Gabay layidhaahdo (Godlan)
-
Gabay waala tiriyaa cabdaw,
kani se waa gaare’
-
Waa duco gudeysiyo amaan,
geesi soo diraye
-
Waa gocasho raagtiyo ladh
iyo, hibasho ii gaara
-
Waa geydha roobkiyo ufada,
galuhu keenaaye
-
Waa raxan gadoodiyo libaax,
beesha soo galaye
-
Waa faras gudoodiga bartiyo,
gaade iyo weerar
-
Waa galacda waagiyo, habeen
kala gayoonaaya
-
Waa gabadh xishootiyo
barbaar, timaha geedeystey
-
Waa goray haldhaagoo aroor,
gedefka taagaaya
-
Waa geedka laysukugu tagiyo,
golaha waayeelka
-
Godlan weeye maansadu,
ninkay faro lagaadhoowe
-
Afartaa galool ubax lihiyo,
man iyo geed saar dheh
-
Afar kalana gudiyeey imaqal,
waydin garan siine
-
Goortii aduunyada lasimay,
gebi ahaanteedba
-
Ee Guulaheen qaybiyee,
gobalba meel joojey
-
Dhulka uduga laga soo guriyo,
xabagta geed saaqa
-
Soomaali geeskaalafuray,
galaya xeebaaye
-
Geel iyo adhay dhaqan jireen,
guunyo faro wayne
-
Gabdhahaa lakala guursan
jiray, gob iyo caadkeede
-
Gacal iyo xigtey wada ahayd,
beel is garab taale
-
Hadii uu dareen kale galoo,
daano kala gaadho
-
Garta odayadaa qaadi jirey,
guud.cadaadige
-
Gudoonkuna heshiisa buu ahaa,
loo gudboon yahaye
-
Iyadooy gadaa wada tahoo,
nabad ku goohaysa
-
Ayuunbaa waxa soo dhex galay,
geed ismjaaris jaane
-
Waa geedi baabaw waxeer,
saatan noogalaye
-
Guul-darrayste eel kuu
dhigaan, cidina goyneyne
-
Markii uu sokeeyaha ku gudey,
mariyey gaaleefta
-
Markii uu gadhweyntii jaree,
haadku gabasleeyey
-
Markii uu haween gawdhiyuu,
gawrac ugu jiiday
-
Geesaaska naagaha markii,
giida laga waashay
-
Gees biciid markii uu tuntuu,
gudari noo loogay
-
Daahyada markuu goostayuu,
gelen gel noo saaray
-
Ayuun baanu ciil goohnayoo,
goyney dabarkiiye
-
Gugii hore dareenkii nagalay,
gibil madoobaaney
-
Gugii xigey gunaad baa jiraa,
gawnaxyada buuray
-
Gugii xigey faqhoosiyo
gujada, ubadka gaadhsiiney
-
Gugii xigey dhadhaab
guranayoo, laamiyada goyney
-
Gugii xigey sidii goosan
lumay, gees isugu boodney
-
Gugii xigey Hubkii Gaaranoo,
gamaska dhiigeyney
-
Gugii xigeyan Gaadmiyo
Badheedh, nacabkii googoyney
-
Gugii xigeyna geeda
waaqlihii, garabka naafeyney
-
Gugii xigeyna dooyada galoo,
guluf u heenseyney
-
Gugii xigeyna duhur soo
galoo, hadalba soo gaabey
-
Kun gabraarta kuman leylka
guda, kuman kaloo gaafan
-
Kun gaatamaya kuman ciil la
goda, kuman godoodaaya
-
Kun geylamaya kuman goob
dagaal, looga kala guulmey
-
Kuman marada gaabinahayoo,
labada low geeya
-
Iyo kuman sidii Aarka guda,
godabta raacdeeye
-
Baroon gaaban jiib galaxsan,
oo gumaca tuuryeeya
-
Shilka guuxa suugoo gingiman,
guda yaraw biiten
-
Sii kaawi geelgeel tamoo,
cadawga googooya
-
Foodhiga gariirkii ka baxay,
galawgu eedaamay
-
Garaanbiiga goobtuu ku dhaco,
ciidu Gubaneyso
-
Beebeega orod gaariyeen,
cidina Gaadheynin
-
Kaaraha gurguurtee khalqigu,
baqe ka giigaayo
-
Galabtaan intaa soo tubnee,
faqashtii guudkeeney
-
Sidii goroyo lagu soo baxay,
gelelef yaaceena
-
Gaaleef markii lala dhacee,
guduri loo loogey
-
Maydkoodu waa tuu gignaa,
goonyahoo idile
-
Waligoodba goob layska heley,
guul lamay hoyane
-
Gafuuro xun sidee eebahay,
Gabo gabo u taagey
-
Afartaa golool ubax leh iyo,
maniyo geed saar dheh
-
Afar kalana gudiyeey imaqal,
weydin garansiine
-
Galadeynu joogniyo ragii,
guusha wacan keenay
-
Nimankii gumaystaha diree,
faqashta gaagaabshay
-
Nimankii sariir lagu gamiyo,
guri ka dheeraaday
-
Nimankii gudoodiga habeen,
guura bahaleeyey
-
Nimankii haween lala golyiyo,
gaari wacan dhaafay
-
Sidii Aar gabood yaleh ragii,
gooha damin waayey
-
Gaashaan dhigeeniyo ragii,
gacanta xoogeeyey
-
Gaajiyo haraadiyo raguu,
gawre kari waayey
-
Ragii gocondhadii aad ogeyd,
calaha guud joogey
-
Guud kooda raamaha ragaad,
geydhe baxay moodey
-
Sidii goray saraareed ragii,
goroyo cawloobey
-
Jananada ragii gawracee,
libin ku geeraaray
-
Gayigooda nimankow xishee,
guri kale u dhoofin
-
Cod mujaahid eebaa galaday,
gooruu joogaba’e
-
Gudiyeey wanaag lama gadee,
guda abaal kooda
-
Calan kaa na guud jooga, iyo
guri yagleelkeena
-
Gobanimada niman baa u go’ay
gacalayaalowe
-
Inta geesi ciida u nafbaxay,
waa gun iyo baare
-
Rabi waxaan galiimaday, inuu
geeyo meel wacane
-
Gudiyeey wanaag lama gadee,
galiya taariikhda
-
Shuhadadu gurboodkii ay
dhaleen waa lagaasiraye
-
Gabanadu haddii ay cawdaan,
waa gunimo wayne
-
Gaari weer ku raagaa ka
badan, geedahaa baxaye
-
Guno iyo xasuus bay rabaan,
gu iyo jiilaal
-
Gudiyeey abaal lama gadee,
guda abaalkooda
-
Naafadan gacmaha ciirsatee,
cadawgu googooyay
-
Ee wada gurguurtee, kurtood
gabi dhaclaynaaya
-
Ee wada galiilyaysan, ee
goroda laalaadshay
-
Laxaadkooda nimankaa gatee,
gumaro noo siiyay
-
Hadii geesi jiro waa iyaga,
garashadaydiiye
-
Guno iyo dhaqaalay rabaan,
garasho waayeele
-
Gudiyeey wanaag lama gadee,
guda abaal kooda
-
Haweenkii gambada xoorayee,
ficil gadoodaayay
-
Ee giraamka noosoo huree,
gacanta noo saaray
-
Ee aan galaan nagala hadhin,
guri wixii yiilay
-
Iyagoon gasiin hayn, kuwii
tamaradood gaystay
-
Gudiyeey wanaag lama gadee,
guda abaalkooda
-
Dhaawacayga nimankii guree,
geeda sare waabay
-
Eegoolka soo wada dabriyo,
gaabanaw adhiga
-
Gurgurshaaga nimankii
qaliyo, gibil madiidaanka
-
Dooyada ragii ila galee,
gaade iga eegay
-
Reer miyeey garagaaroo,
bulshada iiga gooniyaha
-
Gudiyeey wanaag lama goda,
guda abaalkooda
-
Debadaha ragii geylamee,
gooha damin waayey
-
Ee giniga lacagta ah
baxshiyo, guufka iyo moodka
-
Ee aan goblooleyn marnaba,
gamashi waa ceeba
-
Ninkii ganay iyo waa kala
ogyahay, kii galaday Aare
-
Gudiyeey wanaag lama gadee,
guda abaalkooda
-
Xilkaad guudka saarteen ka
culus, buurihii golise
-
Kuwii horaba waxa loo
genbiyey, garabku daqiiye
-
Idinkuna hadii aad geftaan,
waa gedaan jabaye
-
Umadii godbaa lagu ridoo,
guudka laga aasye
-
Goof bay dhex taalaa
bulshadu, gabi ahaan teede
-
Waxa gododka naartaa ku
guray, gacan ku dhiigliiye
-
Gacalkiyo xigaalkeer is
diley, waa gaduu falaye
-
Intuu reerkan guuluu mid
kale, garabka saaraaye
-
Gaaleysyaduu qeybiyiyo,
gudintu soo feeyey
-
Isku go, ayuun bay ahayd,
gacal cun xeeshiiye
-
Gacmaha isu saaroo bulshada,
godobta daaweeye
-
Yaaney kala gadoomine ka
jira, gawdhiskiyo hiifka
-
Gogol qudha isugu keena oo,
samo ku gaalgaala
-
Geyigeenu wada leenihiyo,
gumaro hoostaale
-
Nina yaan guhaad loola
tegin, gocasho waa ceebe
-
Shir la gooyey, waayeel
gabyidhi, garangar muunaysan
-
Gole xaadhan guurtidoo la
wacay talo gorfayn teena
-
Masuul wuxuu gabtoolaa,
markuu eexa guursade’e
-
Nin qabiil u guuraa ka
dheer, guri barawaaqeede
-
Nin jeclaysi yuu soo
dhexgelin, gacalayaal beesha
-
Qaramaadka danyar laga
guree, laysu wada geeyey
-
Gabaan dhiiqda laga soo
lisee, gaban u ooyaayo
-
Gacan-dhaaf ayaan loola
tegin, waw gudboonahaye
-
Wuxuu geel ku dararaa
markuu, guri san daaqaaye
-
Godolkeedii maandeeq la waa,
gacal islaamoowe
-
Gorofkeedii wuu haawadaa
Dhawr guyoo tegeye
-
Ganboor iyo Sunbay
daajiyeen, geed xun iyo
ciine
-
Gafanaa ku naaxiyo, kud-kude
kaymaha u galaye
-
Geed sabool ayay yuururtaa,
guri habaas weyne
-
Gu’ga oy hayaan taa u eeg,
Geydho wey rimiye
-
Jiilaalka inay goojisaa, waa
gedaan rabo’e
-
Goortuu sidkeedii go, ee,
gabanta loo qaado
-
Gujo laguma maaliyo afkee,
yare he gaalgaala
-
Qalax laguma giijee ka jire,
dabar danbeed gooya
-
Geyigeenu waa hodan hadaan,
gees walba udayaye
-
Dooxyadan ganaaneynayiyo,
galalkan ceegaaga
-
Dudur aan go, ayniyo harada,
galacleh ee Jiifta
-
Mar haddii abuur lagu guroo,
gacamo loo jeexo
-
Gaajaba rugteeniyo ka dheer,
guri sabooleede
-
Majada iyo gadhweyta u
qabtoo daaba gudinteena
-
Uguntada Dadaal buu nafluhu,
libin ku gaadhaaye
-
Diinteena oon garabsanaan,
guul ku helaynaaye
-
Wax kaloo lib lagu gaadhayaa,
waa gefiyo beene
-
Gudoonsada distoorkiyo
sharciga, wow guboonayahay
-
Malaa hadalka waan guud
maree, aan u galo hoose
-
Umadeeni way goomaan tahay,
geliya laabtiina
-
Gaajiyo harraad baa jiree,
galiya laabtiina
-
Gurboodkeeni way daalanayiin,
geliya laabtiina
-
Gurgurshaagu waa isdinka ee,
geliya laabtiina
-
Afar geedi baa lagu hodmaa,
geliya laabtiina
-
Galxareeda baa muuqda ee,
geliya laabtiina
-
Geyi doog lebaa soo hiree,
geliya laabtiina
-
Goobaare dacalbaa hadhee,
geliya laabtiina
-
Golibaa idaha laysa ee,
geliya laabtiina
-
Gorgorbaa maroodiga cunee,
geliya laabtiina
-
Garwaan luhu marbuu ii dusee,
geliya laabtiina
-
In aan gaadh dib
laysaariheyn, geliya
laabtiina.
sallaamulahi calaykum
Anigoo
ah Cali Maxamuud Xiirane waxaan
tiriyey tixdaan gabayga ah oo
aan inta badan tiriyey 11/11/06,
mar aan u jawaabayey nin
dhallinyaro ah oo ii soo direy
gabayga kor ku qoran, gabayga oo
aan qaarkiis shakhsi ahaan ugu
direy ninka e-mailka ii soo
direy ayaan is la markiiba arkay
waxyaabihii aan ka digayey oo
waddankiiyoo dhan ku faafay (Gumeysi
Tigree), markaasaan jecleystay
inaan gabayga awal waan iska
sahalsanayee aan dhammeystiro oo
aan saxaafadda u gudbiyo. Waxay
ila tahay dadka Soomaaliyeed
inay arkaan oo ay fahmaan
nimanka Dictators ka ah ee mar
walba kursi u hamuun qaba,
diinta, dadka iyo dalkabana
iibsanaya si ay maalmo u sii
wataan magaca ama jagada ay
wataan. Dadkaas ayaga ah waxay
joogaan gobol walba waxayna
leeyihiin qabiil walba. Haddaan
haddaba meel looga soo wada
jeesan, hadhoow waxay halleeyaan
yaan la isku eedin oo yaan gobol
gaar ah iyo qabiil gaar ah loo
saarin wixii dhib ah oo ka
yimaada, qofkii qaladkooda
tilmaamana yaan la dhihin
gobolkayga ama reerkaygaad u dan
leedahay. Midda kale Soomaali
weligeed walaahoow iyo tiih ka
bixi mayso inta diinta la
sheeganayo, haddana
caddaaladdeeda laga cararayo oo
shareecada ku dhaqankeeda dhinac
la isaga riixayo. Waxaa ii
muuqda iney nimanka kursi doonka
ah ee badankood ay jagada ku
heleen meel heblaan haystaa ay
mar walba raali gelinta ilaahay
iyo tan shacabkoodaba ay ka
doorbidaan raalli-gelinta
shisheeyaha danaha gaarka ah leh,
oo waxay dhahaanba ay ka daba
leeyihiin sida shimbirka
Baq-baqaaga.
-
Waa gabay gu' weynoo abwaan
soo gardaad baraye
-
Waa gun iyo baar waano aanay
cidi giriifeeyne
-
Waa galalka taariikhda oo
aan la gooyn karine
-
Waa gacal heshiisiin u yiri
ruux garaad lihiye
-
Waa taladii ruux garasho
dheer uu gorfeyn jiraye
-
Waa guubaabo uu soo gudbiyo
ruuxa gaamuraye
-
Waa garyaqaan taladuu lahaa
garashadiisiiye
-
Waa gaf iyo ciilkii dhacoo
laga gadoodaaye
-
Waa waano loo guudmaroo gaar
dad loo yiriye
-
Waa gabbasho wiilaan aqoon
gole ka sheeggiise
-
Waa geesi hadilkiyoo nin
ragihi uusan gaasirine
-
Waa loo garwaaxeedsadoo
geedna loo galaye
-
Waa guurti odayaal gigiman
talo ay gooyeene
-
Waa maanso gudihiyo u weyn
goonyohoo idile
-
Waa murtida ay gaar maraan
gooni daaqyaduye
-
Waa gartiye anba xaajadaas
waan garawsadaye
-
Waa arrin go’aankii la xiray
niman gadaayaane
-
Gudihii tigreegey gor-goro
inagu geeyaane
-
Sidii gabar aroosey Adiis
sii galbinayaane
-
Waa xaajo kaa geeddi dheer
oodan garaneyne
-
Anse guusha waan kula
jeclahay libin ad gaartaaye
-
Ha yeeshee raggii geela
jirey wuu ka gaagaxaye
-
Gandaalkiyo waxay kuu sidaan
gaawohoo marane
-
Diintuu an garabsanno lahaa
waa la geesmaraye
-
Culumada raggaa gaadayaa
guudka loo firaye
-
Gabdhihii xijaabtey haddeer
gaba-gabeeyaane
-
Gantaallada kuwii kula
dhacaa hoosta kuu galaye
-
Guclihii la galay bay kuwani
gaabinahayaane
-
Geed is mariskuu ka digayana
hadduu golaha jiifaaye
-
Gafanihii ku cunayaan arkaa
gaadmadii weliye
-
Gardaduub wadaad loo xiroo
gaalo laga raacay
-
Oo lagu guhaadshoo xabsiga
lagu garaacaayo
-
Gindir iyo niman baa u wada
guri amxaaraade
-
Aniguna markaasaan gammuun
leebka geliyaaye
-
Gar waa loo islaam oo
ninyahow beenna way guriye
-
Intaad gaarka iga hayso ood
iguna goohayso
-
Bal garoowso girmaa kaa
hantiyey gobolladaadiiye
-
Culumada waxaa loo gujeeyn
waa wax gooniyehe
-
Waa gunnimo suldaankay
xabsiga gaarka ka hayeene
-
Waxa jeelka loo geeynayaa
waa go’aan diine
-
Nin gamaaray oo gubanayoon
gurmadna soo gaarin
-
Oon gafkaas ruuxii ka galay
jeelka lala gaarin
-
Godobtuu ka geeraaray iyo
soo gocashadii maahan?
-
Gar ilaahay baa loo hadlaa
geedka xaajada e
-
Dad loo gafay ogaanteeyda
waa loo garaabaaye
-
Geed waaban hoostiis ayaan
talo gorfeeynaaye
-
Gogoshii ikhyaar loo dhigaa
laga garsooraaye
-
Godob waa la daaweeyn karaa
loo gudboonyahaye
-
Gar caddaa ayaa loo miraa
goobta xaajada e
-
Geel baa diyada loo baxshaa
geesiyaal tegaye
-
Godob reeb gabdhaa loo
baxshaa labada geesoode
-
Gammaan baa la kala qaadan
jiray gaar ahaan farase
-
Garta kii leh gondihiyo
garkaan gacanta saarnaaye
-
Gobonimo waxaa laga fishaa
ruux gar qaataahe
-
Gardarrada midkii laasimaan
gawska jebinaaye
-
Gocorraha is guuf-guufa waan
wada garaacnaaye
-
Is giriirixin waxaa laga
fishaa kaan wax garaneyne
-
Golihii kacaankaa na baday
kala gadoodkaane
-
Kulli waa na wada gaawin
jirey goor iyo ayaane
-
Sargaalkii giriifkiis
qaddimay guulwadaa dilaye
-
Cabdullaahi golongol buu
ahaa taniyo goortiiye
-
Isaguna dad buu gubahayee
guul ma dhalineyne
-
Waxaa gawda laga saari jirey
gobolladiisiiye
-
Galgaduud bar baa loola
tegey garab ku taagleyne
-
Culumaan wax galabsanin ayaa
gawrac loo simaye
-
Garbasaar weyn gabdhihii
xirtaa jeelka loo guraye
-
Canshuurtay naga gurahayeen
gaar rag leexsade e
-
Diyaaraad garoonkey degaan
dibu garaacaya
-
Oo shacabka goobanahayee
kaga gariirsiiyey
-
Waa gurracan wallee
xaajadaas aan la garaneyne
-
Ka gees iyo ka geesay
jabhado soo gurmanayeene
-
Ummad bay galaafteen iyana
galalaftoodiiye
-
Gumaadkii ayaa weli socdoon
gaabin orodkiiye
-
Goobihii la wada daawan
jirey gubato weeyaane
-
Halkii gacal ku haasaawi
jirey waa gel-gelintaase
-
Gaashaandhiggii geedaa ka
baxay golaha fiicnaaye
-
Gaboodfalkan inkastoon la
arag maanka geli waayey
-
Niman baa garsoorkii
horkacay diin ku gaamuraye
-
Gacaltooyo nooma kala
dhammaan garashadeydiiye
-
Gafuur cawo ninkiisuu gubaa
aan la garaneyne
-
Waxa adiga kuu gaar noqdeed
gooni ugu boodday
-
Oon geedka laga sheegan
karin yaa i garansiiya?
-
Maansadu gar weeyiyo runtii
aan gorfeeyn jiraye
-
Adna gaabis baad tahay
midkii igu giriifoow e
-
Gacal waaya Soomaaliyeey
waad is gurateene
-
Gobonimo qofkeennii rabiyo
kii gunnimo doortay
-
Midka gobol ku faaniyo
Tegree kii guryaha siiyey
-
Geyigeenna Soomaali waan
kala gurmaynaaye
-
Gurmad iyo dadaal badan
ninkii orodka geeyfnaada
-
Iyo Giiryaale fulaygii ordee
goojo la abraara
-
Iyo gaajo ruuxii wax badan
gubadka meereysta
-
Iyo geesigii waddaniyaa wax
badan liiska noo geliye
-
Ninka guuxa gaariga Tigree
guul ka filanaaya
-
Ama godob sokeeyoo la galo
geni ku doonaaya
-
Waxba yuu is giijinin rag
baan gaabineyn orode
-
Gucle orodka ruuxii wax
badan cadow guulaayey
-
Iyo kii u geeyee gabdhaha
gogol macaan seexshay
-
Taariikhda guunkaa ayey kala
gelaayaane
-
Gaalnimo midkii nala rabee
diinta naga guula
-
Ama lagu gabraartee xornimo
aanba garaneynin
-
Geyigeenna soomaali waan
kala gurmaynaaye
-
U garaaca gurbaan beenahaad
garasho mooddeene
-
Nimankii garoonkey dunsheen
geedo ku tallaalay
-
Gurmadkiyo abaaraha raggii
wada gucleeynaayey
-
Dadkii daadku soo galay
raggii doonta ugu gooshay
-
Oo meelaan cidi gaari karin
timirta geeynaayey
-
Oo gacalka naafoobi raba
orod ku gaaraayey
-
In gumeysi loogu yeerta oo
lagu gantaalleeyo
-
Iney gaalo faraxoodi tahay
ama garaadlaawe
-
Nin gu’weyni waa garan karaa
oo garaadsadaye
-
Allow guusha adigaa hayee
garabgaloo caawi
-
Aakhiro midkoodii go’ana
guri jannaa seexi.
Waa ikhyaar Midowga maxkamadaha
ee Jubbooyinka oo u gurmanaya
dadka daadadku wax yeelleeyeen.
Cali Maxamuud Xiirane
xiirane2@hotmail.com
Towbad soo
celiya (Gabay) Tixda gabayga
beryahaan ma tirin
tuducyadiisiye... Akhri
Afeef:
Aragtida qoraalkan waxaa leh qiraaga ju
saxiiixan


|