Isbitaalka
Indhaha ee Al-nuur oo ay ka bilaabay howl
indhaha loogu fiiqayo caruur da’doodu yar
tahay
Isbitaalka Indha ee Al-Nuur ayaa billaabay
howlo indhaha loogu fiiqayo ugu yaraan
10-kun oo caruur ah, howshaan ayaa waxaa
iska kaashaday Isbitalka Indhaha ee Al-Nuur
iyo Hay’adda MUSLIM AID UK.
Howshaan
oo laga billaabay Isbitaalka Indhaha ee Al-Nuur
ayuu uga warbixiyay Agaasimaha Isbitaalka
Indhaha ee Al-Nuur Dr. C/risaaq Axmed Dalmar
howsha ay qabanayaan iyo muddada ay
soconayso, isagoo si weyn uga warbixiyay
qaabka ay howsha u wadayaan muddada ay
socoto.
“Mashuurcaan
oo laga bilaabay Isbitaalka ayaa waxaa loogu
talo galay ka hortagga indho la’aanta
caruurta, iyadoo indha loogu daweynayo
looguna fiiqayo caruur gaaraysa 10-kun oo
cunug kuwaasoo ay da’doodu ka yar tahay
15-sano” ayuu yiri C/risaaq Axmed Dalmar,
wuxuuna intaas sii raaciyay: “Mashruucaan
ayaa wuxuu yahay mid leh laba weji, iyadoo
wajiga 1-aad uu yahay mid lagu baarayo indha
caruurta 10-kun gaaraya, iyadoo sidoo kalena
wajiga labaad uu noqon doono mid qalliin
ah”.
Sidoo kale mar uu ka hadlayay howsha iyo
qaabka ay noqonayso ayaa yiri: “Caruurtii u
baahda qalliin, waa la qalayaa iyadoo laga
saaryo xuubka saaran indhahooda, si aragga
dib ugu soo laabto, wuxuuna mashruucaan
socon doonaa muddo laba billood ah”.
Dr. C/risaaq Axmed Dalmar Agaasimaha
Isbitaalka Indha ee Al-Nuur ayaa sheegay in
mashruucaan loogu fiiqayo indhaha looguna
daweynayo caruurta ay tiradoodu gaarayso
10-kun uu yahay mid lacag la’aan ah isla
markaana loogu daneynayo caruurta ay indho
la’aanta hayso.
“Ujeeddooyinka
aan ka leennahay Mashruucaan ayaa waxay
tahay in indhaha laga daweeyo 10-kun oo
caruur ah, sidoo kalena aan indhaha u fiiqno
200-caruur ah, howshaan oo dhanna waa mid
lacag la’aan ah, sidaan la soconnana
caruurta waa ka duwan yihiin haddii ay indho
beelaan dadka waaweyn, maadaama cimrigoodu
waqti dheer uu noqon karo, waxay culeys ku
noqon karaan qoyskooda” ayuu yiri Dr. Dalmar
oo intasa ku daray: “Sababaha ugu weyn ee
howshaan u fulinayno waa in caruurta indhaha
loo fiiqo lagana hortago indho la’aanta
caruurta”.
Howshaan ayuu sheegay Dr. Dalmar inay tahay
mid ka soconaysa Isbitaalka Indhaha ee Al-nuur
gudahiisa iyo sidoo kale xerooyinka dadka
soo barakay oo aan awoodda u lahayn inay
baabuur u soo raacaan isbitaalka.
“Baaritaanka,
qalliinka, daweynta indhaha, Sheybaarka iyo
Ookiyaalaha dhammaantood waa lacag la’aan
waxaan daboolay Qarashaadkii ku bixi lahaa
Isbitaalka Indhaha ee Al-Nuur iyo Hay’adda
MUSLIM AID UK” ayuu yiri Dr. C/risaaq Axmed
Dalmar agaasimaha Isbitaalka Indhaha ee Al-Nuur
oo maanta saxaafadda ugu warramay xarunta
Isbitaalka Indhaha ee Al-Nuur.
Ugu dambeyntii wuxuu sheegay in Dr. Dalmar
inuu u mahadcelinayo Hay’adda MUSLIM AID UK
oo uu sheeagy inay howlo badan ka waddo
dalka, waxaana uu sheegay inay muddo dheer
markii ay wada hadlayeen inay ku qanciyaan
inay howshaan wax kala qabtaan.
Sidoo kale wuxuu sheegay in shaqaalaha
Isbitaalka Al-Nuur oo nasan jiray Maalmaha
Khamiista iyo Jimcaha ay ku badaleen taas
inay dadka ku nool xeryaha soo barakay ugu
tagaan goobahooda si ay baaritaanno indhaha
ah ugu soo sameeyaan.
Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)
xuurshe114@hotmail.com
Muqdisho-Somalia
Tel:002521-5573321
Faafin: Feb
18, 2007