Wararkii: Jan 21, 2007
- Faahfaahin dheeraad
ah oo ku saabsan rasaas ay rideen Ciidmada Itoobiya..
- Maxaabiis lasheegay
in ay ka tirsanaayeen Maxaakiimta oo ay ku jireen Oromo
iyo Ereteriya oo laga soo dejiyey Garoonka..
- Dowladda Mareykanka
oo wada Qorshayaal ay ku dooneyso in ay meel isugu
keento
- Maxamed Dheere oo
shaley Dowladda ku wareejiyey 25 Gaari oo tekniko ah
- Geedi oo la sheegey
in uu u tagey Suudaan sidii ..
Faahfaahin dheeraad ah oo
ku saabsan rasaas ay rideen Ciidmada Itoobiya..
Warar dhaaraad ah ayaa ka soo baxaya rasaasatii Ciddamadii
itoobiya ay ku rideen Dad rayid ah oo ku sugan Suuqa Xoolaha
kadib markii Nin dhalin yaro ah uu ku riday Rasaas waxaana
dhacaday in Ciidamada itoobiya aysan u aabi yeelin Dadkii
halkaasi ku sugnaa waxaana haatan la xaqiijiyey in ay ku
dhinteen illaa iyo 8-Ruux oo la sheegay in ay ku jireen
Caruur iyo Dad waayeel ah, sidoo kale waxaa ku dhaawacmay
ilaa iyo 7-Ruux iyadoo Goobtii Rasaastaasi ay ka dhacday ay
gaaf wareegayeen Kooxo Meleyshiyo oo ah u Caraysnaa waxayna
digniin ku bixiyeen in Wadadaasi ay soo mari karin ciidamda
itoobiya iyo kuwa Dowladda fedaraalka.
Dadwaynaha Deegaanka oo waayadan la kulmay iska horimaadyo u
dhexeeya Ciidamada itoobiya iyo Kooxo Meleyshiyo ayaa waxa
ay ku baaqeen Dadkaasi in halkaasi aysan soo marin Wax
Ciidamo ah tan iyo inta xaalada iska badelayso.
Habeen hore ayey ahayd markii Xarunta Madaxtooyada ee Villa
Soomaaliya lagu soo weeraray Hoobiyayaal illaa iyo haatan
Dowaladda fedaraalka ah kama hadlin khasaaraha dhabta ah ee
ka dhacay Xaruntaasi waxayna warkeedu ka soo koobtay in
Khasaaro uu gaaray Darbi ka mid ah Darbiyada Madaxtooyada.
Maxaabiis
lasheegay in ay ka tirsanaayeen Maxaakiimta oo ay ku jireen
Oromo iyo Ereteriya oo laga soo dejiyey Garoonka..
Waxaa Maalintii shaley Garoonka Diyaaradaha Muqdisho laga
soo dejiyey Maxaabiis la sheegay in ka tirsanaayeen
Ciidamadii Maxaakiimta Islaamiga oo la sheegey in ay qabteen
Ciidamada wadanka Kenya , waxaana Maxaabiistaan laga qabtey
Xuduuda u dhaxaysa soomaaliya iyo Kenya waxaana lagu waramey
in ay kujireen Rag u dhashey Oromo iyo Ereteriya
Tirada Maxaabiista ayaa lagu sheegey 60 Qofka waxaana markii
la dejinayey lagu wareejiyey Ciidamada Dowladda Fedraalka
iyo Kuwa Itoobiya , waxaa la saarey Gawaari ay leeyihiin
Ciidamada Itoobiya islamarkaana Indhaha way ka xirnaayeen
lama garanayo halka loo qaadey Maxaabiistaas.
Afhayeenka Dowladda Fedraalka Cabdi raxmaan Diinaari ayaa
Xaqiijiyey Maxaabiistaas oo uu sheegay in laga soo qabtey
xuduuda u dhaxeysa soomaaliya iyo Kenya
Waa markii ugu horeysey oo Maxaabiis ka tirsan Maxkamadaha
lakeeno magaalada Muqdisho iyadoo ciidamo ka tirsanaa
Maxaakimta oo ka soo jeedey Gobolada Puntland kuna sugna
muqdisho loo qaadey Deegaanadoodii ka dibna la siidaayey
iyadoo kuwii dhaawaca ahna isla markiiba la geeyey
Isbitaalada.
Dowladda Mareykanka oo
wada Qorshayaal ay ku dooneyso in ay meel isugu keento
Dowladda Mareykanka oo wadi qorshe lla isku soo hor
fariisinayo Rag ka tirsan Maxaakiimta iyo Dowladda
Federaalka sii loo yareeyo Nabadgelyo xumida ka jira
soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho
Dadaalkan ayaa la sheegey in lagu cadaadinayo Dowlada
fedraalka ka dib markii.Dowladda Mareykanka Joojisey lacag
deeq oo dowlada Mareykanka ugu tala gashey Dib u dhiska
soomaliya waxayna llacagtas ay gaareysey ilaa iyo 40 Milyan
oo doolar
Sidoo kale Midowga Yurub ayaa isna soo dhaweeyey in ay wada
hadlaan Dowladda Federaalka iyo Maxaakiimta si loo gaaro Dib
u heshisiin dhab ah isla markaana ay u sahlanaato in dalka
ay ka baxaan Ciidamada Itoobiya oo taageero siiyey Dowladda
Fedraalka sidoo kale waxaa wada hadalada taageerey
Jaamacadda Carabta oo iyana dooneysa in Maxaakiimta laga
Qayb geliyo Wada hadalada
Maxamed Dheere oo
shaley Dowladda ku wareejiyey 25 Gaari oo tekniko ah
Maxamed Cumar Xabeeb oo ka mid ahaa Hogaamiya kooxeedyadi
looga awood roonaadey Muqdisho mar ay dagaal lagaleen
Maxkamadaha Islaamiga ayaa shaley Dowladda Federaalka ku
wareejiyey Ilaa iyo Shan iyo Labaatan Tekniko ah, waxaa ka
qayb galey Taliyaha Ciidamadda Xooga Dalka soomaaliyeed Gen
Ismaciil Qaasim Naaji iyo Mauuliyiin ka tirsan Dowladda
Federaalaka
Maalmahan waxaa socdey In ay Hubka wareejiyaan Hogaamiya
kooxeedyada oo muddo 16 sano ku jirey Dagaaladii ka dhacayey
Soomaaliya, iydoo taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka uu sheegay
in hub wareejinta ay ku xigi doonaan Bulshada iyo
Ganacsatada
Ilaa iyo Dowladda federaalka ma soo saarin wareegto lagu
amrayo in hubka gacanta dowladda lagu soo wareegiyo ka dib
markii wareegtadii ay hore u soo saartey dib ula noqotey ka
dib markii qaar ka mid ah bulshadda ay soo jeediyeen in
dalka si siman hubka looga qaado
Geedi oo la sheegey in
uu u tagey Suudaan sidii ..
Ra段isul wasaare Cali Max弾d Geedi iyo Wafdi oo hogaaminayo
ayaa u ambabaxay Dalka Suudaan ka dib markii uu martiqaad ka
helay Dowladda Wadankaasi Afhayaanka Dowladda C/raxmaan
Diinari ayaa Saxaafadda u sheegay in Ra段isul Wasaaraha uu u
tagay Wadanka Suudaan sidii Dowladdaasi oga warbixin lahaa
xaalada Soomaaliya iyo isbadelkii dhawaan ka dhacay Dalka ka
dib markii Maxaakiimta islaamiga ah laga saaray Goobihii ay
ka talinaayeen markii arrintaani ay iska kaashadeen Ciidamda
itoobiya iyo kuwa Dowladda fedaraalka.
Wara ayaa waxa ay sheegayaan in Ra段isul Wasaaraha uu Dalka
Suudaan sidii dib loogu soo noolayn lahaa wadahadaladii u
dhexeeyey Maxaakiimta islaamiga ah iyo Dowladda fedaraalka
hase yeeshee Ra段isul wasaare Geedi waxa uu horay u sheegay
insan horfariisan doonin Maxakadaha islaamiga ah isagoo
sheegay in Maxkamadaha ay meesha ka baxeen,wara kale ayaa
waxa ay sheegayaan in Dowladu Carbeed ay wadaan sidii meel
la段sugu keeni lahaa Dowladda fedaraalka iyo Maxaakiimta
islaamiga ah waxana Dalka Yeman ku sugan Mas置uliyiin ka
tirsan Maxkamadah islaamiga gaar ahaan Ragga ku jiray Golaha
Fulinta.
Dowladda fedaraalka ayaa waxaa saaran Cadaadis Caalimi ah oo
ah in wada xaajood lala furo Golahii Maxaakiimta islaamiga
ahaa oo iyagu la dhihi karo waxa ay qayb ka noqon karaan
xasilinta Waddanka gaar ahaan Caasimadda .
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin: Jan 21, 2007
Madaafiic
Xalay Lala Beegsaday Villa Soomaaliya..
Madaafiic ayaa lala beegsaday aqalka madaxtooyada,
warkaas iyo Maxkamadaha Islaamiga ah oo si kulul u Beeniyey in Shiikh
Shariif uu isu dhiibey dalka Kenya, waxaa kale oo wararku sheegeen in aan la
dhaawicin A. Cayrow..
Akhri... 20/1
Xisbiga RPP oo Maamulka Puntland uga digey in ay xukunka kororsadaan...
waxa kale oo xisbiga RPP uu digniin u xiray maamulka Somaliland....
Akhri...
20/1
Eritrea
oo ka Digtey Xaaladda Cakiran ee Soomaaliya
Waxa kale oo arrimaha Soomaaliya ka hadlay Dr. Ken
Menkhaus oo..
Akhri...
19/1

