Waxaan ku soo sheegnay qoromooyinkii hore
loolaanadii u dhaxeeyay Muslimiinta iyo Christianka Geeska Afrika, sidoo kale
waxaan uga soo hadalnay kala duwanaashiyihii xadaaradeed ee u dhaxeeyay
xabashida iyo Somalida, waxaan ku xusnay qoromadii koobaad in xabashi loogu
yeeri jiray dadka ku nool laga soo bilaabo xuduudka Sudan ilaa gacanka cadan,
hadaba dad badan ayaa is waydiinaya halka uu ka yimid magaca xabashi, Abyssinia,
Aagawa, dhamaan loogu yeeri jiray xabashida, sidoo kale soo ifbixii magaca
Ethiopia iyo sababta xabashidu ula baxday magacaas,halka uu ka yimid asal ahaan?
Iyo cidda bixisay, deegaanka asalka u ah xabashida?Arimahaa oo idil waxaan ku
faah faahin doona qoromadaan soo socta hadii Allah uu idmo.
AAGAWA, XABASHI IYO ABBYSSINIA
Howsha ugu horeeysa waxay tahay marka wax laga qoraayo Aagawada ama Xabashida in
la go, aansado magacii loogu yeeri lahaa, maxaa yeelay waa arin murugsan oo aan
wali meel laysla dhigin.Aagwadu waxay isku magacowday “Ethiopia”iyadoo ka
fogaanayso magaca Xabasha oo ahaa magac ay lahayd qolo Carab Xabashaad (Xabuush,
Axbaash) ah oo waayihii hore dalka ku timid hayaan awooda dalkana la wareegtay
dabadeedna ay carabtii u hirgalisay magacaas.
Waxaa la sheegay in Xabuushta ay ka soo hijrootay Yamen xiliya fog dabadeena
ay sidaa ku soo dagtay dhulkaas.
Aagawada ama Xabashida deegaanka asalka u ah waxaa weeye dusha weyn ee T
akase iyo dooxooyinka ku hareereysan ee uu kala qaybiyo webiga Niilka Buluugga
waxayna ka koobantahay:
Tigray, Begender (Axmaara), Dambaya, Aagow-Medda, Damoot iyo Gojaam oo
gidigood loo yaqaan Xabasha, waxayna tahay Xaamiyiinta Kushutiga ah oo uu aad u
dheehay Samatiga dalka soo galay, waxaase la moodaa dheehidaa saamiyiintu in
aneey wax wayn ka doorin dhalashadeedii iyo muqaalkeedii xaamigag ahaa.
Ethiopia waa magac soo jireen ah oo leh macnooyin waaya badan soo jiray oo ay
taariikhyaqanada Yurubta qaarkood qaloociyeen mid ka mid ah macnooyinkii hore uu
iska lahaa.
Ereyga Ethiopia wuxuu ka koobanyahay labo eray oo AF giriig (Greece) ah oo
macnohuudu yahay “Fool-madoowe” waxay AF ahaan isku asal yihiin erayga “Negro”oo
Latin ah iyo erayga “Aswad”oo Carabi ah oo dhamaantood lagu tilmaamo dadka
gibilka madoow.
Taariikh-yaqaanadii hore: Hormer, Herotodus, Strabo iyo kuwa kale waxay ugu
yeeri jireen ereyga Ethiopia goortay tilmaamayaan gobalka u dhexeeya Niilka iyo
Hinduska oo idil kaas ay u yaqiineen gobalkay daganyihiin dadka uu gibilkoodu
madowyahay oo ay u qeybsheen:
Ethopiada Bari oo ahayd Carabta, Shaamiyiinta, Mesopotaniya iyo Hinduuska.
Ehopiada Galbeed oo ahayd dadka Xaamiyiinta ah ee ku nool Bada Cas dhinaca
Africa.
Qoreyaashii hore kuma aynan darin Xabashida qeybta ethopiadii Galbeed,
waayoo, ma aysan aqoon dadka Xabashida iyo dalka ay ku nooleeydba.
Waxaa kaloo muuqata in Qoreyaashii afka Geezka ku turjumay Injilka ay magacii
Kush ku badaleen Ethiopia, iyagoo u jeedadoodu ahayd in ay tilmaan ka bixiyaan
gobalka Nuuba ee Koofurta Sudan oo aynan u jeedin Xabashida.
Hadaba waxa is weyndiin mudan maxay Xabashidu ugu daalaysaa ama u
sheeganaysaa magac loo aqoon jiray, guud ahaan, dadkii gibilka madoobaa oo idil
ama ku koobnaa dadkii daganaa woqooyigeeda ee waagaa la yaqiin?
Qorayaashu waxay sheegaan in kuwii ku turjumay Injiilka afka Xabashida kuna
badalay afka Geez ineey magaca xabashida ku badaleen ereyga Ethopia oo soo
jireenka ah si ay ugu muujiyaan, aduunka Dowlada Masiixiga ah, inay tahay mid
facwayn oo soo jireen ah.
Hase yeeshee waxaa cad in Xabashidu ay magacaas ula baxday si ay u hirgashato
hamigeedii ku dhisnaa is balaarinta, si ay ugu fido dadyowgii dariska la, ahaa
iyo dhamaan dakii ku noolaa Qaarada Afrika, taas ay qorshaheeda wax ka wadeen
quwadihii gumaysiga, maxaa yeelay xabashidu waxay magaca Ethiopia la baxday
markii ay dadyow kale qabsatay qarnigii 19aad, marwalibana waxaa taageerayay
gumaystayashii reer galbeedka ow ugu horeeyay Boortaqiisku.
Ethopia waxay marwaliba si, is daba joog dal balaarsi ah, ugu soo durkaysay
dhulka somalida iyo qowmiyadihii kale ee ku noolaa Geeska Afrika sida Oromada
iyo Cafarta, iyagoo oromada dhamaan wada qabsaday.
Wuxuu hakad ku yimid isbalaarinta ethopia intii ay shaqaynaysay madax banaanidii
somalida mudadii 30 sano ahayd.
Waxaa jira sheego ka dhaqan gashay xabashida taas oo oranaysa in Nabi Nuux
dhalay Xaam’ xaamna uu dhalay Kush oo isaguna dhalay Ethopia oo ah magaceedu
halkuu ka yimid, kaasoo ku aasan magaalada Akhsum oo loogu magac daray
wiilkiisii Akhsum oo aasaasay magalada.
Runtu waxay tahay in magaca Xabashi ka yimid qolo Carab ah oo kasoo haajiray
Yaman ka hor miiladiga, kadibna la wareegtay siyaasadii iyo dhaqaalihii dalka,
dabadeedna uu sidaa magucu ugu hirgalay.
Kadibna waxaa dalka soo galay qolo la oranjiray Qays oo dagtay Shamsana,
Akele-Gusay iyo Agame.Qoladaan dambe waxaa afkeeda lagu turjumay Injiilka
masiixiga wuxuuna aad u dhalaanrogay afkii kushitiga ahaa. Qarnigii 4aad
miiladiga saldanadii Xabashidu waxay ku fiday woqooyi iyo dusha dalka manta loo
yaqaan Eritrea, uuna boqorkii Xabashidu la baxay boqorkii boqorada waxaana
magaalo madax u ahayd Akhsum.
Waxaa kaloo kusoo biiray sanadku goortuu ahaa 641 miiladiga, qolooyin Yuhuud
ah oo lagasoo eryay dhulka Carbta.
Qoloda Amxaarada waxay ku abtirsataa Menelikii kowaad oo ay sheekadooda
oraahda ahi ku sheegto in uu ahaa wiil ay iska dhaleen Nabi Suleiman iyo
Boqoradii Balqiisa, sheekadan oo aynan taarikhyahanadu rumaysan, ahna mid aan la
rumaysan karin, waxaa cad in asalka xabashidu uu u noqonayo qabaail Zanji ah iyo
xaamiyiin uu dhalan rogay cunsurkii samitiga ahaa oo badankoodu ahaaYuhuud ka
soo haajirtay Yaman iyo jinsiyada kale oo is kugu jiray African,Carab, Creece
iyo Roman.waxaa dhacday hijra wayn qarnigii 18aad miiladiga kadib, kala
qaybsamadii roomanka taas oo ay dadbadani u soo haajireen xabashida.
- Xuduudkii Xabashidu ka hor isbalaarintii qarnigii 19aad.
- Ethopia waxay dhacday ka hor isbalaarinteedii qarnigii 19aad m.
- Koofur Bari waxay xuduud kala lahayd Eritrea.
- Galbeed waxay xuduud kala lahayd Sudan iyo Eritrea.
- Koofur waxay xad kala lahayd Imaaradii Jamawa.
- Bari waxay xad kala lahayd Somalia.
- Badka Dhulka waxay gaareysay 300600km2.
- Population dadka: 6milion.
Waxay siyaasad ahaan u qaybsanayd ka hor isbalaarintii qarnigii 19aad 3
walaayadood:
1. Walayada Tigray. Waxay ahayd tan ugu awooda badan, ayada ayaana xukunka
gacanta ku hayn jirtay waxayna ahayd tan ugu dadka badan, waxaana lagu sheega in
ay tahay xarunta masiixiyada Geeska Afrika waana halka aalaa looga soo duulo
Islaamka iyo Muslimiinta dhamaan dagaaladii dhexmaray Christinka iyo
Islamka.Hase yeeshee wuxuu xukunkii u wareegay Amxarada oo gacan ka helaysay
Dowladihii gumaysiga dhamaadkii qarnigii 19aad ee miiladiga kadib markii ay
dileen Daraawiishtii Sudan ee uu hogaaminayay mahdigu Boqorkii Yohna,
caasimadeedu waxay ahayd Akhsom.
2. Walayadi Axmara ama Bagendara: waxaa loogu yeeri jiray dhulkii casaa waxana
loogu bixiyay dadkeeda ayaa caan ku ahaa la dagaalanka Muslimiinta dagaalkii
Macatab u dirirka ee lagu qaaday dhamaan dalalkii Muslimiinta aha, laga soo
bilaabo Andalus, Qooqaaz, Qudus, India ilaa Geeska Afrika, caasimadeeduna waxay
ahayd Gandar.
3. Walaayadi Gojaam: walaayadaa waxaa la wareegay Xayla Silesia (Tafarra Maknon)
isagoo marag ku dilay boqorkii xukumi jiray sanadii 1951 miiladiga, caasimadeedu
waxay ahayd Monkobar.
4. Walayadi Walow: waxay ahayd walaaya Islami ah,waxayna gacanta Muslimiinta ka
baxday dagaaladii isdaba jooga aha ee ay ku soo qaadeen salibiyiintii
Boortaqiiska iyo Xabashida, waxay si buuxda gacanta ugu dhigeen kadib geeridii
Imaam Axmed Gurey qarnigii 17aad iyo wixii ka dambeeyay, iyadoo dadkii
Muslimiinta ahaa ee daganaa lagu qasbay in ay christianka rumayaan iyo in la
laynayo, sidii horay uga dhacday Dalkii la oran jiray Andalus(span iyo Portugal)
kadib markii boqoradii Isabella iyo Fernando ay ku khasabeen dadkii reer Andalus
ee Muslimiinta ahaa in ay labo mid doortaan, in la laynayo iyo in ay qaadanayaan
diinta christianka.
5. Walaayadi Shawa: waa walyadii shanaad ay qabsadaan kadib qarnigii 19aad
waxaana laga aasaasay dowlad masiixi ah kadib markii xididada loo siibay
Imaaradii Islaamiga ahayd ee Owfaat ama Iifaat,waxayna dhacday woqooyiga Addis
Ababa xarunta ethopia.waxay la wareegeen markii la jabiyay xoogagii Muslimiinta
qarnigii 16aad,dagaaladii macatab u dirirka ee boortaqiiska iyo Xabashida, wali
waxaa ku dambeeyo raadreebyadii muslimiintii ku noolaa walaayadaa sida uu shaaca
ka qaday mustashriqii talyaaniga ahaa Shabbily sanadii 1935 miiladiga,wuxuuna
sheegay in laga helay raad reebyo iyo qoraalo Carabi ah oo aan lagaranayn ciddii
qortay,marka taas waxay cadaynaysaa in muslimiintu xukumi jireen laga soo
bilaabo sanadii 1063 miiladiga ilaa iyo sanadii 1289 miiladiga.
Sanadkii 1935 miiladiga waxay xabashidu la wareegtay imaaradii ugu dambaysay
ee Islaamka ee Jamaa.
TIXRAAC (References).
Waxaad ka tixraaci kartaa isla masaadirtii hore, ee aan ku xusnay
maqaladeenii hore, sidoo kale kuwa soo socda:
1. Islam in Ethopia.By J.Spencer Triminingham.
2. Altanaafus alduwali fii bilad al somaal.By Dr.Jalal Yaxya.
3. Rixlatul-somali wal xabasha by fariq saadiq al muayad.
4. Taariikhda Somalia (dhulkii filka weynaa ee punt).by J.maxamed Ibraahim
maxamed Liiqliiqato Iyo tixraacyadii hore.
FG.waxaan u mahadcelinayaa dhamaan intii talo iyo tusaaleba iga siisay
qoraalkan, walina Kama maarmo talada iyo tusaalaha akhristayaasha sharafta leh,
waana soo dhawaynayaa cidii igu caawinaysa tixraac ama reference aan ugu noqdo
taraaikhdan.
Qore: Zakaria Ismail Haji nur.
Pakistan—Islamabad.
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 23, 2007