SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Geeddi: Minaad Caddoow Puntland leedahay, Anba Balad iyo Beel waan Leeyahay 

cabdiwaaxidC/Waaxid C/hi Khaliif

London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com

Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. 

Waxaan ku leeyahay dadka muslimiinta ah: Ramaddaan Kariim. Waagii ay Xamar xukumeen dad Soomaali ahi waxaa khudbada soo-gelitaanka Ramaddaanka akhrinjiray dad uun Soomaali ah siday rabaan ha ahaadeene. Hadda ma Gabraa akhrin mise gacan-yarayaashiisa? 

Dhowr beri ka hor waxaa Cadde Muuse idaacadaha ka lahaa waxaa weerar lagu yahay xaqii Puntland! Isagoo ka shakisanaa baarlamaanka iyo madaxda ugu sarreysa dowladda. Iyadoo Xabashi, Ashahaado-la-dirirkii iyo maleeshiyaad ka yimid Puntland ay boobayaan hantidii taalay Xamar iyo weli tii dekedda Boosaaso ayaa laga hadlayaa kheyraad ku jira dhulka hoostiisa! 

Qof kasta oo Soomaaliya waa ogyahay inaan cidna u doodeyn xaqa shacabka Puntland iyo Soomaalida kale midna ee waxa la isku heysto tahay ciddii shirkadaha ka qaadan lahayd lacag si ay heshiis ugu saxiixaan ileyn cidna haddeer Soomaaliya waxba kama qodi kartee. Miyaan Puntland Soomaaliya ahayn? Miyuusan Geeddi dowladda horboodin? Miyaan xildhibaanno ka socda Puntland joogin Baydhabo? Maxay tahay qeyladu? 

Dhanka kale, waataas la leeyahay Geeddi baa la shiray Sheekh Abuukar Caddaani. Geeddi baa la shiraya C/Qaasim Salaad. Xitaa warar baa leh Geeddi baa tagay Casmara si uu u arko madaxda maxkamadaha. Soow ma aragtid caqliga Soomaalida! Suu u socdo buu wuxuu salka dhigayaa qabiil! Waxaa laga hadlayey maxkamado iyo dowlad; caawana arrintu waxay mareysaa, “anagaa Puntland xaq u leh” iyo niman heybtaada ah oo lala shiro! 

Nasiib darrada ugu daran waa Itoobiya oo u dabbaaldegeysa kun-guuro iyo “madaxweynihii Soomaaliyeed” oo goob joog ka ah! Madaxweynuhu wuxuu ka qeybgalay hadday kun-guuradu run tahay kulankii ugu foolxumaa ee qof Soomaali ah tago abid inta magaca Soomaaliyeed jiray. Aan ku cesho mar kale waa kulankii ugu ceeb badnaa ee qof Soomaaliya tago intii magaca Soomaali jiray. Waa kun-guuradii ay Itoobiya taabbogelisay waxay ku riyoon jirtay oo ahayd inay Bad-weynta Hindiya cagaha geliso ileyn waxaa jirtay muddo badan ooy Badda Cas heysataye (Eriteriya). 

Labada nin oo Puntland ka yimid waxay dadkoodii geyeysiiyeen ceebo aan horay looga arag Soomaaliya. Waxay kaalinta koowaad ka galeen soo gelidda Itoobiya ee Soomaaliya. Itoobiya waxay xirxirtay masaajiddii. Waxay leysay culumadii, dumarkii iyo carruurtii. Waxay Xabashidu curyaamisay dhaqaalihii waddanka. Hadda Puntland waxaa laga qeylinayaa sicir-barar! Haddii intaas ciqaabtu nooga ekaan lahayd fiicnaan lahaydaa. Ma inta wiilasheennii, muruqeennii iyo maskaxdeennii iyo dhaqaalaheennu ku taageernay sidey Xabashidu u qabsan lahayd Soomaaliya ooy u burburin lahayd dadka muslimiinta ah baan Ilaahay barwaaqo iyo kheyr ka rajeyneynaa? Roobka ma Ilaah baa leh mise Meles Zenawi? 

Waxaad mooddaa in Geeddi hadda fahmay maahmaahdii Soomaalida ee ahayd, “kabtaada iyo reer tolkaaba bartankaa looga jiraa”. Arrintaasi waxay keeneysaa in dib la isagu bahayso qaabkii qabiilka oo ratigu nagu dheeliyo meeshii uu ku dheelin jiray. Halka faa’iido oo ku jirta waa cibroqaadasho ah in Ilahay cidduu doono uu dowlad ka dhigo ee aan si khaldan lagu raadin. Arrintaas is abuubulka ah waxay keeneysaa in meesha uu ka baxo ninka madaxweynaha sheeganaya (Xamar ka huleelo) oo ay isaga iyo Cadde inta Boosaaso isugu tagaan ay reer tolkood u raadshaan xaqey sheegayaan (ay madaxa uga fariistaan ooy dekedda dambiil u dhigtaan). Haddey ku cibroqaadanayaan waxay cibro u tahay dad badan oo Puntland u dhashay oo har iyo habeyn laga kariwaayey war nimankaan iyo Zenawi ka hara, wax dan ah idiin ma hayaane. Markaan weydiiyo guusha ay gaareen waxay ku hadaaqaan, “qabiil hebel baan ka kala daadinay”. Waxaan dhahaa maxaad ka leedihiin Xabashida heysata meelihii astaanta u ahayd qaranka Soomaaliyeed sida meelihii Qur’aanka iyo tacliinta lagu dhiganayey, isbitaallo, xeryihii ciidamada, garoomadii ciyaaraha, iwm.? Waxaan dhahaa ka warrama masaajidda Ilaahay ee Tigreegu uu sharaf dhaca ku wado oo inta isagoon xaarka iska tirin galo kala baxayo nimanka iyo dumarka Soomaliyeed ee salaadda u yimid? Weli waxaanan garaneyn marka dadka reer Puntland ka harayaan nimankaas! Reer Waqooyigii waa lagu diray oo dadka Hargeysa jooga waxaa loogu sheekeeyey waa Soomaali-diid. Kuwo Kismaayo joogaa waxaa la yiri waa waxaas. Maxkamadaha waxaa la yiri waa qabiil. Xitaa Itoobiya iyo Eriteriya baa looga kala dhigay labo waddan oo kala xiga. Marka maxaa xigin? Ma Geeddi baa noqon cadow kale oo cusub? Mise Sheekh Aadan Madoobe? 

Khasab ma aha in qabiil-isku-uruursi kastaa uu xunyahay. Wey fiican tahay in reer tolkaa lala tasho haddaad waddid maslaxoodda iyo maslaxadda dadka Soomaaliyeed. Haddii qabiil kasta geesti u heshiiyo oo iyagoo daacad ah meel la isku yimaado waxaa imaan karta kheyr laakiin haddii inta dhowr odey oo diif iyo abaar heyso dhabarka laga taabto la yiraahdo cid bey isu keenikaraan waxaa dhacaya wixii ka soo baxay shirkii xerada gaadiidka ee Xamar oo kale. 

Shirka Casmara 

Maxay shirarku sida shaaha noogu qabtaan? Shirka Casmara maxaa ka soo bixi kara? Horta qofkii la dulmiyo wuu aadikaraa meeshuu ku badbaadiyo. Shaki ma leh in Zenawi iyo Bush ay weerar qaawan oon geed loogu soo gaban ku qaadeen Soomaaliya. Marka lama oran karo muxuu hebel ugu cararay waddankaas. Waxaase madaxda maxkamadaha la weydiinayaa meeye culumadii iyo dhalinyaradii dacwada jeclaa ee Somaliland iyo Puntland joogay? Ma waxaad ku doorsateen Shariif Xasan iyo Xuseen Ceydiid oo waddanka ka galay khiyaamo aan ka yareyn midda C/hi iyo Geeddi? Marka qaabkaas laguma dhiso maamul Ilaah raalli ka yahee waxaa fiican in magaca diinta loo daayo ciddii xaqeeda siineysa sida dhallinyarada la dagaaleysa Tigreega. Marka haddaad idinku rabtaan xisbi, waxaa fiican inaad la furataan urur siyaasadeed dadkaas sheeganaya baarlammaanka xorta ah ee maahan idinkoon garaneyn meel aad ku sheegtaan culumadii iyo dadkii diinta ehelka u ahaa inaad nagula wareegtaan Xuseen Ceydiid iyo Shariif Xasan. 

Xalku wuxuu ku jiraa in dhalinyaradu inta is abaabusho ooy la tashadaan culumada iyo ciddii kale ee caqliga u saaxiibka ah ay si daacad ah uga soo jeesato badbaadada waddanka Soomaaliyeed iyo sidii Zenawi looga saari lahaa. Intaan shirarka la tegin waa in cid walba ka soo tagto cid ay metesho. Tusaale ahaan dadkii UK ka soo tagay oo Asmara yimid ma idin la tahay iney jirto qurbo-joog Soomaaliyeed ee UK jooga oo soo dirsatay? Qurbo-joogga UK kama duwana Soomaalida gudaha joogta. Waa dad meel lagu kala qoqobay. Xagga waxaa taagan kuwo leh Somaliland baan u dhalannay. Xagga kale kuwo leh Puntland baan metelnaa. Kuwo Hawiye bey u doodayaan. Kuwo kale ururo diimeed bey sheegtaan. Marka qof kasoo tagay koox ka mid ah kooxahaas ma matali kartaa qurbo-joogga UK? Wixiise Casmara lagu soo gaaro, qofkaasi ma ka dhaadhicin karaa kooxo aysan markii horaba isku fiicneyn? Shacabku uma baahna luggooyo kale. Dhib iyo dhagar horay u halaakeeyeen shacabka. Marka waxaan aamminsanahay haddaan arrimahaas wax laga bedelin in shirku uusan ka duwanaaneyn meelaha fadhi ku dirirka ah oo la casriyeeyey.  

Marka Geeddiyoow beel iyo balad waad leedahay. Caddoowna Puntland waa leeyahay. Laakiin maskaxda gesha in Meles Zenawi uu ku faanayo in isagu Soomaaliya oo dhan leeyahay. Micnuhu waa dhulkaad sheeganeysaan waxaa xukuma Zenawi ee maxaad idinku isku heysataan. 

Haddaan shacabkii Soomaaliyeed nahay waxaan u dabbaaldegeynaa soo gelidda Ramaddaanka halka “madaxda Soomaaliyeedna” u dabaaldegeyso kun-guurada Itoobiya. Marka macquul ma aha in hal qofi labadaas munaasabadood uu wada maamuuso.

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Gabre: Qorigaa ka Awood Badan Qowlka (Saxaafadda).. Akhri

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 13, 2007   

Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com