Wararkii Caalamka ee Maanta:::
Feb 22, 2007
Masar oo xabsiga u
taxaabtay nin madaxweyne Mubaarak iyo Jaamacada Azhar wax ka
sheegay
Booliska dalka Masar ayaa xabsiga u taxaabay nin si weyn
u aflagaadeyey madaxweynaha dalkaasi Xusni Mubaarak iyo
Jaamacada Azhar ee culuumta Islaamka lugu barto. Ninkan oo
afar sanno oo xarig ah qoorta loo geliyey ayaa Jaamacada
Azhar ku tilmaamay "Waxa uu ku tilmaamay jaamacadii
argagaxisada" Halka uu siyaasada Mubaarak-ga dalkaasi
dhaleeceyey.
Ninkan oo aan magaciisa la sheegin ayaa qirtay inuu qoray
qoraalada aflagaadada ah balse waxa uu ku sheegay iney
yihiin fikrad u gaar ah ee aaney dembi laheyn jaamacada iyo
Mubaaraka-ga dalkaasi ee uu weeraray. Hey'ada u dooda
xuquuqda aadanaha Amnisty ayaa cambaareysay xarrigaasi
waxaana ay ku tilmaamtay nin maxbuus ogaal ah.
"Madaxweynaha Gambiya oo sheegay inuu daweyn karro cudurka
AIDS-ka"
Illaahey SWT inuu daawo u helo mooye cudurkan dunida oo dhan
ay u weysay daawo ayaa waxaa la yaab leh in hada meelo kamid
ah Afrika dalal ku yaalo laleeyahay waxaa suuaragal ah in
daawo loo helo. Balse mMadaxweynaha dalkaasi Gambia Yahya
Jammeh ayaa sheegay cabitaan ka sameysan dhir midabkiisana
jaalo yahay uu dili karro AIDS-ka . Waxaa uu sidoo kale
sheegay in dad uu ku tijaabiyey waxyaabaha dhirta ah ey ku
dhamaadeen guul sida uu ku waramayey talefeyshinka SKY News.
Balse Qaramada Midoobey arrintan ka digeysa ayaa sheegtay
ineysan jirin wax astaan ah oo muujinaya dadka uu daaweyey
iney ahaayeen kuwa qaba cudurkaasi dilaaga ah.
Hey'ada caalamiga ee Quwada Atoomikada oo Iiraan
cambaareysay
Hey'ada caalamiga ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan
Atoomikada marka la soo gaabinaya loo yaqaano IAEA ayaa
camabareysay Iiraan, waxaana ay sheegtay hey'adu in Iiraan
sharuudihii gollaha Amaanka ee joojinta macdanteeda aysan
meel marrin. Qoraal ay hey'adu u dirtay Gollaha ayey kaga
hadleen barnaamijka Iiraan ee ku aadan Nukliyeerka taasoo ah
in Iiraan ay ku socoto wadadii ay ku hanan laheyd
Nukliyeerka halka ay horey u sheegtay iney ka faa'ideysano
tamarta Nukliyeerka. Iiraan waxey horey u balan qaaday iney
hakineyso howlaha barnaamijkeeda Nukliyeerka balse waxaa
muuqda ineysan waxba ka soo naas cadaan. Xukuumadda
Washingtona waxey dooneysa iney cadaadis iyo go'doomin ah ku
sameyso Iiraan si ay uga tanasusho howlaha Barnaamijka
Nukliyeerka.
Feb 21, 2007
Hogaamiyihii xisbiga
xagjirka ahaa ee Faransiiska oo weeraradii 11 september ku
tilmaamay mid aan qiimo laheyn
Inkastoo ay dadka qaar la yaab ku noqoneyso hadalkan
isbadalka u eg ee ka soo yeeray nin caan ku ahaa xagjirnimo
iyo faquuq ku saleysan naceyb qowmiyadaha kala duwan ee
dunida,ayaa waxaa la isweydiinaya waxa ka dambeeya in
hogaamiyahan uu haatan sidaasi u hadlo. Hadaba hogaamiyihii
xisbiga xagjirka ee dalkaasi Faransiiska Jean- Marie Le Pen
ayaa weeraradii 11 september ee dalka Mareykanka ayaa
doonaya in la aan weyneyn maalintaasi oo u ku tilmaamay
midaan laheyn micno sidaasi u weyn.
"Dhacdooyinkii maalintaasi
waxey keentay iney ka tanasulaan xagjirnimadii lugu yaqiinay
kuwaasoo ka leex leexnaya eedeymaha la isku soo jeedinaya ee
mar qura dilaacay" ayuu yiri Jean- Marie Le Pen hogaamiyaasi
xagjirka ah oo wareysi siinayey wargeys ku hadla adka
madhabta katoliga oo la yiraahdo Le Croix.
"Sadex kun ayaa ku dhimatay
weeraradii september, laakin Ciraaq maalinkasta dad intaasi
ka badana ayaa misna ku dhinta bil walba dalkaasi waana mid
ka badan intii ku dhimatay bambaanooyinkii lugu garaacay
magaalooyinka Marseille iyo Dresden ee Faransiiska
dhamaadkii dagaalkii 2aad.
Zimbabwe oo mamnuucday banaanbaxyada iyo shirarka
siyaasadeed
Booliska dalkaasi Zimbabwe ayaa maanta soo rogay mamnuucid
jiri doonta muddo sadex bilood ah kuwaasoo lugu ka dhan ah
banaanbaxyada iyo shirarka ku saleysan siyaasada. Warkan oo
lugu soo daabacay wargeysyada dalkaasi ayaa yimid ka gadaal
markii iskahor imaadyo iyo rabshado dhexmaray booliska
dalkaasi iyo taageerayaasha xisbiga MDC. Xiisada siyaasadeed
ee ka jirta dalkaasi waxey qeyb ka yihiin dhibaatooyinka
dalkaasi ka jira oo ay ugu weyn tahay dhaqaalo xumida,
waxaana dalkaasi ku jira dalalka ugu dhaqaalaha hoosooyo
dunida. Madaxweyne Mugabe-na maanta wuxuu u dabaal dagayey
sanad guuradii 83-aad ee kasoo wareegtay dhalashiidiisa
kuwaasoo wargeysyada magaaladaasi kasoo baxa ay u
hambalyeeynayey.
Iiraan oo weli sii wadeysa naaxinta macdeenta Yuraaniyamka
Iyadoo baryahanba caalamku ku howlanaa xal u helida
mushkilada barnaamijka Nukliyeerka Iiraan ayaa maanta waxa
madaxweynaha dalkaasi Mahmoud Ahmadinejad shaaca ka qaaday
in dowladiisa aysan ka tanasuleyn naaxinta macdanteeda
Yuraaniyamka oo muranka badani ka taagan yahay. Dhinaca
kalena hey'ada Qaramada Midoobey u qaabilsan Atoomikada
caalamiga ah ayaa lugu wadaa iney go'aano ka soo saarto
talaabada Iiraan ku dooneyso wadista barnaaijkeeda
Nukliyeerka.
" Inaan helo teknikeyshinkaasi waa arrin noo muhiim ah, kuwa
kale ee aan sidaas ahmiyada u laheyna waa la joojin karaa,
xoogana la saaro su'aalaha la xirriira tiknikeyshinka" ayuu
yiri madaxweyne Nijaad oo ka hadlayey arrimaha muranka
dhaliyey.
Iiraan waxey horey u sheegtay iney ka tanasuleyso naaxinta
madantaasi haddii si cadaalad ah wax lugu maamulayo
islamarkaasina dalalka leh nukliyeerka ay laftooda ka
tanasulayaan lahaanshaha nukliyeerka, gaa ahaan Israa'iil oo
tan iyo 50-meeyadii laheyd hubkaasi balse marwalba sheegta
ineysan laheyn. Go'aanka ka dhanka ah Iiraan ayaa soo bixi
doona kolka ay shirkooda ugu horeeya yeeshaan hey'ada
caalamiga ah ee Atoomikada lixda bisha maarso ee fooda inugu
soo heysa.
Feb 20, 2007
Qaar katirsan ciidamada
Ingiriiska oo Ciraaq dib looga soo celinayo
Qaar ka tirsan ciidamada Ingiriiska ee ku sugan dalka Ciraaq
ayaa toddobaadyada soo socda lugu wadaa iney ka soo baxaan
dalka Ciraaq.Wargeyska the Sun ee ka soo baxa dalka
Ingiriiska ayaa qoray ra'iisal wasaare Tony Blair inuu
damacsan yahay in ciidamo aan tiradoodu badneyn dib loo soo
celiyo dalkaasi Ciraaq. Afhayeen u hadlay Toney Blair oo
wargeysku isku dayey in arrinkaasi wax ka ogaado ayaa ka
gaabsaday ka hadlida amuurtaasi. Wargeysku waxaa kale uu
sheegay in ciidamo tiradoodu gaareyso 1.500 oo askari ay
sanadkan dhamaadkiisa ka baxayaan dalkaasi. Ingiriiska waxaa
dalkaasi ka joogta ciidamo tobonaan kun gaaraya. Waana
wadanka labaad ee ugu ciidamada badan ee dalkaasi Ciraaq
jooga.
Maxaabiista Guantanamo bay oo ay adagtahay iney qaataan
Racfaan
Maxaabiista badidooda tahay muslimiin laga soo qab qabtay
dalka Afgaanistaan dhamaadkii sanadkii 2001-da kuwaasoo qeyb
ka ahaa duulaankii baaxada weynaa ee maamulka Bush ku
sheegay iney ku qaadeen waxey ugu yeereen la dagaalanka
argagaxisada caalamiga ah, ayaa wararka laga helayo dalkaasi
Mareykanka sheegayaan in kiisaskooda aysan xaq u laheyn in
nidaamka dalkaasi lugu qaadi karrin. Taasi macnaheedu waxaa
weeye ineysan ka qaadan karrin rafaan nidaamka haatan iyaga
lugula dhaqmayo. Hey'ada federaalka ee racfaanka dalkaasi
ayaa maanta sidaasi ku warantay.
Hadafka ka dambeysa amuurtan ayey tahay maxaabiis gaaraya
395 oo horey racfaan uga qaatay nidaamka Washington ee ay ka
soo saartay argagaxisada. Nidaamkaaso dhigaya
in kooxaha looga shaki qabo argagixisada si qaas ah maxkamad
meleteri loo saari karro. Nimadaanka waxaa uu soo baxay ka
gadaal markii maxkamada ugu sareysa dalkaasi ay sheegtay in
Bush uusan sameyn karrin maxkamad meleteri oo la xirriirta
maxaabiistaasi Guantanamo bey ku jirta.
Kambodya oo baadi goobeysa Amiir dalkaasi u dhashay oo
musuq maasuqnimo lugu eedeyey
Qoraal amar ah oo laga soo saaray dalkaasi Kamboodya ayaa
dhigaya in gacanta lugu soo dhigo ra'iisal wasaarihii hore
ee dalkaasi islamarkaasina ahaan jiray afhayeenka
Baarlamaanka dalkaasi ee Norodom Ranariddh, kadib markii
lugu soo eedeyey lacago lunsasho iyo wax is dabamareyn.
Norodom Ranariddh waxaa dhalay boqorkii hore ee dalkaasi ka
talin jiray Norodom Sihanouk, waxaana dowladu ay ku jirta
baadigoob lugu soo qabanayo. Sidoo kale xukuumada Kamboodya
waxey ku eedeyneysa inuu iibsaday xarunta xisbi siyaasadeed
oo dalkaasi ka jira kaasoo uu madax ka ahaa sanadkii ina
dhaafay. Haatan waxa uu ku sugan yahay dalkaasi Faransiiska
oo laga codsaday in cadaalada uu isku soo dhiibo balse waa
uu ka dhago adeygay.
Feb 18, 2007
Olmert: "Aniga iyo Bush
waxaan isku afgaranay inaan la aqoonsan dowlad Falastiin oo
aan aqoonsaneyn Israa'iil"
Ra'iisal wasaaraha Israa'iil Ehut Olmert ayaa maanta shaaca
ka qaaday in isaga iyo madaxweyne Bush ay isku afgarteen
inaan la aqoonsan dowlad Falastiin ee aaney dooneyn
jiritaanka dowladeed ee Israa'iil. Olmert oo wareysi uu
siiyey wakaalada wararka faafisa ee AP, ayuu sheegay in
xukuumada falastiin ee aan buuxin sharuudaha xarunta
caalamiga ah, inaan iyadana la oqoosan doonin islamarkaasina
aysan heleyn helay wada shaqeyn ereyga xarrun" waxaa ula
jeeda wadamada Mareykanka, Midowga Yurub,Qaramada Midoobey
iyo Ruush-ka.
Xamaas iyo Fatax oo ah labada dhaq dhaqaaq ee siyaasada isku
qilaafsan ayaa waxey dhawaan heshiis ay ku gaareen magaalada
Maka ee dalka Sacuudiga waxey ka hadleen oo keliya in la
ixtiraamo heshiisyaddii horey loo gaaray. Taasina waxey
muujineysa in Xamaas aysan dooneyn sharuuda ku xiran
aqoosigeeda iyo taageerada ay ka heleyso beesha caalamka ee
ah aqoonsiga Israa'iil.
Condoleeza rice oo ah xoghayaha guud ee arrimaha dibada
Mareykanka oo booqasho gobolka ku mareysa ayaa labada
hogaamiye ee Falastiin iyo Yahuuda kala gooni gooni ula
kulantay waxaana lug wadaa maanta oo isniin ah iney si
wadajir ah ula kulanto. Kal hore ayaa lugu waday in
sadexdaasi mas'uul ay yeeshaan kulan sadex geesood ah balse
Abuu Maazin ayaa kulankaasi ka baaqsaday.
Tony Blair oo doonaya in ciqaab adag la marsiiyo dadka
sida sharci darrada ah London hubka ugu wata
Haddii qofku yahay toddobo
iyo toban jir qorina uu si sharci darro ah ugu wato
magaalada London ee dalka Ingiiriska waxaa uu mudanayaa shan
sano oo xarig ah, Hindisaha noocaas ahi waa mid haatan uu ku
fekerayo Tony Blair-ka dalkaasi oo doonaya inuu wax ka qabto
xiisado barayahan London ku soo batay kaasoo keenay in lix
dhalinyarro lugu dilo labo toddobaad gudaheed. Ra'iisal
wasaare Tony Blair waxaa doonayaa inuu shir deg deg ah
iskugu yeero golahiisa wasiirada si wax looga badalo qaanuun
horey u jiray oo la xirriira ah in shan sanno xarig ah
qoorta loo geliyo ruuxa ay da'diisu tahay 21 jir
islamarkaasina lugu helo isagoo xambaarsan qori sharci darro
ah.
"Waaan qabaa inaan badalno da'aadasi jirtay raacnaana mida
boolisku soo jeediyey ee ah ruuxa 17 jir ee lugu helo isagoo
xambaarsan qorriga" ayuu yiri Toney Blair oo misna doonaya
in qaadashada qoriga sideedaba laga dhigo dembi gooni ah.
Feb 17, 2007
Maxkamad ku taal
Pakistaan dacwadani ka socotay bam lugu qarxiyey
Ugu yaraan shan iyo toban ruux oo ku jiro garsoorihii
maxkamad klu taala dalkaasi Pakistaan ay geeriyoodeen kadib
markii qolkii ay ka socotay dhageysiga dacwad bambaano ku
qaraxday, shan iyo labaanta ruux oo kalena waxaa lugu soo
waramayaa iney dhaawacyo soo gaareen. Bambaanadan ayaa waxey
qaraxday xilli maxakamadaasi ka socoday dhageysi, booliskuna
waxey sheegeen in falkaasi ahaa mid ismaadin ah.
Qaraxani waxa uu ka dhacay deeganada xiisadu ka jirto ee
Quetta, waxeyna magaalo madax u tahay gobolka Baluchistan.
Taageerayasha Taalibaan ee gobolkaasi ku xoog badan ayaa
farta ku godan tahay iney ku lug leeyihiin weerarkaasi
bambaano ee maxkamada lala beegsaday. Misna gobolka waxaa ka
jira xasarado u gaar ah kuwaasoo dadka deegaanka ay ku
doonayaan iney helaan maamul u gaar ah. Pakistan waxaa inta
badan ka dhaca qaraxyo ismaadaamin ah kuwii ugu dambeeyey
waxey ka dhaceen deegaanada Peshawar oo ay ku dhinteen
sodoneeyo qof, waxeyna aarsi u aheyd weeraro horeu halkaasi
ka geysteen diyaaradaha Pakistaan kadib markii ay ku
sheegeen iney halkaasi iskoolo ugu furan yahay urrurka
Alqaacida ee Bin Laadin hogaamiyo.
Magaalada Mosko oo cudurka hargabka shimbiraha laga helay
Cudurka dilaaga ah ee dureyga shimbiraha ee nooca loo yaqano
H5N1, ayaa markii ugu horeysay waxaa laga helay magaalada
Mosko ee xarunta wadanka Raashiya.War ay shalay soo saartay
dowlada dalkaasi ayey ku sheegtay in labo xarumo oo lugu
xanaayeeyo digaadaha kana tirsan Mosko cudurkaasi lugu arkay.
Bishii janaayo ee sanadkana waxaa qeybo ku yaala gobolkada
koonfureed laga soo sheegay cudurkan balse haatan deegaanada
Mosko oo ah magaalo ay dadka ku badan yihiin ayaa cudurkani
laga helay dad badan oo ku nool magaalada Mosko ayaa cabsi
iyo wel wel ka muujiyey amuurtaasi.
Ninka ugu sareeya ee ka hortaga hey'ada cudurada faafa oo u
wareysi uu siiyey telefeyshinka NTV ayaa muujiyey ineysan
jirin haatan warar sheegaya in cudurkaasi u gudbay dadka
gaar ahaan kuwa iyagu xirriir la yeeshay digaagadaha oo
baaritaan lugu sameeyey.
Ma ogtahay?
Ma ogtahay akhristow ninkii la oran jiray Louis Aimé
Augustin Le Prince oo dhashay wadanka Faransiiska inuu ahaa
ninkii ugu horeeyey ee sheegta inuu helay aalada dhaq
dhaqaajisa filimada. Mase ogtahay in ninkaasi u u dhashay 28
Agoosto sanadkii 1842-tii. Ma ogtahayse in ninkaasi haatan
filimadiisa ay ka dambeeyaan labo filin oo keliya.
Mase ogtahay in yaraantiisi ninkan uu aabihii u raaci jiray
nin saaxiibkiis ah Foto lahaa sawir qaadane ahaa, mase
ogtahay ninkaasi Foto-da lahaa in la oran jiray Jacques
Louis Mandé Daguerre.
Ma ogtahayse in Louis Aimé
Augustin Le Prince uu guursaday sanadku markuu ahaa 1869
haweeney la oran jiray Elizabeth Whitley oo u dhalatay
wadanka Ingiriiska. Mase ogtahay in ninkaasi markii dambe si
mutadawacnimo leh uga qeyb galay dagaalkii u dhaxeeyey
Faransiiska iyo Jarmalka sanadku markuu ahaa 1870 - 1871. Ma
ogtahay misna akhriste in Louis Aimé Augustin Le Prince
sanadku markuu ahaa 1886-dii uu sameeyey filimkii ugu
horeeyey ee kaamirad loo adeegsaday, mase ogtahay sanad
kadib inuu u guuray dalka Ingiriiska. Ma ogtahay in sanadku
markuu ahaa 1888-dii uu xaasku qabay reeraheeda la kulmay
markaasina ka duubay filinkiisi ugu horeeyey kaasoo ugu
magacdaray Roundhay Garden Scene mase ogtahay in filimkaasi
10 daqiiqo oo dhaq dhaqaaq uu ahaa, filimkiisi labaadna waxa
uu ugu magac darray Leeds Bridge waxaana uu ahaa mid
muujinayey dadwadooyinka maraya.
Ma ogtahay ugu dambeyntii
akhriste in Louis Aimé Augustin Le Prince markii cid ugu war
dambeysay ay aheyd 16 september sanadkii 1890-kii,markaasuu
tareen aan la ogeyn halka uu socday saarna, reerihiisana ay
isku dayeen iney helaan balse nasiib darro la waayey halka
uu jaan iyo cirib dhigay. Ma ogtahay hadana in ninkaasi
markii dambe la sheegay in xaalad dhaqaalo xummo ay la soo
deristay.
Ma ogtahay misna in sanadkii 2003-da la helay sawiro foto ah
oo la qaaday sanadkii 1890-kii loona maleeynayo inuu ahaa
filim qaadahii Louis Aimé Augustin Le Prince oo jaziirad ku
qarqaday.
Feb 16, 2007
Dad xabsi daa'in lugu
xukumay qaraxyo ay Istanbuul ka geysteen
Toddobo kamid ah 73 ruux oo lugu eedeynayo iney qaraxyo ka
geysteen goobo ay lee yihiin yahuuda iyo Ingiriiska ee ay ku
leeyihiin magaalada Istanbul ee dalka Turkiga sanadkii
2003-ta.Afartan ruux oo ka tirsan eedeysanayaashaas ayaa
iyagana lugu xukumay sideed iyo toban sanno oo xarig ah,
halka qaar kale oo isla iyaga ah la siidaayey.
Ninka la yiraahdo Sakka
Ilhan oo isaga la runsan yahay inuu kamid yahay kuwa
mas'uulka ka ah qaraxyada lala beegsaday goobaha yahuda iyo
ingiriska ayaa isagoo maxkamada dhex jooga ku qeyliyey inaan
lag wel welin ee uun mar u soo bixi doono dibada mar
islamarkaasina uu ka qeyb qaadan doono jihaadka.
Bishii november ee sanadkii 2003-da ayaa dhalinyarro naftood
hureyaal ahi waxey qaraxyo la beegsadeen meherada Yahuda iyo
Ingiriska oo ay kamid ahaayeen bankgiyo sidoo kale
qunsuliyada britain ayaa iyadana aheyn bartilmaameed la
doonayey in la beegsado, waxaana qaraxyadaasi ku dhintay dad
gaaraya 60 qof. Maxkamdan oo aheyd tii ugu weyneyd tan iyo
wixii ka dambeyey maxkamdeyntii hogaamiyihii xisbigii
shaqaalaha Kurdistaan PKK ee Abdalla Uglan. Xeer ilaaliyaha
dowladana waxaa ururuka Alqaacida dusha ka saaray
mas'uuliyada qaraxyada oo uu sheegay inuu isagu bixiyey amar
si shaqsi ahaaneed.
Ragg ka tirsan CIA-da oo maxakamad talyaaniga lugu soo
saarayo
Lix iyo labaatan nin oo ka tirsan sirdoonka Mareykanka ee
CIA-da ayaa maxkamad ku taal magaalada Milano ee dalka
Talyaaniga lagu wadaa in la horkeeno. Raggan ayaa lugu
eedeynaya imaam u dhashay wadanka Masar oo la yiraahdo
Cismaan Mustafa Xassan oo loogu yeero Abu Cumar ay si qasab
ah ku afduubteen kuna saarteen gaari wateen xilli u socday
masjidka.
Waxey aheyd afar sanno ka hor Abu Cumar oo ku socday
masjidka uu gaari casaan ahi u sitaagay iyagoo u yeeray una
sheegay iney ahaayeen boolis talyaani ah ,kadib markuu u soo
saaray sharcigiisa dal ku jooga ah, ayaa waxaa gaarigii
cadaa soo ag istaagay gaari kale oo weyn islamarkaasina si
qasab leh loo saaray.
Si qasab leh iyagoo i ja juubay ayey igu tuureen gaari
wayteen, caloosha ayey iga gareen, lugaha iyo gacmaha wey
iga xireen iyagoo qoslaya sida aan u turanturooday markii ay
baabuurkooda igu rideen waxey igu qabteen koronto budad ay
wateena si xun ayey iila dhaceen" ayuu yiri Abu Cumar oo ka
sheekeynayey sida ay nimankaasi sirdoonka ah ugu riteen
gaarigey wateen, kadibna ay u geeyen xarun meleteri oo
kutaala waqooyiga dalkaasi. Abuu Cumar waxa kale uu sheegay
in diyaaradii laga qaaday garoonkaasi meleteri ay misna sii
marsiisay Jarmalka, kadibna la geeyey Masar halkasoo ay CIA-du
ku lahaayeen lugu dhageystay ninkaasi si xuna loola dhaqmay.
Abuu Cumar waxaa uu kamid yahay muslimiin badan oo
qadartoodii ku dhacday dagaalka aan dhamaadka laheyn ee Bush
iclaamiyey wixii ka dambeeyey 11 sepember ee sanadkii
2001-da kaasoo ka dhan ah waxa uu ku sheegay l dagaalanka
argagaxisada. Maxkamada la soo taagayo nimankan ka tirsan
CIA waa tii ugu horeysay oo kooxo ka tirsan hey'adaasi lugu
saaro dalka Talyaaniga, xukuumadda Washingtona waxey qiratay
in Talyaaniga ay aheyd goobo dadka argagaxisada looga
shakiyo lageyn jiray lagana dhoofin jiray balse waxey
beenisay iney jiraan wax la yiraahdo tacadiyo iyo jirdil loo
geysto dadka lugu tilmaamayo argagaxisada.
'Ragga haatan la doonayo in maxkamada Milano la soo taago
ayaa waxaa kamid ah madaxii hore ee xafiiska CIA-da Roma ku
laheyd Jeff Castelli iyo madixii xafiiska Milano Robert
Seldon Lady. Qoraal fariin ah oo u soo diray qareenkiisa u
doodaya ayuu ku sheegay inuusan maxkamada horteeda ka qiran
doonin waxa lugu eedeynayo. Ilaa iyo haatan waxa la
isweydinaya raggan ka tirsan CIA mala horkeeni maxkamada ku
taala Milano ee lugu qaadayo dacwadaha loo heysto, balse
dowlada Talyaaniga ilaa iyo haatan ma codsan in raggaasi
eedeysanayaasha ah loo soo gacan geliyo.
Ma ahan oo keliya raggaasi u dhashay Mareykanka ee dembigan
lugu eedeynayo balse waxaa jira shaqsiyaad kale oo Talyaani
ah oo gacan weyn ka geystay u gacan gelinta CIA-da
wadaadkaasi u dhashay Masar. Waxaa kamid ah madaxii hore ee
sirdoonka Talyaaniga ninka la yiraahdo Nicolň Polloni,
waxaana uu beeniyey iney jiraan ku lug lahaanshaha
arrinkaasi waxaana hoosta ka xaqiiray ineysan jirin cadeyn
uu keeno, maadama ay tahay buu yiri waxa uu ku sheegay "sirtii
qaranka oo la kashifay". Hal nin oo booliska talyaaniga ayaa
qirtay in boolisku ay ku lug lahaayeen afduubkii Abuu Cumar
waxaana uu sheegay in boolisku ay u dhiibeen ninkaasi CIA-da
.
Niman u dhashay Holland oo loo heysto sunta wasaqeysan oo ay
daabuleen Ivory Cost
Labo nin oo u dhashay dalka Holland kana tirsan shirkad
daabusha sunta wasaqeysan ee warshadaha dalkaasi laga soo
saaro ayaa booliska dalkaasi gacan ku dhigeen, si baaritaan
loogu sameeyo arrimo la xirriira sunta wasaqeysan ee
dalkaasi oo loo dhoofiyey wadanka Ivory Cost. Xeer
ilaaliyaha dowlada oo arrintan gacanta ayaa qoraal uu soo
saaray ku shegay in nimankan loo heysto suntaasi ay
daabuleen sanadkii hore. Amar ay dowlada soo saartayna waxaa
ay ku bixisay baaritaan lugu sameeyo markaba la yiraahdo
Probo Koala kaasoo ah kii lugu qaaday sunta haraadiga
warshahada dalkaasi laga soo daabulay.
Sidoo kale labo madax sare oo ka tirsan degeda Amsterdam
Port Services ayaa iyagu fasaxay markabaasi u shiraacday
Ivory Cost, iyadoo aysan jirin wax heshiis ah oo halka
suntaasi la geynayo iyo cida gacanta ku qabaneyso. Dhinaca
kale waxaa jira sadex sarkaal oo ka tirsan shirkada
Trafigura Beheer oo sanadkii hore lugu xiray dalkaasi Ivory
Cost, balse shirkada ayaa raggaasi sii deyntooda waxey ku
bixisay adduun dhan 152 milyann oo lacagta eur-da loo
yaqaano. Lacagtan ayaa sidoo kale ah mid lugu daboolayo
fadeexada ay shirkadan geystay taasoo ay ku nafwaayeen 10
ruux.
Dalkaasi Ivory Cost oo suntaasi meelo kamid ah lugu duugay
ayaa waxyeelo ka soo gaareen kuwaasoo cuduro xun oo aan
daawo laheyn ku dhacay.
Sunta laga soo daabulo warshadaha dalalka Yurub ayaa loo soo
daabulaa sanadkasta qaarada Modow ee dadkeeda aafeeyeen
cudurada iyo qabylaada,kuwaasoo xeebahooda lugu daadiyo.
Dalka Soomaaliya oo tan iyo markii ay meesha ka baxday
dowladii dhaxe waxaamarkiitba reer galbeedku ku daayeen sun
halis ah oo qaarkood ku soo caariyey xeebaha Soomaaliya,
mana jirto dowlad ku sheegta haatan taangida amxaaro lugu
keenay ka hadlay, sidoo kale waxaa jira ganacsado yaal ku
naaxay hantida shacabka oo heshiisyo la soo galay shirkadaha
soo daabula sunta kuwaasoo dalkoodi iyo deegaanadoodi u
fasaxay iney ku shubaan. Waxaa kamid ah dadkaasi Cali Mahdi
oo mar lugu sheegay madaxweynii Soomaali iyo ra'iisal
wasaaraha ninka ugu magacowday ee Cumar Carte Qaalib.
Ma ogtahay?
Ma ogtahay akhristow
wadankii la oran jiray Rodiishiya (Rhodesia ) ay kamid aheyd
dhulkii Ingiriiska gumeysan jiray, mase ogtahay in labada
gobol oo waqooyi iyo koonfur-ta ee ka tirsana Rhodesia
haatan la kala yiraahdo Zimbabwe iyo Zambia.
Mase ogtahay in gobolka waqooyi ee Rhodesia ay madax banaani
qaadatay 11 november sanadkii 1965-tii. Ma ogtahayse ninkii
la oran jiray Ian Smith uu ahaa ra'iisal wasaarihii dalkaasi
soo maray sanadihii 1965-tii ilaa 1979-tii. Mase otahay Ian
Smith uu ahaa duuliyaha diyaaradaha dagaalkii xilligii uu
scoday dagaalkii 2aad ee adduunka.
Ma ogtahay in sanadkii 1972-tii uu dalkaasi Rhodesia la oran
jiray uu ka dilaacay kooxo muraacad ah oo hubka qaaday kana
soo horjeeday xukuumaddii Rhodesia. Mase ogtahay in Robert
Mugabe uu hogaaminayey dhaq dhaqaaq la baxay ZANU -
Patriotic Front. Mase ogtahay dhaq dhaqaaqasi uu horseeday
dagaalo sokeeye oo dalkaasi ka dhaca. Mase ogtahay akhriste
in sanadkii 1980 magacii Rhodesia lugu badalay wadanka
haatan loo yaqaano Zimbabwe.
Feb 15, 2007:
Spain oo maanta
maxkamadii ugu weyneyd la soo tagay dad lugu eedeyey
argagaxisinimo
Magaalada Madrid ee
xarunta u ah dalkaasi Isbeyn ayaa maxkamada ku taala
waxaa la soo tagay sagaal iyo labaatan ruux oo lugu
eedeyey iney ku lug lahaayeen qaraxayadii ka hore ka
dhacay dalkaasi. Amaanta goobta oo aheyd mid si weyn loo
adkayey ayaa sagaal iyo labaatankaasi ruux oo asal ahaan
ka soo jeedo dalalka Islaamka.
Ninka ugu horeeyey oo
maxkamada la hor keenay ayaa magaciisa la yiraahdo
Maxamed Masri, waxaana uu sheegay inuusan aheyn dambile
waxa lugu eedeynayana uusan geysan. Dhamaan
eedeysanayaash la horkeenay ayaa iska fogeeyey eedeymaha
loo heysto balse waxey qarka u saaran yihiin in xabsi
daa'in lugu xukumo.
Kooxo islaamiyin ah oo
qaarkood raggii ka tirsanaa la dilay ayaa sheegtay qarax
gil gilay xarrumo laga raaco tareenada kaasoo boorsooyin
waxyaabaha qarxa ka buuxeen lala beegsaday 11 marso
sanadkii 2004-ta. Waxaana ku dhintay dad gaaraya 200
ruux. Muddooyinkan dambe waxaa caalamka caan ka noqday
bartilmaameedna laga dhigtay dadyowga muslinka sheegta
kuwaasoo laftooda qaraxyadaasi lugu eedeynayo geystay
balse waxaa lugu shaabadeeyey argagaxisonimo iwm.
Tchad oo meelo kamid ka
dilaaceen xasuuqyo laga geysto
Deegaanada ku
yaalaKoonfurta dalka Tchad ayaa waxaa wararka laga
helayo sheegayan in dad gaaraya 10.000 ay ku sugan
yihiin xaalad barakac, kadib markii deeganadasi ka
dilaaceen xasuuqyo dadka rayidka ah loo geysaanyo.
Hey'adada Oxfom oo
Ingiriis ah oo ka howlgasha dalkaasi ayaa waxey ka
digeysaa in halkaasi dhaco waxa ay ku sheegeen "Darfur-tii
cusbeyd" Dagaalo ku saleysan beelo beelo iyo dabeyleyda
hubeysan ee ku soo badanaya ayey hey'adu sheegtay iney
adkeeyeen gargaarkii la gaarsiin lahaa qaxooti tiradooda
lugu qiyaasay 200.000 kuwaasoo kasoo qaxay dagaaladii ka
dhacay Darfur ee dalka Suudaan.
Hey'ada ayaa sidoo kale
sheegtay iney ka cabsi qabto cuduro ay halkaasi ka
dilaacaan cudurada Malaariyada, Shubanka haddii aysan
xeryaha qaxootiga gaarsiinin daawooyinka iyo biyaha
nadiifka ah ee ay u baahan yihiin qaxootiga ku jira.
Tchad iyo deeganada ku
yaala koonfurta ee ay la wadaagto Suudaan waxaa ka jira
qul qulato xoog leh iyadoo kooxo burcad ahi la sheegayo
iney dhibaatooyin ku hayaan dadka deegaanadaasi, sidoo
kale Tchad iyo Suudaan waxaa u dhaxeeya xurguf xoogan oo
keentay iney is eedeyn isku soo jeediyaan.
Denmark oo wiil 17 jir ah ku
xukuntay toddobo sanno oo xarig ah
Sadex kamid ah afar
dhalinyaro oo dacwad ku socotay ayaa maxkamad ku taala
dalkaasi siideysay kadib markii ay ku weysay dembi ah
iney qorsheynayeen qaraxyo ka dhaca meelo ka tirsan
qaarada Yurub, kadib markii qareenku sheegay markii la
isku af garan waayey qaabka cadaaladeed ee loo horkeeni
doono maxkamada ama dacwadoodu ku socon doonto. Sidoo
kale maanta xilligii qadada ayaa la shaaciyey in la sii
daayo. Balse mid kamid dhalinyaradaasi oo da'diisa tahay
17 jir maxkamaduna ku sheegtay inuu yahay maskaxdii ka
dambeysay qorshahaasi aya qoorta loo geliyey xabsi dhan
toddobo sanno. Afartan dhalinyarro ayaa la sheegay in
sanadkii 2005-ta ay qorsheynayeen iney aadaan magaalada
Sarajevo ee xarrunta u ah dalkaasi Bosniya, halkaasi ay
kasii maleegi lahaayeen qorshaxooda qaraxyada ah ee
wadamada Yurub.
Ma ogtahay??
Ma ogtahay akhristow in
wakaalada wararka ugu cimriga dheer ay tahay L'
Agence France-Presse marka la soo gaabiyo loo
yaqaano AFP ay tahay wakaalada ugu
da'da weyn dunida, waxaana laga leeyahay dalkaasi
Faransiiska, mase og tahay in la aas'aasay sanadkii
1835-tii, ma ogtahayse inuu aas'aasay ninkii la oran jiray Charles-Louis
Havas. Ma ogtahay misna inkastoo waakaladani tahay tii
ugu horeysay ee caalamka dhidibada loo taagay ay tahay
wakaalada sadexaad ee dunida wararka tebiso, iyadoo
xarrumo badan ay caalamka ku leedahay.
Ma ogtahay misna akhriste
in wakaalada wararka Mareykanka ee la yiraahdo
Associated Press ee marka iyadana la soo
gaabiyo loo yaqaano AP ay tahay
wakaalada adduunka ugu weyn. Ma ogtahayse iney
wakaaladaasi abuureen shan wargeys oo kasoo bixi jiray
magaalada New York ee dalka Mareykanka kuwaasoo doonayey
iney isku duwdaan dhaalo iyaga ay lee yihiin.
Mase ogtahay akhristow in wakaaladaasi ay haatan ka
kooban tahay 1700 wargeys, 5 oo tv -yo iyo raadiyaal
wararka maalin walba qora kuwaasoo ku saleysan
dhacdooyin meeshi iyo goortii ay ka dhaceen intaba
tebiya. Ma ogtahayse in wakaaladaasi ay sadex luqadood
oo kala ah Faransiiska, Ingiriisiga iyo Carabiga ay
adeegsato. Mase ogahay in xarunta ugu weyn AP
ay ku taalo magaalada New York ee wadanka
Mareykanka , mase ogtahay in 242 xafiis ay ku leedahay
12 dal oo dunida ku yaala. Mase ogtahay akhristow in
wakaaladaasi aysan dalka Mareykanka gudihiisa ku laheyn
wakaalad kale oo loolan xoogan kala dhaxeeya, marka laga
reebo wakaalad la oran jiray United Press
International, mase ogtahay wakaaladaha qura
ay AP tartanka xoogan kula jirto ey yihiin Rueters iyo
AFP oo labaduba ay ku yaalaan qaaradan Yurub.
Ma ogtahay akhriste in
adduunyada ay misna ka jiraan wakaalo kale oo caan ah oo
wararka soo tebiya, waxaa kamid ah wakaaladahaasi
ITAR-TASS
oo laga leeyahay dalka Ruush-ka. Mase
ogtahay iney jiraan wakaalado kale oo iyagana wararka
faafiya, sida DPA oo laga leeyahay dalka Jarmalka iyo
IPS oo laga leeyahay dalka Talyaaniga. Dhamaantoodna waa
wakaaladaha caalamka wararka u tebiya, marka laga reebo
AP,AFP iyo Ruters iney yihiin kuwa ugu caansan dunida
uguna afka dheer ee wararka laga qaato.
Wararkii 14.
2.2007
Mutada Alsadr oo u baxsaday dalkaasi Iiraan
Sida laga soo xigtay
warbaahinta dalka Mareykanka ayaa sheegaya in mid kamid
ah hogaamiyeyaashii ugu tunka weynaa ee kasoo horjeeday
ciidamada Ameerikanka islamarkaasina kamid ah
hogaamiyeyaasha Shiicada ee la yiraahod Muqda Alsadar
inuu u baxsaday dalkaasi Iiraan.
Telefeyshinka ABC ayaa
shaaciyey in hogaamiyeyahaasi u baxsaday Iiraan sababo
la xirriiro cabsi uu ka qabo in diyaaradaha Mareynka u
geystaan duqeyn hoyga uu degan yahay, sidoo kale ayuu
telefeyshinku sheegay inuu ka baqayo hogaamiyehaasi in
weeraradaasi ay u geystaan dhaawac awooda ciidan uu
leeyahay. Dad ku dhow dhow Muqtada Alsadr ayaa beeniyey
wararka ABC sheegay ee baxsadaasi la xirriira waxaana u
ku tilmaamay warar aan sal iyo raad toona laheyn waxaana
u cadeeyey in hogaamiyahoodu jogo Ciraaq si caadi ahina
u wato howlahiisa.
Seerbiya oo
diiday in madaxbanaani la siiyo Koosovo
Baarlamaanka Seerbiya ayaa
maanta u codeeyey qorshaha ay Qaramada Midoobey ku
dooneyso in gobolka Koosovo la siiyo madax
banaanidiisa.Baarlamaanka ayaa cod aqlabiyad leh ku
diiday qorshahaasi loogu gogol xaarayo madaxbanaanida
gobolkaasi.Kulanka ay baarlamaanka iskugu yimaadeen oo
aheyd markii ugu horeysay tan iyo bishii janaayo ayaa
qorshaha Qaramada Midoobey waxey ku tilmaameen kuwo aan
sharci aheyn oo lugu doonayey in wadan laga dhex abuuro
jiritaanka muqadas ahaaneed ee dhulka Seerbiya.
Seerbiya oo haatan ku kooban dhowr gaobol oo ay hoos
yimaada maamulka Belgeraad ee dhulkii kala go go'ay ee
Yoguslaafiya, ayaa waxaa horey uga go'ay wadamada haatan
loo yaqaano Koroeeshiya, Bosniya iyo Islofiiniya.
Madaxweynaha Suuriya oo
booqon doona Iiraan
Madaxweynaha dalka Suuriya
Bashaaral- Asad ayaa booqasho qaadan doonta labo cisho
waxa uu ku tagaya dalkaasi Iiraan, oo ku halay casumaad
rasmi ah. Labadan hogaamiye waa Bashaaral Asad iyo
Axmedinijaad ayaa lugu wadaa iney ka wahadlaan
cadaadiska uga imanaya Washington ee la xirriira
arrimaha argagaxisada iyo Nukliyeerka. Sidoo kale waxaa
ay kawada hadli doonaan baa la leeyahay xaalka barriga
dhaxe ee Falastiin iyo Israa'iil iyo amniga dalka Ciraaq
ee faraha ka baxay. Madaxweyne Asad waa markii labaad ee
booqasho ku tagayo dalkaasi tan iyo intii Axmedinijaad
uu ku guuleystay dooroshooyinkii dalkaasi kal hore ka
dhacay, arrimaha ganacsiga iyo iskaashiga u dhaxeeya
waxaa ay kamid yihiin waxyabaha ay ka hadli doonaan.
Madaxweyne Asad waxaa uu sheegay kal hore in dowladiisa
soo dhaweyneyso in xal diblomaasiyadeed lugu dhameeyo
mushkilada barnamaijka nukliyeerka Iiraan, waxaana uu
diiday in dowladiisa aysan aqbleyn cadaadis iyo
hanjabaado la saaro Tehraan oo ku sheegay ineysan
keeneyn wax xal ah.
Madaxweyne Nijaad ayaad
sidoo kale waxaa bishii janaayo ee sanadkii hore
booqashadii ugu horeysay ku tagay dalal ku yaal gobolka
oo ay kamid tahay Suuriya halkaasina kula kulmay
madaxweyne Asad oo ay ka wadahdleen arrimo badan oo
gobolka quseeya.
Ma ogtahay??
Ma ogtahay akhristow in
ereyga "Dunida koowaad" uu yahay erey siyaasadeed oo
adeegsigiisa soo baxay xilligii uu socday dagaalkii
qabooba, mase ogtahay in dalalkaasi dunida koowaad loola
jeeday dalalka dhaca "reer galbeedka" ama haatan
badidooda ku jira gaashaanbuurta Nato.
Mase ogtahay in dalalka loo yaqaano dhex dhexaadka ee
Natural States ama xagga ganacsiga haga laftooda ay
kamid yihiin dunida koowaad, mase og tahay in dalalkaasi
qaarkood loo yaqaano Natural States -ka ay kamid yihiin
wadamada Sweden iyo Swetzerland.
Ma ogtahayse ereygaasi
dunida 3aad ee adeegsigiisa la maqlayey bilowgii
kontameeyadi lugu micneeyey in tilmaam ahaan lau
muujinayo inaan la ilaawin dalalkaasi oo aan ka qeyb
qaadan dagaalkii qabooba kuwaaso la sheegay iney ku
jeedeen arrimo iyaga u gaar ah. Mase ogtahay in ereyga
dunida 3aad ay keentay wareer badan iyo su'aalo la
xirrira ciddii ku jira markii uu dhamaaday dagaalkii
2aad ee dunida. Mase ogtahayse baaritaan uu sameeyey
hogaamiyii la oran jiray Mao Zedongs ee Shiinaha
sanadkii 1974-tii qoraal rasmi ah oo laga soo saaray
wasaarada arrimaha dibada ee shiinaha lugu sheegay in
dalalka loogu yeero dunida koowaad ay yihiin wadamaddi
awooda lahaa waqtigaasi ee Super Power la oran jiray ee
Mareykanka iyo Ruush-ka, halka wadamada warshadaha leh
ay yihiin dunida labaad.
Ma ogtahayse in shirkii
Bandug ee sanadkii 1955-tii ay bilaabmay in la maqlo
adeegsiga ereyada dunida, koowaad labaad iyo sedexaad.
Mase otahay dunida 3aad in loola jeedo wadama ku tiirsan
dhaqaale ahaan ama kuwa ku tiirsan wadamada bariga
Yurub ee iyagana la oran jiray qorsheynta dhaqaalaha. Ma
ogtahayse in dunida 3aad loola jeedo Qaaradaha Aasiya,
Laatiin Ameerika , barriga dhaxe iyo Aasiya. Mase
ogtahay in dunida 3aad ay tahay macnaheedu wadamada
faqriga ah ee soo koraya kuna tiirsan dhaqaale ahaan iyo
xag wax soo saarba reer galbeedka.
W/ D; Ikraam Cali-kaar
Gothenburg- Sweden
Feb 13, 2007
Dad ku dhintay qaraxyo
gilgilay magaalada Beyruut
Inkastoo Beyruut ay ku jirto marxlad ah u gaarsiga
shaqsiyaad ku jira dowlada Sinyoora kuwaasoo baabuurta loogu
soo xirro bambaano lugu qarxiyo, hadana xaalka siyaasadeed
ee dalkaasi waxa u muuqda mid murug leh oo ay kooxaha
mucaaridka ahi ku xoogeysanayaan diidmado ka dhanka ah
xukuumada Sinyoora.
Maanta qaraxyo kala duwan oo magaalado maxda dalkaasi ee
Beyruut ka dhacay ayaa ku dhintay 3 ruux labaataneeyo kalena
ay ku dhaawacmeen. Labo baabuur oo nooca loo yaqaano
minibus-ka ayaa ku qarxay deeganada ay degen yihiin
masiixiyiinta ee la yiraahdo Bikfaya oo ah halka ay
taageerayaashiisu ka soo jeedaan madaxweynihii hore Amin
Gemeyl.
Mar uu ka hadlayey qaraxyada ka dhaca magaalada ayuu sheegay
iney dhacayaan waxyaabo qariib ah islamarkaasina ay Suuriya
ku lug leedahay.Xaalka dalkaasi waxaa maanta ka socda hardan
siyaasadeed oo kala ah qolyaha mucaaridka ah oo Suuriya lugu
eedeynayo iney taageerto iyo kuwo kasoo horjeeda oo
masiixiyiinta u badan. Qaraxyada ka dhaca badi dalkaasi ayaa
Suuriya dhabarka loo saariyey, balse arimahaasi waa iska
fogeysay.
Bishii feberaayo markii la dilay ra'iisal wasaareh Rafiiqal
xariiriga dalkaasi ayaa waxaa lugu eedeyey Suuriya isla
waqti gaabana waxaa ay soo afjartay joogitaankii
ciidamadeedii ee dalkaasi ,Qaramada Midoobeyna waxaa ay
sameysay gudi soo baara dilka ra'iisal wasaarahaasi ee ay
fara ku godan tahay xukuumada Dimishiq ka talisa.
Carruuro ku jiray caloosha oo la soo tuuray oo laga helay
xeebaha Kenya
Ilmo caloosha ku jira oo la soo tuuray ayaa laga helay
xeebaha dalxiiska loo tago ee dalkaasi Kenya, carruurahan
caloosha laga soo tuuray oo labaataneeyo gaaraya ayaa
booliska Kenya gacanta ku dhigeen, waxaana ay shaki ka
muujiyeen iney jiraan astaamo muujinaya kuwo si sharci darro
ah la iskaga soo tuuray ama la soo geliyey dumar uur leh.
Booliska Milindi ayaa sheegay in ilmahaasi la soo tuuray ay
ku jireen kiisas luguna soo tuuray goobaha qashinka.
Ururada u dooda bulshada rayidka ah ayaa ka cabanaya galmada
sharci darrada ah ee ku soo badana goobahaasi dalxiiska loo
tago dowladana inkastoo ay balan qaaday iney wax ka qabato
arrimahaas ayaan waxba ka soo naas cadaan.
Dalkaasi Kenya in ka badan 300.000 oo dumar ah ayaa iska soo
rida ilmaha ay caloosha ku wadaan sanad walba ,inkastoo
falkaasi yahay mid mamnuuc ah oo keenaya dil cidii lugu hela
ayaa hadana wax ka qasheedu aheyn mid muuqata. Dalkaasi
Kenaya waxaa ragaadiyey musuqmaasuqa xoogan oo min dowlad
ilaa shacab farro ba'an ku haya.
Xaaskii madaxweynihii hore ee Rwanda oo lugu eedeynayo
xasuuq ay geysatay
Kooxo la sheegay iney ka bad baadeen xasuuqii ba'naa ee ka
dhacay dalkaasi Rwanda bilowgii sagaashmeeyadii ayaa warqado
cabasho ah waxey u direen dalkaasi Faransiiska oo ay kaga
codsanayaan in la horkeeno cadaalada xaaskii uu qabi jiray
madaxweynihii ee geeriyooday ee dalkaasi Rwanda Agathe
Habyarimana.
Kooxahan ayaa ku eedeyey haweeneydaasi iney aheyd maskaxdii
ka dambeysay xasuuqii ba'naa ee sanadkii 1994-tii lugula
kacay qabiilka Tutsi-ga oo ay ku dhinteen 800.000 dad
gaaraya. Haweeneydani waxey haatan magangalyo siyaasadeed ku
joogto dalka Faransiiska.Balse laanta socdaalka ayaa haatan
sheegtay iney wax ka badaleyso codsiga haweeneydan ee
dalkaasi ku joogto waxaana ay sheegeen ineysan aqbaleyn
codsigeeda nabadgalyo siyaasadeed ee ay ku joogto sababo
laxirriira arrimaha lugu eedeynayo.
Feb 11, 2007
Gates: Lagama yaabo inuu
dhaco markale dagaalkii qabooba
Xoghayaha gaashaandhiga Mareykanka Robert Gates ayaa shaaca
ka qaaday in dagaalka qabooba ee horey dunida uga dhacay aan
laga yaabin inuu markale dhaco. Hadalkan ayaa sidoo kale ku
soo aaday xilli uu ka qeyb galayey shir caalami ah oo
loogaga hadlayey amniga kaasoo ka dhacay magaalada Munchen,
waxaana isagoo ka qudbadeynayo shirkaasi sheegay ineysan
muuqan haatan dagaalkii qaboobaa inuu markale dunida ka
dhaco. Kulankan oo madax badan oo caalami ahi ay kasoo qeyb
galeen ayaa Vladamir Putin-ka dalkaasi shaaca ka qaaday in
Mareykanku doonayo inuu dunida ka amar ku taagleeyo
islamarkaasina ay amuurtaasi keentay dhibaato nabadgalyadii
caalamkana ay halis gashay.
Baarlamaanka Bortaqiiska oo u codeynaya ridista ilmaha
caloosha ku jira
Dalka Bortaqiiska oo kamid ah dalalka Yurub ku yaala ee
qodobka la xiririra soo ridista ilmaha caloosha ku jirta
tahay mida ugu adag ayaa cod bixin horey loogu qaaday si loo
sharciyooya ayaa codbixintaasi noqotay mid laga guuxo,
waxaana qodobkaasi dhaliyey dooda haatan loo gudbiyey
baarlamaanka dalkaasi oo ka munaaqishoon doono.
Ra'iisal wasaaraha dalkaasi José Socrates ayaa sheegay in
baarlamaanka amuurtaasi u taalo in la ogolaado iyo inkale
gaar ahaan marka hooyada uurka lahi uurkeeda gaaro wiiga
tobonaad. Balse waxa uu sheegay in haatan la ogol yahay oo
keliya in la soo rido carruurta caloosha ku jira marka ay
timaado daruuf adag, sida uur ku yimid kufis, ama
caafimaadka hooyada ilamahaasi caloosha ku sida.
Wararkii 10.2.2007
Jeneraal cusub oo Ciraaq loo magacaabay xilli xaalka
dalkaasi faraha ka baxay
Dalka Ciraaq ayaa waxaa loo magacaabay Jeneraal cusub oo la
wareegi doono howlaha Meleteri ee dalkaasi. Hadal uu ka
jeediyey munaasabad xilka loogu wareejinayey ayuu sheegay in
dalkaasi ku xuman yahay dagaal sokeeye iyo dhibaatooyin
hadaan ciidamada Mareykanka iyo kuwa ciraaqiyiinta iska
kaashaan waxa uu ku sheegay cadowga.
Jeneraalkan oo la yiraahdo David Petraeus ayaa isagoo sidoo
kale ka hadlayey mid kamid qasriyadii Saddaam Xuseen oo ay
ciidamadisu joogaan ayuu sheegay in howshu tahay mid culus
balse aaney aheyn mid mustaxiil ah.
David Petraeus oo ah jeneraal ciidamadi dalkaasi ka
howlgalay ayaa waxa uu doonaya inuu fuliyo istiraajitadii
Bush ee ku wajahneyd dalkaasi, qeybna ka ah ciidamo
tiradooda gaareyso 21.000 askari oo dalkaasi loo qorsheeyey
geyntooda. Dad badan oo arrimaha Ciraaq indho indheeyo ayaan
igu aamisananeyn in jeneraalkan uusan wax badan ka badaleyn
xaalada murugsan ee dalkaasi awal horey ugu jirtay.
Labo nin oo xiray dilkii gabar weriye u dhalatay dalkaasi
Raashiya
Mid kamid ah wargeysyada kasoo baxa dalkaasi Ruush-ka oo la
yiraahdo Komsomolskaja Pravda ayaa shaaca ka qaaday in
booliska dalkaasi ay gacanta ku dhintay labo nin oo lugu
eedeynayo iney ka dambeeyaan dilkii gabar weriye aheyd oo u
dhalatay dalkaasi lana oran jiray Anna Politkovskaja.
Mid kamid ah baarayaashan kiiska gabadhaasi oo magaciisa ka
gaabsay in la xuso ayaa isagoo wargeyskaasi u waramaya
sheegay in la aqoonsaday mid kamid raggaasi oo sawirkiisa
sawiray dayax gacmeed meleteri oo ruushan-ku leeyahay,
waxaana ragaasi la qabtay lugu sheegay dhalasho ahaantooda
iney kasoo jeedaan dhulka Jeejniya ee ruush-ku duulaan ku
qabsaday.
Anna Politkovskaja waxey aheyd gabar weriye caan ka aheyd
dalkaasi si weyna u cambaareyn jirtay xasuuqa ay ciidamdaa
Ruushanka ka geysteen dalkaasi Jeejniya oo ay marar badan
wax kaga qortay wargeys dalkaaasi kasoo baxa oo ay ka
tirsaneyd. Gabadhani ayaa sidoo kale waxey noqotay weriyihii
13aad ee dalkaasi lugu dilo tan iyo intii xukunka dalkaasi
la wareegay Vladamir Putin-ka dalkaasi sanadkii 2000.
Ingiriiska oo ay dood ka taagan tahay buug la sheegay in
Yahuuda iyo Masiixintu lugu aflagaadeyey
Xukuumada Ingiriiska ayaa ganafka ku dhiftay buug la sheegay
in cadad ka mid ah wax loogaga sheegayey Yahuuda kuwaasoo
lugu tilmaamay daanyeero halka masiixiyiintana lugu sheegtay
doofaro.
Xarunta King Fahads Academy oo ku taala galbeedka London
Sacuudigana maalgeliyo ayaa codsaday in cadadka buugaasi ku
jira ee muranka dhaliyey laga bixiyo, maamulka iskoolkuna
waxaa lugu soo waramaya iney ku doodayan in casharada ay
bixiyaan ee cadadkaasi ku yaaban yahay mid uun marka loo
baahdo oo keliya ardeyda loo soo gudbiyo. Waxaana sidoo kale
ay sheegeen in si qaldan loogu tarjumay cadadkasi ku jiray
buuga ee aan Quraanku aheyn mid ummadda ugu baaqaya naceyb.
Waaxda waxbarashada ee maamulka London waxaa ay si toos u
diideen iney aqbalaan buugaasi oo ay ku tilmaameen mid aan
habooneyn adeegsigiisa waxaana uu codsaday in xarunta King
Fahads Academy ay u kuuro gasha cabashada buuggaasi ee la
xirriira aflagaado la sheegay in loo geystay Yahuuda iyo
dadka masiixiyiinta ah.
Maalintii jimcihiina waxaa booliska London xireen iskoolka
la yiraahdo Jameah Islameah School oo ku yaala koonfur bari
ee London, kadib sanadkii hore markii la kowdsday nidaamka
loo sameeyey argagaxisad, booliskuna waxaa ay sheegeen in
iskuulkaasi ku guul darreystay sharuudihii laga doonayey ee
dib loogu furi lahaa.
Feb 8, 2007
Wadahalkii lixgeesoodka
ahaa ee arrimaha Kuuriyada Waqooyi oo furmay
Kulankii lix geesoodka ahaa ee loogaga arinsanayey
Nukliyeerka Kuuriyada Waqooyi ayaa dib u furmay maanta,
waxaana hadal uu halkaasi ka jeediyey ereyga Waqooyiga
Kuuriya ayaa sheegay in dowladiisa ay ka fakreyso sidey
hubkeeda uga tanasuli laheyd haddii xukuumadda Washington ay
joojiso taakuleynta waxa ay cadowga ku sheegtay ee ay
taageerto.
Ergeyga Mareykanka ee shirkan ninka la yiraahdo Christopher
Hill ayaan bilowgii shirkan rajo ka muujin balse waxa uu
sheegay inuu ku rajo weyn yahay in labada dhinac ay
warmurtiyeed ka soo saari doonaan balse hadal taas ka duwan
waxaa sheegtay haweeneyda xoghahaya arrimaha dibada uga ah
Mareykanka Condoleezza Rice waxaana ay si tadaxar leh u ti
baaxday iney haboonaan laheyd warmurtiyeedkii sanadkii
2005-ta ay wada jir u jeediyeen in haantan uu hurgalo lana
helo Kuuriya oo xor ka ah hanashada Nukliyeerka.
Nato oo soo bandhigtay qorshe cusub oo ay weerar balaaran
ugu qaadeyso Taalibaan
Ninka dhawaan loo magacaabay hogaaminta ciidamada Nato ee ku
sugan dalka Afgaanistaan ayaa soo bandhigay qorsho baaxaad
leh oo lugu balaarinayo howlaha Meleteri ee ka dhanka ah
Taalibaan. Jeneraalkan oo ameerikan ah lana yiraahdo Bantz
Craddock ayaa ka codsaday dalalka xubnaha ka ah Nato iney
duulaankan balaaran ka qeyb qaataan, kuwaasoo u ku doonayo
in la gaarsiiyo dhanka xuduuda xigta halkaasoo ay goob ay ku
xoog badan yihiin Taalibaan iyo taageerayaashooda. Waxaana
uu codsaday ciidamo gaaraya 2000 oo askari oo howshan ka
qeyb qaata.
Ciidamada Nato ee halkaasi ku sugan Mareykanka iyo
Ingiriiska ee hormuudka ka ah ayaa gaaraya 33.000 waxaana ay
labadaasi dal sheegeen in loo baahan yahay in la kordhiyo
ciidamada Nato, ciidamadan oo kala bar ka socda dalalkaasi.
Xamaas iyo Fatax oo
heshiis ku gaaray magaalada barakeysan ee Makka Al-
Mukaramah
Dhaq dhaqaaqyada Xamaas iyo Fatax ee falastiiniyiinta oo
maalmahan shir dib u heshiin ah uga socday magaalada
Barakeysan ee Makkah Almukaramah ee dalka Sacuudi Careebiya
ayaa gaaray heshiis lugu soo afjarayo qilaafkii siyaasadeed
u dhaxeeyey, waxaana ay labadan urrur qalinka ku duugeen
dowlad loo dhan yahay oo ay yagleelaan.
Dowlada Sacuudiga oo shirkan dhex dhaxaadineysay ayaa
wararku sheegeen iney cadaadisay Xamaas kana dhaa dhicisay
iney dhinaceeda adkeyso heshiiska ay qalinka ku saxiixday.
Mana jirin wax hadal ah oo la xirriira in >Xamaas aqoonsato
jiritaanka Israal lugu soo qaaday kulankaasi. Heshiishka ay
gaareen kooxaha falastiiniyiinta ayaa ah in toddobo wasiir
la siiyo Xamaas, Fataxna la siiyo lix wasiir urrurada kalena
afar wasaaradood, halka shan wasaaradoodna loo qoondooyeey
kooxaha aan siyaasada raacsaneyn. Arrintana waa mid u
muuqata ayey leeyihiin warfidiyeenada halkaasi wararka kasoo
diray mid soo afjari doonta qilaafka siyaasadeed ee labadan
kooxood u dhaxeeyey tan iyo markii sanadkii hore Xamaas ay
si aqlibiyad leh guusha ku raacday dooroshooyinkii
baarlamaaniga ahaa ee dalkaasi ka dhacay. Ra'iisal wasaare
Axmed Haniyahan waxaa dhabarka haatan loo saaray howl culus
oo u fulin doona ugana horeysa taaba gelinta heshiiska
magaalada barakeysan lugu gaaray.
Feb 7, 2007
Faransiiska oo ay ka
bilaabatay dhageysiga dacwad ka dhan ah wargeyskii sawiray
kartoonadii lugu ihaaneeyey Nabi Muxamed NNKH
Shalay oo arabaca aheyd ayaa waxaa dalkaasi Faransiiska ka
bilowday dhageysiga maxkamadeed oo la xirriirta wargeys
dalkaasi kasoo baxa oo sawiray sawiradii foosha xumaa ee
lugu ihaanayey Suubanaheena Muxamed NNK. Wargeyska xag jirka
ah ee sawiradaasi daabacay oo la yiraahdo Charlie Hebdo ayaa
dhageysiga dacwada ka dhanka ahi waxa uu socon doona muddo
labo maalmood ah.
Kooxaha ka dambeya in dacwadan la furo ayaa sheegay in
falkii wargeysku kacay ay aheyd mid kicineysa naceyb
qowmiyadeed sidaasi daraadneed ay waajib tahay in la
marsiiyo sharciga. Balse cadaadis uga imanaya qeybaha kala
duwan ee dalkaasi ayaa laftooda ku doodaya in muslimiinta
dacwadan furay aysan caburin waxey ku sheegeen xorriyada
cabirka.
Bishii september ee sanadkii 2005-ta waxaa markii ugu
horeysay sawirada foosha xun ee lugu ihaaneyeynay Nabigeena
Muxamed ah soo bandhigay wargeys xagjir ah oo laga leeyahay
dalkaasi Denmark wargeyskan oo la yiraahdo Jyllands Posten.
Waxaana ay carro weyni gelisay muslimiinta caalamka guud
ahaantii taasoo keentay dalalka Islaamka qaarkood ay ka
jirtaan xirriirkii ganacsi ee kala dhaxeeyey, qaarkoodna
waxaaba ay kasoo ceshteen safiiradii dalalkaasi u
joogay.Dowlada dalkaasi ee wargeyskan xagjirka ahi laga
leeyahay ayaan haba yaraatee bixin wax cudur daar ah.
Sanadkii horena waxaa sidoo kale goob dad badan isku
yimaadeen ka qudbadeeyey baadariga uga sareeya ee mathabka
Katoliga ee diinta masiixiga, waxaana isagoo jaamacad ku
taala dalka ka akhrinaya muxaarado soo qootay qoraalo uu
horey uga ihaaneeyey xgjir imbiriyaaliste ah oo jirtay
qarnigii 15aaad, arrintana waxaa ay markale cambaareyn iyo
banaanbaxyo looga gil gilashay.
Afar qof oo loo xiray afduubkii lo geystay diblomaasigii
reer Iiraan ee Ciraaq lugu afduubay
Afar ka tirsan saraakiisha dalka Ciraaq ayaa la soo qab
qabtay iyagoo lugu tuhmayo ku lug lahaansho ay ku lug
lahaayeen afduub loo geystay diblomaasi reer Iiraan ah oo
maalintii axada aheyd dalkaasi. Wasiirka arrimaha dibada
Ciraaq Hoshiyar al-Zebari oo arrintan dhiniciisa ka
hadlaayey ayaa sheegay in saraakiishan la qabtay la weydiin
doono halka ay tirsan yihiin iyo ciddii amartay iney
falkaasi sameeyaan. Arritan ayaa sidoo kale waxaa ay dagaal
xagga afka ahi ka dhex dhalisay Xukuumadaha Washington iyo
Tehran.
Maalintii axada ayaa afduub waxaa loo geystay Jalal Sharafi
oo ah ninka labaad ee xogheynta ka ah safaarada Iiraan ay ku
leedahay dalkaasi, mana jiraan warar ilaa haatan sheegaya
halka lala aaday ninkaasi afduubtay iyo cidii ka dambeysay.
Feb 6, 2007
Diblomaas reer Iiran ah
oo lugu afduubtay Ciraaq
Sodomeeyo xiran dareyska
ciidamada Ciraaq ayaa afduub u geystay diblomaasi u dhashay
Iiraan. Warkan ayaa waxaa shaaciyey ilo hooseedyo ka tirsan
dowlada dalkaasi ayaa intaasi ku daray warkooda inuu yahay
ninka la afduubtay ninka labaad ee xogheynta u ah sarkaalka
la yiraahdo Jalal Sharafi oo ka tirsan safaarada Iiraan ee
ku leedahay dalkaasi. Afduubka loo geystay ninkaasi ayaa
fuliyey kooxo xiran dareyska guutada 36aad ee ciidamada
Komaandooska kuwaasoo inta badan howlgalada la fuliya
ciidamada Mareykanka ee dalkaasi ku duulay. Mana jirto
cambeereyn la xirriirta afduubka diblomaasigaasi.
Mareykanka ayaa horey u qab qabtay diblomaasiyiin reer
Iiraan ah oo ku sugnaa dalkaasi waxaana Mareykanku sheegeen
iney qeyb ka yihiin xasilooni darrada Ciraaq ka jirta,
taasoo ay xukuumada ka dhisan Theran ay beenisay.
Nin farta lugu fiiqayo inuu ku lug lahaa dilkii
basaasihii Ruushkanka ahaa ee London lugu Khaarajiyey
Basaasihii u dhashay dalka Ruushka Aleksandr Litvinenko ee
dhawaan lugu qaarajiyey magaalada London ee dalka Ingiriiska
ayaa laga soo xigtay inuu farta ku fiiqay nin ku lug lahaa
suntii lugu qaarajiyey. Ninka la yiraahdo Boris Berezovskij
oo wareysi uu siiyey BBC-da waxaa uu tibaaxay in o Andrej
Lugovoj oo ka mid ahaa sadex qof uu dhashay Ruushka oo
hoteelka ku booqday 1 november ee sanadkii hore ay farta ku
godan tahay.
Balse Andrej Lugovoj waxa uu beeniyey eedeymahaasi la
xirrira dilka basaasahaasi. Dowlada Ruush-kana waxaa ay
horey u diiday ninkaasi la tuhmayo iney ku wareejiso
booliska London ee amuurtan baaritaanka ku haya. Sidoo kale
ninkan ay BBC-da wareysiga la yeelatay ee Berezovskij waxaa
uu sheegay in basaasahaasi la qaarajiyey uu Ruush-ka kala
soo tagay "1000 dukomenti-yo" oo ay ka buuxaan warbixino la
xirriira falalkii iyo dembiyadii ay geysteen sirdoonkii
Ruush-ka ee KBG- iyo FSB oo uu ka tirsanaa.
Basaasaha u dhashay dalka Ruusha ee la yiraahdo Litvinenko
ayaa bishii November ee sanadkii hore waxaa lugu sumeeyey
hoteel ku yaala magaalada London waxaana la sheegay suntii
laga helay jirkiisa iney aheyd maadada loo yaqaano radio
active-ka oo ah sunta wax gumaada ee polonium 210.
Gantaal xiisad ka dhex dhaliyey Mareykanka iyo Nicaragua
Dowlada Mareykanka ayaa ka codsadatay xukuumada Nicaragua
iney baabiso gantaalo kun gaaraya oo ah kuwa hawada, waxaana
ay amuurtan Washington sheegtay iney ka baqeyso inuu gacanta
ku gallo kooxaha ay ku sheegaan Argagaxisada. Arrintana
waxaa ka madax adeegay madaxweynaha dalkaasi dhawaan la
doortay ee Daniel Ortega.
Ortega waxaa diidmadiisa sabab uga dhigay in Mareykanku
dalka jaarka ay yihiin Hundaras uu ka iibiyey diyaaradaha
dagaalka oo casri halka kuwiisa yihiin kuwo aan casri aheyn
misna aan u adkeyn sida kuwaasi kale u adag yihin.
Nicaragua waxey gantaalaha raboot-ka loo yaqaano oo gaaraya
2000 oo gantaal ka heshay dowlkii la oran jiray Midowga
Soofiyeeti xilliga madaxweynaha haatan markale la doortay ee
Daniel Ortega. Balse qaar kamid ah gantaalahaasi waxaa la
burburiyey sanadkii 2004-ta kadib markii Washington cadaadis
uga yimid.
Wararkii 5.2.2007
Kooxaha Falastiinyiinta oo shir loogu qabanayo Makka Al
Mukaramah
Rasaasta maalin walba ka dhaca Gaza, Raamalah iyo meelo kale
oo ka tirsan dhulka Falastiin waxey qeyb ka ahaayeen xiisad
ka dhex aloolsantay dhamaan kooxaha siyaasadeed ee hubka
wada sida Fatax iyo Xamaas. Sidoo kale ilaalada ayaa isku
dayey ineysan xaduuda dadweynaha dhaafin arrintan oo
lafteeda keentay tacshiirado la isweydaarsado waxey qeyb ka
ahaayeen xiisada maanta taagan ee u dhaxeysa labada kooxood
ee Xamaas iyo Fatax.
Ra'iisal wasaare Axmed Haniyah waxa uu shaaca ka qaaday inuu
ka qeyb galayo kulanka Makko lugu wado inuu ka dhaco
maalinta berito ee talaadada ah. Sidoo kale kulan ayaan
looga hadleyn oo keliya nabadgalyo xummada ka jirta dhulka
Falastiin balse sidii Xamaas ay abuuri laheyd dowlad
caalamku aqoonsan yahay gaar ahaan reer galbeedka oo sharuud
horey uga dhigay in Xamaas marka hore aqoonsato jiritaanka
dowlad iyo dhul ahaaneed ee Israa'iil taasoo ay gaashaanka u
daruureen.
Madaxweyne Maxamuud Cabbaas waxa uu ku sugan yahay magaalada
barakeysan ee Makka halkaasoo lugu wado inuu laftiisa ka
qeyb qaato kulankaasi uu matalayo urrurka Fatax ee dhawaan
doorooshooyinkii baarlamaaniga ahaa loogaga adkaaday.
Xiisada colaadeed ee labada dhaq dhaqaaq u dhaxeysay ayaa
noqotay mid cirka isku shareertay kadib markii labadaaasi
kooxood ay iska dileen shaqsiyaad ka tirsan xabad joojin ay
dhawaan gaareena ma aanu noqon mid hirgala.
Amin Gemayel: I"nqilaab ayaa ka socda Lubnaan"
"Dalal ay ku jirto Sweden ayaa waxey taageero u hayaan in
inqilaab lugu sameeyo xukuumada Fu'aad Sinyoora" Sidaas
waxaa yiri Amiin Gemayl oo mar madaxweyne dalkaasi kasoo
noqday. Wareysi uu siiyey Talefeyshinka CNN-ta ee Mareykanka
ayuu sheegay in Suuriya ay ka dambeysay dilkii Rafiqal
Xariiri ra'iisal wasaarihii hore, waxaana isagoo xaalka adag
ee dalkaasi ku jira siyaalo kala duwan ku sheegayo ayuu yiri
"sida muuqata haatan waa inqilaab kana dhan ah dastuurka
dalkaasi u yaala"
Isagoo weli si darran u weeraraya ayuu misna sheegay in
xukuumada Dimiqshiq ay is hortaageyso in madaxmad cadaalad
ah la horkeeno dadkii ka dambeysay ra'iisal wasaarihii hore.
Xisbullaah oo muddooyinkan dambe saameyn siyaaseed ku
yeelatay banaanbaxyo is daba joog ah oo horey u dhacay ay ku
baaqday ayuu ku tilmaamay "dowlad, dowlad kale ku dhex jirta"
Ma cada sababta uu ninkan u weerarayo Suuriya waxaase
saxaafada qaar ku tilmaameen mid uu taageero siyaasadeed
kaga raadsanayo reer galbeedka oo si weyn u taageersan
xukuumada haatan sii taag darnaaneysa ee Fu'aad Sinyoora.
Feb 4, 2007
Indonoosiya
oo qasaaro kasoo gaareen roobabkii ka da'ay
Dalka Indoonisiya ayaa haatan waxaa ka jira xoog leh oo ay
sababeen fatahadaado ka dhashay roobab dhawaan dalkaasi ka
da'ay. In ka badan 340 ayaa ku sugan xaalad guryo la'aan ah,
magaalada Jakarta oo ay ku dhaqan yihiin 12 milyan ayaa
qasaarooyin soo gaarsiiyeen bayaha kor dhor u dhaafay 2
metir kuwaasoo dhaafay xadkii caadiga ahaa. Inkastoo
wakaalada wararka Rueters ee warbixintan kasoo dirtay
dalkaasi leedahay waxaa roobabka haatan da'ay ku dhintay dad
gaaraya 20-neeyo ruux ayaa hadana qasaaraha roobabkan ka
yihiin dalkaasi waxyaabo iska caadi, balse muddo shan sanno
ka hor ayey ugu dambeysay waxyeelo tanoo kale ah, roobabkuna
waxey u muuqdaan kuwo sii da'i doono.
Goobaha ay dhibaatooyinka gaareen ayaa waxaa kamid ah
wadooyinka ay tareenadu mari jireen oo biyuhu gooyeen, sidoo
kale cisbitaalada iyo wadooyinka ayaa laftoodii biyo buux
dhaafsheen. Labaateneeyo kun oo gurina waxaa la runsan yahay
iney daadadku qaadeen. Dowlada dalkaasina waxey gashay
gargaarkii ugu sareeyey ee ay ula tacaaleyso dadku
masiibooyinkaasi gaareen. Culimada sahmisa hawadana waxey ka
digayaan roobab kale oo qasaarooyin geysta. Qaarada Koonfur
bari ee Aasiya ayaa dalal ku yaala qaarkood waxy u dhago
nugul yihiin roobabka ka da', dalkaasina waxaa muddo haatan
2 sano laga joogo ku dhiftay bad gariir xoogan oo dadka iyo
duunyadaba aafeeyey.
Wasiirkii Arrimaha
dibada Romaaniya oo is casilay
Sida ay werinayaan saxaafada dalkaasi Romaaniya ayaa shaaca
ka qaaday in wasiirkii arrimaha dalkaasi Mihai-Razvan
Ungureanu is casilay kadib markii dhaleecooyin badan loo soo
jeediyey la xirrira wax ka qabasho la'aan muwaadinin u
dhashay dalkaasi oo Ciraaq ku xiran kuwaasoo laftooda
bilooyin badan ku xirnaa sababo la xirriira basaasnimo.
Arrinta labada nin ee ku xiran Ciraaq waxaa ay dood badan ka
dhalisay dalkaasi taasoo keentay in ra'iisal wasaaraha inuu
wasiirkiisa ka codsado inuu is caliso. Is casiladaada
wasiirka lafteedana waxaa dowr weyn ku yeeshay saxaafada
dalkaasi oo aad u buun buuniyey. Lama oga goorta uu si rasmi
ah uga gudbinoo is casilaadiisa balse wararka ayaa sheegay
inuu shaaciyey inuusan ku soo laabaneyn xafiiskiisa maalmaha
soo socda.


|