Carabey iska laba Canley
W/D:
Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Muqdisho, Soomaaliya
14kii Febraayo 1974tii waa waqtigii ay Soomaaliya ku biirtay
ururka Jaamacadda Carabta oo haatan ka kooban 22 dal, waxaana
arrintaani dadaalkeeda lahaa Dowladdii Militariga ahayd ee
Max’ed Siyaad Barre hor-boodayey oo xiriir dhow la lahayd dowlo
carbeed. Xiligii Dowladdii Siyaad Barre Dowladaha Carbeed gacan
ayay Soomaalida siin jireen, qaar ka mid ah dowladda Carabeed
sida kuwa khaliijka waxay dowladdii Siyaad Barre ugu deeqeen
siiyeenna malaayiin Doolar, gaar ahaan markii uu socday
dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya ee 1977kii.
Markii ay dhaceen dagaaladii Sokeeye Dowladaha Carabta oo laga
doonayey in ay sii wadaan Xiriirkaasi ayay dhabarka u jeediyeen
Ummadda Soomaaliyeed oo ay la soo gudboonaatay dowlad la’aan oo
ilaa iyo haatan ay ku jiraan. 1991 dowladda Liibiya ayaa
Soomaaliya ugu deeqday deeq raashin ah oo u badnaa Bur kaasoo
aysan ka go’in weli quluubta Ummadda Soomaaliyeed,raashinkaas
waxa uu gaaray Qoys kasta oo Soomaaliyeed si dadban iyo si toos
ahba, waxaana xiligaasi socday macluul aad u daran, hase yeeshee
xiligii uu Mareykanku yimid Soomaaliya ee 1992dii waxaa
Soomaaliya soo Gaaray dowlado fara badan oo carbeed kuwaas oo
waxyaabaha ay bixinayeen ay u soo marsiin jireen dhinaca
dowladda Mareykanka iyo waliba hay’adihii markaasi jiray,
dowladda Sucuudiga ayaa iyana xiligaas waxay Soomaaliya ugu
deeqday Markab siday raashin oo ay Ummadda Soomaaliyeed ugu
macadareen (Raashinkii macmacaanka) waxa uuna raashinkaasi
gaaray ummadda Soomaaliyeed oo dhan. Wixii xiligaa ka dambeeyey
dowladdaha Carbeed runtii waxaa la dhihi karaa dhabarka ayay u
jeediyeen Shacabka Soomaaliyeed, mana jirto ilaa iyo haatan
Dowlad Carbeed oo ummadda Soomaaliyeed wax la soo gaartay,
waxaana qoraalkaan u cuksanayaa waqtigaan oo ay Soomaalidu ku
jirto xaalad adag weliba ay ku soo fooleedahay bishii
Barakeysneyd ee Ramadaan iyadoo meelaha qaarkood la sheegay in
dad ugu dhintay gaajo iyo haraad.
Mar aan wada daawanaynay wiil dhallinyaro ah Taleefishin ka mid
ah kuwa Carbeed ayaan waxaan ku aragnay nin carab ah oo
qadaynaya Miiskiisana ay dul saaran tahay Nooc kasta oo Cunto
ah, markaan qiyaasnay cuntadaasi waxaa noo muuqatay in lagu
quudin karo ilaa iyo Boqol qoys oo Soomaali ah, waxa uuna
wiilkii igu yiri “Carabi Miyeysan cuqubo ka baqaneyn” waxa uuna
sii raaciyey “Wallee aakhiro warraa jira, carabna waa la weydiin
doonaa in qof muslim ahi uu gaajo u dhimanayo iyana ay laba
canleynayaan” waa jiraan kuwa Muxsiniin ah oo doonaya in wax
baxsadaan oo la’ meel ay wax soo mariyaan waxaan leeyahay
farsamooyin badan baa jira ee adeegsada.
11 September oo markii weerarka lagu qaaday Mareykanka ayaa
wixii waqtigaa ka dambeeyey waxa uu Mareykanku bilaabay in uu la
socdo, kontorool adagna ku hayo waxa ay bixinayaan Dowladaha
Muslimiinta, taasina waxay soo dedejisay in Hay’adihii Samafalka
ee carbeed ay dhamaan isaga baxaan gudaha dalka Soomaaliya,
sidoo kale waxaa lagu qasbay Hay’adahaasi in aysan wax taakuleyn
siinin Agoon Soomaaliyeed oo gaareysa ilaa iyo 10-kun oo carruur
ah, kuwaas oo haatan ku dacdareysan gudaha dalka Soomaaliya,
ilaa iyo haddana ma jirto dowlad carbeed oo si geesinimo ah uga
hadashay arrimahaasi, iyadoo Mareykanku uu hor istaagay
sadaqadii waajibka ahayd ee Saarneed kuwa Illaahay wax siiyey.
22 dal oo Carbeed, waxaa 18 sano oo qalalaase uu dalku ku jiray
u dhabar adeegay keliya in ay Safaaradahoodii ku sii hayaan
Soomaaliya dalalka Liibiya iyo Suudaan, waxaana 2007-dii Markii
ay yimaadeen ciidamada Itoobiya dib loo furay Safaaraddii Yemen,
iyadoo safaaradihii kale carbeed ilaa iyo haatan aan laheynin,
“Ha maqnaadaan ma xuma balse waxay ahayd in ay ka war hayaan
ummadda Soomaaliyeed, waxaase la yaab leh Dowladda Jabuuti oo ah
Dowlad aan walaalo nahay waxay ku dhinac noqotay Dowladihii
Carbeed, dad badan ayaase ka sugayey in ay noqoto Lambar koowaad
marka la yiraahdo dhinaca Safaaradaha, balse dadka qaarkii ayaa
qaba in Jabuuti aysan tababar u haynin in ay Soomaaliya ka
furato safaarada marka loo eego dhanka Dhaqaalaha, waxaase
Shacabka Soomaaliyeed abaal uga hayaan sidii ay u abaabushay
shirkii Carta.
Xaaladda Soomaaliya hadda ay ku jirto waa xaalad adag, waxaa
isugu darsoomay dagaalo, Abaaro iyo Cuduro, haddii aan allaah
Faraj deg deg ah furin Malaayiin Soomaaliyeed ayaa qarka u
saaran gaajo u baaba’aan, waxaana arrinta sii cusleeyey sicir
barar baahsan oo ka dhacay gudaha dalka Soomaaliya, intaysan
imaan Ciidamada Itoobiya kiiladii Bariis ah waxay ahayd 6 kun,
maantase waxay tagtay 50 kun., waxaase xusid mudan in dadka
Soomaaliyeed ee miciinbaday Wadamada Carbeed ay halkaasi kala
kulmeen soo dhaweyn la’aan.
Nin odey ah ayaa laga hayaa “Yaa xoolo badan wadamada Khaliijka
iyo Wadamada Iskandaneefiiyaanka, anigu waxaan qabaa waxaa hanti
badan wadamada Khaliijka, balse Iskandareefiyaanka ayaa
Soomaalida qaxooti ahaan u qaabila, mana garanayo waxa khaliijka
naloo kugu diidan yahay, balse waxaan si kaftan ah u oranayaa
Carabi weli ma dhergin bal hala gaaro waqtiga ay dheregto”.
Raxanweyn waxay tiraahdaa (Abaar bahaase eebaa dhaafaase) oo
macnaheedu yahay Abaar waa baxaysaa balse waxay ka tageysaa Ceeb
halka reer waqooyigu yiraahdaan (Waa la doogiye yaan la
dacaroon) markaa Soomaali way ka bixi doontaa dhibkaasi
taariikhduna in badan bay xusi doontaa, waxaana taa nooga filan
Qowlkii Alle ee ahaa (Kuwa sabra ayaan micigooda ahay), waxayse
xisaab badani taalaa Carab oo iska daaqeysa halka goror biyo ah
oo ay waayeen dad badani u dhinteen Soomaaliya iyo waliba
Wadamado kale oo Islaam ah.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Arrinta Gaalkacyo : waa Guri Muraayad iyo Guri dhagax...
Akhri...