- Cadaado oo Gacanta u gashay Koox taabacsan Maxaakiimta
- MSF oo Joojisey Shaqadii ay ka wadey Kismaayo
- Afgooye: Xarunta ugu ballaaran Adduunka ee dadka barakacay- CNN
- Norway oo ka baxeysa Kooxda "Contact Group On Somalia"
Cadaado: Dagaal Xooggan oo DFKMG lagala wareegey 11 Gaari oo Tekniko ah...
April 3, 2008: Wararka ka imanaya magaalada Cadaado ee Gobolka
Galgaduud ayaa tibaaxay in uu dagaal xooggani ka dhacay duleedka Cadaado kaas oo
sababay in halkaas lagula wareegey gaadiid dagaal oo gaaraya ilaa 10 gaari iyo
ugu yaraan hal Taangi (Kaare) oo ay lahaayeen ciidamada DFKMG, waxaa kale oo
laga gubey ugu yaraan 6 gaari oo kuwa dagaalka.
Dagaalkan oo ay soo qaadeen kooxaha ka soo horjeeda joogitaanka ciidamada
Itoobiya ee Soomaaliya ayaa wararka ugu horeeya ee ka soo baxaya waxay tibaaxeen
in sarkaal ka tirsan DFKMG laga soo xigtey in dhinacooda ay ka dhinteen ugu
yaraan 14 askari, waxa kale oo laga dhaawacay ilaa 20 askari, waxana uu qiray in
laga gubey ilaa 6 gaadiidka dagaalka.
Wakaaladda Wararka ee AFP waxay taliyaha ciidan oo aagga cadaado ee DFKMG,
Daahir Shidane, kasoo xigatey in uu yiri "Dagaalku wuxuu ahaa mid aad u xoog
weyn, waxaa nasoo weraya Al-shabaab, waxaa naga dhintay 15 askari, waxaa sidoo
kale luminay 6 gaari."
Sida ay werisey Aljazeera, Sh. Mukhtaar Roobow ayaa yiri "waxaan la wareegney
ilaa 11 gawaarida dagaalka oo hub saaran yahay."
Waxaa jira warar dhimashada dadka dagaalkaas ku dhintay gaarsiinaya ilaa 30
qof.
Waraysi
radiya Australia (SBS) la yeeshay Sahro Maxamed Axmed, aggaasimaha
fulinta haya'dda COGWO..
Dhegeyso
ama mp3 |
Magaalada Cadaado waxaa wararku sheegeen in la wareegeen kooxaha taabacsan
Maxaakiimta islaamiga ee Soomaaliya. Waa magaaladii siddeedaad ee ay ciidamo
taabacsan Maxaamiimtu ay qabsadaan, ayaa Aljazeera sheegtay.
MSF oo Joojisey Shaqadii ay ka wadey Kismaayo
Dhanka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose waxaa maanta [Apr 3, 2008]
shaqadii ay halkaas ka wadeen joojiyey dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ee loo
soo gaabiyo MSF, waxayna arrintaas sabab uga dhigeen ammaandarada sii xumaaneysa
ee ka jirta Soomaaliya. Arrintaas waxay timid maalin ka bacdi markii Soomaaliya
lagu afduubay shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobey. Talaadadii (Apr 1, 2008)
ayey ahayd markii laba shaqaale ah (British iyo Kenyan) oo u shaqaynayey FAO la
afduubay iyaga oo kusii jeedey Bu'aale.
Afgooye: Xarunta ugu ballaaran Adduunka ee dadka barakacay- CNN
War uu baahiyey Telefishanka Maraykanka ee CNN ayaa muujiyey sawirro laga soo
duubay dadka Soomaaliyeed ee ku barakacay gudaha Soomaaliya ee Afgooye. TV-gu
waxa uu halkaas ku tilmaamay goobta ay ku sugan yihiin dad barakacay meesha ay
ugu badan yihiin marka la eego dunida oo dhan, xeradaas ay ku jiraan dadka
barakacay ayaa teedsan ilaa 10 km ayaa warku sheegay.
Norway oo ka baxeysa Kooxda "Contact Group On Somalia"
Dalka Norway ayaa wararku sheegeen in uu ka fekerayo in uu ka baxo kooxda loo
yaqaan "Contact Group On Somalia". Waxaana wararku sheegeen in ay Norway ay
hoggaankii ay kooxdaas ka haysey ku wareejineyso ergeyga gaarka ah ee Qaramada
Midoobey u qaabisan Soomaaliya.
Furitaanka dhisme dib u habeyn lagu sameeyey hogaanka boliska ee ka
hortaga danbiyada oo uu madaxweynaha DFKMG Cabdilahi Yuusuf Axmed xariga
ka jaray...
Halkan ka daawo Sawirada Xarunta 888Apr 2, 2008: Xarunta gaadiidka boliska ee
qeybta bartaha ama oto oto ee agagaarka taalada sayidka ayaa ka dib
markii dib u habeyn lagu sameeyey ayaa maanta [April 2, 2008] xariga
looga jarayey oo uu ka soo qeyb galay madaxweynaha DF Cabdulaahi Yuusuf
Axmed oo ay la socdaan qaar ka mid ah labada gole ee dowlada waxaana
halkaa dhoolatus ku sameeyey qaar ka mid ah ciidanka boliska qeybihiisa
kala duwan .
Xafladaan ayaa waxaa ka soo qeyb galay madaxweynaha Df Cabdulaahi Yuusuf
Axmed taliyaha ciidanka boliska solaiyeed Cabdi Xasan Cawaale ( qeybdiid
) taliyayaasha duqa magalada muqdisho , mas.uuliyiinta labada gole ,
dublamaasiyiin, saraakiisha ciidanka boliska somaliyeed , qeybaha kala
duwan ee saxaafada waxaana ka mid ahaa safiirka dowlada Ethiopia u
fadhiya somaliya visha shaaweel iyo taliyaha ciidanka Ethiopia ee ku
sugan gudaha dalka somaliya janaraal gabra .
Xalfladaan lagu furayey xarunta hogaanka ka hortaga danbiyada ayaa waxaa
hadalo soo dhaweyn iyo wax qabadkii ciidan boliska ka soo jeediyey
hogaanla madax ay ka mid ahaayeen taliyaha ciidanka boliska somaliyeed
janaraal Cabdi Xasan Cawaale (qeybdiid ) gudoomiyahay gobolka banadir
Maxamed Cumar Xabeeb ( Maxmaed Dheere )
Goobta ay xafladu ka dhacaysay oo amaankeeda aad loo ilaalinayey ayaa
waxaa sugayey ciidanka nabad ilaalinta AMISOM ee dalka ugaandha
Ugu horeyntii waxaa hadal soo dhaweyn iyo warbixn isugu jirta ah ka soo
jeediyey Taliyaha howlada ka hortaga danbiyada G/Sare Cali Xasan Cawaale
( Cali Saciid )
Isaga oo sheegay ahmiyada uu leeyahay hogaanka boliska ee ka hortaga
danbiyada ay bulshada u leedahay
Taliyaha hogaanka ka hortaga danbiyada G/Sare Cali Xasan Cawaale ( Cali
Saciid ) ”waajibaadkiisa shaqo waxaa ka mid ah waxka qabadka amniga iyo
xasiloonida dadka iyo dalka
(B) la socodka danbiyada dalka ka dhaca iyo ka hortaga ladagaalankooda
Isku dubaridada iyo diyaarinta uruurinta saxafada warsubaxeedka la
xiriira danbiyad adalka ka dhca sida shilalka wadooyinka iyo arimaha
kale ee muhuumka u ah shacabka danyarta ah ee somaliyeed
(D) Ilaalinta iyo maamuuska madaxda qaranka iyo kuwa shisheeyahay ahba
ee dalkeena boqashada ku yimada iyo qabashada howlaha gurmadka deg dega
ah
(E) u gudbinta wasaaradaha iyo wakaaldaha dowlada arimaha quseeya iyo
kuwa wax qabadka u baahan oo ka baxsan awoodooda
(F) lasocodka canshuraha iyo la dagaalanka contro baanka
( G) uruurinta tirade danbiyada iyo warbixintooda
( H) sugida amaanka xoola dhaqatada iyo ka hortaga dagaalda ka dhasha
daaqa iyo biyaha
( J) ka qeyb qadashada maamuusyada iyo dabaal dagyada qaranka
Fulinta amarada ka soo baxa taliyayaasha ciidanka boliska ee la xiriira
howlaha ciidanka boliska
Sikooban waajibaadkiisa shaqo hogaanak ka hortaga danbiyada intaan ayaan
ku soo koobayaa “ ayuu yiri G/Sare Cali Xasan Cawaale ( Cali Saciid )
isaga oo shaagay in uu ku faraxsan yahay ka soo qeygalka xaflada inta
jogtay iyo xarig ka jarida xafiiska dib u habeynta lagu sameeyey
Taliyaha hogaanka sareeye guuto Yuusuf Xuseen Cusman (dhuumaal ) oo
faafaahin dheraad ah ka bixiyey dhismaha iyo qarashkii galay dib u
habeyntiisa wuxuuna sheegay in dhismahaan uu ka koobanyahay 23 xafiisk 7
qol oo jiif ah iyo hool weyn oo qaada 20 baabur iyo barxad weyn isaga oo
xusay in ay gacan a geysteen dib habeynta algu sameeyey xaruntaan
gudoomiyaha gobolka banadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere )
Wuxuuna intaa ku daray in waaxyada uu u kala baxo ay ka mid yihiin
waaxda how galinta ,waaxda nabad galyada wadooyinka ,( tarafiko ) waaxda
xiriirka gobolada , birmadka boliska somaliyeed waaxda gurmadka deg dega
ah
Sidoo kale waxaa hoos yimaada qeybaha jamhiiriyda somaliya oo idil sida
uu warbixintiisa ku sheegay Taliyaha hogaanka sareeye guuto Yuusuf
Xuseen Cusman (dhuumaal ) guud ahaan ilaa iyo hada meelaha ciidanku
joogo waa sidaan mudug waxaa joogo tiro ciidan boliis oo dhan 86
galgaduud waa lixdan 60 hiiraan waa 102 ciidan ah ,shabeelaha hoose waa
30 ciidan bolis ah gobolka bay waa 760 askari bakool waa 24 ciidan bolis
ah gobolka gado waa 36 ciidan ah jubada hose waxaa joogo tirop ciidan
bolis ah oo dhan 10 askari sidoo kale jubada dhexe waxaa inoojoogo 24
askari gobolka banadir oo ah mid rabshaduhu ay diloodeen ayuu ku sheegay
talihaya hogaanka sareeye guuto Yuusuf Xuseen Cusman (dhuumaal ) in ay
joogaan 2600 ciidan bolisk ah birmadka boliska waa 186 askari gurmadka
deg dega ah waa 50 wuxuuna ciidan nabad galyada wadooyinka ee taraafiko
ayuu ku sheegay in ay dhanyihiin 89
Intaa ayuu ku sheegay in ay ka jelaan inta badan war subaxeedyada ay ku
howlgalaan maan u soo jeedin wx dhaliil iyo amaan ah midnaba balse wuxuu
sheegay in uu isagu si weyn ugu faraxsan yahay xaflada maanta ka dhacday
xarunta 888 ee ciidanka boliska somaliyeed
Sidoo kale mas.uuliyiintii halkaa ka hadashay waxaa ka mid ahaa taliyaha
ciidanka boliska somaliyeed janaraal cabdi xasan cawaale (qeybdiid) oo
sheegay in ay farxad weyn u tahay furitaanka xafladaan in uu xariga ka
jaro madaxweyne Cabdulahi Yuusuf Axmed hogaanka howlaha ka hortaga
danbiyada oo ka mid ah lixda hogaan iyo akadeemiyada cidanka ee uu
leeyahay ciidanka boliska somaliyeed waxayna ka dhasheen dib u habeyntii
ciidanka boliska ee lagu gudoonsaday sanad guuradii 64aad ee ka soo
wareegtay aasaaskii ciidanka boliska somaaliyeed 2007dii
Ugu danbeyntii ayaa waxaa halkaa ka hadlay madxweynaha Df Cabdulaahi
Yuusuf Axmed oo sheegay in xaflada maanta ay tahay xaflad tii ugu
horeysay oo goob dayactir lagu sameeyey oo uu ka qeyb galo isaga oo ugu
baaqay in maamulka xakuumada ay howlahooda laba jibaran wuxuuna xusay in
ay weiba dayn sii qaataan balse aan lagu tagri falin wuxuuna sheegay in
dagaal nin yaqaanaa uusan ku degf degin mar uu ka hadlayey arimimaha
nabad galyada
Madxweyne cabdulaahi yuusuf waxaa kale oo uu sheegay in uu dhinaciisa
howlo lagu dayactirayo ka wado gudaha madaxtoodaya loona baahan yahay in
qof walbo dhankiisa la doonayo
Xaflada maanta ayaa ku soo gabagabowday si nabad galyo ah waxaana uu
salaam madaxweyne ka qaata cutub ka tirsan ciidanka baambayda boliska
Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
muqdisho somaliya
0025215576666
002521653623
Faafin: SomaliTalk.com |
Apr 2, 2008
|