Gabar reerkoodii laga soo masaafaystay, qaalliga oo
aan muslim ahayn iyo markhaatiya- ashii oo mid kaliya marag furi karo!
Qore:
Cabdulwaaxid Khaliif
cabdulwaxid@hotmail.com
Asalaamu calaykum
Ilaah baa mahad oo dhan leh. Nabadgelyo iyo naxariis
Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.
2003...
“ Waa mugdiyaal uu midiba mid saaranyahay”.
Xorriyo nin gayaa ha guursado. Sangub baa nasoo
gaarsiiyey. Sangub inuu fidradiisa uu ka helay iyo inuu maqlay xaddiiskii
ahaa: haddii uu idiin yimaado nin (soo geed fariisto isagoo gabar idin ka
doonaya) aad diintiisa iyo akhlaaqdiisa raali ka tihiin uguuriya haddii
kale waxaa ahaanaya dhulka dhexdiisa fitno iyo fasahaad wayn. Xaddiiskaas
waxaa wariyey Tirmidi iyo Ibnu Maajah. Waxaa xaddiiska ku jira nin la
yiraahdo C/Xamiid Binu Sulaymaan oo dhaciif lagu sheegay.
Dhulkii waxay ku sheegeen hal geel ah oo ay ubaxsheen
Maandeeq. Bal anigu dhulka Soomaaliyeed aan gabar ka dhigo. Isla magacii
Maandeeq sii.
Dadka gabadhaas usoo geed fariistay waa kuwii
aabbaheed, walaalaheed, iyo ehelkeed wadkoodii galay, idinkuse qab-qablayaal
baad ku garataan.
Qab-qablayaasha garaadkoodu waa kii geel-jirayaasha.
Ninkasta oo geel lihi geel-jire maahan. Ninku hadduu waxgaradyahay geeluu
haysto waxaan wanaag ahayn uma kordhiyo.
Maaddaama Hadda aysan qab-qablayaashu baadiye joogin
waa tikniko-jirayaal, daroogo-jirayaal, dhiig-sokeeye-jirayaal,
gaalo-jiriyeyaal, IWM.
Geel-jiraha caqligiisa ufiirso. Wuxuu oranjiray:
Geela hooyadi waa hareeriga
Anna hooyaday waa hasha irmaan
Say waxay tiri hareeri i gee
Horaad iga maro oo hadba i maal.
Halkaas miyaad ka aragtaan wax uu Ilaah ugu shukriyey?
Geel-jiruhu waa maan-gaab “shallow minded” ama dheh wuu aragti gaabanyahay
(short sighted).
Anigu markaan kasoo hadlayey taxanahii ahaa qiimaha
dhulka iyo qaddarin la’aanta Soomaalida waxaan hooyo ku sheegay dhulka.
Geel-jiruhu isagoon is ogayn buu dhulka hooyo ku sheegay laakiin hashii uu
maalayey buu usii maray. Ka dib hareeri oo hasha hooyo u ah. Hareeriga yaa
hooyo u ah? Arrinta dhulku waa cajaa’ib oo dhulku xittaa markaan dhimano oo
ehelkeen na fogeeyo waa na aqbalaa oo isagaa god noo ah.
Geel-jire caqligiisa waxaa ku qufulan isaga iyo hasha
oo hunguri kaliya ugu xishay. Diinta Islaamku markay ka hadlayso xoolaha aan
dhaqanno waxay xustaa, qurux, inaan suuntooda ku subkano, inaan rarano,
inaan diyada iyo qaamaha kale iskaga bixino, IWM. Xittaa ilmihiisa yar-yar
dan kama leh. Haddaadan i rumaysanayn waakan hadalkiisii.
Geerida haween guud la firo iyo guursi laga qaad
Geeridaadana (geela) gaawo maran iyo gaajo laga qaad
Geeridaydana guryo ba’ay iyo gablan laga qaad.
Ma u jeeddaan hasha ayaa haweenka kala qiimo badan!
Inkaari ku dhacday aaway ciyaalkii yar-yarka ahaa oo ay hooyadaasi ka
tagtay? Maaddaama uu isagu carruurnimo ka koray ciyaalkiisa dan kama leh!
Ilayn calooshi ushaqayste weeyee wuxuu leeyahay naag kale ayaan guursan oo
carruur wax iga galay ma leh, iyaga iyo aayo ha is arkeen. Waxaan caano
ahayn kama hadlayo.
Haweenka uu caanaha ka doortay waa kuwee? Waa hooyo.
Waa hooyooyinkii muuminiinta. Waatii mar Malaku Jibriil (CS) uu Nabiga (CSW)
ku lahaa u sheeg Khadiijo (RC) Ilaah baa soo salaamayey. Ka warran
haweenaydii Nabiga usoo dacwootay ee Ilaah Suurat ku soo dajiyey waa
“Al-Mujaadilah” ama “QAD SAMICALLAAHU” oo aan wada ognahay canaantii
ninkeeda gaar ahaan iyo guud ahaan ragga ku dhacday iyo ganaaxii loo soo
jeediyey isaga iyo ragga ka dambeeya ee arrintaas ku sifooba.
Geel iyo adduunyo midna Nabi Muxamed (SCW) iyo dadka
Ilaah yaqaan kuma aglaha qiimo xadkaas gaara. Dad badan baa deeqsinimada
Nabiga (SCW) markii hore usoo islaamay.
Geela inta aan xoog ku bixino ayaa ka wayn marka loo
eego waxa naga soo gala. Waxaan ku fakanay badnaanta geela oo qoys ayaa
haysta geel badan laakiin soow daaq, dugaag ka celin, xero, shillin ka
gurid, arroorin, IWM looma diyaarin. Geel-jiruhu wuxuu geela u xannaaneeyaa
si uusan carruurtiisa iyo xaaskiisa u xannaanayn. Fiiri hadaladiisa kore.
Hasha intaas loo maray oo sanadna guran sanadna haruub aad ka maashid ma
uqalantaa in ehel iyo ubad ay ka hor marto?
“Caawa maxaa xalay uga eg”. Qab-qablayaashu waa sidii.
Wax aan naftiisa ahayn iyo mooryaan/jirrida oo booskii hasha u joogta oo uu
yaqaan ma leh.
Xamar oo waxaan xasuustaa haddii reer gabar laga xado
inta Cagaaran la geeyo isla habaynkiiba loo soo cesho iyadoo ninni cududda
kasoo xirtay. Marka laga reebo xeeladaysigii ahaa in seddex ari soof ka
badan la fogeeyo oo aan garanayn meelay ka keeneen ilayn safar salaad la
gaabiyo iyo guur wax iska galay ma lahee waxaa qasadkoodu ahaa qaalli muslim
ah.
Qab-qablayaashu Maandeeq ha afduubeene xaggay la
aadeen? Eldoret! Qaalligii
yuu noqday? Waxaa loogu doowgalayba meherkii hore qabsoomi waa’ laakiin
haddaa la leeyahay meherkii ayaa Mbagathi ka dhacaya.
Qolyihii Carta Maandeeq way masaafaysteen laakiin waa
ka caqli badnaayeen oo waxay yiraahdeen mar haddii aan Cagaaran lagu
meherin karin maan Carta la aadno. Qolyihii Carta qaalli iyo markhaatiyaal
muslim ah ayeey xusheen waana arrinta ay Itoobiya ka samri la’dahay.
Maandeeq way ka fakatay madaxweynihii isagoon la aqal
galin isna diid inuu madaxeedii siiyo. Laakiin qaalligii baa usheegay oo
yiri si kastaba ha ahaatee hadday ku diido waa in seddex sano markay
dhamaato aad furtaa. Hadda waqtigii waa dhowyahay.
Madasho waa Mbagathi, qaalligu waa Kiplagat.
Markhaatiyaasha seddexda ah Jibuuti kaliya ayaa maraggiisu guntamaa!
Qaalliyaasha muslimiinta ah khudbadii Nabiga (SCW)
ayey akhriyaan oo furfurashada ka dib akhrin jiray seddexda Aayadood ee
caanka ah.
Qaalli Mbagathi maxuu akhrin? Meherkaas ma ansaxayaa?
Waagaan carruurta ahayn waxaan oranjirnay marka
gaaladu tukanayso oo aan xabashida tusaale usoo qaadan jirnay waxay
akhriyaan ducadaan. Qaar ka mid ah afkaygu ma karo laakiin aan qaar xuso
wixii laga sheegi jiray:
Alloow na cadaab oo hanna cafiyin
Cad xalaal ah iyo caano naga dhowr.
Carruurtu waxay sheegi jireen, gaaladu waa sameeyaan
maxaa yeelay wax cadaab uga samrid badan ma leh qof usoo taagan gaalnimo iyo
Ilaah diid. Tan kale oo ah hilibka haddee haddaysanba wax goowricin oo
bisinka u qaban soow bakhti isma hayaan? Mar hadday caano geel iska
xarrimeenna soow caanihii ugu fiincaa iskama afqaban.
Aayadahoodan iyo kuwa la mid ah Kipligat wuu soo
qaadan karaa. John 1:1. In the beginning was the Word, and the Word was
with God, and the Word Was God.
Aayaddaasi waxay leedahay say leeyihiin: Biloowgii
waxaa jiray hadalka (Weedha), hadalkuna ilaah buu la jiray, hadalkuna ilaah
buu ahaa.
John 14:20 At that day ye shall know that I am in my
Father, and ye in me, and I in you.
Maalintaas waxaad ogaandoontaan in aan ku dhexjiro
Aabbahay, aad iddinkuna ani igu dhexjirtaan,aan anniguna iddinka idin ku
dhexjiro.
Ephesians 5:22 Wives, submit yourselves unto your own
husbands, as unto the Lord.
Dumarku waa in ay raggooda isu dhiibaan/ka dambeeyaan,
sida ay Rabbigooda isugu dhiibaan.
Meherkii muxuu noqon? Waan ognahay in ayna
qab-qablayaashu waxaan dhib ahayn uhayn dadkii Maandeeq. Kiplagat haddii uu
ogaan lahaa qabqable wax ka yaqaan Cahdigii hore iyo kan cusub, “Bible” oo
ay English ahaan u qoraan: Old and New testaments wuxuu u meherin lahaa kaas
si uu Soomaalida wuxuu buugaas ka bartay igu gudbin lahaa laakiin intooda
badani kuma fiicna. Waxa qaalliga hadda u furan inuu doorto kan Diinta
Islaamka iyo dadkeeda ugu madax adag oo ugu dhibka badan si halkaas Diin iyo
dadkeedu ukala tagaan.
Ragga jagadaas buuxin kara qof walba maskaxdiisa way
ku soo dhacaysaa. Waa qolyihii aan horay usoo niri waa kuwii Maandeeq
aabaheed, walaalaheed iyo ehelkeed mariyey.
Kursigu meel dheer buu saaranyahay, jaranjarana meeshu
ma leh. Qofkastaa wuxuu ku fuuli karaa inuu maydadkii uu dilay uu isdulsaaro
si ugu istaago.
“TODDOBADA NAAROOD WAA KALA SUBXAANALAYSTAAN”.
Iyagiiba hadda qaylinaya oo leh hebel cadow hebel baa wata mana aqbali
karno.
Markasta oo ummaddan Soomaaliyeed luggooyo,dhib iyo
khiyaano lala maago Ilaah baa ka kala daadiya. Waataas hadda ay halkaas isku
haystaan.
Sidaan mar horayba xusay waxaan shirkaa uga
faa’iidaysankarnaa in labadaas gobol ee midi Somaliland la baxday ay isku
soo noqdaan. Waxaan samaynkarnaa in iyaga loo yeero oo Siilaanyo ama Jaamac
Qaalib ama qofkii kale ay rabaan ay keensadaan oo ay iyagu madaxweyne
qaataan si ay u arkaan haddii madaxweyne faa’iido leeyahay.
Haddaad diiddaan waxaa la siin nimanka la magacaabayo
ee Soomaali oo dhani ka qaylinayso.
Haddii la isku dayo in nin inkaar qaba madax naloo ka
dhigo miyeyna u jeedin Charles Taylor-kii Liberia? Xagguu u socdaa hadda?
Haddii gabar uu nin akhyaar ahi naga soo doonay oo aan
udiidno keeni karto adduun dhan oo fasahaada ka warran geyi dhan oo
qab-qable iyo qoowsaar Amxaaro loo dhiibay? Dhibtiisu waa mid qarniyaal
soconaysa. Marka taasi dhaci mayso insha Allaah.
Waxaan kusoo gabagabaynayaa waxaa jira Xaddiis saxiixa
ah oo sheegaya qofkii shardiya shardi aan kitaabka (Diinta Islaamka) Ilaahay
ku jirin, shardigiisu waa baadil.
Qaybta 2aad.... Akhri....
WIBILLAAHI TOWFIIQ
Qore: Cabdulwaaxid Khaliif
cabdulwaxid@hotmail.com
http://www.somalitalk.com/eldoret/