DANMARK: Suldaan Qiilmawaaye oo soo dhoweeyay
Maamullada Jubbooyinka loo sameeyay
A. Abdullaahi | Denmark
Laga soo billaabo markii uu Madaxweynaha DFMG Mudane
Cabdullaahi Yuusuf uu u magacaabay maamulo gobollada
Jubbooyinka, ayaa waxaa soo baxayay baaqyo ka
imaanayay Jaaliyadaha ka soo jeeda
Jubbooyinka,iyagoo ka bixinayay aragtidooda ku
aaddan isbaddalladan cusub.
Haddaba,
waxaa noo suurtogashay inaan la kulanno Suldaan
Maxammuud Saciid Qiilmawaaye oo isagu ka soo jeeda
Gobolka Jubbada hoose, isla markaasna ka mid ahaa
ganacsatadii Soomaaliya caanka ahaa ayaa si weyn
isagu u soo dhoweeyay baaqii madaxweynaha ee la
xiriiray guud ahaan dib-u-heshiisiinta soomaalida
dhexdeeda, sidoo kalena wuxuu Suldaanku si diirran
ugu soo dhoweeyay maamulka dhowaanta loo magacaabay
guud ahaan gobollada Soomaaliya, gaar ahaan
Jubbooyinka.
”waan soo dhoweynayaa baaqa dib u heshiisiinta ee uu
madaxweynuhu ugu yeeray guud ahaan soomaalida
dhexdeeda, soomaalida way ka daashay dagaal iyo
colaad, waxaa la gaaray waqtigii soomaalida ay
heshiin lahaayeen, waxaana la gaaray waqtigii aan
dib u soo celin lahayn qarankeenii iyo sharaftii ay
lahayd dadkii soomaaliyeed, si kal iyo laab leh
ayaan u soo dhoweynayaa maamullada laga sameeyay
gobolladda jubbooyinka” ayuu yiri Suldaanku oo ku
sugnaa dalka Denmark wixii ka danbeeyay sannadkii
1995-kii, isla markaasna wax ka dhiga kana
talo-bixiya arrimaha waxbarashada ee Dugsiga hoose/dhexe
ee ku yaalla magaallada Odense.
Suldaan Maxammuud Qiilmawaaye ayaa walaac daran ka
muujiyay qaraxyada iyo degganaansho la’aanta ka
jirta koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan magaallada
Muqdisho, wuxuuna isagoo ka hadlaya arrintan yiri:
”garan maayo waxa ay ka macaashayaan kuwa dhibaatada
iyo colaadda la sii daba-jooga soomaalida
tabaalaysan, yey maslaxad ugu jirtaa maatada ku
dhimanaya maalin kasta magaallada Muqdisho, waxaan
qabaa in dowladda lagu taageero guud ahaan dhismaha
dalka iyo soo celinta nabadda” ayuu yiri suldaan
Qiilmawaaye oo tilmaamay in sannadihii 16-ka sanno
ay noogu filan yihiin waayo-aragnimo iyo cashar
dadka caqliga u saaxiibka leh ay wax ku fahmaan.
Suldaan Qilmawaaye ayaa muujiyay ahmiyadda ay
dhammaanteen noogu fadhido in la helo dowlad
soomaaliyeed, nidaam iyo kala danbeyn buuxda, si aan
u gaarno mustaqbalka dhow nidaam doorasho xor ah.
Ugu danbeyntii, wuxuu suldaanku u soo jeediyay
Jaaliyadaha ka soo jeeda gobollada Jubbooyinka inay
markasta gobolladaas la garab istaagaan taageero
buuxda, isagoo dhinaca kalena uga mahad celiyay
sidii quruxda badnayd ee ay u soo dhoweeyaan una
taageereen guud ahaan Dowladda FKMG iyo maamulladii
dhowaanta halkaas loogu magacaabay, kana
digtoonaadaan kuwa markasta diiddanaa nidaam iyo
kala danbeyn inay dadka Soomaaliyeed helaan.
A. Abdullaahi
Denmark