SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Carabey iska laba Canley

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Muqdisho, Soomaaliya


14kii Febraayo 1974tii waa waqtigii ay Soomaaliya ku biirtay ururka Jaamacadda Carabta oo haatan ka kooban 22 dal, waxaana arrintaani dadaalkeeda lahaa Dowladdii Militariga ahayd ee Max’ed Siyaad Barre hor-boodayey oo xiriir dhow la lahayd dowlo carbeed. Xiligii Dowladdii Siyaad Barre Dowladaha Carbeed gacan ayay Soomaalida siin jireen, qaar ka mid ah dowladda Carabeed sida kuwa khaliijka waxay dowladdii Siyaad Barre ugu deeqeen siiyeenna malaayiin Doolar, gaar ahaan markii uu socday dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya ee 1977kii.

Markii ay dhaceen dagaaladii Sokeeye Dowladaha Carabta oo laga doonayey in ay sii wadaan Xiriirkaasi ayay dhabarka u jeediyeen Ummadda Soomaaliyeed oo ay la soo gudboonaatay dowlad la’aan oo ilaa iyo haatan ay ku jiraan. 1991 dowladda Liibiya ayaa Soomaaliya ugu deeqday deeq raashin ah oo u badnaa Bur kaasoo aysan ka go’in weli quluubta Ummadda Soomaaliyeed,raashinkaas waxa uu gaaray Qoys kasta oo Soomaaliyeed si dadban iyo si toos ahba, waxaana xiligaasi socday macluul aad u daran, hase yeeshee xiligii uu Mareykanku yimid Soomaaliya ee 1992dii waxaa Soomaaliya soo Gaaray dowlado fara badan oo carbeed kuwaas oo waxyaabaha ay bixinayeen ay u soo marsiin jireen dhinaca dowladda Mareykanka iyo waliba hay’adihii markaasi jiray, dowladda Sucuudiga ayaa iyana xiligaas waxay Soomaaliya ugu deeqday Markab siday raashin oo ay Ummadda Soomaaliyeed ugu macadareen (Raashinkii macmacaanka) waxa uuna raashinkaasi gaaray ummadda Soomaaliyeed oo dhan. Wixii xiligaa ka dambeeyey dowladdaha Carbeed runtii waxaa la dhihi karaa dhabarka ayay u jeediyeen Shacabka Soomaaliyeed, mana jirto ilaa iyo haatan Dowlad Carbeed oo ummadda Soomaaliyeed wax la soo gaartay, waxaana qoraalkaan u cuksanayaa waqtigaan oo ay Soomaalidu ku jirto xaalad adag weliba ay ku soo fooleedahay bishii Barakeysneyd ee Ramadaan iyadoo meelaha qaarkood la sheegay in dad ugu dhintay gaajo iyo haraad.

Mar aan wada daawanaynay wiil dhallinyaro ah Taleefishin ka mid ah kuwa Carbeed ayaan waxaan ku aragnay nin carab ah oo qadaynaya Miiskiisana ay dul saaran tahay Nooc kasta oo Cunto ah, markaan qiyaasnay cuntadaasi waxaa noo muuqatay in lagu quudin karo ilaa iyo Boqol qoys oo Soomaali ah, waxa uuna wiilkii igu yiri “Carabi Miyeysan cuqubo ka baqaneyn” waxa uuna sii raaciyey “Wallee aakhiro warraa jira, carabna waa la weydiin doonaa in qof muslim ahi uu gaajo u dhimanayo iyana ay laba canleynayaan” waa jiraan kuwa Muxsiniin ah oo doonaya in wax baxsadaan oo la’ meel ay wax soo mariyaan waxaan leeyahay farsamooyin badan baa jira ee adeegsada.

11 September oo markii weerarka lagu qaaday Mareykanka ayaa wixii waqtigaa ka dambeeyey waxa uu Mareykanku bilaabay in uu la socdo, kontorool adagna ku hayo waxa ay bixinayaan Dowladaha Muslimiinta, taasina waxay soo dedejisay in Hay’adihii Samafalka ee carbeed ay dhamaan isaga baxaan gudaha dalka Soomaaliya, sidoo kale waxaa lagu qasbay Hay’adahaasi in aysan wax taakuleyn siinin Agoon Soomaaliyeed oo gaareysa ilaa iyo 10-kun oo carruur ah, kuwaas oo haatan ku dacdareysan gudaha dalka Soomaaliya, ilaa iyo haddana ma jirto dowlad carbeed oo si geesinimo ah uga hadashay arrimahaasi, iyadoo Mareykanku uu hor istaagay sadaqadii waajibka ahayd ee Saarneed kuwa Illaahay wax siiyey.

22 dal oo Carbeed, waxaa 18 sano oo qalalaase uu dalku ku jiray u dhabar adeegay keliya in ay Safaaradahoodii ku sii hayaan Soomaaliya dalalka Liibiya iyo Suudaan, waxaana 2007-dii Markii ay yimaadeen ciidamada Itoobiya dib loo furay Safaaraddii Yemen, iyadoo safaaradihii kale carbeed ilaa iyo haatan aan laheynin, “Ha maqnaadaan ma xuma balse waxay ahayd in ay ka war hayaan ummadda Soomaaliyeed, waxaase la yaab leh Dowladda Jabuuti oo ah Dowlad aan walaalo nahay waxay ku dhinac noqotay Dowladihii Carbeed, dad badan ayaase ka sugayey in ay noqoto Lambar koowaad marka la yiraahdo dhinaca Safaaradaha, balse dadka qaarkii ayaa qaba in Jabuuti aysan tababar u haynin in ay Soomaaliya ka furato safaarada marka loo eego dhanka Dhaqaalaha, waxaase Shacabka Soomaaliyeed abaal uga hayaan sidii ay u abaabushay shirkii Carta.

Xaaladda Soomaaliya hadda ay ku jirto waa xaalad adag, waxaa isugu darsoomay dagaalo, Abaaro iyo Cuduro, haddii aan allaah Faraj deg deg ah furin Malaayiin Soomaaliyeed ayaa qarka u saaran gaajo u baaba’aan, waxaana arrinta sii cusleeyey sicir barar baahsan oo ka dhacay gudaha dalka Soomaaliya, intaysan imaan Ciidamada Itoobiya kiiladii Bariis ah waxay ahayd 6 kun, maantase waxay tagtay 50 kun., waxaase xusid mudan in dadka Soomaaliyeed ee miciinbaday Wadamada Carbeed ay halkaasi kala kulmeen soo dhaweyn la’aan.

Nin odey ah ayaa laga hayaa “Yaa xoolo badan wadamada Khaliijka iyo Wadamada Iskandaneefiiyaanka, anigu waxaan qabaa waxaa hanti badan wadamada Khaliijka, balse Iskandareefiyaanka ayaa Soomaalida qaxooti ahaan u qaabila, mana garanayo waxa khaliijka naloo kugu diidan yahay, balse waxaan si kaftan ah u oranayaa Carabi weli ma dhergin bal hala gaaro waqtiga ay dheregto”.

Raxanweyn waxay tiraahdaa (Abaar bahaase eebaa dhaafaase) oo macnaheedu yahay Abaar waa baxaysaa balse waxay ka tageysaa Ceeb halka reer waqooyigu yiraahdaan (Waa la doogiye yaan la dacaroon) markaa Soomaali way ka bixi doontaa dhibkaasi taariikhduna in badan bay xusi doontaa, waxaana taa nooga filan Qowlkii Alle ee ahaa (Kuwa sabra ayaan micigooda ahay), waxayse xisaab badani taalaa Carab oo iska daaqeysa halka goror biyo ah oo ay waayeen dad badani u dhinteen Soomaaliya iyo waliba Wadamado kale oo Islaam ah.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Arrinta Gaalkacyo : waa Guri Muraayad iyo Guri dhagax... Akhri...

Faafin: SomaliTalk.com |  August 8, 2008

BAARID | SEARCH


caddeGen. Cadde Muuse oo Mamnuucay Ololaha Doorashada Puntland ka hor November 1, 08
iyo in Tiknikada beeluhu haystaan ay dhammaanteed Dowladdu la wareegayso Akhri


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS