SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Yaa ka dambeeya dilalka dhacaya?

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Muqdisho, Soomaaliya

Waxaa maalmahan isa soo tarayay dilal lala beegsanayo dadka u shaqeeya Hay’adaha Samafalka ha noqdaan kuwa dibadda ama kuwa gudaha, waxayna dilalkaasi walaac ku abuureen bulshada Soomaaliyeed eek u nool dalka gudihiisa, markaan la sheekeystay dad fara badan oo aan wax ka weydiiyey cidda ka dambeysa dilalkaasi ayaa qaarkood waxay soo bandhigeen fikrado kala duwan.

Koox ka mid kooxahaasi ayaa waxay dusha u saariyeen in dilalkaasi ay ka dambeeyaan Hay’adaha Samafalka nafsad ahaatooda, waayo ayay yiraahdeen Qaramada Midoobey waxay ku dhawaaqday kal hore in Hay’adaha Samafalka ee ku sugan Magaalada Nairobi xafiisyadooda dib ugu furtaan gudaha Magaalada Muqdisho, waxayna kooxdani sheegtay in Shaqaalaha Hay’ayaduhu doonayaan in Xafiisyadoodu ka sii furnaadaan Nairobi si ay ugu sii raaxeystaan hoteelada ku yaala wadankaasi.

Qolo kale a yaa leh, “waan garaneynaa cidda ka dambeysa” waxayna farta ku fiiqeen wadamada deriska la ah Soomaaliya waxayna kooxdaani u badan tahay koox aqoonayahano ah oo iyagu sheegay in ay hayaan caddeemo rasmi ah oo muujinaya inay wadamadaasi ka dambeeyaan dilalkaasi, waxayna ku qotomiyeen ama ay sabab uga dhigeen in wadamadaasi ay yihiin kuwo dakhli fara badan ka soo galo joogitaanka Hay’adaha samafalka wadamadooda.

Koox kale ayaa iyana ku jiheeyey fikirkooda in dilalkaani ay ka dambeeyaan kooxaha ka dagaalamaya gudaha dalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa ka soo horejeeda ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Federaalka, waxayna yiraahdeen “Macquul ma tahay in Hay’adihii Islaamka loo diido in dadka ay kaalmeeyaan, halka kuwa Gaalada loo ogolaaday in ay dadka siday doonaan wax ku soo gaarsiiyaa”, hase yeeshee Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu-Mansuur) ayaa iska fogeeyey in ay ka dambeeyaan dilalkaasi, waxa uuna sheegay in dilalkaasi ay ka dambeeyaan ciidamada Itoobiya iyo Dowladda Federaalka.

Kuwo kale ayaa qaba in dilalkaani ay ka dambeeyaan dad damac uga jiro xilalka ma’suuliyiinta lala beegsanayo dilka iyo shaqsiyaad ka waayey dano gaar ah oo ay uga baahnaayeen Hay’adaha Samafalka.

Kuwo kale ayaa iyana ku saleynaya dilalkaani in ay ka dambeeyaan Ciidamada Itoobiya, waxayna yiraahdeen “Fiiriya Dalka Itoobiya dowladda iyo hay’adaha samafalka mar kasta waxaa ka dhexeeye xurguf, waxayna mararka qaarkood lagu qasbaa in ay dalka isaga baxaan, marka dowladda Itoobiya ma eryi karto hay’adaha samafalka ee ku sugan Soomaaliya balse si ay dadkaan uga baxaan gudaha dalka Soomaaliya ayaa la beegsadaan dilal ay u gaystaan mas’uuliyiinta Hay’adaha Samafalk. Dhawaan ayaa nin sheikh ah waxa uu ka istaagay masjid ku yaala suuqa Bakaaraha waxa uuna ku dheeraaday cidda ka dambeysa dilalka ka dhacaya Soomaaliya, waxa uuna isna farta ku fiiqayi “Rag ayaa loo tababaraa dilalka noocaas ah, waxayna tababar ku qaataan Garoonka Stadio Muqdisho, raggaas shuruudaha looga baahan yahay waa in ay ka muuqato Sunada, in uu u eg yahay Dhallinyarada Wadaadada, in uusan Jaadka iyo Sigaarka cunin, si uu u fuliyo damaca Dowladda Itoobiya”.

Dad kale ayaa iyana waxay dilalkaasi ku micneeyeen in ay tahay mid aano Qabiil ah iyagoo ka faa’iideysanaya arrinta cakiran ee ka dhex taagan dhinacyada isku haya wadanka Soomaaliya.

Koox kale ayaa dilalkaan ku saleysay in ay ka dambeyso Dowladda Federaalka, waxayna daliil uga dhigteen hadalkooda oo ay yiraahdeen “dib u eeg khudbooyinkii ay mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka horey u jeediyeen oo ay ugu hanjabayaan Hay’adaha Samafalka, qaarkoodna Xabsi la dhigay oo ay mudo ku xirnaayeen kadib markii lagu eedeeyey inaysan la soo xiriirin, sidaa darteedna markii ay xaqiiqsadeen in xarig aysan ku hayn Karin Mas’uuliyiinta Hay’adaha Samafalka madaama loo Qaylo dhaamino Caalamka oo dhan ayay haatan waxay ugu bedeleen Dilal Guracan”

Isku soo wada duuboo shacabka Soomaaliyeed ayay arrintaani walal balaaran ku abuurtay, waxayna u soo jeediyeen dhamaan kooxaha isku haya Siyaasadda Soomaaliya in ay ilaaliyaan dadka ka shaqeynaya samafalka, qaarkood waxay soo jeediyeen in Hay’adaha Samafalka loo fasaxo in ay sameystaan ilaalo gaar ah, taas oo ay sheegeen in ay looga gudbi karo dilalka isdaba jooga ah eela la beegsanayo Hay’adaha Samafalka.

Amiin Yuusuf Khasaaro

amiinkhasaaro@hotmail.com

Asifa "Muqdisho wixii tagaba ma soo noqdaan miyaa?".. Akhri...

Faafin: SomaliTalk.com |  July 14, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS