SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii: Oct 22, 2007:

 

  • Qiimihii ugu sareeyey oo lagu kala iibsanayo Xildhibaanada Baarlamaanka….

  • Dowladda Itoobiya oo si weyn uga carootay hadalkii Cali Maxamed Geedi…

  • Ciidamada Itoobiya oo dilay todobo qof ma ay ugu tageen..

  • Maxamuud Dirir oo u kala dab qaadaya Cabdulaahi Yuusuf iyo Geedi….

  • Jaaliyadda Reer Xaaji Suleymaan oo taageerey Imaamka cusub Reer Xaaji Suleymaan..

  • Iska hor imaad dhex ciidamo ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir..

  • Ciidamada Uganad oo looga digay in ay sii joogaan Soomaaliya..


 

Qiimihii ugu sareeyey oo lagu kala iibsanayo Xildhibaanada Baarlamaanka….

 

iyadoo xildhibaanada Baarlamaanka ay maalmahan gooska dambe ay ka qoslayaan kadib markii la sheegay in ay si weyn uga faa’iideen is-haysiga u dhexeeya Madaxweynaha DFKMG C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’isul Wasaare Geedi, ayaa waxaa Magaalada Baydhabo ka socda xodxodoshada iyo kulamada gaar gaarka ah ee lala leeyahay xildhibaanada Baarlamaanka,  waxayna wararkii ugu dambeeyey sheegayaan in qiimihii ugu sareeyey uu haatan gaaray codka Xildhibaanada Baarlamaanka, waxaana dhinaca Madaxweynaha lagu waramay in xildhibaankiiba uu u gaaray ilaa iyo 8-kun oo Doolar, halka Ra’isul Wasaaraha la sheegay in uu marayo ilaa iyo 10-kun oo Doolar.

 

“Hadba dhinaca faa’iidadu noogu jirto ayaanu u janjeersaneynaa” ayuu yiri mid ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka oo sheegay in codkiisa uu siinayo hadba meesha kharash badan.

 

Dowladda Itoobiya oo si weyn uga carootay hadalkii Cali Maxamed Geedi…

 

Dowladda Itoobiya oo inta badan gacan siisa Dowladda Federaalka kana dambeysay dhismihii dowladdaasi ayaa si weyn uga carootay hadalkii ka soo yeeray Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Cali Max’ed Geedi, waxayna ku tilmaantay hadalka Cali Geedi mid kicinaya Bulshada Soomaaliyeed oo keeni kara dagaal baahsan oo ka dhaca gudaha dalka Soomaaliya “Hadalkaasi ma aheyn mid uu ka soo yeero qof mas’uul ah” ayuu yiri Afhayeen u hadlay Dowladda Itoobiya oo sheegay in Dowladda Itoobiya ay dadaal ugu jirtay sidii ay u xalin lahayd khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha DFKMG.

 

“Wax badan ayaan isku afgaranay Ra’isul Wasaaraha intii uu joogay Magaalada Adis-Ababa balse ma aheyn in hadalkaan oo kale uu ka soo yeero” ayuu yiri afhayeenkaasi oo sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay u baahan yihiin Dowlad, balse aysan u baahneen dagaal iyo iska hor imaadyo, waxaa kale oo uu sheegay in khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha loo baahan yahay inay gacan ka gaystaan golaha Baarlamaanka oo uu ku tilmaamay in uu yahay mid keliya ee arrintaasi dhameyn kara. Hadalkii ay Dowladda Itoobiya si weyn uga carootay ayaa ahaa kii uu Ra’isul Wasaaruhu ku sheegay in shacabka gobalka Banaadir ay iska celiyaan kooxaha xiran tuutaha, sidoo kale waxa ay ka caroodeen hadalkii kale ee ahaa in shacabka Banaadir ay kiciyeen talis 21-sano dalka xukumay, oo aysan u daaheen midka taagta daran ee Dowladda Federaalka.

 

Dowladda Itoobiya ayaa haatan u muuqata mid keligeed ku soo hartay dagaalkii lagula jiray kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka, waxayna xerooyinkii ay ciidamada Dowladdu ku jireen noqdeen kuwo haawanaya oo aysan ciidamo joogeen, kadib markii weeraro joogto ah oo loogu gaystay khasaarooyin lagusoo qaaday. khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha ayaa haatan sii xoogeysan, waxayna xildhibaanada Baarlamaanka la kala safteen Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha, inkastoo ay jiraan qolo dhex dhexaad ah oo dooneysa in arrinta lagu dhameeyo wada hadaliyo is afgarad.  

 

Ciidamada Itoobiya oo dilay todobo qof ma ay ugu tageen..

 

Maalintii doraad markii ciidamada Itoobiya lagu weeraray meel ku dhow isgoyska Towfiiq looguna gaystay khasaaro ayaa haddana wararka soo baxaya waxay sheegayaan in ciidamada Itoobiya ay guryahooda kala baxeen ilaa iyo todobo qofood kuwaas oo ay ku dhex dileen garaash lagu kaydiyo dhuxusha.

 

shalay subaxnimadii ayaa dadkaasi maydadkooda laga helay goobtii lagu dilay, waxaana arrintaani si weyn uga naxay bulshada Soomalaiyeed.

 

Ciidamada Itoobiya ayaa lagu yaqaanaa marka loo gaysto khasaaro in ay iyana dhibaatooyin u gaystaan dadka rayidka ah, kal hore ayana ahayd markii ciidamado Itoobiyaan ah oo marayey agagaarka Jidka warshadda loo dhigay Miino, waxayna markii ay miinado khasaaro u gaystay soo qabqabteen dhowr qofood oo ay ku jireen saddex wiil oo walaalo ahaa, waxaana goobtaasi lagu dilay ilaa iyo lix qofood oo aan waxba galabsan, ciidamada Itoobiya ayaa haatan waxay bartilmaameed u noqdeen kooxaha ka soo horjeeda kadib markii ay meesha ka baxeen ciidamadii Dowladda oo dhowr fariisimo ku lahaa Muqdisho.

 

Maxamuud Dirir oo u kala dab qaadaya Cabdulaahi Yuusuf iyo Geedi….

 

Wasiirka dalxiiska iyo isgaarsiinta ee Itoobiya Maxamuud Dirir oo haatan ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa waxaa la sheegay in uu ukala dabqaadayo Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha oo uu khilaafkoodu sii xoogeysanayo.

 

Maxamuud Dirir waxa uu kulamo la yeeshay Madaxweyne C/llaahi  iyo Ra’isul Wasaare Cali Max’ed, waxayna wararku sheegayaan in labada mas’uul haatan kala joogaan meel aad u adag, iyadoo Ra’isul Wasaare Geedi uu diyaar u yahay in lagu kala baxo Golaha Baarlamaanka, halka uu madaxweynuhu isna ku adkeysanayo in Ra’isul Wasaare Geedi uu ka dhamaaday waqtigii, haatanna loo baahan yahay in la magacaabo Ra’isul Wasaare Cusub.

Maxamuud Dirir oo ay horey isku soo raaceen Cali Max’ed Geedi ayaa sidoo kale waxa uu kulamo la yeeshay xubno ka tirsan Golaha Baarlamaanka oo uu ku jiro guddoomiyaha Baarlamaanka

 

Jaaliyadda Reer Xaaji Suleymaan oo taageerey Imaamka cusub Reer Xaaji Suleymaan..

 

Iyadoo Maalintii doraad ahayd Magaalada Muqdisho lagu caleema saaray Imaamka reer Xaaji Suleymaan loona caleema saaray Imaan Cumar Macallin Abshir ayaa haddana waxaa imaamka soo gaaraya taageero dalka gudihiisa iyo dibaddiisa ah.

 

Jaaliyadda Dibadda ee Beesha Reer Xaaji Suleymaan ayaa waxay u hambalyeeyeen Imaam Cumar, waxayna u rajeeyeen in allaah xilkaasi culusla garab galo, waxay kaloo sheegeen in ay diyaar u yihiin in ay Imaamka kala qayb-qaataan sidii loo hormarin lahaa deegaanada ay degto Beesha reer Xaaji Suleymaan, iyagoo sheebgay in arrintaasi ay kala tashan doonaan imaamka cusub ee Beesha reer Xaaji Suleymaan,.

 

sidoo kale wararka naga soo gaaraya Degmada Cadaado waxay sheegayaan in dadweynaha ku nool degmadaasi oo uu imaamku ka soo jeedo iyana ay u soo direen hambalyo la xiriirta xilka cusub ee imaamnimo ee loo doortay imaam Cumar Macallin Abshir.

 

“Markaan maqalnay beeshu waxay duubatay imaam si weyn ayaan u faraxnay, waxayna nagu abuurtay yididiilo” ayay yiraahdeen qaar ka mid ah Odoyaasha Beesha Cadaado oo qadka isgaarsiinta nagula soo xiriiray, waxay kaloo sheegeen in imaamka looga baahan yahay in uu ka shaqeeyo sidii uu u xoojin lahaa midnimada Beesha.

 

“Beeshu horey uma aysan laheyn imaam, maantase waxaan ku faraxsanahay imaamka cusub ee Beesha reer Xaaji Suleymaan yeelatay” ayay yiraahdeen Odoyaashaasi oo u rajeeyey Imaam Cumar in uu xilkaasi u guto si cadaalad ku dhisan.

 

xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa maalintii Jimca ahayd ee ay taariikhdu ahayd 19-ka October ayaa hotel Muqdisho Ex-Daamey ka dhacday xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu duubayey imaamka Beesha Reer Xaaji Suleymaan, ayna ka soo qaybgaleen Odoyaal iyo Waxgarad ka socday Beesha Habargidir iyo Adeerkood.  

 

Iska hor imaad dhex ciidamo ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir..

 

Maalintii shalay ahayd ayaa ciidamo ka tirsan Maamulka Gobalka Banaadir ayaa waxa ay isku dhaceen ciidamo kale oo ilaalo ka ahaa Shirkadda Isgaarsiinta Nationlink, waxaana iska hor imaadkaasi la isku adeegsaday hubka fudud, waxaana lagu waramay in halkaasi uu ku naf waayey mid ka mid ah ilaalada Shirkadd.

Ciidamadii ka socday maamulka Gobalka Banaadir ayaa halkaasi ka qaatay saddex qori oo lagu ilaalinayey shirkadda oo uu maamulka shirkaddu sheegay in ay ahaayeen qoryo u sharciyeysnaa.

 

Maamulka Banaadir ayaa raaligelin ka bixiyey arrintaasi, waxayna ku tilmaameen mid si qalad ah u dhacay, hase yeeshee weerarkaasi waxa uu ku soo beegmay xili Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi uu shacabka u soo jeediyey inay ka hor tagaan ciidamada wata tuutaha ee doonaya in ay dhacaan ama ay barakiciyaan shacabka.

Maalmahanba ciidamo ka socda Dowladad ayaa waxaa la sheegay inay qas iyo jahwareer ka wadeen suuqyada Bakaaraha iyo Suuq Bacaad, taasina waxay keentay in gebi ahaanba la xiro suuq Bacaad kadib markii ay u adkeysan waayeen iska hor imaadyada markasta halkaasi ka dhaca.

 

Ciidamada Uganad oo looga digay in ay sii joogaan Soomaaliya..

 

iyadoo dhawaan Dowladda Uganda sheegtay in ay ciidamada ka jooga soomaaliya kus oo kordhineyso 250 askari ayaa haddana waxaa la sheegayi n ay ciidamadaani sii joogi doonaan Soomaaliya ilaa iyo 2009, hase yeeshee qoraal lagu faafiyey Internet-ka ayaa waxaa loogu digay Dowladda Uganda in ay ciidamo kale ku soo kordhiyaan ciidamadooda jooga Soomaaliya.

 

“waxaan u soo jeedineynaa ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya in ay si dhaqsi leh uga baxaan Soomaaliya, haddii kalase ay la kulmi doonaan weeraro” ayaa lagu yiri qoraalkaasi.

 

Madaxweynaha Uganda oo dhawaan la filayo in uu tago dalka Mareykanka ayaa kulan la yeelan doona madaxweynaha Mareykanka oo la filayo in ay isla soo qaadaan sidii ay ciidamada Uganda u sii joogi lahaayeen Soomaaliya ilaa iyo 2009 loona soo kordhin lahaa, hase yeeshee afhayeen u hadlay ciidamada Uganda ayaa sheegay in ciidamada Uganda ay dhex dhexaad ka yihiin isbahaysiga siyaasadeed ee ka jira gudaha dalka Soomaaliya.

 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E=Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com Oct 22, 2007

Geeddi oo Khudbad Dheer Ka Jeediyey Baydhabo
baydhabo
Geedi: "Soomaalidu waxay tiraahdaa luuq luuq maroow aakhirkiis laami lee waaye":
khudbadii uu Geeddi ka jeediyey magaalada Baydhabo oo dhamaystiran akhri halkan

C/llaahi iyo Geedi yaa ku taageero badan Baarlamaanka?
.Golaha Baarlamaanka oo maanta kulan xasaasi yeelanaya
.Itoobiya oo si weyn uga carootay hadal ka soo yeeray..
.Max’ed Dheere “Abshir Bacadle waxa uu ka mid yahay..
.Tifaftirihii Wargeyska Ayaamaha oo la sii daayey..
.Kusimihii agaasimaha idaacadda Shabeele oo la aasay..
.Geedi oo dib ugu soo laabtay Baydhabo, sheegayna in..
.Banaanbax:xariga agaasimihii Hay’adda WFP oo..
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... Oct 21

OHRC oo bayaan ka soo saaray dadkii Itoobiya loo dhiibay

Dagaalo Faraha Laysula Tegey Oo Ka Dhacay Meelo Kamida Caasimada Muqdisho...

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com