Abuu
Xaazimow,Allaha
kuu denbi dhaafo
Waa wax laga
argaggaxo
in dadka khayrka sheegayo lagu tilmaamo ama lala simo gaallo
Allah ku kufriyay,dadna ay fagaaraha la yimaadaan cayda culumada,waxaa cabsi iyo
naxdin leh in Abuu Xaazim uu culumada qaarkood ka dhigo dad
warkooda wax ka soo qaad lahayn, waana arrin murugo ah in haddii Abuu
Xaazim la maqli waayay culumadiisa uu seeftiisa galka kala soo baxo
dabadeedna uu si indho laエaan ahi u saaro,dad Allah iyo rasuulkiisa sallallaahu
calayhi wasallama ku xiran,dabadeedna uu isku beddelo sidii Al-Xajjaaj oo kale
kaasoo seeftiisa ka soo horumari jirtay saarina jiray qofkii ku yiraahdo:Allah
ka baq, kutubadii iyo culumadii uu soo naqliyay Abuu Xaazim haddii ay culumo
kale ka soo hor-baxaan maエahan in la gadoodo oo macangag la noqdo,waxaana fiican
in raエyiga qofka kalena la ixtiraamo lana dhegaysto, haddii ay noqotana
sheekhayga keliya ayaa sax ah waxaa abuurmaya fitno,kaasoo keeni karta in
gaalladu ay naga faaエidaystaan,aniguna wax kale ma oranine waxaan iri:arrinka
diyada qurエaanka nooma caddayn, suurradda Annisaエ aayad 92na waxay culumada ahlu
tafsiirka ku fasireen in diyada ninka iyo naagta aysan jirin wax lagu kala
saarayo,isla markaana aan caddaynay in aysan jirin xadiis saxiix ah oo sheegaya
in diyada ninka iyo naagta aysan isku mid ahayn,mana noqon karto qiil iyo caqli
in nin sheekh warkiisa la cuskado dadkana qurエaan iyo xadiis looga dhigo war
shiikheed,qof kastana sida uu sheegay Imaam Maalik Allaha u naxariiste,mar
horena aan sheegnay waxna waa laga qaadanaya waana lagu celinaya,qofka qabrigan
ku sugan mooyaane,isagoo ula jeeday rasuulka sallallaahu calayhi wasallama oo
macsuum ah.
Midda kale
waxaa
arrin lala yaabo ah in waxa Abuu Xaazim u qasayo ma intii yarayd ee
Atharkiisa daciifka lagu sheegay baa,mise wuxuusan maqal haweenay baa diinta ka
hadashay oo xaqa iftiimisay,mise wuxuu is leeyahay wixii aan soo naqliyay oo
kutubada aan aaminsanahay ah sida kitaabkii fiqhisunna oo uu qoray Sayid Saabiq
sidee wax looga sheegi karaa,annaguna kitaabkaasi wax kama sheegine balse sheekh
Albani baa raddiyay kaddib markii uu ka soo saaray axaadiis iyo Atharo daciif
ah,wuxuuna ku raddiyay kitaabkiisa caanka ah ee Tamaamul minnah,mise Abuu Xaazim
wuxuu u carooday in culumadiis la taabtay kuwii kalena uu jareexeeyay,noogu
filan in Atharkii uu soo qaatay uu daciifiyay Ibnu Xajar kuna daciifiyay
kitaabkiisa Talkhiis Al-Xabiir.
Xadiiski
uu soo
qaatay Abuu Xaazim ee sheegayay in rasuulka sallallaahu calayhi wasallama uu
yiri:haddii ay Abuubakar iyo Cumar adeecaan wey hanuunayaan,inkastoo uusan noo
sheegin meesha uu xadiiska ka soo xigtay iyo darajadiisa,ma laha nin sheegayo
buu ka maqlayoo,isaguna sidaas buu u soo daliilsaday, maantana ma joogni in ciid
indhaha laysaga shubi karo,xadiisna aan la sheegi karin iyadoo aan la xusin
meesha uu ku qoran yahay iyo waliba darajadiisa,laakiin sheekh ayaan ka maqlay
xadiiskan waana idin soo guurinaya la yeeli maayo,waayo dadkii wax bay
barteen,waxaana la ogsoon yahay in tobanaan kun xadiis oo been abuur ah iyo kuwo
daciif ah la soo dhexgeliyay axaadiista saxiixda ah ee ka sugnaaday nebiga
calayhissalaatu wassalaamu,100 kun xadiis oo ku saabsan Cali bin Abi Dhaalib
Allaha ka raalli noqdee oo been abuur ah iyo daciif isugu jira bay qoloda
Shiicadu alifeen kana dhigeen axaadiis saxiix ah, marka dadka haddii xadiis loo
sheegayo waxay doonayaan in ay ogaadaan sixada xadiiska.
Haddii aan isku
dayno
insha Allah in aan caddayno xadiiskaa uu Abuu Xaazim soo qaatay si uu isaguna
uga faaエidaysto annaguna uga faaエidaysano,hayeeshee inta aanu u gudagelin ka
hadalka xadiiskan ee uu soo daliilsaday Abuu Xaazim aan sheegno xadiis u
eg,nebiga calayhissalaatu wassalaamu wuxuu yiri: asxaabtaydu waa sida xiddigaha
oo kale qofkii wax ka qaata ama ku dayda wuu hanuunay,Adahabi wuxuu xadiiskan uu
ku sheegya in uu yahay werinta balaayada Jacfar Al-Haashimi,wuxuuna sidaas ku
sheegay kitaabkiisa Miizaanul ictidaal,sheekh Albanina wuxuu xadiiskan uu ku
tilmaamay in uu yahay been abuur wuxuuna sidaas ku yiri kitaabkiisa caanka ah ee
silsilsada axaadiista daciifka ah.
Aan u soo noqono
xadiiskii uu soo daliilsaday Abuu Xaazim kana hadlin meesha uu ka soo qaatay iyo
darajadiisa midna,xadiisku wuxuu sheegaya:ku dayda ama raaca labada iga danbaysa
ee Abuubakar iyo Cumar,xadiiskan waxaa soo weriyay Tirmidi iyo Ibnu Maaja waana
xadiis laysku haysto darajadiisa,
Al-Cuqayli wuxuu kitaabkiisa
lisaanul miisaan uu ku sheegay in xadiisku munkar yahay asalna uusan lahayn,
Al-Waadicina wuxuu xadiiska uu ku tilmaamay in uu kala goエ ku jiro,Ibnu
Kathiirna wuxuu kitaabkiisa Tuxfatul Dhaalib uu ku sheegay in xadiisku yahay
daciif iyo culumo kaloo badan baa xadiiska daciif ku sheegay, laakiin dhinaca
kale wuxuu sheekh Albani uu ku saxiixiyay xadiiska kitaabkiisa saxiixu Tirmidi
iyo saxiixu Ibnu Maaja.
Laakiinse
waxaa kaloo iyana loo baahan yahay in sheekh Albani oo axaadiista ku caan baxay
la iska eego,maxaa yeelay waxaa jira boqolaal xadiis oo uu sheekhu ka soo noqday
oo masalan markii hore uu ku tilmaamay saxiix marki danbana uu daciif ku
tilmaamay,sidoo kalena caksigeeda ama kuwo oo markii hore saxiix ka dhigay ayuu
haddana xasan ka dhigay sidoo kalena caksigeeda,axaadiistaas oo uu sheekhu ka
soo noqday waxaa lagu ururiyay kitaabka la yiraahdo:Taraajuc al-callaama
Al-Albaani fiimaa nassa calayhi tasxiixan wa tadciifan,waxaana soo ururiyay Abul
Xasan Muxammad Xasan Al-Sheekh,waxaa kaloo jira axaadiis fara badan oo ay
culumadu isku haystaan,waxaana markaasi oo kale la fiirinaya taariikhda xadiiska
iyo raajixa.
Anigu xaashaa lillaah in
aan afkayga ku caayo culumada igama suuroobayso,igumana yaalo afka noocaas oo
kale ah,qof kasta oo muエmin ahina oo Allah ka baqayo in uusan culumada
aflagaaddaynin, laakiin waxaa jira kuwo mayal adag oo seef la bood yaal ah oo
culumada aflagaaddeeya arrinkaas daraaddiisana ay u furteen websiteyo,immisaa
sheekh Qardawi ku sheegeen in uu gaal yahay walciyaadu billaah,immisaa sheekhii
Al-Azhar Shaltuur iyo sheekha imminka jooga ee Tantawi gaal ku sheegeen
walciyaadu billaah, arrinkaasina waxaa ugu wacan jahi iyo baadi ay dadkaasi ku
sugan yihiin,waxaa kaloo taasi ugu wacan in dadka noocaas oo kale ahi ay hal
dheg wax ku maqlaan hal ilna wax ku arkaan,waxayna aaminsan yihiin in wixii
sheekhoodu u sheego mooyaane uusan jirin sheekh kale oo xaqa sheegi kara,kuna
duulaan xaq iyo xaqdarroba wixii uu sheekhoodu u sheego,sidaas daraadeed kuwa
gaalaysiiya Ibnu Taymiya iyo Muxammad Cabdulwahaab waxay la mid yihiin kuwa
gaalaysiiya Qardawi iyo Shaltuut,sida la ogsoon yahayna cayda culumadu waxay
leedahay cuqubo ama hoog,walaalkay Abuu Xaazimow cuqubu ha raadsan oo culumada
afkaaga ka dhowr.
Diinteenu waxaan ka soo
qaadanayna qof kasta oo caalim ah oo aqoon u leh fiqiga iyo tafsiirka qurエaanka
iyo sunnaha rasuulka sallallaahu calayhi wasallama,qofkii walaalkiisa gaal ku
sheegana isagaa gaal ah,muslimkana waxaa waajib ku ah in uu ixtiraamo ahlu
cilmiga carrabkiisana uu ka dhowro aflagaaddo, hilibka culumaduna waa sun,cayda
culumaduna wuxuu ka daran yahay argaggixisada,kuwa culumada caayana cid ay
dhaafayaan ma jidho xataa kuwo websiteyada arrinkaasi u furtay iskuna sheega in
ay salafiyiin yihiin xataa waxay caayaan culumadooda qaarkood oo daaciyiin ah oo
dad la yaqaano ah oo culumada Sucuudiya ka tirsan,iyagoo aan eegaynin maxaa
maslaxad ah maxaana mafsada ah,labo iyo saddex sheekh bayna aaminsan yihiin
wixii ka soo harana ma tirsadaan, waxayba ku dhow yihiin kuwaasi in ay la mid
yihiin kooxda loo yaqaano Atakfiir walhijra.
Walaakay Abuu Xaazim
waxaan u rajeynaya in uusan ku ekaan wax guuris balse arrinka laysku haysto in
uu u gudaggalo,Allah wuxuu yiri iyo rasuulka sallallaahu calayhi wasallama wuxuu
yirina laga maqlo,waxaana u sheegayna in dhaalibul cilmigu laga doonayo in uu
xiriir adag la leeyahay culumada ehelka u ah kitaabka Allah iyo sunnaha rasuulka
sallallaahu calayhi wasallama,waa in uu lahaado aragti dheer,wixii uu bartayna
waa in uu dadka uga faa段deeyo,arrin kasta uu soo bandhigaayana waa in uu
yaqaano kuna degdegin gudbintiisa ilaa uu si fiican isaga soo hubsado,waa in uu
ogaado in dadku ay si gaar ah u eegayaan dhaalibul cilmigu,waa in uu ummadda u
noqdo tusaale wanaagsan, waana in ay daacad ka tahay dacwada uu wado Allah
dartiina uu u samaynayo,dhaalibul cilmigu waa sida uu sheegay Allaha u
naxariiste Bin Baz,marka uu dadka u fatwoonayo waa in uu la yimaado xujo cad
ah,marka uu dadka ugu yeeraayo jidka Allahna waa in uu xujo cad ah la
yimaado,marka uu dadka wax baraayana ama uu dadka farayo macruufka kana reebayo
xumaanta waa in uu la yimaado xujo cad ah,Allah wuxuu yiri:waxaad ku tiraahdaa
kani waa jidkayaga, waxaan ugu yeeri xagga Rabbi,aniga iyo inta i soo raacda
xujo cad ah (suuradda Yuusuf,aayad lambar 108), macnaha qofka dhaalibul cilmiga
ahi waxa uu sheegayo waa in uu aqoonteeda lahaado,Allah wuxuu yiri:ugu yeer
jidka Rabbigaa si xikmad iyo wacdi wanaagsan leh kulana dood sida ugu
wanaagsan (suuradda Al-Naxal, aayad lambar 125).
Mas置uliyadda dhaalibul cilmigu
waa mas置uliyad aad u ballaaran,waa mas置uliyad qofkii
qaada uu weli dareensan yahay in uusan weli gaarin meeshii laga rabay,waa
mas置uliyad qofka qaadaaya looga baahan yahay in uu yaqaano habka dacwada loo
fidinayo,kaasoo sal u ah is maqal iyo tawaaduc iyo aflagaaddo laエaan iyo iyadoo
qofka xujadiisa ahaato Allah wuxuu yiri iyo rasuulkiisa Muxammad sallallaahu
calayhi wasallama wuxuu yiri,waxaadse arkaysa dad badan oo sheeganaya in ay
dhaalibul cilmi yihiin haddana ay dhici karto afka ay wax ku baarayaan in aysan
garanaynin,sida ay sheegeene ahlu cilmigu:qofka dhaalibul cilmiga ahi waa u
aasaas luqadda uu wax ku baranayo ama uu ku baarayo in uu si fiican u
yaqaano,waa in uu garto hadallada ahlu cilmiga iyo khilaafaadka u dhexeeya, waa
in uu eego wixii raajix ah isagoo ka eegaya kitaabka iyo sunnaha rasuulka
Muxammad sallallaahu calayhi wasallama isagoon cidna taqliidin, waxaana looga
baahan yahay dulqaad iyo adkaysi,waana in uu garto culumadii hore ee salafka
ahaa, culumada casriga ahina uu yaqaano, dhaalibul cilmigu waa inuu si fiican
ugu dhegganaado kitaabka Allah iyo sunnaha rasuulkiisa Muxammad sallallaahu
calayhi wasallama iyo sida ay dadkii hore ee wanaagsana u fahmeen xaqa, waana in
ay ka muuqataa sunnaha rasuulka sallallaahu calayhi wasallama qowl ahaan iyo
ficil ahaanba,marka uu doodaayana uu u doodo si aan caro lahayn.
Dhaalibul cilmigu
howshaa aan soo sheegay baa laga doonaya ee loolama jeedo qof dugsi arday ka ah
ama machad ka ah ama jaamacad ka ah,cilmiga dalbashadiisuna waliba kan cilmiga
sharciga ah marka la dalbanayo waxay u baahan tahay sida aanu soo sheegnay
dadaal xoog leh,adiguna Abuu Xaazimow waxaad doonaysa in culumada aad ku
weerarto wax aad soo guurisay.
Allaha xaqa noo iftiimiyo
Zahra Abdi
Holland
umubakar@hotmail.com
Afeef: Aragtida
qoraalkan waxaa
leh qoraaga ku
saxiixan
:::Umu Bakar,wax naga dahsoonaa bay daaha
nooga qaadday
:::Jawaab labaad oo ku socota Umubakar
| ABuu Xaazim
:::Jawaab ku socoto Abuu Xaazim |
Umubakar
:::Jawaab ku socoto Abuu Xaazim |
Umubakar
:::Abuu Ciisa iyo Umu Bakar alle u noqda!!!
| C/raxmaan
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 28, 2007
Dhismaha Jidka Isku xiriiriya Boorama iyo Dilla

Ururka ARNA oo ka shaqeyn doona dhismaha wadada isku xirta
Dilla iyo Borama oo lagu dhawaaqay...
Akhri..
XUSUUS TAARIIKHEED LA DUUGEY:
Talyaaniga ayaa Gumeysatey Itoobiya Shan
sano (1936-1941)


|