Arrinta Gaalkacyo : waa Guri Muraayad iyo Guri dhagax
W/D:
Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Muqdisho, Soomaaliya
Madaxweynaha Galmudug (Kiimiko) ‘haddii Jufada Beesha Cumar Maxamuud ay idin aqoonsadaan anagana waan
idin aqoonsaneynaa’
Waxaa maalmahan si aad ah u xumaanayey xaaladda Nabadgelyo ee Magaalada
Gaalkacyo kadib markii Magaaladaasi lagu dilay dhowr qofood oo si weyn looga
yaqaanay magaaladaasi, waxaana arrintaani dareen xoog leh ka muujiyey shacabka
ku nool labada dhinac ee ay u qaybsan tahay magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo
sheegay in nabadgelyo xumadaan ay ka dambeeyaan rag doonaya in dib loo soo
celiyo colaaddii dhex martay labada Dhinac.
Labada maamul ee ka jira Halkaa ayaa midba midka kale ku eedeeyey in uu isagu ka
dambeeyo qalalaasahan iyo rabashadaha ka jira Magaalada Gaalkacyo, waxayna qaar
ka mid ah mas’uuliyiinta Maamul Goboladeedka Puntland ku hanjabeen in dib loo
soo celin doono khadkii Cagaarnaa, waxay kaloo sheegeen in nabadgelyo xumadda ay
ka dambeeyaan dhallinyaro ka soo jeeda dhinaca koonfurta Gaalkacyo, hase yeeshee
maamulka Gal-Mudug ayaa arrintaani ku tilmaamay mid aan sal iyo raad toona
laheyn.
1993-diii ayay ahayd markii Gen. Max’ed Faarax Caydiid allaha u naxariistee iyo
C/llalahi Yuusuf ay heshiis ku kala saxiixdeen Magaalada Gaalkacyo, heshiiskaas
oo dhigayey in si nabadgelyo loogu wada noolaado Magaalada, hase yeeshee wixii
markaa ka dambeeyey dad ka soo jeeday dhanka Koonfurta aysan u cuntamin
heshiiskaasi, waxayna ku tilmaameen mid hal dhinac siinaya sad-bursi.
Garoonka Diyaaradaha oo ku yaala Koonfurta iyo Koontaroolada laga soo galo
Koonfurta ayaa waxaa ku sugan ciidamo Puntland kuwaas oo halkaasi ka qaada
Canshuur aysan ku qanacsaneyn dadka ku nool koonfurta Magaalada Gaalkacyo.
“Anaga ayaa xaq u leh in aan maamulno oo aan canshuurta qaadno” ayuu yiri wiil
dhallinyaro ah oo ka careysan in labadaasi goobood ay maamulaan maamul
Gobaleedka Puntland, hase yeeshee Cali Diiriye Aloore oo ah shaqsi ka soo jeeda
Koonfurta balse wax la qaybsada Maamul gobaleedka Puntland ayaa waxa uu u soo
jeediyey dadka ku nool Koonfurta in ay dhowraan heshiiskii horey loo gaaray ee
1993.
Madaxweynaha Maamul gobaleedka Gal-Mudug C/raxmaan Warsame Kiimiko ayaa waxa uu
ku eedeeyey dhinaca Waqooyiga in ay mas’uul ka yihiin nabadgelyo xumida ka soo
cusboonaatay Magaalada Gaalkacyo, waxa uuna u soo jeediyey dhamaan dhinacyada
halkaasi wada degan in ay ka shaqeeyaan nabadda iyo xasiloonida.
“Mar aan la kulmay Madaxweynaha Gobolka Puntland ayaan waxaan ku iri labada
maamul waa in ay ka shaqeeyaan arrimaha nabadgelyada, hase yeeshee waxa uu noogu
jawaabay ‘haddii Jufada Beesha Cumar Maxamuud ay idin aqoonsadaan anagana waan
idin aqoonsaneynaa’ “ ayuu yiri Kiimiko oo si weyn uga carooday hadalkii ka soo
yeeray Caasho Geele in ay dib u soo celinayaan qadkii Cagaarnaa ee kala
qaybinayey Magaalada Gaalkacyo, waxa uuna sheegay Kiimiko in ay Caasho Geele ka
mid tahay dadkii u soo halgamay in Gaalkacyo si nabadgelyo ah loogu wada
noolaado.
Xaaladda Magaalada Gaalkacyo waxaa uga sii daray markii Macalin ka soo jeeda
Magaalada Muqdisho oo lagu magacaabo Ciise Xabad Calasow lagala baxay Gurigiisa
oo ku yaala Waqooyiga Gaalkacyo Sadex Beri ka dib maydkiisa oo su xun loo
jirdiley laga helay Halka lagu magacaabo Yameyska
Nin Dhalinyaro ah ayaa yiri “habeena kuma seexan Gaalkacyaa nabad noqoneysa
wxaana iiga dhisan Koofurta Gaalkacyo Bush yar ay dhaxyaaliin laba Joodari marka
xaaladu ay gaarto Baraka ma leh waan aqaanaa sida loo cararo marka cidda ay wax
ka halaabeyso waa la yaqaanaa waxaana dhihi lahaa ha noqonina “Ninkii
Abuurkiisii Cunay”
Mid kalaa yiri”Arrinta Gaalkacyo waxay u ek tahay nin sita Qarsho Subag oo
buuxda oo dadka dhahaya” Car yaa iiga jabiya Qarshadaan Subaga ah” Marka reer
waqooyiga waxaan dhihi lahaa Fidnada waa hurudaa ee yaan la kicinin, koonfurtana
waxaan dhihi lahaa inta aad ku haysaan waxba nagama halaabayaan ogaada in ay
nabada dan idiin tahay
Magaalada Gaalkacyo oo ka soo kabsatay dagaalo horey uga dhacay ayaa haatan
waxay u muuqataa mid dib ugu laabaneysa xaaladahaasi haddii aan caqliga
wanaagsane shaqeynin, waxaa kaloo la dhihi karaa waa qof ku jira guri Muraayad
ah oo dhagaxyeynaya Guri dhagax ka sameynsan, waayo Waqooyiga Gaalkacyo waxay si
aad ah u dhisan tahay dagaaladii sokeeye kadib halka Koonfurta ay u muuqato mid
aan ka soo kabsan dagaaladii sokeeye, iyadoo taasi jirto ayaa haddana dadka reer
Waqooyiga waxaa looga baahan in ay la yimaadaan dulqaad iyo samir dheeraad
haddii kale guriga Muraayadda ah ayaa la dhagaxyeyn doonaa.
Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Yaa ka dambeeya dilalka dhacaya? Akhri...
Faafin: SomaliTalk.com | August 1, 2008
|