Muraayo Nuur Cali oo
Gaartey Minnesota, Halkaas oo lagu Daaweyn doono..
- Rajada
Nolosha Gabar Soomaaliyeed oo 11-jir ah ayaa Dib
u Soo laabatay...
 Soomaali
tiro badan oo Sita Caleemo qoyan iyo boodhan ay ku
xardhan yihiin erayo Xanbaarsan Dareen soo dhaweyn
ayaa Isu Habar wacday si ay u soo dhaweeyaan Muraayo
Nuur Cali.
Afar Sano kohor ayeey aheed markii Koox Waxma garata
ah oo Hubeesan ay afduub teen Muraayo Nuur Cali oo
Xiligaa jirtay 6sano Kadib mar kii ay ka soo baxday
gurigeeda oo ku yaalay Xaafada Waabari ee magaalada
Muqdisho.Iyada oo markaa Qoys keeda u doon tay in ay
Sonkor uga Soo gado tukaan ku yaalay Xaafadooda.
Muraayo Nuur Cali Waxay kala kulantay Dablaydii
Afduubatay Khibradii ugu Xumeeyed ee Abid soo marta
6jir Soomaaliyeed inta la ogyahay Taarhiikh da.Iyaga
oo ay Nimankaa Hubeysani kula kaceen KUFSI aan loo
aabo yeelin.
Muraayo waxay gacanta ugu jirtay Budhcada af
duubatay muda 3sano ah, iyaga oo si naxdin leh u
kufsanay maalin kasta ilaa ay uga tageen Meyd
ahaan.Nasiib wanaag’se waxa la helay iyda oo nool
waxaan a lagu soo ceshay gacantii Waalid keed.
Dadaal dheer iyo rajo raadin xoog le ka dib Muraayo
Waxay maalintii Isiinta ee bishu aheed Feb 19,2007
5tii maqrinimo ka soo dagtay Madaarka Magaalada
Rochester, Minnesota ee dalkan Makeekanka iyada oo
lagu siday Diraaday khaas ah oo ka soo qaaday
Magaalada Washington D.C.
Imaanshaha Muraayo waxa suurta galiyay Qoys
Soomaaliyeed oo dagan magaalada Rochester, kadib
marii ay xaaladeeda ka barteen aalada Internet ka oo
lagu soo ban dhigay xaalada Caafimaad daro ee soo
wajahaday Muraayo Nuur Cali oo dhaqaatiirta
Soomaaliya iyo Africaba Xaqiijiyeen in Dhaawaceedu
halis xoogle yahay isla markaana aan wax looga qaban
Karin dalka Gudihiisa.
In kasta oo muraayo la soo Dagtay Dhoola cadeen
balse way ka muuqatay Diifta Rafaadka la soo
marsiiyay.Walow Soo dhaweeya yaashu ,Muraayo madaxa
u saareen Taashka Boqortooyada hadana waxay u qalan
tay uun, qaado mugeed waxa ka masixi kara qalbi
jabkii loogeystay Saqiiradan aan waxba galabsan.
Mar aan aabeheed Nuur Cali oo la socday waydiiyay
Dhibka ugu daran ee haatan haysta Muraayo waxa uu ii
sheegay in ay yihiin Dhaawicii oo aan wali Bugsan
iyo Maskaxda Gabadha oo wax gaareen naxdin tii
awgeed.
 Fursadan
qaaliga ah in ay hirgasho waxa is ka kaashaaday
Qoyska Soomaaliyeed, Qoskaas oo doorbiday in aan
magacooda hada lagu soo bandhigin Saxafada, Mayo
Clinic oo kafaalo qaaday Dhamaan Daryeekeeda
Caafimaad, Mar aan wax ka weydiiyay inta ay
qaadanayso Daryeelka caafimaad ee wax loogu qabanayo
Dhibanahan ? Andrea Seymoursonnier oo ka tirsan
Saraakiisha Mayo Clinic waxay ii sheegatay in ay
qaadan karto ilaa 2sano inta guud ahaan lagu daween
karo Muraayo xitaa marka lagu daro dhamaan
Qalitaanka ay u baahan tahay.
waxa kale oo qeyb ka qaatay Xafiiska Senator Norm
Coleman oo ka tirsan Aqalka Odayaasha oo isagu u
hawl galay Da’da jinta iyo Fududeenta Dalku
galka(visa) wadanka America iyo waliba Hayaada
Women’s Hope (Rajada Dumarka) oo iya guna kafaalo
qaaday dhamaan qarash ka ay ku timi ee dhinaca
Duulimaadka.
Amina Costello oo ka tirsan urur Soomaaliyeed ee la
yiraahdo Somali Women Civil war survives ayaa ii
sheegtay in ay usu soo abaabulen sidii ay dareenka
murugo iyo kan farxadeed ba ula qeybsan lahaayeen
Muraayo Nuur .
Daqiiqado kahor intii aanay Soodagin muraayo waxa
goobtaas hadalo guubabo iyo dhiiro galin ah ka
jeediyay Cabdicazis Gacal oo muujiyay sida uu ugu
faraxasan yahay Fursada 2aad ee Dhibanahan heshay.
Waxaa isaguna haadalo kooban ka sheegay Maxamuud
Wardheere oo ka socday xafiiska Senator Coleman oo
shaaciyay hawshii loogalay xal u helida imaanshaha
Muraayo. Isla goobtaas waxa hadal Dhiiro galin ah ka
jeediyay Gudoomiyaha Jaaliyada Soomaalida Rochester
(Somali Community Resettlement Inc) oo isaguna balan
qaaday in ay qeyb libaaxle ka qaadan doonaan Soo
dhaweynta iyo Dib u dajinta Muraayo iyo aabeheed
Nuur Cali.
 Ugu
danbeentii waxa halkaas Muraayo aabeheed lagu gudoon
siiyay deeq lacageed oo ay ku deeqeen Haweenka
Magaalada Minneapolis waxaana gacanta u gashay Ugaas
Cumar Xiiray oo ka mid ahaa idheergarad kii ka soo
qayb galay Soo dhaweenta.
Aqoon yahanadii iyo dadkii kale ee caanka ahaa ee ay
wajiyadoo du ii muuqdeen waxa ka mid ahaa Fanaanada
Sahra Siyaad, Xaawo Ayeeyo, Aqoonyahan Sheekhnuur
Abuukar Qaasim, Ahmed IIkar Jesto oo ka socday
Haayada Daryeelka Caruuta.
Muraayo Nuur Cali waxay ka mid tahay Malaayiin
Dhibane kale oo soomaaliya oo aan wali Dhibkooda aan
lasoo ban dhigin in wax loo qabto iskaba Daaye.
Muraayo qofkii raba in uu taageero waxa uu deeq
lacageed ugu Dhigi karaa Bangi kasta oo Well Fargo
ah meel kasta oo uu aduunka kaga yaal adiga oo ku
hagajinaya
Murayo Trust Fund
Wells Fargo Bank
Account # 247-573-6001
Rounting # 091000019
Abdifatah Mohamed Abdinur
RSTV Rochester MN
abdifatah_7@hotmail.com
Feb 5, 2007
MURAAYO OO HESHAY
IN LAGU DAAWEEYO DALKA MAREYKANKA.
Xarunta
COGWO oo inta badan qaabilsan haweenka ayaa lagu
qabtey xaflad lagu sagootinaayey Muraayo Nuur Cali
oo aheyd gabar saddax sano ka hor magaalada Muqdisho
kufsi loogu geystey.
Waxaana sagootintaani u sameeyey Hayadda COGWO
waxaana ka qeyb galay masuuliyiinta hayadda COGWO,
hayaddaha samafalka qeybaha kala duwan ee bulshada
rayidka. Halkaasi oo ugu horeyn warbixin ku saabsan
xaalada Muraayo ka soo jeedisey Agaasimaha Hayadda
COGWO Nuurto Sheekh Axmed oo sheegtey in gabadhaani
la kufsadey 3/ March /2002-da 11,00 AM waxaana
kufsadey nin,oo gabadhaasi u geystey dhaawac halis
ah asagoo isku furey kaadida iyo saxarada.
Intii ay warbixinta ay jeedineysey Marwo Nuurto ayaa
dadkii ka qeyb galay aad uga naxeen dhibaatada loo
geystey gabadhaani ayna sheegtey in mudadii ay
gabadhaasi ay xanuunsaneyd ay xanaaneeyteeda ay qeyb
weyni ka qaadatey hayadda COGWO.
Nuurto waxay sheegtey ini ay jaaliyada Soomaali ee
ku nool Minnesota ay u fidiyeeyn gargaar balaaran oo
keenay in gabadhaasi loo qaado dalka Mareykanka
waxaana lagu daaweynayaa Muraayo isbitaalka la
yiraahdo Mayo Clinic Rochester waxayna ay sheegtey
Nuurto in si gaar ah ay gacan ugu geysteen qoys
Soomaliyeed oo is qaba iiyo haweeyney kale oo
Mareykan ah.
Nuurto Sheekh Maxamed waxay sheegtey in jaaliyada
Soomaliyeed ee Mareykanka ah ay balan qaadeen in ay
bixinayaan qarash ku baxaya Muraayo iyo aabaheed
Nuur Cali inta ay ka tagayaan dalka Mareykanka.

Nuurto waxay u mahad celisay intii gacanta u
geysatey gabadhaasi waxayna si gaar ah u
mahadcelisey Bahda warbaahinta gaar ahaan kuwii
gaarsiiyey dhibka gabadhaasi Soomalida dalka
dibadiisa iyo gudahiisa sida Yaasmiin Mayow Maxamed,
Amiin Yuusuf Khasaaro, Salaad Iidoow Maxamed (Xiis)
iyo Qamar Salaad.
Xasan Sheekh Maxamed oo ah masuuliyiinta CRD oo ka
Hadley sagootinta Muraayo ayaa waxaa uu u mahad
celiyey dhamaan intii gacanta ka geysatey helitaanka
daawada Muraayo.
Waxaa uuna hayadda COGWO gudoonsiiyey lacag gaareysa
1500 oo doolar oo ay iska soo aruuriyeeyn shan
hayadood.
Waxaa kaloo halkaasi ka Hadley Aabe Nuur Cali oo ah
aabaha dhalay Muraayo waxaa uuna u mahadceliyey
Jaaliyada Soomaliyeed ee ku nool Mareykanka gaar
ahaan Minnesota iyo intii kale gacanta ka geysatey
gabadhaasi inay badbaadiyaan.
Gabadhaani ayaa waxa baaritaan ku sameeyey dhowr
dhaqaatiir oo dhamaantood qaabilsan cudurada
haweenka oo dhaamantooda sheegay in dalka gudihiisa
ee aan waxba looga qaban Karin xanuunka haaya
Muraayo waxaana Muraayo hore u sii raacaayo xubin ka
tirsan hayadda COGWO.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin:
SomaliTalk.com | Feb 5, 2007
Agoosto 2006
Muraayo Nuur Cali oo 10 sano
jir ah waxay la xanuunsaneysaa dhaawac culus oo ka soo
gaaray nin kufsaday iyadoo 6 sano jir ah...
Goor Barqo ah ayaa Muraayo
Nuur Cali oo xiligaas 6 sano jir ahayd waxaa kufsi fool xun
u geystay nin ku sasabtay lacag duuduuban oo uu gacanta ku
heystay xili ay reerkeeda dukaan wax uga soo iibineysay,
kaasi oo si qasab ah u xoogay, kadibna isu faruuray.
Ninkaas arxanka daran
markii uu gabadha sabiga ah sidaas u galay wuu ka cararay,
waxayna Muraayo N. Cali ka soo baxday iyadoo oyneysa oo
dhaawac culus ah guri jajaban oo ku yaala Demada Waaberi,
gaar ahaan Buundada koowaad hoosteeda, dhiig badanna ka
socdo, kadibna waxay dadkii deriska ula carareen goob ay ku
ogaayeen Haweeney Umuliso ah bal si ay cirbad dhiig joojin
ugu dhufato ama ay wax uga qabato dhaawaceeda, hayeeshee
Umulisadii waxay sheegtay in dhaawaca gabadha gaaray uu
culus yahay, isla markaana aysan waxba ka qaban karin.
Kadib waxaa loola cararay
Dr. Ibraahim Gaandi oo ka howlgala Isbitaalka Al-Furqaan ee
Magaalada Muqdisho, mar kale ayay arrinta sii murugtay kadib
markii uu dhaqtarka sheegay in dhaawaca uu culus yahay, isla
markaana uusan waxba ka qaban karin, hayeeshee waxaa uu u
qoray dawo dhaawaceeda lagula tacaalay iyo warqad uu ku
cadeynayo dhaawaca gaaray iyo in aan dalka gudahiisa wax
looga qaban karin.
Gabdhan sabiga ah waxaa
kiiskeeda gacanta ku hayo Dalladda Haweenka COGWO oo
Muqdisho ka howlgasha, waxayna ku wadaan nafaqeyn si
jirkeeda u soo koro, waxayna soo hayeen muddo 4 sanadood ah
oo ay daweyn la raadinayeen ilaa aakhirkii ay dhaqaatiirta
ku takhasusay Cudurrada Haweenka ay u sheegaan in ay Muraayo
Yarey u baahan tahay Qalliin iyo daweyn lagula soo sameeyo
dalka dibaddiisa.
Aabaha dhalay Muraayo oo
lagu magacaabo Nuur Cali ayaa sheegay in gabadhiisa markii
uu dhibka gaarayay loo diray saliidda cuntada lagu kariyo,
wuxuuna sheegay in markii ay gabdhiisa sii maqneyd muddo 30
daqiiqo ah uu maqlay dad ku qeylinaya magaciisa “Nuur…Nuur”,
kadibna markii uu guriga dibadda uga soo baxay uu arkay
gabadhiisa oo la sido, dhiig badanna uu ka baxayo.
Si kastaba arrintu ha
ahaatee, Qoyska gabadhan waa mid danyar oo hadana aan ka mid
ahayn beelaha hubeysan haddiiba ay xaqooda xoog ku raadsan
lahaayeen. Sidaas darteed cid kasta oo gacan ka geysan karta
in gabadhan daweyn dibadda ah loo helo, waxay la xiriiri
kartaa ciddii caaweineysa Dalladda Haweenka COGWO oo lagala
xiriiri karo.
Drs. Nuurto Shiikh Maxamed
Tel: 002521-280889
E-mail:
nurtabella@yahoo.com
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com ama
amiinkhasaaro@yahoo.com
Aug 2006


|