Baaq
ay soo saartay beesha Absame ee ku nool Sweden.
Shir iyo kulamo faro
bdan oo ay yeesheen aqoonyahanada, culumo udiinka ,
waxgaradka iyo haweenka beelwaynta Absame, ayaa lagu
lafo guray sida looga arinsan lahaa xaalada cusub ee
Somaaliya.
Shirkaas kadib waxay
beeshu soo saartay go'aano iyo baaq, sidaan ayayna u
qoreen.
Kadib markii umadda
Soomaaliyeed ay aayeheeda ka tashatay iskana
wareejiyeen gaalo raacyadii iyo jaajuusiinta cadawga
caadaystay dhiiga iyo ka ganacsiga ummada ayaa
cadawgii ay u shaqaynayeen is qarin waayay
barqocadna soo badheedhay taasoo marqaati madoonto u
noqonaysa inaan cadawgu doonaynin nolosha iyo
horumrka umadda Soomaaliyeed.
Hadaba hadaan nahay
Beelwaynta Absame waxaan soo saarnay go'aanadaan.
-
Beesha Absame oo ah lafdhabarka
halgan kasta ee umadda soomaaliyeed la gasho
cadawga kala duwan ee umadda Soomaaliyeed, ayay
beeshu go'aan ku gaartay in ay sii xoojiyaan kor
u qaadida halganka xoreynta Soomaaliya oo dhan,
islamarkaana ay la shaqeeyaan dhamaan cid kasta
oo isku taagta midnimada iyo xoreynta umadda
Soomaaliyeed.
-
Beesha Absame ma aqoonsana wax
dawlad ah ee ka jirta geyiga Soomaliya balse ay
jirto duulaan qaawan oo ay soo qaaday xabashida
soona adeegsatay caade qaatayaal magac
Soomaaliyeed wata.
-
Beesha Abasme waa ka soo
horjeedaa kala qaybinta umadda soomaaliyeed
sidoo kalena magac u bixinta hadba ninka ay
xabashidu ku dilayso ummada Soomaaliyeed. Sidaas
awgeed wax wada dhalad naga dhexeeya ma jiraan
C/laahi yuusuf iyo waxa raacsan marba hadii aan
ku kala tagnay kitaabka Allaah iyo sunada
Rasuulkeena sharafta badan (CSW).
-
Beesha Abasame way ka
dhiidinaysaa xasuuqa lagu hayo umadda
soomaliyeed meel kasta oo ay joogto, iyadoo
xasuuqaan uu qarniyaal ku socday umadda
soomaaliyeed.
-
Waxaan ugu baaqaynaa umadda
Soomaaliyeed inay iska difaacaan cadawga
gardarada ku haya dhawrtaana sharaftooda iyo
midnimdooda kana digtoonaadaan dhagaraha cadawgu
u maleegayo. Guushana waxaa helaya xaq u dirirka
iyo ninka dhulka u dhashay.
-
Beesha absame aqoon fiican ayay u
leedahay dhaqanka xabashida iyo dadka ay ku
shaqaysanayso sidaa daraadeed waxaan umadda
soomaaliyeed u sheegaynaa in xabash uusan soo
kordhinaynin hormar iyo nolol ee waxa laga
dhaxlayo ay tahay bur bur iyo in laysku diro
iyaga dhexdooda. Inkastoo cadaw uusan kala
roonayn hadana xabashida taariikh madaw ayay
umadda Soomaaliyeed ku leedahay, marnaba ku
naaloonmayaan dhulka soomaaliyeed.
-
Beeshu Waxay
aaminsantahay in la gaadhay xiligii Soomaali
midoobilahayd gumaystahana gabalkiisu dhacay,
lana gaadhay xiligii la dulaysan lahaa.
-
Darajada Xabashi bixiso ee ugu
sareysa waa jaajuus, waxayna isku dishaa
jaajuusiinta dhexdooda, sidaa awgeed kan la
socda iyo kan aan la socon waa isugu mid.
-
Xabashida iyo waxa
raacsan hoog iyo halaag ayay ku danbayn doonaan
aduunka inta la jooga aaqirana ciqaab iyo caro
Allaah ayaa u danbaysa.
-
Hababa waxaan umadda Soomaaliyeed
ugu baaqaynaa inay taageeraan walaalahooda
dagaalka kula jira cadawga umadda Soomaaliyeed
islamarkaana maskax, maal iyo muruqba ka qayb
qaataan. Maantay wax noo hadhay malaha wax aan
dhawrayno oo aan ahayn inaan ku dhimano wadada
xaqa ahna majiraan.
-
Cadawgu wuxuu qorsheynayaa inuu
xasuuq ba'an u geyso umadda soomaalyeed gaar
ahaan meelaha laga diidan yahay, hadaba ummadda
waxaan ugu baaqaynaa inay ku jihaadaan oo iska
celiyaan duliga lala maagan yahay. Waxaan ugu
baaqaynaa beelaha Soomaaliyeed ee beenta loo
sheegayo inay walaalohood garab istaagaan
dagaalkana la galaan.
-
Ugu danbayn Beeshu
waxay taageersatahay cid kasta oo u gargaarta
Kitaabka Allaah doonaysana inay ku xukunto
dalka.
Qoraalkan oo ay ku saxiixnaayeen 42 qof, waxaa
lagala xiriiri karaa: Jaamac Maxamed Email:
jmaxamed@gmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Feb
22, 2007
USA: Duqa Magaalada Macon ee
Gobolka Georgia oo Islaamka soo galay...
Duqa magaalada MACON, ee
gobolka Georgia ee dalka Maraykanka ayaa soo Islaamay,
waxana uu dadaal ugu jiraa sidii uu magaciisa si sharci ah
ugu bedeli lahaa Hakim Mansour Ellis.
Hakim Mansour oo da'diisu
tahay 61-jir, oo ku dhashay magaalada Macon waxa lagu soo
koriyey diinta Kirishtaanka, waxana uu sheegay in uu yahay
Sunni Muslim, waxana intaas ku daray in uu diinta Islaamka soo galay
bishii December 2006 mar uu booqday dalka Senegal ee qaarada
Afrika, halkaasna xaflad loogu dhigay.
Warkan oo dhan ka akhri halkan...


|