SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BAYDHABO

Usbuuc kadib  Baarlamaanka FKMG oo is-weydiinaya Ajandihii uu ka doodi lahaa, Xukuumada oo is khilaafasan, Baarlamaanka oo u kala qaybsamay laba iyo Ciidamada Ethoobiya oo la wareegay Amaanka Goobta shirka.

“Dood ka dhalatay Ajande sameyntii Baarlamaanka DFKMG” 

  • Waxaa isku soo dubaridey, sawirada qaaday: Maxamed Macallin Cismaan{All-an} SomaliTalk.com Baydhabo. fatxumaalik@hotmail.com


muuqaalka guud ee Banaanka hoolka baarlamaanka -- Baydhabo

Iyadoo mudooyinkan ay jiraan khilaafyo aad u badan oo in mudo ah soo jiitamey, islamarkaana uu u dhexeeyey Awoodaha kala duwan ee dowlada, islamarkaana noqdey khilaafyo aan la xakameyn Karin ayaa kulan ay Talaadadii (Oct 16, 2007)isugu yimaad xubnaha Baarlamaanka, oo ay soo xaadireen 224 mudane, uuna shir gudoominayey Gudoomiyaha Baarlamaanka Sh. Aadan Madoobe, iyadoo ay  ku wehliyaan labadiisa ku xigeen ayaa Gudoomiyaha Baarlamaanka u soo gudbiyey Xildhibaanada in uu hayo qoraalo fara badan oo loo soo gudbiyey isaga. 


qayb ka mid ah fadhiga Baarlamaanka oo ay ku jiraan Xukuumada iska soo horjeeda

Qoraaladan loo soo gudbiyey ayaa gudoomiyaha ku sheegay in ay u soo gudbiyeen, Ra’iisul Wasaaraha, Wasiirka Dastuurka iyo 22 Wasiir oo soo jeedisay in Xukuumada ay Baarlamaanka weydiisato kalsooni, Gudoomiye Sh. Aadan Madoobe ayaa mudanayaasha kala dooransiiyey in Ajedihii hore ee la xisaabtanka Xukuumada la sii wadayo iyo in laga hadlo soo jeedintii 22-ka Wasiir. 


Cosoble, Finish iyo xubno kale oo fikir iska dhaadhicinaya

Intii aysan doodu bilaaban ayaa mudanayaasha loo Akh’riyey qoraaladii kala duwanaaa ee uu gudoomiyaha uu sheegay, Akh’rinta qoraalada kadib ayaa waxaa dhacay buuq iyo sawaxan badan oo mudanayaasha qaarkood ay ku doonayeen in ay is qoraan, halka kuwo kale ka soo horjeeday soo jeedinta Gudoomiyaha, gunaanadkii waxaa la gudagalay doodii. 


Xildhibaano arrinsanaya

Xildhibaan Cali Baashe X.Max’uud ayaa ku bilaabay doodiisa “ Run ahaan tii waxaan u hambalyeeynayaa shir gudoonka, wadanku dowlad ma laha, aduunyaduna wali kama dhicin in 22-wasiir ay soo jeediso in Baarlamaanka kalsooni weydiisato, islamarkaana aan lagu dhisin mudo kooban, waxaana khatar ugu jirnaa in nala qabsado, sidaas darted Md. Gudoomiye waa in Baarlamaanku uu go’aan ka gaaraa Xukuumada waqtigeedu uu dhamaadey”. 


waxaa fadhigan ku jira Wasiirada is diidan

Xildhibaan Ibraahim Yarow waxaa uu isna yiri “ Qodob dastuuri ah ayaa jira oo ah, Baarlamaanka Ummada Soomaaliyeed baanu nahay waxaan sugaynay 12-ka Oktoobar waa maalintii loo qabtey Xukuumada in ay Kalsooni weydiisato Baarlamaanka sida uu qabo Axdiga KMG qodobkiisa 11-aad, wax warqad Madaxweyne oo khuseeya ma jiraan, Xukuumada waxa laga sugaayey waad og-tihiin, waa qoritaanka Dastuurka ee aniga waxaan qabaa in Xukuumada kalsoonida loo qaado oo go’aan weyn laga gaaro”. 


Wasiirada Hidaha iyo Amniga iyo kuwo kale

Xidhibaan Cabdi Axmed Dhuxulow isna waxaa uu yiri “si degan aan u xisaabtano, Baarlamaanku sharciyad ayuu leeyahay, waxaa loo baahan yahay in la keenaa mooshin ay soo jeediyaan in ka badan 20 Xildhibaan oo soogudbisa in kalsooni loo qaado Xukuumada, hawshuna waxay inoo mareysay la Xisaabtanka Xukuumada qaybtii ugu dambeysay waxay ahayd Wasaarada Maaliyadda oo loo qabtey  mudo 10- maalmood ah inay  keento Miizaaniyadii Dowlada, ma aha in nalagu  qasbo wax aan la ogeyn ujeedada laga leeyahay, xiligii aan ogaan lahayn meesha ay martey 32-dii Malyan cidii qaadatey, cida aan ku ogaan lahayna ay tahay Wasaarada Maaliyada ma ahan in boor isku qaris arin u eg in lala yimaado”. 


xildhibaanada sida weyn u doonaya in Xukuumada Afka dhulka loo geliyo

Xildhibaan Cawad Axmed Cashara waxaa uu qabaa “Dowladu waa ku guuldareysatay in Dastuurka la qoro, waana qodob dastuuri ah qodobkaas in la raaco ayaan qabaa, waayo masiirkii Ummada Soomaaliyeed ayaa mugdigalay ee waa in deg deg madaxweynuhu u soo magacaabaa Ra’iisul Wasaare cusub”.


Salaad cali jeele oo ka dhaadhicinaya fikir qaar ka mid ah Xildhibaanada

Xildhibaan Salaad Cali Jeele oo ka mid ah Wasiiradda sida weyn u doonaya in Xukuumada ay jirto ayaa qaba fakir ah “ mudane Gudoomiye Xeer hoosaadkeena waxaan ku jirin in wasiiradu ay qabsan karaan shir, iyadoo aysan joogin Ra’iisul Wasaaraha iyo ku xigeenadiisa, wasiirna xaq uma laha inuu shir gudoomiye Golaha Wasiiradda, ma rabo inaan carabka ku dhufto, Xukuumada in kalsooni weydiisato Baarlamaanka iyadaaba imaanaysa ee waxaan qabaa in la eego qodobka 11-aad ee Axdiga KMG iyo qodobka 8-aad, Ajandihii hore ayaa ah midka jira si  loo xisaabiyo Xukuumadda”.


Gudoonka Baarlamaanka oo ay ka muuqato la socoshada hawlaha adag ee horyaalay mudanayaasha Baarlamaanka Maanta

Xildhibaan Macallin Jiis “waxaa amakaag ah in is-haysadka Xukuumada la keeno halkan, mudane Gudoomiye Golaha Wasiiradu waxay leeyahay, Ra’iisul Wasaare iyo Xeer hoosaad ayaga u gaar ah, inay inaga nagula soo galaan gashaan ma ahan, waxaan codsanayaa  in la sii wado la xisaabtanka Xukuumada, si loo ogaado cidii ay ku maqan tahay wixii dhaqaalo ahaa ee dalkan soo galay, aniga taas ayey iiga dhegan tahay, aniga haba ii soo dhaweyninna is-haysad Wasiiro iga fogeeya, yaana Baarlamaanka looga doodin, waxaana soo jeedinayaa in dib loogu laabto la xisaantankii Xukuumada ee inoo socdey”. 


 midig Xasan maxamed Nuur, Bixid wasiirka Dastuurka

Xildhibaan Col. Axmed Cumar Jees “Arinta aynu wadnay waa in la sii wadaa, waa badanahay iyo waa yar nahay arintu ma aha ee waa in Mooshin cusub la keenaa, ee ay Xildhibaano soo gudbiyaan, ma ahan wasiiro in mooshin ay soo gudbiyaan, sidaas darted waa laga ma maarmaan in qodobadii hore ee la xisaabtanka Xukuumada  loo noqdo si aan u ogaano wax alle wixii maqan  lacag ha ahaaden ama Baabuur iyo wax kale”.


Xildhibaanada qaarkood oo markii banaanka ay u soo baxeen ka arinsanaya hawsha adag ee hortaal...

Maxamed Macallin Cismaan{All-an} Somalitalk Baydhabo.
fatxumaalik@hotmail.com

SomaliTalk.com | Oct 17, 2007


Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com