WAREYSI CABDISHUKRI
CALI XIRSI
Cabdishukri Cali Xirsi oo Cambeereeyey madaafiicda
ay ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ku
Garaacayaan Shacabka reer Muqdisho

Cabdishukri Cali Xirsi |
"...Waxaan
u arkaa imaashaha ciidamada Afrikaanka ah ee dalka
ku soo fool leh in aysan soo dhaweyn la kulmi doonin
hadii aysan ka laaban hadafka ay hadda ku socdaan oo
ah in garab siinayaan Dawladda Cabdulaahi Yuusuf...." Cabdishukri
Wararysiga waxaa
qaaday: Muuse Maxamuud Jiisow
Waxaa
inuu suuro gashay inaan wareysi la yeelano
guddoomiyaha ururka SNCP (Somali National Congress
Part) Cabdishukri Cali Xirsi isla markaana ka mid
ahaa xubnihii aas aasay isbaheysigii la
dagaalanka "argagixisada" iyo soo celinta nabadda
kaasoo ay u badnaayeen hogaamiyeyaashii kooxaha,
wuxuuna Cabdishukri haatan ku sugan yahay dalka
Mareykanka, wareysiguna wuxuu u dhacayaa sidatan:-
Mudane guddoomiye, sideed
u aragtaa isbedelka ka dhacay dalka, gaar ahaana
caasimada Muqdisho.?
Isbedelka ka dhacay magaalada Muqdisho waa mid
shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ay aad u soo
dhaweeyeen kuna farxeen imaashaha dowlada kumeel
gaarka oo ay filanayeen in ay wax badan u qaban
doonta shacabkeeda oo nabadii iyo dowladni-madii iyo
bilicdii magaaladii ay soo celin doonta, laakiiin
farxadii iyo rajadii ay reer Muqdisho ka qabeen
Dawlada federaalka waxay isku bedeshay murugo iyo
filanwaa, waxayna halkii ay wax tari laheyd
shaacbkeeda ugu abaal guday in ay madaafiic iyo
Rasaasta waaweyn ee BM-ka oo aan loo aabo yeelin
lagu garaaco dhamaan xaafadaha magaalada Muqdisho
iyadoo lagu marmarsoonayo in ay ku ridayaan burcad
hoobiyaal kaga soo riday meeshaas oo laguna
xasuuqayo shacabkabka maatada ah oo awalba
tabaaleysanaa. haddana qax iyo barakac cusub u
bilaabatay. Halkaa waxaa shacabka reer Muqdisho ay u
arkeen qabiil ka yimid gobolada waqooyi bari oo la
magac baxay PUNTLAND oo hadda huwan magac Dawladeed
oo haddana u tafaxeytay inay ugaarsadaan shacabka
reer Muqdisho oo u badan qabiilka Hawiyaha, oo
aanooyin horey kala dhaxeysey, sidaasina waxaa
daliil u ah madaafiicda iyo BM-ka oo sida macna
darada ah loogu ridayo xaafad kastoo magaalada
Muqdisho oo aan la kala jecleyn cidda ay ku dhacayso.
Waa nasiib daro u soo hoyatay reer Muqdisho.
Sideed
u aragtaa wiiqidii awoodooda la wiiqay golihii
maxkamadaha islaamka ee mudada 6-da bilood ah ka
talinayay gobolada Koonfureed, nabaddana islaaxiyay,
sidoo kalena wiiqay awoodii hogaamiye kooxeedyada.?
Wiiqidii lawiiqay golihii Maxkamadaha waxay ahayd
arrin masuuliyiintii maxkamadaha ay sabab u ahaayeen
kadib markii ay Itoobiya daan daansadeen kuna
dhawaaqeen JIHAAD ka dhan ah dowladdaas, sidaasina
ay Itoobiya u aragtay qatar ku soo fooleh oo ku
qasabtay in ay kala hormaraan weerarka sidaasina
lagu wiiqay awoodi golihii maxkamadaha. Dawladaha
Geeska Afrika iyo Calaamkaba waxay u arkeen Golaha
Maxkamadaha in ay yihiin qolo mintidiin ah oo qatar
ku ah deganaasha caalamka.
Wiiqidii la wiiqay hogaamiyeyaashi Muqdisho oo ka
tirsanaa Isbahaysiga Nabad soo celinta iyo La
dagaalanka Argagaxisada waxay ahayd nasiib daro
laakiin guusha iyo guuldarada markasta halqolo ayey
raacilahayd, sidaasna waxaa dagaalkii ku guuleystey
Maxkamadaha Islaamka guuldaradiina waxay raacday
Isbahaysiga .
Sideed
u aragtaa soo gelida dalka ee ciidamada Itoobiya.?
Soo
gelitaanka ciidamada Itoobiyaanka dalka Soomaaliya
waxaa weeye guul u soo hoyatey Itoobiyaanka, baal
taariikh madoowna ay u gashay Umadda iyo Qaranka
Soomaaliyeed. Waana wax aad laga xumaado. Laakiin
waxaas oo bahil ah waxaa ay dusha u saarantahay
Maxkamadaha Islaamka oo sabab u noqday in ay
ciidamada Itoobiyaanka ay dalka Soomaaliya soo
galaan. Waana waxa ay hogaamiyayaasha Isbahaysiga La
dagaalanka argagixisada ay hortaahnaayeen in aysan
dawlado shisheeya ay soo gelin dalka ayagoo leh
waxaan daba joognaa xubnaha Al-qaacida oo ku sugan
Soomaaliya sidaasina lagu aas aasey Isbahaysigaas,
si uu hawshaas isku xilqaamo oo ah raadinta xubnaha
Al-qaacida oo lagu tuhun sanaa in ay ku
dhuumaaleysanayaan Muqdisho. Waxaa kaloo u sahashay
in ay ciidamada Itoobiyaanka ah in ay soo galaan
dalka tala xumida iyo seef laboodnimada ay ku
dhaqaaqeen Masuuliyiinta Maxkamadaha oo ay ku
dhawaaqeen in ay JIHAAD ku qaadayaan dawlada
Itoobiya taasina ay dawlada Itoobiya u aragtay in ay
Maxkamadaha ay qatar ku yihiin ayaga sidaasina ay
qasab ku noqotay in ay iska difaacaan oo taladana
laga xayuubiyo Maamulkii Maxkamada Islaamka.
Isbaheysigii la dagaalanka argagixisada ee aad ka
mid aheyd xubihii aas aasay halkuu ku dambeeyey,
rajase ma ka qabtaa inuu dib u soo laabto.?
Xubnaheeni Isbahaysiga La Dagaalanka Argagixisada
Bashiir Raage Shiiraar, Cabdirasiid Shire Ilqeyte
iyo Anigoo ah Cabdishukri Cali Xirsi mooye, intii
kale waxa ay ku sugan yihiin Soomaaliya.
Isbahaysigeeni ma ahayn xisbi siyaasedeed oo wuxuu
ahaa Isbahaysi ay ku midoobeen rag masuuliyiihiin
hilkas ah oo rabey in ay isku xilqaamaan sidii ay u
ugaarsan lahaayeey xubnaha Al-qaacida ah ee lagu
tuhun sanaa in ay ku dhuumaaleysanayaan wadanka
Soomaaliya si looga badbaado waxa hadda ka taagan
Soomaaliya oo in ay ciidamada Itoobiyaanka ay
qabsadaan dalka Soomaaliya.
Sideed
u aragtaa madaafiicda ciidamada dowladda Itoobiya
iyo kuwa Soomaaliya ay ku ridayaa xilliyada
habeenkii ah shacabka Gobolka Banaadir oo ay ku
eedeynayaan in agagaarahooda looga soo tuuray
hoobiyeyaal.?
Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Soomaaliya madaafiicda
ay ku hayaan habeenkasto shacabka Gobolka Banaadir
oo ay sabab uga dhiganayaan in ay u jawaabayaan
hoobiyaayasha agtooda lagu soo ridayo, waa
masuuliyad xumi ayaga haysata oo ay aysan kala
jecleen kuwa hoobiyaasha soo tuuraya iyo
shacabweynaha masaakiinta ah ee reer Muqdisho oo ay
xasuuqa ku hayaan. Waxay ahayd in ay Dawlada
Federaalka ay ka shaqeysa daryeelka dalka iyo dadka
ay Dawlada u tahay, laakiin in ay xasuuqdo ma ahayn,
markaas waxaa la isweydiinayaa Dawlada Federaalka
yeey Dawlad u tahay, ama u noqoneysaa.?
Ma la
oran karaa waxaa ka dhalan kara arrintan kacdoon
dadweyne, oo la mid ah midkii lagu saaray
hogaamiyeyaashii isbaheysigii la dagaalanka
argagixisada oo aad adigu ka mid aheyd.?
Xamar
kacdoon shacab kama dhicin. Dagaalna kama dhaxeyn
Isbahaysiga Nabad soo celinta iyo La Dagaalanka
Argagixisada iyo shacabka ku dhaqnaa Muqdisho. Ee
dagaalka wuxuu dhaxmaray Isbahaysiga iyo ragii
sheegtay Maxkamadaha Islaamka. Kacdoon shacab baa ka
dhacay Muqdisho waxa ay ahayd aalad borobogaando ah
oo ay adeegsadeen ragii Maxkamadaha Islaamka
sheegtey. Laakiin hadda hadii tala xumida lagu
xasuuqayo shacabka reer Muqdisho ay sidaa ku sii
socdaan waxaa ay u badan tahay in ay halkaas ka
dhalato kacdoon shacab oo rasmi ah ayagoo
sharaftooda iyo maalkooda ka difaacaya qolooyinka
aar goosi doonka ku yimid koonfurta Soomaliya oo
Muqdisho ugu horeyso.
Sideed
u aragtaa imaatinka ciidamada Afrikaanka ah ee dalka
ku soo fooleh, kuwaasoo qeyb ka noqon doona ciidamo
nabad ilaalin ah.?
Waxaan
u arkaa imaashaha ciidamada Afrikaanka ah ee dalka
ku soo fool leh in aysan soo dhaweyn la kulmi doonin
hadii aysan ka laaban hadafka ay hadda ku socdaan oo
ah in garab siinayaan Dawladda Cabdulaahi Yuusuf.
Dawladda Cabdulaahi Yuusuf way kasban weydey
kalsoonida shacabka Soomaaliyeed, sidaa daraadeed
laguma qasbi karo shacabka Soomaliyeed in ay Dawlad
aysan rabin in ay raacaan.
Sideed
u aragtaa Dib u heshiisiinta madaxweyne C/llaahi
Yuusuf ku baaqay iyo kaasoo ay ka maqan yihiin
xubnaha lagu tiriyo qunyar socodka ee golihii
maxkamadaha.?
Dib u
shiisiinta uu Cabdulaahi Yuusuf wado waa mid uu rabo
in uu ku marin habaabiyo bulshada caalamka oo
dhaqaale ku kasbanayo, lakiin uusan ahayn mid daacad
ka ah. Cabdulaahi Yuusuf wuu iska dhega tiray
baaqyada kala duwan ee ka imaanaya bulshada caalamka
ee ah inuu isku keeno dhamaan qeybaha kala duwan ee
ururada mucaaradka iyo bulshada Soomaliyeed si loo
helo Dawlad loo dhan yahay. Si markaa loo gaaro
hadafkaas waxaa loo baahan yahay in la helo gacan
sedexaad oo aan Soomaali ahayn oo u kala dabqaadda,
dhaxdhaxaadisana qabaa’ïlada iyo siyaasiyiinta
Soomaaliyeed oo aan is aamin ka dhaxeyn. Hadda
Cabdulaahi Yuusuf masiin mudnaan ama tix gelin
hogaamiyaashi Muqdisho oo weliba wuxuu ugu yeeray in
ay yihiin qabqablayaal dagaal, hadii nin siyaasi ama
mucaarad noqday uu noqonayo qabqable dagaal waxaa
halkaas jegadaas qabqable dagaal ku baramoosey
Cabdulaahi Yuusuf maadaama uu yahay asna qirsan in
uu yahay shaqsi ugu horeeyey oo mucaarad noqda
xabadii ugu horeysey-na ku riday Soomaaliya. Sidaa
daraadeed Qabqable Cabdulaahi Yuusuf qabqablayaasha
kale xaq uma soori karo waxbana uma ogola.
Ugu
dambeyntii maxaad ku talineysaa maadaama aad ka mid
tahay siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee da’da yar.?
Anigu
waxaa ku talin lahaa in Soomaaliya loo soo diro
ciidamo UN-ka ka socda oo ay Dawladaha Reer
Galbeedka ah hogaaminayaan ayagoo dhax dhaxaad ka ah
arrimaha siyaasadeed ee Soomaaliyeed oo aysan cidna
u hiilin. Hawsha ay qabanayaan ciidamada UN-ka waa:-
(1) In
ay dhamaan Soomaaliya min raaskambooni ilaa Zeylac
ay sugaan oo ay dhowraan soona celiyaan midnimada
dhuleed ee Soomaliya ay ka kooban tahay.
(2) In
ay hubkadhigis buuxda ku sameeyaan dhamaan gobolada
Soomaliya oo ay ka mid yihiin waqooyi galbeed oo la
magac baxday Somaliland, waqooyi bari oo lagac
baxday Puntland, Dawladda Federaalka oo lumisay
kalsoonida shacabkeeda.
(3)
Markii intaa la sameeyo, waa in loogu baaqaa in ay
Dawladda Cabdulaahi Yuusuf ay is casishaa maadaama
ay kasban weydey kalsoonida Shacabka Soomaliyeed.
Waxaa markaas abuurmaya jawi dhaxdhaxaad ah. Markaas
waxaa laga rabaa in ay qabanqaabiyaan bulshada
caalamka shirweyne Qaran oo dib u heshiisiineed oo
ah kii ugu horeeyey ibidkii ay bulshada caalamka ku
dhigaan dalka gudihiisa siiba magaalada Muqdisho oo
ay isugu yeeraan dhamaan qaybaha kala duwan ee
bulshada Soomaliyeed oo ay ka mid yiihiin
siyaasiyiinta, aqoonyahanada,culimada iyo ururada
bulshada oo loogu gogol xaarayo dhismo dawlad Qaran
oo ku timaada rabitaanka shacabka Soomaaliyeed oo
loo dhan yahay.
CABDISHUKRI CALI XIRSI waxa u hadda guddoomiye ka
yahay ururka la baxay SNCP (Somali National Congress
Part)
Faafin: SomaliTalk.com | Feb
23, 2007
USA: Duqa Magaalada Macon ee
Gobolka Georgia oo Islaamka soo galay...
Duqa magaalada MACON, ee
gobolka Georgia ee dalka Maraykanka ayaa soo Islaamay,
waxana uu dadaal ugu jiraa sidii uu magaciisa si sharci ah
ugu bedeli lahaa Hakim Mansour Ellis.
Hakim Mansour oo da'diisu
tahay 61-jir, oo ku dhashay magaalada Macon waxa lagu soo
koriyey diinta Kirishtaanka, waxana uu sheegay in uu yahay
Sunni Muslim, waxana intaas ku daray in uu diinta Islaamka soo galay
bishii December 2006 mar uu booqday dalka Senegal ee qaarada
Afrika, halkaasna xaflad loogu dhigay.
Warkan oo dhan ka akhri halkan...


|