Maxay tahay sababta aan u
taageerayo murashaxa MP ee Yusuf Hassan
ee u taagan degaanka Kamakuja, Nairobi
–Why I endorse him?
Waxaa
Minnesota booqasho taageero raadin ah ku yimid Murashaxa Yusuf Hassan asagoo si
toos ah Soomaalida ka soo jeeda degaankaas iyo kuwa kale ee danaynaya arrimaha
soomaalida degaankaas iyo guud ahaanba arrimaha islaamka ee geeska Afrika uga
codsaday inay taageeraan si kasta oo ay awoodaan ololaha doorashadiisa. Waxaa
kale oo uu ka codsaday in lala xiriiro dadka codeyn kara ee degaanka Kamakuja oo
ay Islii ka mid tahay.
Ka dib markii aan wax badan ka bartay murashaxa iyo hadafkiisa iyo dhibta ka
jirta degaankaas waxaan halkan ku cadaynayaa in aan si buuxdo u taageerayo
anigoo ugu yeeraya dadka jecel horumarka soomaalida iyo Islaamkaba inay
taageeraan murashaxa Yusuf Hassan labo qodob awgeed:
1) Murashax Yusuf Hassan oo ah aqoon yahan dadaal badan, waayo aragnimo,
iyo firfircooni ka muuqato ayaa la xaqiijiyey inuu u qalmo kursiga MP ee
degaanka Kamakuja oo ay Islii ka mid tahay. Murashax Yusuf Hassan oo ah
Soomaali si fiicanna ugu hadla afka Soomaaliga ayaa ayaa la xaqiijiyey inuu
yahay qof aad u daneeya wanaagga Soomaalida iyo dhamaan muslimiinta gobolka.
2) Muhimaddda Nairobi ama baarlamaanka Kenya oo aan la iska indho tiri
karin weliba Islii oo noqotay meesha ay Soomaalida dhigatay ukumaheedii iyo
maalkeediiba. Dhibta ka muuqata degaanka Islii sida wado la’aanta, nadaafad
la’aanta, shaqo la’aanta, nabad gelyo la’aanta iyo xuquuq la’aanta ka jirtaa oo
ah mid wax ka qabad u baahan Yusufna xoogga saari doono haddii Ilaahay idmo
Waxaan ka codsanayaa in qofkasta oo taageeri karaa uu taageero Murashaxa
Yusuf Hassan oo aan filaynayno inuu noqodo qofkii ugu horeeyey ee muslim ah
isla markaana ah Soomaali ee laga soo doorto Nairobi Kenya.
Soomaali - Keep hope alive -
Maxmuud Nuur Wardheere
Former Minneapolis Mayoral Candidate &
Constituent Policy Liaison
Norm Coleman – MN
Unites States Senate
Mahamoud_Wardere@Coleman.Senate.Gov
Macluumaad dheer oo muhiim u ah waalidiinta iyo ardayda Soomaaliyeed ee ...
Waxbarasho ka kooban wax aqris iyo sheekooyin badan iyo wax dhigid iyo computer
...
www.somaliatalk.com/2005/july/26m505.html
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 26, 2007
Dhismaha Jidka Isku xiriiriya Boorama iyo Dilla
Ururka ARNA oo ka shaqeyn doona dhismaha wadada isku xirta
Dilla iyo Borama oo lagu dhawaaqay...
Akhri..
XUSUUS TAARIIKHEED LA DUUGEY:
Talyaaniga ayaa Gumeysatey Itoobiya Shan
sano (1936-1941)
|