Madaafiicda
Itoobiya weli ma i daba socdaan
W/D:
Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Muqdisho,
Soomaaliya
Sanadkii 1980-kii ayay
ahayd aniga oo dhiganaya Dugsi Dhexe, markii ay Diyaaradaha
Xabashidu nagu soo weerareen Magaalada Dhuusa-Mareeb oo
xarun u ahayd Ciidankii Xoogga Dalka Soomaaliyeed qaybtiisii
21-aad.
Diyaaradaha Xabashida Madaafiicdii ay tuurayeen waxay
khasaarooyin naf iyo maalba lahaa u gaysteen dadkii deganaa
halkaasi, waxaana xiligaasi bilowday inay dadweynuhu isaga
qaxaan Dhuusamareeb una cararaan dhulka Baadiyaha, waayo
waagaas ma jirin Tuulooyin iyo Degmooyin loo cararo,
sababtoo ah ciidamada Xabashida weerar ayay ku qaadayeen
degamooyinka gobalakasi.
Anigoo geed harsanaya ayaa waxaan sheekeysayay Wiil
Dhallinyaro ah oo aan iskuulka isla dhigan jirnay, markaas
ayaa waxa uu yiri “War ninyahow sidaan miyaa noo dambeysay,
oo cid naga difaaceysa ma jirto ciidamada Itoobiya”,
waxaanse ugu jawaabay, “Dowlad ayaan haysanaa iyada ayaana
naga difaaceysa”. Dhowr weerar markii ay nagu soo qaadeen
diyaarihii Xabashida Dowladdii waqtigaa waxa ay Dhuusamareeb
iyo degmooyinkii kalaba keentay hubka Difaaca Cirka, kuwaas
oo ku qasbay Diyaaridihii Xabashida in aysan haleyn meelihii
ay doonayeen in ay duqeeyaan. Habeenkii ayaa dadweynuhu waxa
ay raashinka iyo waxa ay u baahan yihiin ka soo doonan
jireen, waayo maalintii waxaa laga cabsi qabay duqeynta
diyaaradaha ciidamada Xabashida, waxayna dadku intooda badan
adeegan jireen habeenkii, mar ay soo dhow dahay Salaadda
Subax ayaa Magaalada laga kala carari jiray.
Waqtigaas waxaa laga joogaa 27-sano, xiligaas maskaxda kuma
heyn in ay Ciimada Itoobiya Muqdisho dadka Soomaaliyeed ku
garaaci doonaan, waxaana xaqiiqo ah in xiligaas qaxiii aan
bilaabay aan weli ku jiro, si aan uga gambado Madaafiicda
Ciidamada Xabashida.
Maanta, Dowlad Soomaaliyeed ayaa soo hor kacday Ciidamada
Xabashida, waxaana shacabka la yaab ku noqotay in marka
Madaafiic lagu tuuro Ciidamada Xabashida ay ka aarsadaan
bulshada kale ee rayidka ah, kuwaas oo ku garaaca qoryaha
waaweyn noocyadooda kala duwan, dhamaan mas’uuliyiinta
Dowladdana waxay sheegeen in ciidamada Itoobiya ay ku saxsan
yihiin in ay jawaab ka bixiyaan marka la soo weeraro, waa la
yaab in la arko Dowlad raali ka ah in ay dadkeeda laga
aarsado, waa mid ay Taariikhu qori doonto.Tusaale, Dalka
Ciraaq Ciidamada Mareykanka ee ku sugan waxaa maalin walba
lagu weeraraa xarumahooda, kamana aarsadaan dadka rayidka
ah, balse waxay baacsadaan kooxaha weerarada ku haya,
inkastoo Dowladda dalkaasi aan ilaa iyo hadda afkeeda laga
heyn in Bulshada laga aarsado, waxa ay gaystaan kooxo faro
ku tiris ah. Dadka Muqdisho waxa ay galeen waqti mugdi ah,
waxayna dadka qaarkiis yiraahdaan “Ha la yaabin, dadkaan
iyaga ayaa doortay in madaafiic lagu garaaco” waayo waxay
haysteen nabad iyo xasilooni waxayna dalbadeen Dhibaato iyo
xaq.
Ciidamada Xabashida waxay ka degan yihiin Magaalada Muqdisho
dhowr goobood, marka mid ka mid ah la weeraro dhamaantood
waxay bilaabaan in ay madaafiic ku garaacaan shacabka
Rayidka ah oo iyagu 16 sano la soo daalaa dhacayey Dhibaato
aad u fara badan.
Wasiirka Arimaha Gudaha Gacama Dheere oo shalay aan kula
kulanay Hotel Ambassador ayaa waxa uu saxaafadda ka dalbaday
in aysan buunbuunin qaxa dadka, haddaba wixii shalay dhacay
akhristo ma kuula muuqdaa mid la qarin karo, qasaaraha uu
gaystay?.
Qof marka uu mas’uul yahay oo uu arko bulshadiisa oo maalin
walba qasaaro naf iyo maalba leh soo gaareysa, waxa uuna
markiiba goostaa in uu iska casilo xilkaasi, hase yeeshee
mas’uuliyiinta Soomaaliyeed uma eka kuwo sidaasi yeeli kara,
dadkuna waxay is weydiinayaan waxa ku habsaday oo damiirkii
ka qaaday.
“Malaha Dowladdu waxay u timid ay dadka laydo, maxaa yeelay
waxaana sidaas ku leeyahay, haddii ay wax qabaneyso ama ay
amniga soo celineyso waxay ahayd in ay ciidamada Booliiska
iyo Milatariga koontaroolada Muqdisho soo dhigaan si ay
amniga u sugaan, basle taas ma aysan sameyn, oo xeryo inta
ay degeen ayay yiraahdeen, haddii nala tuuryeeyo waan
tuuryeyneynaa ciddi ka dambeysay, markaasna tuuryadoodii
waxay baabi’neysaa dad rayid ah, marka qof kasta oo caqli u
saaxiib ah waa uu fahmi karaa in aan dan laga laheyn dadka
rayidka ah” sidaas waxaa ku dooday wiil ka tirsanaa dadka
rayidka ah ee wax ka degan Xaafadda Shiirkole ee Degamada
Hodan.
“Ciidamada Itoobiya, ma ahan kuwo ka naxaya shacabka
Soomaaliyeed, waayo waa caddow soo jireen ah oo mudo dagaal
kala dhexeeyey dadka soomaaliyeed, waxayna taariikhdu xusnaa
in laga soo bilaabo sanadkii 1516-kii soo jirtay coladda u
dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya, waxayna haatan Itoobiya
fursad u heshay inay soo cago dhigato Muqdisho oo ay in
badan ku taameysay si ay u layso shacabka dhibtu aafeysay
16-ka ee ku sugan Magaalada Muqdisho, kuwa soo horkaceyna
Itoobiya oo maalin walba lagu hor laylanayo dadkooda,
Taariikhda ayaa xusi doonto, waxayna baal madow ka geli
donaan tanaxa Taariikhda” waxaa sidaa sii raacsaday Haweenay
iyana wax ka degan X. Gaashaandhiga
W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Feb
24, 2007
Dib u
Qooraanso: Bulshada Soomaaliyeed waxay haatan ka
sheekeeyaan lixdii bilood waxyaalihii ay heleen
Guji
USA: Duqa Magaalada Macon ee
Gobolka Georgia oo Islaamka soo galay...
Duqa magaalada MACON, ee
gobolka Georgia ee dalka Maraykanka ayaa soo Islaamay,
waxana uu dadaal ugu jiraa sidii uu magaciisa si sharci ah
ugu bedeli lahaa Hakim Mansour Ellis.
Hakim Mansour oo da'diisu
tahay 61-jir, oo ku dhashay magaalada Macon waxa lagu soo
koriyey diinta Kirishtaanka, waxana uu sheegay in uu yahay
Sunni Muslim, waxana intaas ku daray in uu diinta Islaamka soo galay
bishii December 2006 mar uu booqday dalka Senegal ee qaarada
Afrika, halkaasna xaflad loogu dhigay.
Warkan oo dhan ka akhri halkan...


|