SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet

Daabaco Boggan | Print



Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...
AIDS-ka iyo ETHIOPIA
»AIDS-ka inta Qabta: 1.5 million
»AIDS inta u dhimatay: 120,000
»AIDS Inta uu agoomeeyey: 720,000
Xarunta Maraykanka u qaabilsan ka hortagga Cudurada ee loo yaqaan CDC, oo soo xiganeysey  hay'ada UNAIDS, ayaa sheegtay in dalka Ethiopia tirada dadka qaba cudurka AIDS-ka in ay tahay 1.2 million oo qof, waxaana cudurkaas u dhintay qiyaastii 120,000, waxaana AIDS-ku agoomeeyey 720,000 oo carruur ah. Waxaana la qiyaasayaa tirada Itoobiyaanka ee Cudurka AIDS-ka qabta sannadka 2008 in ay gaari doonaan 1.8 million oo qof.
Hirut SemuXiriirka ka dhexeeya AIDS-ka Itoobiya iyo Ganacsiga: Akhri: Warbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji

zenaweShan ciidamada Itoobiya oo kufsaday gabar Soomaaliyeed Akhri...

abdirsaqQoraalkii  uu C/Risaaq Xaaji Xuseen  2002  Ka Qoray Faragelinta ay Itoobiya Ku Hayso Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, kaas oo ku aadan arrimaha Maanta taagan.. Akhri


Hamigii dowladnimo waa lagu hungoobey

Hordhac


Kulankii C/Laahi Yuusuf iyo C/risaq M Xuseen (Qoraaga maqaalkan)

Dadka soomaaliyeed intooda badani waa isku raacsan yihiin in dal aanu shaqeyn karin dowlad laàan. Marar badana dadku waxaa ay yiraahdaan ”dowlad xumi dowlad laàan ayey dhaantaa” Hadalkaasi waxaa uu markhaanti u yahay sida dadka soomaaliyeed ay dowlad ugu hamuun qabaan. Haddaba kolkii muddo dheer la fadhiyey dalka Kenya waxaa lasoo yagleelay dowlada iyo baarlamaan ku dhisan qaab qabiil. Dadka soomaalida ah oo aad uga daaley dowlada laàan iyo jahwareer waxaa ay soo dhoweeyeen dowladaas qaabkaas loo dhisay. Markastana waa muuqatey in wax qabiil saldhig looga dhigay aanu guul badan keeneynin. Haddii taasi dhici karto rasuulkeenii suubanaa lama dagaalameen qabiilka iyo qaabka loo isticmaalo. Si kastaba ha ahaatee dowladii soomaaliya loo soo dhisay waxaa ay soo gashay gudaha dalka. Intaas waxii ka dameeyey cid waliba waa la socotaa oo ka hadalkeeda wakhti ku dhumin maayo. 

Maxaa qaldamay? 

Waa ay dhacdaa in dowladi hadii ay tabar weydo kaashato dowlado kale. Iskaashigaasi waxaa uu noqon karaa mid dhaqaale, ama mid ciidan. Balse waa in kaalmadaas aaney noqon mid xadgudub ku ah dadka iyo dalka loo kaalmeynaayo. Waa inuu jiro heshiis aduunka laga ogyahay oo ka dhexeeya dowlada loo kaalmeynaayo iyo tan wax u gargaareysa. Waa iney jiraan nidaam iyo qawaaniin la isku raacsan yahay. Arinkaasina waxaa uu ku xiran yahay kartida iyo wadaninimada dadka kolkaas wadanka xukunkiisa haya. Waa in madaxda iyo baarlamaankuba yihiin kuwo ay ku jirto wadninimo iyo karti.

Haddaba masiibada soomaaliya ku habsatey waa mid salka ku haysa qaabka hogaaminta. Waxaana dalkii oo dhan soo wajahey fowdo xagga maamulka ah. (leadership crisis). Fowdada noocaas ahna waa adag tahay in si sahal ah looga baxaa. Meel kasta ee soomaaliya ka mid ah waxaad ku arkeysaa dad xukun doon ah hadaana aan ku qalmin xukunka ay doonayaan. Tusaale ahaan dadkii isugu tegey kenya ee dowlada soomaaliya soo dhisay waxaa ay doorteen baarlamaan qabqable dagaal iyo calooshii u shaqeyste uu ka buuxo. Baarlamaanka noocaas ahina waxaa uu doortay c/lahi yusuf oo taariikhdiisa, dhaqankiisa iyo waxqabadkiisaba lawada ogsoon yahay. Waa tii soomaalidu horay u tiri ” Hal xaaraan ahi, nirig xalaal ah ma dhasho”  

Sidaas darteed marna lagama filaneynin baarlamaan qabqable ka buuxo inuu doorto qof karti leh. C/lahi yusufna waxaa uu keensaday Geedigii la casiley. Bal dib u eeg maahmaahda aan kor ku xusay. Ka dibna waxaa la dhisay qaybihii kala duwanaa ee dowlada. Waa shey iska caadi ah in qof kasta oo baniàadam ahi uu doonto qof kale oo ay isku nooc yihiin, dhinaca dhaqanka, diinta, fekerka, aragtida iwm. C/lahi yusuf waxaa uu dowlada iyo haàadka dowlada ka soo buuxiyey dad isaga dhinac walba kala mid ah. Dadkaas waxaa laga dhaariyey iney yeshaan feker iyaga u gaar ah. Shuruudaha ugu muhiimsan ee qofka lagu qaataana waa inaad tahay ”yes man” ama qof wax walba laqa.

Geedigii la eryeyna waxaa uu isna dowlada kasoo buuxiyey dad leh shuruudaha aan kor ku soo sheegnay.  C/lahi yusuf ayaan kula kulmay magaalada Stockholm e dalka iswiidhan. Waxyaalaha aan aad ula yaabay waxaa ka mid ahaa nimanka uu howlwadeenada u doortay oo ay ka maqnayd wax kasta oo dowladnimo lagu sheegi karo. Waxaa ay ahaayeen niman isdhex yaacaaya, qaabka wax loo haggo ama loo maamulaana ay aad uga qaldanayd.

Waxyaalaha iigu yaabka badnaa waxaa ay ahayd kolkii aan nin howlwadeenada ka mid ah weydiiyey suàashaan: ” ma u yeerteen jaraaìdka dalka iyo kuwa caalamiga ahba si ay wax uga qoraan imaatinkiina iyo howlihiina Sweden?” 

Kolkaas ayuu ninkii iigu jawaabey sidatan: ”Waanu u yeeranay kuwii aanu u baahneyn waana kuwaas duubaaya dhacdooyinka” Su aal dame kuma aanan celin,balse waxaa aan eegay warbaahinta uu sheegayaa kuwa ay yihiin. waxaa aan raadiyey calaamadaha lagu yaqaan warbaahinta waaweyn ee iswiidhan sida raadyaha iyo teleefishanka dalka. Ma aaanan helin kuwaas balse waxaa ii muuqday tv-yada yar yar ee ay soomaalidu daawadaan oo dhacdada duubaaya. Waa taleefishano yar yar oo xaafadaha soomaalida uun laga daawan karo kuwaas oo ku hadla afka soomaaliga. Marka howlwadeenka madaxweynuhu kuwa uu ii sheegaayey waa kuwaas.  Tayo xumada howlwadeenada madaxweynaha iyo wasiirka kowaad waxaa lagu arki karaa meel walba. Bal waxaad baaritaan ku sameysaa dadka ay usoo magacaabeen safiirada dibada, iyo wakiilada dibada u jooga. Dhamaantood waxaa lagu keenay laba shuruudood. 1. Iney qaraabo hoose yihiin madaxweynaha ama wasiirka kowaad ama mid akle oo iyaga saaxiib la ah. 2. Inuu yahay qofka lasoo magacaabay qof aan wax fikir ah oo isaga u gaar ah aanu la hayn. waa qof iska makarfoon ah oo hadalka la sii mariyo. 

Haddaba hamigii dowladnimo waa lagu hungoobey, qof kasta oo ka rajo qabey in soomaaliya dowlad shaqeysa yeelatona candhuuf buu dib u laqey. Dadka maanta soomaaliya horboodayana ma aha kuwii dalka samata bixin la ahaa.

Caddeyn waxaa kuugu filan dhibta xamar ka taagan. Caruurta qaxay ee daadka iyo kaneecadu laysay? Waayeelka guryahoodii ka qaxay oo ku dhintay jidka, madaafiicda maalin iyo habeen lala dhacaayo masaakiinta, dhalinta soomaaliyeed ee kolkii caddowgu qabto lawada gowracaayo.  

Nin damiir lihii waa waxuu ka dhiidhiyaa. Qolooyinka wax iska caabintu waa iney qaabkooda wax ka bedelaan. Una dhismaan qaab qarameed, oo dadku ku kalsoonaan karo. Shakise kuma jiro dowlada maanta jirta hogaankeeda iyo baarlamaankeeduba ma aha kuwo badbaadin kara soomaaliya.

Hamigii dowladnimo waa lagu hungoobey. 

Mahadsanidin


C/risaq M Xuseen, Eskilstuna, Sweden
Master degree in economics 
Email: habdirisak@hotmail.com

Suuqyada lacagaha iyo siyaabaha ay u shaqeeyaan.. Suuqa badeecadaha

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 8, 2007

Wiil Xijji Guranaya

READ HERE....

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com