SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Su’aalihii iyo jawaabihii wasiirka Wasaaradda dalxiiska iyo duurjoogta Md. Cali Maxamed Maxamuud {Cali Xareed}

  •  “waxaan damacsanahay inaan wax ka bedelno sharcigii hore Duurjoogta ee la sameeyey 1973-dii ee lagu bedelay kii 1989-kii si loo joojiyo Ugaarsiga” 
  • Xildhibaan Mustaf Sh.cali Dhuxulow “Waxaan maqalney in dowladii TNG-da ay dowlada Liibiya la gashay heshiis ay deyn uga qaadatay lacag dhan $7.5Milyan..”
  •  Xildhibaan C/naasir Siciid Seef “Ethoobia iyo Kenya mooyaane mala xiriirteen dowlado kale”.
  • Xildhibaan Cawad Axmed Cashara “waxaa jirey Mashruuc ay dowlada Imaaraadka u soo jeedisay dowladii Maxamed Siyaad inay ka sameeyaan Tuulo dalxiis Buurta Daalo…” 

Wasiirka Wasaaradda Dalxiiska iyo Duurjoogta Md.Cali Maxamed Maxamuud oo Golaha Baarlamaanka warbixin siiyey 22/09/007 ayaa 12 ka mid ah Mudaneyaasha Baarlamaanka waxay weydiiyeen su’aalo, 12-ka Xildhibaan ee weydiiyey su’aalaha oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaanada kala ah Avv. Cumar Xasan Zubeyr, Maxamed Qaryare Afrax, Sh, Nuur Cali Aadan, Mustaf Sh.cali Dhuxulow, Mahamud Yuusuf Wayrax, Maxamuud Axmed Kulalihi, C/naasir Siciid Seef{C/dheeg},Maxamed Maxamuud Goole, Cawad Axmed Cashara, Maxamed Aadan Waayeel, Cismaan Aadan Dhuubow, wxay weydiiyeen su’aalo isugu jira kuwo toosin ah iyo kuwo la xisaabtanka Xukuumadda.


Cali Maxamed Maxamuud "Cali Xareed" 

Wasiirka Cali Xareed isagoo ka jawaabaya su’aalaha ayaa wuxuu yiri “hadii aan mid mid u soo qaato su’aalihii,

Xildhibaan Avv.Cumar Xasan Zubeyr

S-Heshiiska aad noo qaybisay qoraalkiisa Golaha Wasiiradda mala soo marsiiyey?,

J-Haa Golaha wasiiradda waa soo Ansixiyeen oo warqadii lagu soo gudbiyey waxaa haya Gudoomiyaha.

S-16-kii Sano dowlad la’aantu jirtey waxaa la dhoofin jirey Ugaadha dalkeena, waxaana badankood la geyn jirey dowladaha carabeed, ma dabagasheen, xiriir dacwo qoraal ah ma u gudbiseen si ay u joojiyaan qaadashada xoolaheena?.

J-Dowladaha qaybta ka ah oo wafdigu tagay waa loo sheegey dhibkaas na haysto, waxaa inoo qorshaysan socdaallo aan ku tagayno dowladaha Kuweit, Sacuudi carabiya, U.A.E, Cumaan iyo Yeman, hadii ilaah raali ka noqdo, waxaana kala hadli doonaa Arimaha joojinta Ugaarta Soomaaliya, waxaadna ogaataan sida ugu fiican ee arintan wax looga qaban karo waa inaan wadankeena hanano oo aan iska ilaalino waxa uusan sharciga ogoleyn. 

Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax

oo uu umahad celiyey marka hore Wasiirka, kuna tilmaamay warbixintiisa dadaal weyn  ayaa su’aashiisana waxaa uu ku bilaabay sedan:-

S- Waxaad na bartey Xog-hayaha joogtada ah ee Wasaaradaadda, ma waxaad leedihiin xog-haye joogto oo kali ah, mise Agaasime guud ayaa jira?, waayo arintani maaha mid inagu aan waligeen yeelanay, waxaa lagu yiqiinay wadamadda ku jira barwaaqo sooranka, inagu waxaan lahaan jirnay Agaasime guude. 

J-Wasaaradda dalxiiska waxay hada leedahay Xog-haye joogto oo keli ah, ma jiro Agaasime guud, wasaaraduhuna waxay hore u sameysteen labo xog’hayae, Xog-hayaha Arimaha Dibadda iyo kan Bartoolka iyo Tamarta, kadibna shir ay yeesheen Golaha Wasiiradda waxaa lagu Ansixiyey in wasaaraduhu yeelan karaan Agaasimeyaal Guud iyo Xog’haye yaal joogto ah. Waxaana la ogaadey duurjoogi inaysan ku noolaan Karin meel xoolo dhaqato joogto, waxayna u baahan yihiin seero in loo sameeyo.

Xildhibaan Mustaf Sh.cali Dhuxulow

oo isna su’aalo waydiiyey Wasiirka ayaa hadalkiisa ku bilaabay “hadaan amni la helin wax la qaban karo ma jiro, si wasaaraddu u shaqayso waa in la helaa amni”, waxaa uuna u gudbiyey su’aalihiisa

S-Waxaan maqalney in dowladii TNG-da ay dowlada Liibiya la gashay heshiis ay deyn uga qaadatay lacag dhan $7.5Milyan oo dolar ayna siisay Hoteell Jubba iyo Curuba ee maxaad arintaas kala socotaa?. 

J-Waa jirtaa in dowladii TNG-da ay deyn ka qaadatey dowlada Liibiya, waxaana la yiri “Hoteel Jubba iyo Curuba in Rahmad ahaan ay u dhigeen, ka wasaarad ahaan si gaar ah ayaan ugu kuur galnay, Safiirkeenii TRIPOLI oo aan la xiriirnay wax dokumeenti ah kama hayno, Madaxweynaha oo tagay halkaasna waxaan ku baraarujinay inay war sugan ka keenaan arintan, balse nasiib wanaag dowlada Liibiya ayaa iyadoon la waran ku soo qaadey Madaxweynaha una sheegtay in $7 Milyan oo dolar ay ku leeyihii Soomaaliya, labo waxaa lagu lahaa dowladii Siyaad Barre, halka shanta kale ay ku leeyihiin Dowladii TNG-da, hase ahaatee ma xusin Hoteelada. 

Laakiin arintaan Hoteeladda halkaas kuma dhaafin Xiriir aan la sameynay safiirkeena Amp. Idirs isagoo aan wali jawaab na siinin ayaa la bedelay, kan cusubna wuxuu inoogu maqan yahay jawaab, si aan u ogaano in Liibiya diyaar u tahay inay maalgashato labada Hoteel iyo in kale, isla markaana kharashkeedii ka dhex raadsato.

S-Charterka qodobkiisa 67-aad wuxuu sheegayaa in Ummada Soomaaiyeed ay u siman tahay Hantida dalka, sidaas darted, mar hadii Ugaarta ay ka mid tahay hantida Ummada qof gaar ah ma yeelan karaa xero Ugaareed?. 

J-waxaan damacsanahay inaan wax ka bedelno sharcigii hore Duurjoogta ee la sameeyey 1973-dii ee lagu bedelay kii 1989-kii si loo joojiyo Ugaarsiga, sharcigaasina wuxuu ogolaanayey in tiro yar oo duurjoog ah lagu haysto Guryaha iyo Goobaha Ganacsiga, iaydoo la qaadanayo ruqsad, hase ahaatee waqtigan aynu ku jirno nalama qumana in la sameysto, maadaama duurjoogteenii Dhediga la dhoofinayo.

Xildhibaan Maxamuud Yuusuf Wayrax  

S-Xog’ahaye joogta ah ma la qaadan karaa waqtigan?. 

J-Xog’ahaye joogto ah waxaa isticmaala dowladaha aanu dareska nahay, waana qofka ugu sareeya{CEO}ee Maamulka Wasaaradda.

Xildhibaan C/naasir Siciid Seef

 oo su’aalihiisa ay u muuqdeen kuwo dhinacyo kala duwan taabanaya ayaa wuxuu ku bilaabay su’aashiisa,

S-Hoteellada ma waxaa laga dhigayaa {Private}, misae dowlada ayaa yeelanaysa?.

J-Hoteelo dowladu ay yeelanayso oo ay maamulayso ma jirayaan, maadaama ay ka faa’iido badan tahay in la Ijaarto ama lagula shirkoobo shirkadaha dalka iyo kuwa dibadaba.

S- Xeebta dheer ee Soomaaliya side looga faa’iideysan karaa markii nabad la helo?.

J-Barnaamijyada iyo shuruucda aan soo wadno ayey si cad ugu qeexnaandoonaan, siyaasada dalxiiska dhinaca Xeebaha, sida wadamo badan ay aduunka uga faa’iideysteen xeebahooda una soo jiiteen maalgelin caalami ah, waxaana fursado siin doonaa shirkadaha waaweyn si ay u maalgashadaan Xeebaheena.

S-Ethoobia iyo Kenya mooyaane mala xiriirteen dowlado kale?.

J-sidaan idiin sheegnay waxaan hada heshiis la soo galnay dalka Suudaan, waxaa kale oo aan hore uga qayb galnay shirkii wasiirada dalxiisa ee Jaamacadda Carabta ee lagu qabtey caasimadda lubnaan ee Beirut, waxaana halkaasi kuala kulanay wadamo badan iyo Ururo caalami ah, waxaana la socodsiinay dhibka Soomaaliya ka taagan, waxaana si gaar aha idiinkugu xusayaa kulankayagii Wasiiradda Jaamacadda Carabta ee Tunisia iyo Oman oo aan rajeynayo inaan dhowaan casuumad ka helno.

Xildhibaan Cawad Axmed Cashara

oo marka hore talooyin iyo hambayo u soo jeediyey Wasiirka ayaa su’aashiisa ku bilaabay

 S-waxaa jirey Mashruuc ay dowlada Imaaraadka u soo jeedisay dowladii Maxamed Siyaad inay ka sameeyaan Tuulo dalxiis Buurta Daalo oo lacag badani dowlada ka soo geli lahayd, nabadgelyo xumo awgeed ayaa waagaas loo joojiyey, ee marka mashruucaas ma dabagasheen, xiriirkiina in la soo celiyo maku talo jirtaan?.

J-sidaan hore u sheegay waxaa inoo rahman inaan socdaal ku tango dowlada Imaaraadka, waana ku talo jiraa mashruucaas iyo kuwo kale la soo qaadno, sidii ay dalkeena maalgelin ugu sameysan lahaayeen. 

Laakiin Waxaan akh’risteyaasha aanu  ka raali gelinaynaa inaan u dhameystirno su’aalaha qaybahooda kale, inkastoo ay u badnaayeen kuwo loogu hambayeynayo Wasiirka, islamarkaana lagula talinay in hawshiisa uu laban laabo,  Hase ahaatee Duqaynta iyo dagaalada ay ka wadeen Maraykanka iyo Etbobia xadka Soomaaliya iyo Kiiniya dabayaaqadii sanadkii hore ee 2006 ilaa bilowgii 2007, xubnihii maxaakiimta ay kula dagaalamayeen marka laga reebo dadka xoolo dhaqatada iyo beeraleyda ee ku dhaqnaa deegaanadaasi ee sida weyn ugu barakacay ayaa waxaan la ogeyn inay dabar go’aan duurjoogtii halkaasi ku nooleyd, islamarkaana laga yaabo in ay ka barakaceen duurjoogtaas, lana waayo duurjoogtii lagu yiqiinay deegaanadaasi, tanina waxay qayb ka tahay dhibaatooyinka ay geysateen iska soo horjeedka siyaasiinta Soomaaliyeed iyo huwanta dagaalka ay garabsadeen, mana jiro dadaal lagu ogaadey arimahaas oo la sameeyey sidii wax looga qaban lahaa, waxaana aamusay xiligas hay’adaha ilaaliya deegaanka iyo  duurjoogta, hadaan la helin nidaam lagu ogaado arimahaasi, waxaa dhicidoona dhibaato baahsan oo saameyn kala duwan ku yeelata dadyowga kala duwan ee ku nool Afrika iyo Eeshiya. 

Maxamed Macallin Cismaan{All-man} Somalitalk Baydhabo.
fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 24, 2007

Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan qarax shalay ka dhacay xaafadda KPP ee degmada Hodan
.Sarkaal ka tirsan nabad sugida oo lagu dilay Muqdisho
.John Yates oo sheegay in xiligaan uusan tagi Karin Muqdisho
.Maamulka Somaliland oo ka carooday ciidamo Itoobiyaan oo..
.Wakiilka cusub ee Qaramada Midoobey Axmadow C/lahi oo..
.Xukuumadda Geedi oo sharci daro ku tilmaantay xariga loo..
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Sept 23

Wasiirkii ugu horeeyey Baarlamaanka uu u hambalyeeyo oo noqdey wasiirka Dalxiiska iyo Duurjoogta
Xildhibaan Faarax Ismaaciil “xariga Gudoomiyaha Maxkamada sare ee DFKMG iyo Xaakim Sheegow wuxuu xad gudub..

Waraysi: Ma Dhabaa In Somali-land iyo Puntland Ay Isku RaacsanYihiin In Xuduudkoodu  Yahay Adhicadeeye.

Banaanbixii Jaaliyadda Ogaadeenya ee Switzerland 20ka September 2007

Ergada reer Puntland ee ka qayb galay Shirkii Casmara waa ku soo noqon doonaan Puntland

baydhaboBaarlamaanka DFKMG oo qaban qaabinaya qorshe loogu yeerayo Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha DFKMG
Xildhibaan Maxamed Qanyare: "shir 45-casho socdey inay ku baxdo $8-milyan wax dhici kara ma ahan..." Akhri...

plAfhayeenka Madaxweyne-xigeenka Puntland oo Shaqaaqooyinka Laascaanood ku eedeeyey inuu ka danbeeyo Xaabsade.... Akhri

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Qamar Cali
"waxaana jira oo la keeni doonaa 40-Konteenar oo isugu jira Daawo iyo Qalab Caafimaad oo yaala dalka".. Akhri...

Dagaal Culus Oo Isniintii ka dhacay Magaalada Marka
iyo Xildhibaan Qanyare Oo Sheegay Inay Sharcigii Awood Qayabsiga Ku Tunteen Masuuliyiinta Dowlada Ugu Saraysa..

  usaNin Soomaali ah oo Talaadadii lagu xiray Maraykanka "ma aha Argaggaxiso ee waxaa loo xiray arrin la xiriirta Daroogo..."

Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com