SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Cabdullaahi Yuusuf iyo Cali Geeddi oo metelaya ‘Il Brutto iyo Il Cattivo’
 
Qore: Maxamed Xaaji (Ingiriis)

Email: Ingiriis@yahoo.com


           Waxaa beryahaan indhaha dadweynuhu ku sii jeedaan legdanka u dhexeeya Col Cabdullaahi Yuusuf iyo Cali Maxamed Geeddi – legdankaas oo ah xarbi xarig-jiid ah oo lagu kala bixi la’ yahay. Inkasta oo ay labadooduba yihiin laba musiibo oo loo soo diray Soomaalida, haddana waxaa wadcigu noo horkacayaa inaan labada musiibo qaadanno tan sahlan.

            Waayadii hore Cali Geeddi wuxuu ahaan jiray nin u dhego nugul Col Cabdullaahi Yuusuf. Waayo waxaan xusuustaa laba sano ka hor mar uu Col Yuusuf isu taagay inuu meel ka khudbeeyo. Waxaa hadalka uga horreeyey Cali Geeddi - halkuu ka fariisan lahaa ayuu sidii maamullada keli taliska wuxuu goostay inuu iska sii taagnaado.

            Markaas ayaan indhaha kala hadlay, aniga oo iri “iska fariiso.” Hase ahaatee, dhegaha ayuu mirig mirig ka siiyey, isagoo si caro leh iigu muujinaya inuu diiddan yahay taladeyda. Wuxuu iska sii watay taagnaantiisii, illaa uu Korneelku ka dhammeystay khudbaddiisa. Waxaan u arkaayey arrintaas bahdil uu Geeddi shaqsi ahaan isku sameynayo.

            Hase yeeshee waayadaan dambe Cali Geeddi ma ahan Cali Geeddigii hore ee la yiqiinnay. Wuxuu noqday mixnad qoorta ugu xiran Col Cabdullaahi Yuusuf (albatross round his neck). Illaa saddex jeer oo ay legdameen, intaba waxaa kor maraayey Geeddi, oo sida Korneelka oo kale, mashiinka neefta ku haya ay yihiin Ethiopian-ka.

            Loollanka labadaan nin u dhexeeya ayaa wuxuu u qaab eg yahay kii dhex yiillay jilayaashii film-kii Il Buono Il Brutto Il Cattivo. Waxay raggan isku haysteen dahab horey qabri loogu duugay, wuxuuna mid kasta u xusul duubayey siduu uu u noqon lahaa kan hantiya dahabkaas. Xiriirka ka dhexeeya ayaa wuxuu ahaa mid adag oo aan la hubin karin.

            Herdanka ka dhexeeya, wuxuu dhacaayey iyadoo uu socdo dagaalkii sokeeye ee waddanka Mareykanka. Waxaa sheekada dhex-taal u ahayd qalalaase fowdadu baahsan tahay, qoorgooyo, xabbis, xabbado joogto ah oo la isku asqeysiinayo iyo dilal shirqool ah oo xiriir ah. Waxaa ka dhex muuqatay in damacu iyo daneystenimadu ay tahay tan hoggaamisa damiirka dahab-doonku.

            Il Brutto ayaa isagu wuxuu yahay ninka ugu qatarsan kooxdaas. Waa nin qiyaamo badan oo xeelad badan. Wax kasta waxaa kala weyn inuu qaab walba ku gaaro damaciisa. Waa nin mashquul ku ah dantiisa gaarka ah. Xaqiiqo ahaan, waa anaani daneyste ah oo aan naxariis lahayn. Naftiisa ayuu ku qamaarayaa oo uu qool badan gelinayaa, si uu u gaaro danta uu leeyahay oo ah calfashada dahabka lunsan. Wuxuu yaqaannaa qabriga uu dahabku ku duuggan yahay, laakiin ma garanayo halka uu kaga duubban yahay. Dabeecadaha ninkan waa dabeecadda Col Cabdullaahi Yuusuf.

Il Cattivo oo ah ninka uu Geeddi u qaab egyahay ayaa isagu wuxuu yahay nin calooshiisa u shaqeysta. Wixii ka hor yimaada wuu jiirayaa, dan iyo heelo uu ka leeyahayna ma jirto. Waxyaabaha indha-sarcaadka ah ee uu sameynayo waxaa ka mid ah; wuxuu meel lama-degaan ah ku joojinayaa gawaari fardo ah oo sidda askar mayd ah. Wuu baaranayaa, wuxuuna maydka ka dhex helayaa nin aan weli dhiman oo nool.

Ninkii uu helay ayaa wuxuu u sheegayaa inuu jiro meel qabuuro ah oo dahab uu ku aasan yahay. Hase ahaatee, iyada oo aan warka loo dhammeynin, loona sheegin magaca qabuuraha ayaa waxaa harraad la miirdoorsoomaya ninkii. Il Cattivo ayaa wuxuu ku ordayaa faraskiisii, si uu biyo ugu soo helo. Raxmad kama ahan ee waxay ka tahay yuusan kaa dhiman ninka dhaawca ah ka hor intuusan kuu sheegin dahabku meesha uu ku aasan yahay.
Markuu soo noqdo wuxuu u imaanayaa ninkii oo mayd ah, laakiin waxaa dhinac jiifa Il Buono oo dhaawac ah, harraadna bistii la ah. Il Cattivo ayaa damcaya inuu toogto Il Buono, balse Il Buono wuxuu la socodsiinayaa Il Cattivo in ninka dhintay uu u sheegay magaca qabuuraha. Wuxuu ku xirayaa shuruud ah inuu biyaha ka waraabiyo, uuna geeyo isbitaal lagu daweeyo ka hor inta uusan soo tusin qabuuraha dahabku yaallo.

            Dhab ahaantii, Col Cabdullaahi Yuusuf iyo Cali Geeddi ayaa waxay hadda ku kala jiraan dhufeysyadii Il Brutto iyo Il Cattivo ay isugu jireen ee damaca waalida ah. Col Cabdullaahi Yuusuf ayaa wuxuu ku qanci lahaa inuu arko Cali Geeddi oo Baarlamaanku uu jagada ka qaado, isla markaana la dhigo xabsi sidii Yuusuf Cali Haaruun. Wuxuu isku dayi lahaa inuu tallabadaas isagu ku dhaqaaqo, laakiin waxaan ka yeeleyn kuwii iyaga ku caana-shubay.

Cali Geeddi ayaa isagoon ka leexleexanayn wuxuu isna daneynayaa Col Cabdullaahi Yuusuf oo wadnaha lagaga soo boodo ama is casila, isaguna uu la wareego xilkiisa. Iyada oo ninba ninka kale uu jeclaan lahaa inuu dhammeystiro ayaa waxay isku mari la’ yihiin turub ay koox weliba ka soo baandheysay guriga Meles Zenawi.
Reer galbeedka ayaa waxay yiraahdaan, “Give the Devil his Due” oo macnaheedu yahay “Sii Sheydaanka Xaqiisa.” Haddii la eego doodda labada nin dhex taalla, waxaa lagu soo koobi karaa Cabdullaahi Yuusuf gar leh, Cali Geeddina gar leh. Si kale haddii loo dhigo waxay u eg tahay in baadilku uu isagu gacmihiisa isku suulinayo.

Maxamed Xaaji (Ingiriis)
Email: Ingiriis@yahoo.com

Dabku hadduu dhaxamoodo maxaa lagu diiriyaa?: waxaan qeexitaan  ‘Dowlad’ Akhri

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com Oct 21, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com