Fahanka Islaamka:Sidee Islaamku xal u noqon karaa?
Islaamku waa diinta shacabka Soomaaliyeed, waxuuna ku
leeyahay taariikhdeena kaalin lama ilaawaan ah, maanta aynu jooganana awoodaha
siyaasadeed ee Soomaaliya isku haya waa labo awoodood. Wadaado ay matalayaan
maxaakimta Islaamka, oo aaminsan in Soomaaliya dib lugaha isugu taagi karto
haddii dalka lagu soo dabaalo sharciga Ilaah. iyo dhanka kale dawlada KMG oo
rumeeysan in cadaaladda lagu gaari karo qeybsiga qaab qabiil iyo in qabiilada
Soomaaliyeed lakala dhaxdhigo xuduudo.
Haddaba maadaama Islaamka ku soo biiray qaamuuska
siyaasadeed ee Soomaalida wadaadaduna noqdeen awoodda maanta kula loolameysa
qabiileeystayaasha talada wadanka, ayaa waxaan is tusiyay muhimadda ay leedahay
in si furan looga doodo- aniga oo ka duulayo halkudhaga wadaadada ee ah in
Islaamku xal u yahay dhibaatada- inaan isweydiino fahan noocee ah ayaa xal noqon
kara? Maxaase halbeeg u ah fahan Islaam oo caafimaad qaba? Mase yahay kan hadda
aanu ku araganay Soomaaliya ee ay keeneen culimadii ka soo aflaxday iskuulada
Sacuudiga iyo Masar oo mid walba uu daacad u yahay iskoolkiisii iyo fahankii uu
ka soo min guuriyay macalinkiisa?. Waxaa maanta caalamka Islaamka ka taagan
doodo waaweyn oo la xiriira fahanka Islaamka iyo sidii looga soo saari lahaa
quraanka waxyaabahii xal u noqon lahaa dhibaatada akhlaaqeed, bulshadeed,
ibna-aadanimo, siyaasadeed iyo jiritaan ee ku habsatay muslimiinta, Sidoo kale
waxaa socdo fahanno kala duwan qaarkoodana iska horimaanayaan oo ka jira
caalamka Islaamka gaar ahaan Soomaaliya, oo wadaadii wadanka qabtay 6dii bilood
waxaa lagu arkay dhaqan iyo akhlaaq sii murjiyay xal u helidda dhibaatada
gaamurtay ee Soomaaliya. Haddaba xalkii ay sheegayeen wadaadada ma waxuu noqday
Kud ka guur oo qanjo u guur? Sideey wax noqdeen? Ma jirtaa in diinta sidii
habooneyd aysan u fahansaneyn kooxdaan, oo ay meel gooni ah uga dhagantahay?
Diinta Islaamka waa tii ugu danbeeysay ee Ilaah ku soo
dajiyo dadka, sida Ilaah inoo cadeeyay “Maanta ayaan idiin dhameeystirnay
diintiinii”[i]. Hase ahaatee; Nabiga
SCW waxa uu inoo waramay “Ilaah inuu u soo saarayo umaddan qarni kasta qof u
cusbooneeysiiya diinteeda”[ii]
Waxaa hubaal in aqoon yahankan keeni doonin diin cusub balse uu diintii la
weeciyay, khalad loo qaatay, ama laga dhacay in la fahmo, uu boorka ka jafi
doono, isaga oo u laabanaya asalkii diinta oo ah quraanka, sunnaha iyo
mabaadiida Islaamka ee waa weyn, ee ay isla ogolaadeen culumida ku xeeldheer
garashada diinta Islaamka.
Taariikhda Islaamka waxaa dhex ceegaaga tusaalayaal waa
weyn oo xoojinaya arintan, laga soo bilaabo qarnigii kobaad ee Islaamka, oo
waxaa horteena imaanaya fahankii Ibnu-Cabaas, ee ku aadanaa ujeedooyinka
Islaamka kana fogaa xaraf ku dhagga. Laga soo bilaabo qarnigii kobaad illaa
qarnigan aynu joogno waxaa socdo dadaalo joogto ah oo ay culimada ku
cusbooneysiinayaan diinta, kalana dagaalamayaan bidcada, soo galootiga iyo
waxwalba oo diinta ka weecinayo ujeedooyinkii ay u soo dagtay ineey gaarsiiso
aadanaha.
Taariikhda dheer ee Islaamka waxaad ku arkeeysaa fahan
islaam oo kala gadisan, haddeey ahaan laheyd hertankii ka dhacay
· Culimadii ku fogaaday in si falsafadi ku
dheehantahay loo fahmo diinta, iyaga oo ku dooday in fakarka iyo caqliga yahay
waxa ugu muhiimsan ee qofka muslimka ah Ilaah kula xisaabtmi doono iyo kuwii
kale ee aaminsanaa in diinta laga ilaaliyo aqoonta soo galootiga ah, oo markaa
maciin bidayay axaadiista iyo hadaladii laga sheegay saxaabadii iyo dadkii
qarniyadii ugu horeeyay noolaa.
· Culimadii fiq’higa oo xoogga saaray ineey umadda
u kala cadeeyaan xalaasha iyo xaaraamta iyo kuwii kale sida Abu-xaamid
Al-gazali, Ibnu-taymiya iyo culimo kale oo dareemay in diintu aheyn xalaal iyo
xaaraam oo kaliya, balse ay muhiim tahay in xoogga la saaro qaybo saldhig u ah
diinta oo uu fiq’higu ka tagay sida Iimaanka (caqiidada) iyo Akhlaaqda. Oo
waxaad ka daalcan kartaa labadaan sheekh kutubtooda doodaha ay ka galeen
arintan.
· Culimadii Suufiyada, ee iyagna ku hawlanaa
laylinta nafta iyo cibaadada joogtada ah, dayacayna noloshii kale ee aduunka iyo
culimadii ka horyimid fahanka sidan ah, ee dadka u cadeeyay in suufayada teeda
wanaagsan ay tahay tii nabi Muxamad SCW iyo saxaabadiisii laga dhaxlay, ee aduun
iyo aakhiro labadaba loo shaqeeysanayay.
· Culimadii u fahmay Quraanka in sida muuqata loogu
dhaqmo iyo culimadii diiday fahanka xaraf raaca ah, ee dadka u sheegay in diintu
leedahay ujeedoonyin (Maqaasid) guud oo waa weyn, iyada oo laga duulayana
diinta lagu fahmo iyo in aayadaha quraanka ee isku moowduuca ka hadlaya laysu
geeyo si micnaha iyo ujeedada dhabta ah loo helo.
Doodaha maanta taaganna waa kuwii shalay; oo waxaad
arkeeysaa in xoogga la saarayo qeyb gooni ah lana dayacayo qaybahii kale ee
diinta, sida urur u go’ay inuu dadka gaalada ah Islaamiyo, mid kale oo
sheeganaya inuu khilaafada soo celinayo, mid diintii ku koobay wax iska caabin
iyo urur ku hawlan qaab muuqaal ama labis gooni ah. Fahankan isaga ah ayaa
maanta qariyay aqoontii iyo fahankii qumanaa ee sheegayay in diintu tahay hanuun
Ilaah SW u soo dajiyay aadanaha ineey wadada nolosha u iftiimiso, barayana nolol
isu dheeli tiran aduun laga macaasho iyo jano aakhiro iyo in Islaamka, xoogga
saaro waxyaabaha waaweyn ee ay noloshu ku taagantahay iyo sidii aadanaha isaga
kaashan lahaa dhisidda hab nololeed ku saleeysan cadaalad, isu dheelitirka
guusha aduun iyo midda aakhiro, iyada oo guusha aduuna uu ku xirayo tan aakhiro.
Ururada Islaamka ee Soomaaliya ka hanqaaday xilligii
fawdada iyo burburka waxeey iyagana diinta u keeneen foolxumo ah in sheekha
Soomaaliga ah aysan dhib ku hayn dhibaatada dadkiisa ee uu muxaadarooyin tixane
ah ka qabto dhibka haaysto walaalaha Jeejniya, Falastiin iyo Afgaanistaan oo
dhamaantood nabadgalyo iyo nolol ahaanba dhaama Soomaalida, Wadaadadii
maxaakimtana iyaga oo ka imaanaya fahanka noocaan ah ayeey bilaabeen ineey ka
hadlaan dhibaatada muslimiinta ku haaysato aduunka iyaga oo aan wali gacanta ku
dhigin Soomaaliya kuna fashilmay ineey maamul u dhisaan Muqdisho. Waxaana
rumeeysnahay dhaqanka aanu ku aragnay maxaakimta inuu ahaa mid wadaad walba oo
Soomaali ah sameeyn lahaa haddii uu talada hananlahaa.
Haddaba fahan Islaam oo ka jawaabo dhibaatooyinka haaysto
muslimiinta gaar ahaan Soomaalida waxaa lagu gaari karaa in dib loo eego
maabaadiida Islaamka, raadraacna lagu sameeyo sidii Islaamku xal ugu noqday
dadyawgii hore, sida bulshadii ku dhaqneyd Madiina ee Aws iyo Khazraj, lana
ifiyo hab- dhaqankii(Siiradii) Nabiga SCW uu ku gaaray guusha.
Culimada Islaamka waxeey isla-ogolaadeen in Islaamku
leeyahay afar mabaadi oo waaweyn waxa kalena ay hoos imanayaan:-
1. Ilaalinta Diinta: In la dhawro qofka diintiisa,
sidoo kale xurriyadda uu u leeyahay inuu qaato diinta uu doonayo, iyada oo laga
duulayo fahanka ah “Diinta khasab ma’aha xaq iyo baadilna weey kala cadaadeen”[iii]
Taariikhda Islaamkana waxaad ka heleeysaa tusoolooyin badan oo muujinaya in
Muslimiinta ay ahaayeen u gargaarayaasha xurriyadaha. Khawaarij oo aheyd koox ka
falaagoowday Muslimiinta intooda kale, Sayyid Cali Bin-abudaalib, oo yaqiinay
fahankooda guracan, goor horena gartay khatarta ay ku hayaan Islaamka, waxa uu
waayay daliil u ogolaanaya inuu dagaal ku qaado, ilaa goor danbe iyaga ay weerar
ku soo qaadeen Muslimiinta.
2. Ilaalinta Nafta: In la ilaaliyo nafta qofka, lana
xushmeeyo waa mabda’a Islaam, Ilaah waxuu inoo sheegay inuu sharfay aadanaha[iv].
Waxeey taariikhda Islaamka sheegtay in Culimada badankood ay diideen ineey
mubaayaco[v] la galaan boqortooyinkii
Umawiyiinta iyo Cabaasiyiinta, waxeeyna sabab uga dhigeen boqorradaa oo
baneeystay dhiigga dadka. Somaaliya waxaad arkeeysaa in naftu tahay waxa ugu
raqiisan, waxaana laga yaabaa kii dadka ku laaynayay jidka inuu masjidka uga
horeeyo dadka kale, maxaa yeelay fahankiisa ka fog ujeedada diinta ayaa u
waramay in qofka haddii uu tukado waxa kale oo dhan iska fududaanayaan oo uu
janno ku danbeyn doono, Laakiin waxuu qoraanka kariimka ah inoo sheegayaa in
qofkii dila walaalkiis si ulakac ah uu ku waarayo jahanamo.
3. Ilaalinta Caqliga:in laga ilaaliyo caqliga
maandooriyaasha iyo waxkasta oo ka qaadayo masuuliyadda Ilaah saaray, sidoo kale
laga ilaaliyo in la cuburiyo oo laga horistaago inuu fakiro isla markaana si
xurriyad ah u cabiro waxa uu doonayo. Islaamkana waxa uu qofka ugu baaqayaa inuu
fakiro xitaa markii uu doonayo inuu garto jiritaanka Ilaah iyo hagaagsanaanta
diinta Islaamka.
4. Ilaalinta hantida ama hanaanka dhaqaalaha (haddii
aan luqad casri ah ku sheego) sababtoo ah dhaqaalaha waa laf-dhabarka nolosha.
Hantida la ilaalinayo waxa ay noqoneeysaa tan goonida ah iyo midda guud oo si
caddaalada ah loo deeqsiiyo dadka ay ka dhaxeeyso. Sidoo kale in loo fududeeyo
dadka sidii ay risqi xalaal ah u shaqeeysan lahaayeen.
Culimadu dhamaantood kuwii hore iyo kuwa cusub labaduba
waxeey saaran yahiin hal dooni, sidaa darteed waxaa haboon in ay ka fogaadaan is
xagxagashada ayna u hawl galaan sidii loo heli-lahaa wadiiqo la isku fahmo,
laguna wada shaqeyn karo
Culimadii hore; waxeey xilligii qaranimada Soomaaliya
waayeen kaalintii ay ku lahaayeen bulshada dhexdeeda, taa oo ugu danbeeyntii
keentay ineey isu dhiibaan waaqic aad u qaraar, kuna raali noqdeen qeybta
hooseeysa ee ay talada wadanka ka heleen, weyna u baahnaayeen duufaan jiridada u
siibto fakirkoodii is dhiibay. Hase ahaatee; waxaan looga maarmeyn ineey yahiin
kuwo diinta si qoto dheer u yaqaana, garanayana waxyaabo badan oo ujeedooyinka
(maqaasidda) diinta ka mid ah. Culimada cusub; waxaanu ka faa’idnay diinta
Islaamka dawrka weyn ee ay nolosha qofka muslim ka ah ku leedahay, in kasta oo
ay wax sharax ah ka bixin habka dawrkaa uu noqonayo iyo heerka uu gaarayo, ama
aadan heleynba Sheekh kaa qancin kara, sida diinta xal ugu noqon karto
dhibaatooyinka seemay gayigii Soomaaliyeed.
Doodda ah sidee xal Islaamku ugu noqon karaa
dhibaatooyinka ina haaysta? ayaa ah mid keeni karto cilmi baaris cusub iyo fakir
horleh oo ku aadan Islaam ku saleeysan ujeedooyinka aanu higsaneeyno iyo
muuqaalka uu yeelan karo fahan Islaam oo ka hanaqaado Soomaaliya ama sheekh ama
koox cusbooneeysa diinta, kana saarto Soomaalida ciriiriga ay ku jirto dhan
walba oo nolosha ka mid ah.
Islaam ku saleeysan ujeedooyinka diinta ee aan kor kusoo
xusnay, waxuu xal dagdag ah u keeni karaa, dhibaatooyinka baabi’iyay dalkeena,
waxuuna u soo bandhigayaa dadwaynaha Islaam ay fududahay in la fahmo lana dhaqan
galiyo, waxuu si toos ah u taabanayaa nolol maalmeedka qafka Soomaaliga ah.
Waxaa hubaal in haddii ay Soomaalida isku afgarato
ilaalinta afartaa mabaadii ee jiridda u ah nolosha dadka muslimiinta ah, in
isbadal weyn aanu ka dareemi laheyn naftayada iyo dhamaan gayiga Soomaaliyeed
C/raxiim C. Shaafici
Email:
shafieuk@gmail.com
____________________________
[i]
Suurat al-ma’ida, Aayadda 3aad
[ii]
Xadiith, Sunnan Abu da’ud
[iii]
Suuradda Baqara, Aaayadda 256 aad
[iv]
Suuradda Al israa, Aayadda 70 aad
[v]
Heshiis wada sheqeeyn
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 2, 2007
Cadde Muuse oo
Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa..
anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey
idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay
Batroolka..


|