Fadeexad
Haysata Wiil Cabdulaahi Yuusuf u Magacaabey Safiirka
Mareykanka
Wargays lagu Magacaabo Seattle Weakly ayaa soo
faagey dabagalna ku sameeyey xogta runta ah ee wiil
Soomaaliyeed oo loo magacaabey safiirka Soomaaliya u
fadhiya Mareykanka, waxaana uu wargaysku baaritaan
ku heley in wiilkaasi oo iibiyo dukaan taleefoonada
laga dirsado uu been ka sheegey waxbarashadiisa
markii uu ku andacoodey inuu ka qalin jebiyey
Jaamacadda washington oo iyadu beenisey arrintaas.
Kooshin Maxamed oo 28-jir ah, ayna isku beel yihiin
Madaxweyne C/hi Yuusuf waa safiirka rasmiga ah ee
dawladda Soomaaliya uga wakiilka ah Mareykanka
waxaana sidaa xaqiijiyey shaqsiyaad uu ka mid yahay
Slade Gorton oo hore uga tirsnaaa aqalka Senate-ka
ama Odayaasha ee Mareykanka oo sheegey inuu ula
shaqeeyo la taliye-ahaan sidoo kalena waxaa
wargaysku soo heley inuu Kooshin dhowaan ka soo
laabtey Washington oo uu Wasaaradda Arrimaha Dibedda
ee Mareykanka hor dhigey mashruuc ku kacaya $316
Milyan oo dollar oo dawladda Mareykanka laga doonayo
inay ku taageerto Soomaaliya.
Slade Gorton
says that 28-year-old Seattle grocer Koshin
Mohamed is an official Somali representative
to the U.S. But the State Department says
otherwise.
Read here... |
Sida uu wargaysku
qorey waxaa Kooshin uu dareenka saxaafadda markii
ugu horreysey soo jiitey bishii hore mar uu shir
jaraa’id ku qabtey xarunta Machadka Discovery
(Discovery Institute) iyadoo ay gacan siinayaan
wakiilo ka tirsan Xisbiga Muxaafidka ee
Republican-ka xubnahaas oo lagu yaqaanno inay aad u
taageeraan siyaasaddaha arrimaha dibedda ee
Madaxweyne Bush.
Agaasimaha Machadka
Discovery Bruce Chapman ayaa maalintaas shirka
jaraa’id ka sheegey in dawladda Federaalka KMG ah ee
Soomaaliya u xulatey ‘wiilkan wejiga-cusub leh inuu
u noqdo safiirkeeda Mareykanka u jooga’ Agaasimaha
Machadka ayaa sidoo kale xaqiijiyey Sen. Slade
Gorton uu u keeney si uu u baro inuu yahay safiirka
dawladda Soomaaliya uga wakiilka ah Mareykanka.
Qaabka loo soo
Magacaabey Kooshin Maxamed iyo in loo soo xusho
isaga oo ah wiil 28-jir ah oo aan aqoon waxbarasho
iyo waayao-aragnimo diblomaasiyaadeed lahayn inuu
qabto mid ka mid ah hawlaha ugu culus
diblomaasiyadda ee inuu dalka Mareykanka safiir ka
noqdo waxaa aad ula yaabey oo dhaliiley David Shinn
oo Arrimaha Africa ka dhiga Jaamacadda George
Washington hore u ahaa safiirka Mareykanka u jooga
Itoobiya. Waxaana uu yiri ‘waxaa jira nidaam anshax
(protocol) oo diblomaasiyaddu leedahay, kaasina ma
waafaqsana magacaabista la yaabka leh ee Maxamed’.
David Shinn waxaa uu sheegey in isaga ay la tahay in
dawladdu ay soo magacaaban doonto dad kale oo fadhin
doona washington iyo New York-ba. Isaga oo sii
raaciyey in weliba uu dhowaan la kulmay saraakiil
dawladda ka tirsan oo labadaas magaalo kala degan.
Wiilkaas ayaa dhinaca kalena waxaa soo food saartey
fadeexo ku saabsan inuu been ka sheegay
waxbarashadiisa. Shir jaraa’idka loogu talo galay
ayuu Kooshin ka sheegey inuu ka qalin jebiyey
Jaamacadda Washington (University of Washington)
isaga oo weliba soo bandhigey sawirro muujinaya
labiska la xirto maalinta xafladda qalin-jebinta ee
Jaamacadaha.
Hase yeeshee
baaritaan uu sameeyey wargayska SEATTLE WEEKLY ayuu
ku ogaadey in diiwaanka Jaamacadda uusan ku jirin,
sidoo kalena ay Jaamacaddu xaqiijisey in Kooshin
Maxamed uusan Jaamacaddooda ka qalin jebinnin.
Markii Wiilka Safiirka loo magacaabey beentiisa
indhaha laga saarey oo loo sheegey waxa ay
Jaamacaddu ka tiri wixii uu sheegtey, ayuu Maxamed
hadana been kale uu ku mar-marsiinyoodey, isagoo leh
waa la ii diidey inaan qalin jebiyo oo waan
dhamaysan kari waayey arrimo dhaqaale darteed’
waxase arrintaas ku gacan seyrey, oo uu wargeysku
xiriir la sameeyey Bob Roseth oo u hadlayey
Jaamacadda Washington isagoo sheegey inaysan
Jaamacaddu cidna ka hor istaagin inay qalin jebiso
duruufo dhaqaale dartood. Fadeexad kale ayaa ahayd
markii uu shaqsiyadda wiilkaas uu si aad ah u
weerarey sarkaal ka tirsan wasaaradda Arrimaha
dibedda ee Mareykanka oo dhowr jeer ay kulmeen
Kooshin ‘danjire’ Kooshin Maxamed, waxaana
sarkaalkaas oo wargeyska u diidey inay magaciisa
fafiyaa yiri “waxa nikani samaynayey waa inuu
meelaha car-cararaayey oo marba qof u tegaayey,
isaga oo isku dayaya sidii uu ku soo geli lahaa
Dhismaha (Wasaaradda A. Dibedda). "Ninkani wax xil
ah ma hayo, wuxuuna sheegtey dhowr darajo oo kala
du-duwan oo uusan ahayn”.
Sarkaalkaas oo ku
tiiq-tiiqsanaya magac-dilka safiirkeenna dalka
Mareykanka ayaa hadana isaga oo ka hadlayey waxa
laga yeelayo codsiga mashruuca lagu dalbanayo
kaalmada Mareykanka ee uu Kooshin sheegey inuu u
gudbiyey wasaaradda Arrimaha dibedda waxaa uu yiri
“waxaas looma tixgelin doono sidii warqado rasmi ah
oo dawladeed, dawladda Soomaaliya waxaa kulan
macaamilnaa oo aan u marnaa noogana wakiil ah
Safaaradeenna Nayroobi” Sarkaalku ma uusan dafirin
inuu Kooshin Maxamed oo ah safiirka Soomaaliya ee
Mareykanka uu lug ku lahaan karo dawladda KMG ah
‘Inuu dad ka yaqaanno waa ay suurowdaa” “waxaa ay u
dhowdahay inuu yaqaanno madaxweynaha” Wargayska oo
ka hadlaya halka Kooshin ka soo jeedo gobol ahaan
iyo xiriirka kala dhexeyn kara madaxweynaha, ayaa
ogaadey in wiilka safiirka shegtey uu ka soo jeedo
qoys caan ka ah gobollada Puntland sida uu u sheegey.
Wargayska ayaa
Kooshin ka soo xigtey in awoowgiis oo lagu magacaabi
jirey Maxamed Cilmi Jaamac uu gobolladaas ka ahaa
‘shaqsi aan caadi ahayn’ sida loo yaqaanno ama uu
caanka u yahay darteed.
Wargayska ayaa markaasna ka hadley sida Somaaliya ay
u tahay dal u kala qaybsan gobollo hab qabiil ku
dhisan., Madaxweyne C/hi Yuusufna uu hore Puntland
madaxweyne uga ahaan jirey labadooduna ay isku beel
yihiin, waxaana uu wargeysku qorey in Kooshin uu
marka uu madaxweynaha ka hadlayo uu uga hadlo sidii
‘adeerkiis’ oo kale. Wargaysku waxaa uu ka soo
xigtey Safiirka inuu aabihiis uga sheekeyn jirey
madaxweynaha hadda, xilligii uu dawladdii M. S.Barre
mucaaradka ku ahaa.
Wiilka safiirka ahi
waxa uu wargayska u sheegey isaga oo ka hadlaya
madaxweynaha “Aabahay ayaa ka sheekeyn jirey, waxa
uu dhihi jirey Ninkaani waa mustaqbalkeenna”
Maxamed ayaa
wargayska u sheegey in riyadiisa inuu safiir ka
noqdo dalka Mareykanka ay billaabatey sanadkii
2001-da isagoo 23-jir ah, markaasi uu markii ugu
horreysey la xiriirey C/hi Yuusuf oo madaxweyne u
ahaa Puntland, waxaana uu sheegey inuu madaxweynuhu
ku yiri “Kooshin...! waan aqaannaa reerkiinna,
wakiil waad iga noqon kartaa”
ENGLISH VERSION:
READ:
Dubious Diplomacy
Daawo: Video: Koshin Mohamed oo Iska dhigaya
Safiirka Soomaaliya...
Waxaa Diyaariyey
C/qaadir C. Gutaale
Afeef: Isha
Maqaalka: aayaha | Waxaana sii
shaaciyey: sahal samantar gadiid
wagaar55@yahoo.com | March 4, 2007
 |
Kooshin
Maxamad |
Kooshin
oo lagu magacabey Safiir
Jan 2, 2007 | Isha: GO
Qoraal aan ka soo
xigenay website-ka
Discovery Institute ayaa waxa uu qorayaa in
Madaxweynaha DFKMG ah Cabdulahi Yusuf ka codsadey
Kooshin Maxamad in uu nqodo safiirka u fadhiya
dowlada Somalia cariga Mareykanka.
Kooshin Maxamad oo
lagu sheegey in uu dagen yahay magaalada Seattle ee
wadanka Mareykanka ayaa iska leh shirkad ganacsi
isla markaana ka soo baxey sida ku cad xogta laga
qorey University of Washington.
Website-kan ayaa
sheegey in Kooshin xilkan loogu doortey kadib markii
howlo muhiim ah u qabtey DFKMG ah isla markaana
shacabka degan seattle la socodsiin jirey
talaabooyinka dowlada isla markaan sharxi jirey
khatarta argagixisada u leedahay wadanka Somalia iyo
caalamka oo dhan.
Koshin
Maxamad ayaa horey u ahaan jirey kaliyaha gaarka ah
ee Madaxweyne Cabdulahi Yusuf gaar ahaan USA sida uu
qorayo qoraalka
halkan ku xusan
DFKMG ah ayaan
wareegto arintan la xiriirta soo saarin isla
markaana websitekan kama muuqato waregto uu sixiixey
Madaxwayne Cabdulahi Yusuf.
Halka ka akhri Qoralka Website-ka
Isha: GO