaama dowladaha horbooda adduunka ay isku xireen diinteenna qiimaha leh iyo argagixisada ayaa qofkii laga maqlo Islaamba waxaa lagu qaadayaa dagaal aan loo kala harin. Geeddi oo korkiisa meeshii far la saaraba ay ku qorantahay Af-Tigree ayaa korneylku ka waayey boos uu ka saaro tiimbarihii/shaabbaddii argagixisada. Taageerayaasha korneylku waxay leeyihiin haddii Geeddi meesha ka bixilahaa, Soomaaliya waxay gaari lahayd dowladnimo, barwaaqo, iyo horumar. Waxay sheekadaasi na xasuusineysaa qisadii laga sheegay Fircoon iyo Haamaan mar ay haweeney ri’ ka bakhtiday u timid Fircoon oo hurda si uu ceesaanteeda ugu soo nooleeyo! Haamaan baa u sheegay Fircoon iney haweentaasi u timid isagoo hurda. Fircoon inta kor u qeyliyey buu Haamaan ku yiri, “maxaad ii toosin weydeen si aan ri’da ugu soo nooleeyo!” Haamaan wuxuu yiri, “Fircoon, xataa aniga!” Waxaan la yaabbanahay, kumannaan Tigree oo waddankii heysta oo xitaa xoolaha gebran bakhaarkii galeyda ee wasaaraddii beeraha (xildhibaanno) waxaa waardiyeynaya oo baaraya gabdho Tigree ah oo askar ah baa la leeyahay haddii Geeddi la ceyrsho waxaa imaaneysa dowlad fiican! Geeddi wuu ogyahay khiyaamada ay saaxibkiisii hore (korneylka) iyo isagu ka galeen Soomaaliya. 

Kaba soo qaad in sida loo eedeynayo uu Geeddi yahay. Yaa khaladka koowaad iska leh? Waxaa leh qofkii isaga meesha keenay! Marka labo korneylku iskuma heli karo: 

  1. Inuu dhaho madaxweyne anaa ah oo soo doorta wasiirka koowaad iyo inuu dhaho wuxuu wasiirka koowaad keeno shuqul kuma lihi. Qofka la rabay inuu is casilo waa madaxweynaha ileyn xukuumadduu arrintaas u doortay baa wax wadi weyday.
  1. Sida muuqata, korneylku ma keenin Geeddi oo waxaa keenay Meles Zenawi laakiin waxaad mooddaa in Tigreegu is tusay iney Geeddi ceyrin karaan iyagood mooddo ineysanba fahmin caqliga Soomaalida. Marka korneylku ha ogaado ineysan ahayn waqti Zenawi ceyrin karo Geeddi. Geeddi iyo Salaad Cali Jeele oo la jira Zenawi baa wax dhaqaajin waayey marka haddii la ceyrsho arrintu sideedii bey ku ahaan Zenawi ama wey uga dareysaa ee marna faa’iido ma gaarayo.

Dhurwaa la tag bartay; war dhig waa ku ceeb 

Maqaalkii hore baa iiga filnaa dhibka korneylku u geystay ehelkiis iyo Soomaali oo dhan laakiin waxaa fiican in qofku ogaado xadkiisa. Marka waa in qofku xisaabtamo oo uu fahmi karo meesha arrimuhu marayaan. Haddii korneylku uu dibir-seexato iyo ceego kala soo daalay nimankii ay isku soo qabteen Kulmis, Puntland iyo dagaaloogayaashii Xamar; ayaad mooddaa in wiilkan xanaanada xoolaha soo bartay uu dareemay in Soomaalidu xoolo yihiin, aysanna jirin cid ka badisa cudurka xoolaha ku dhaca (qabyaaladda). Cudurkaas Soomaalidu qabto ayaa keenaya in Geeddi oo reer tolkiis sidii la ogeyd ula dhaqmay uu hal habeyn halyeey ku noqonayo hadduu korneylka dhuunta u galo oo ka kala daadsho. Waana muuqataa sida maanta korneylku u nugulyahay oo uusan u qaadan karin dagaal kale oo uu la gelo beel weyn sida Hawiyaha ama nin aqoon leh ooysan qabaneyn shaabbaddii argagixisadu sida Geeddi. 

Halkii maalin oo Geeddi sii joogo isagoon xilka laga qaadin wuxuu gaarayaa guul weyn halka ay korneylka ku tahay qodax dhinac uga taagan. Waxaa intaas korneylka u sii dheer qoloduu ka soo jeedo (korneylku) oo hadda indhaha taageysa, waxaan hoog ahayna ka qaadin darajadaas uu maddaalahoodu ku fariistay. Waxay dhihi jireen Kismaayo baad soo ceshaneysaan ilaa haddana ma muuqato. Laascaano baa iyagoo “madaxweyhihii” ka dhashay laga qaaday! Dhaqaalihii dekeddooda iyo dadkooda oo galay dowladda bil seddexda ah. Da’da iyo caafimaadkiisa oon iyaga laftoodu u tureyn. Aaditaanka la leeyahay Geeddi baa tagaya Addis Ababa iyo Sacuudiga ayaa dhib ugu filan korneylka oo lahaa aad maalmo gudahood ka dhameysid in xildhibaannadu ceyrshaan Geeddi. 

Marka Geeddi oo og khiyaamada ay isaga iyo C/hi ka galeen qaranka Soomaaliyeed ayaan sina u yeeleyn in nin isaga ka sii dambi badan uu uga tago xukunka. Waa arrintaas waxaad mooddo in Geeddi - sidii Haamaan ku yiri Fircoon - uu C/hi ku leeyahay (xataa aniga) isagoo ka wada in sheekadaas uusan liqi karin. Geeddi wuxuu aaminsanyahay in korneylkuba soo laayey dadkiisa ayna haddeer iska dabo joogaan marka wuxuu rabaa inuu isna qabiilkiisa iska wato isagoo og wuxuu ku falay. Sidaan horay usoo iri haddii korneylka ka takhalusi waayo Geeddi; waxay keeneysaa in Geeddi helo awood siyaasadeed oon laga fileyn ayna keento in qabiilkiisu ku dabo feylo isagoo loo bixin doono “rug-caddaa raamsade”. Diseembar 2006 ka hor Geeddi dhuunta uma gali karin C/hi maxaa yeelay ma lahayn khibarad dad-dilnimo iyo dal-burburin laakiin markey Tigreega Xamar soo gasheen buu khibraddaas helay. Sida korneylkana wuxuu ku dheereeyaa u-adeega Tigreega. Labadaas darajo oo korneylku ku raaxeysan jiray ayaa Geeddi ka soo qalin jabiyey. Marba hadduu shahaadooyinkii xasiliyey waxaa laga filaa waa xirfaddii. Marka aan dhowrno ciyaarta dhexmarta labadooda. Marka waa xoolo qofkii aaminsan waddankii oo Tigree heysto in haddii Geeddi la ceyrsho kheyr imaanayo.

C/Waaxid C/hi Khaliif

London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com

 

Kee Daran, Xaabsade iyo Xulufadiisa Laascaanood Qabsaday; iyo Xabashida iyo Xulufadeeda Xamar Heysta ... Akhri....

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 25, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com