SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIINSOOR

"Soco Shacabka Ayaad Ka Mid Tahaye!!"

Dhacdo la yaab leh oo ka dhacdey Diinsoor....

Maxamed Macallin Cismaan (All-man)
SomaliTalk Baydhabo.
fatxumaalik@hotmail.com,
fatxumaaliky@yahoo.com

Maarso 15, 2008


Qormadaan aan ugu magacdarney "Soco Shacabka Ayaad Ka Mid Tahaye!!" ayaa waxaan Akhristeyaasha qiimaha leh ugu soo bandhigeynaa, Taariikhda Degmada Diinsoor xiligii la degey, waqtigii Degmo ahaan loo aqoonsadey, mas’uuliyiintii soo marey waqtiyadii hore iyo ilaa xiligaan la joogo, intii maamulka DFKMG laga dhisey oo dhacdooyin kooban ah, islamarkaana raad Taariikheed dhibaato ku reebey dadweynaha degan Degmada Diinsoor iyo safar aan ku tegey Degmada Diinsoor kaasoo ujeedadiisu  ahayd in aan wax ka ogaado dhibaatooyin kala duwan oo qaarkood Saxaafadda Gudaha iyo dibada ay ka hadleen, islamarkaana u muuqdey mid u baahan in wax badan laga ogaado halka ay gaarsiisan tahay iyo wareysiyo ku saabsan arimhaas oo aan la yeelashey qaar ka mid ah mas’uuliyiinta dhaqanka [Qabiilka] iyo dadka dhibaatooyinka ay la soo gudboonaatey, Guddiga Ammaanka Gobolka Baay oo booqdey Diinsoor 12kii Febraayo (12/02/2008-da) si ay ugu kuur galaan tacadiyadaas ka jirey degmada iyo  dhibaato la ii geystey intii aan joogey.

Haddii aan ku hormaro Degmada Diinsoor waxay ka mid tahay, Degmooyinka ugu caansan Gobolka Baay, xiligii Dowladii Militeriga Degmada waxaa lagu sheegi jirey in ay tahay Degmada labaad ama sedaxaad ee Gobolka Baay, Juquraafi ahaan waxay ku taalaa dhinaca Koofur Galbeed ee Xarunta Gobolka Baay, waxayna u jirtaa ugu badnaan marka la maro dhinaca Qansax dheere 150 Km, halka jidkii hore ee tooska ahaana ay u jirto 120-Km.

Degmada Diinsoor Dhinaca Woqooyi waxay xuduud la leedahay Degmada Qansax dheere, Bari Buur Hakaba, Galbeed Saakoow, Koofur Baraawe, waxay kaloo xuduud la leedahay dhinaca Woqooyi Bari Degmada Baydhaba, dhinaca Woqooyi Galbeed Baar dheere iyo Qansax dheere, dhinaca Koofur Galbeed waxay xuduud la leedahay Bu’aale oo ah xarunta Gobolka J/dhexe iyo dhinaca Koofur Bari oo ay xuduud la leedahay Degmada Qoryooley oo ka tirsan Gobolka Sh/hoose.

Degmada Diinsoor waxaa ku wareegsan Buuro, marka laga reebo dhinaca Woqooyi oo ay ku leedahay Dhul beereed aad u weyn, waxayna caan ku tahay dhaqashada Xoolaha iyo Beeraha, dhulkeeduna wuxuu isugu jiraa Buuraley, Dhul Beereed,  daaqsan leh in ka badan 200 nooc oo dhir ah, kuwaasoo ay ka mid yihiin Geedka Galoolka, Xararr, Dambal, Yaaq, Quracyo waaweyn, Cadaada, Xanannka iyo Geed miroodyo fara badan oo leh Xamur Gobka, Xamur, Mareer, Xanshile, Hohobta iyo kuwo kale oo fara badan, waxay kaloo degmada Diinsoor leedahay Dhul banaan ah iyo Dooxooyin waaweyn oo xiliga Roobku uu da’ayo ay maraan Biyaha Xareeda oo ay soo rogaan Buuraha iyo dhulka Taaga ah, islamarkaana ku shuba Wabi Shabeele iyo Juba.

Degmada Diinsoor waxaa ku badan dadka Dariiqada Suufiyada ee Saalixiyada ku xiran iyo reer Guuraa. Xilliyadii hore waxaa dadka ku dhaqan degmada lagu qiyaasi jirey in ka badan 40,000 oo Ruux in ay ku nool yihiin, markii ay jirtey Dowladii dhexe ee Soomaaliya, halka maanta markaad eegto ay u muuqdaan in ay ku Shan jibaar mayaan, Degmada Diinsoor waxaa hoos yimaada 9 Tuulo oo waaweyn, sida Tuulada Yaaq Baraawe, Kanaanax, Safar Noolaay, Misire, Tugaar Hoosle, Kurmaan, Gurbaan, Raaxoole iyo Xabiibayaal, dhamaan Tuulooyinkaas intooda badan waxay u muuqdaan kuwo noqon kara Degmooyin kale, marka iyada laga reebo.

Degmada Diinsoor dhinac kasta oo ka mid ah waxaa ku darsamey dhismooyin cusub. mudadii dowlad la’aanta dalka ka jirtey, waxay ka mid ahayd Degmooyinka ugu nabadgelyada badan Koofurta Soomaaliya oo ka badbaadey dagaaladii sokeeye ee ka qarxay dalka Soomaaliya 1991-dii, inkastoo hada ay qasayaan Ciidamo ay geysay DFKMG, taasoo aan la garneyn sababta loo geeyey, dadka deegaankuna waxay leeyihiin, markii Dowlad la’aanta jirtey ayaa nooga nabadgelyo badneyd, marka loo eega waxa maanta degmada ka socda.

Degmada Diinsoor marka aad ku degto bartankeeda ugu horeyn waxay indhahaagu ku dhacayaan, Xaruntii hore ee D/hoose oo ay lahayd Degmada, marka dhinacyada kale aad eegto, waxay indhahaagu ku dhacayaan Xaruntii Maxkmada Degmada, Boostadii, Darjiin yar, laba Iskuul oo Hoose iyo Dhexe ah, Xaruntii Xanaanada Xoolaha, Xafiisyadii Degmada, Tiyaatarkii iyo Xafiisyo kale oo uu lahaa XHKS ee Dowladii Militeriga, dhamaan xarumahaas waa kuwo ay degan yihiin dad ka soo qaxay Gobolada dalka mudadii dagaalada sokeeye ay ka qarxeen Soomaaliya 1991-dii, marka laga reebo Boostada iyo Isgaarsiinta oo hada xafiisyo u ah maamulka hada ka jira degmada Diinsoor.

Waxaa la dhistey Garoonkii weynaa ee Kubada Cagta oo ay lahayd Degmada, Saldhigii Booliiska qaybo ka mid ah, waxayna noqdeen meelahaas la dhistey  Xaafad weyn, Hoteelo iyo Guryo laga kireystey Hay’adaha Ajnabiga ah ee jooga degmada.

Marka aad hore usii dhexgasho degmada Diinsoor waxaad arkeysaa dhismooyin ay lahayd Dowlada oo gebi ahaanba lala wareegey, islamarkaana la dhistey sida Xaruntii Korontada ee Degmada, Kawaankii weynaa oo ay lahayd Degmada iyo Xerooyin waaweyn oo lagu xareyn jirey Lo’ada iyo Ariga la canshuuray, dhammaan xarumahaas waxay noqdeen Bakhaaro iyo Tukaaman ay leeyihiin dadka deegaanka.

Waxaan kaloon booqdey Isbitaal weyn oo laga sameeyey intii ay dowlad la’aantu jirtey, islamarkaana hore u ahayd Xaruntii Daaqa Qaranka oo ay maamusho Hay’ada MSF, wuxuuna leeyahay Isbitaalku qaybo kala duwan, inkastoo Isbitaalkii hore ee ay lahayd Degmada uu u muuqdo mid ay dad gaar ah leeyihiin, islamarkaana laga kireystey Hay’ada GTZ.

Isbitaalka gudihiisa waxaa iiga muuqdey meel hawl ka socoto, balse inta badan dadka hawsha  wada ay yihiin kuwo aan xirfad buuxda u lahayn hawsha ay qabanayaan, sidaasna shaqaalo ay ku yihiin, ma jirin Dhakhtar lagu kalsoon yahay oo joogey halkaas mid Soomaali ah iyo mid Ajnabi ahba, waxaana la iisheegey in Shaqaalihii Hay’ada MSF ee Ajnabiga ahaa ay ka  bexeen Degmada, kadib markii lagu diley qaar ka tirsan shaqaalaha Hay’ada MSF Magaalada Kismaayo ee Xarun Goboleedka J/hoose ah.

Bukaanka jiifey xiligaas aan booqanayo Isbitaalka ma badneyn, balse waxaa jirey Bukaan socod fara badan oo ay qaabilayaan, kuwo aan lahayn xifaddii Caafimaadka, taasina waxay igu dhalisay cabsi weyn, ma jiro cid wax ka qaban karta arimahaas, balse waxaa jira kuwa ilaaliya jiritaanka Isbitaalkaas nabadgelyadiisa iyo soo xaadirka shaqaalaha mushaarka keli ah fiirsanaya oo dadka aan waxba u qaban Karin  xirfad yari awgeed in dhibaato ay garsiyaana ay dhici karto.


Aargada Degmada Diinsoor

Degmada Diinsoor waxay kaloo lahayd Iskuul Dugsiga sare oo ku yiiley dhinaca Woqooyi ee Degmada oo hada gebi ahaanba bur bursan, Kaalin Shidaal oo u baahan xiligaan dayactir yar, Xarun weyn oo lagu keydin jirey Dalaga Beeraha ka soo go’a oo hada gebi ahaanba u muuqata mid noqon raba Isbitaalka Degmada Diinsoor qaybta  xanaaneynta  caruurta, Haweenka iyo kuwa Shuban Biyoodka uu ku soo dhaco, Iyadoo ay ka muuqdaan raadkii Bakhaarada keydka (ADC), halkii laga rabey Hay’ada MSF in ay ka hirgeliso  dhisme Isbitaal cusub oo ay iyadu maamusho.


Guddoomiye ku xigeenka Golaha Guurtida Digil iyo Mirifle...

Guddoomiye ku xigeenka Golaha Guurtida Beelaha Digil iyo Mirifle Ugaas Barre Cali Maadeey oo aan wax ka weydiiyey taariikh-da Degmada Diinsoor xiligii la degey, goorta degmo ahaan loo aqoonsadey iyo maamuladii soo marey intii aan Kacaanku dhalan iyo wixii ka dambeeyey ayaa isagoo arimahaasi ka hadlaaya wuxuu yiri “ Degmada Diinsoor waxaa la degay 1920-kii, intii aan la degin waxaa lagu magacaabi jirey {KAXAREEY}, nin la yiraahdo Dhuroow Roobow  oo ku duugan Degmada Baardheere ayaa heley ceelkii ugu horeeyey ee laga qodo, waxayna ahayd meel oomane ah oo dadka safarka ah ay ku mari jireen dhakhso, ninkaan  isagoo safar ah ayaa ku furtey Rati uu watey,  ceelkaasina waxaa la oran jirey (Dheenleey), Degmada Diinsoor xiligaas waxaa laga xukumi jirey  Baardheere” ayuu yiri Ugaas Barre Cali Maadeey oo hadalka sii wata ayaa intaa ku darey  

“Waxayna ahayd xiligii Gumeysiga, Talyaaniga ayaa 1951-dii u aqoonsadey Degmo, Todobo Gudoomiye ayaa isku bedeley laga soo bilaabo 1951-dii ilaa 1961-dii, wixii xiligaas ka dambeeyey iyo ilaa ay ka burburto Dowladii dhexe ee Soomaaliya waxaa soo marey 14 Gudoomiye iyo 5 Duq Magaalo,  magaca Gudoomiyihii ugu horeeyey oo xilka qabta waxaa la oran jirey MUNYE DHEERE, qabiilkiisuna wuxuu ahaa Reer Baraawe, waxaa ku xigey Xuseen Axmed oo Qabiilkiisu ahaa Gasaar gude, waxaa ku xigey nin Majeerteen ah oo lgu naaneysi jirey AXMED YEKOOW, waxaa lagu bedeley isna CALI KOONTE oo u dhashay Qabiilka Moobleen, waxaa ku xigey XASAN Qararac oo u dhashay Qabiilka Murusade, waxaa xilkii isna kala wareegey Jibriil Maxamed Qaasim,  waxaa isna xilkii kala wareegey Maxamed Cismaan Baarbe oo hayey xilka 1959-1961-dii, oo u dhashey qabiilka Geledi, waxaa isna xilkii kala wareegey Cabdi Gabeyre oo u dhashey Qabiilka Murusade, Isaaq Bataar oo u dhashey Qabiilka Waanjeel, Maxamed Xaaji oo u dhashey Qabiilka Reer Baraawe, Diiriye Hindhig oo u dhashey Isaaq, waxaa ku xigey Jaamac Darbaal oo u dhashey DhulBahante, Ibraahim Cilmi Bulaale oo u dhashey Habar Gidir, Xareed Daahir oo u dhashey Majeerteen, Abuu Shanam oo u dhashey Qabiilka Tumaal, waxaa isna ku xigey Cabdullaahi Shoobaro oo u dhashey Mareexaan, waxaa ku xigey, Maxamed Xaaji Cumar oo u dhashey Majeerteen, waxaa ku xigey Cadaay oo isna u dhashey Qabiilka Gaaljecel, Gudoomiyihii ugu dambeeyey xiligii Dowladii Militeriga wuxuu ahaa Sh. Axmed oo isna u dhashey Mareexaan.


Qayb ka mid ah Xaafadaha Degmada Diinsoor

19-kan Gudoomiye dhamaantood waxaa soo magacaabi jirey Dowladihii Gumeysiga iyo kuwii kale ee Soomaaliya markii ay xornimada qaadatey, waxayna ku imaan jireen hadaba ruuxa ay Dowlada xiligaas jirta ay u aragto in danaheeda ka fulinkara.

Sidoo kale degmada Diinsoor waxaa soo marey 5 Duq Magaalo, Duq magaalihii ugu horeeyey oo muddo badan isaga soo daba noqdey wuxuu ahaa Macallin Cali Xasan oo u dhashey Beesha Dabare, waxaa ku xigey Cismaan Yuusuf oo u dhashey Shiikhaal, waxaa ku xigey Daahir Xaaji madad oo isna u dhashey Shiikhaal, waxaa ku xigey Xaaji Maxamed Nuur Sh.Xuseen, waxaa ku xigey Madoobe Nuunow Maxamed oo xilka soo qabtey wixii ka horeeyey 1986-dii oo hada ah Mudane ka tirsan Baarlamaanka DFKMG, wixii Xildhibaanka ka dambeeyey hawshu waa is bedeshey waxayna noqotey in labada jego uu isla qabto Gudoomiyaha Degmada.


Qayb ka mid ah Xaafadaha Degmada Diinsoor

Markii ay bur burtey Dowladii dhexe ee Soomaaliya waxaa maamulkeeda qabtey oo Guddoomiye ka noqdey Xaaji Siidow Maxamed Cumar oo hadda ah xubin ka tirsan Guddiga dibu-heshiisiinta Qaranka ee DFKMG, waxaa ku xigey Maxamed Cali Aadan (Mad xalwo) oo isna hada ah xoghayaha Warfaafinta Gobolka Baay, islamarkaana ah mudane Golaha Deegaanka Degmada Diinsoor, waxaa ku xiga Dr. Cabdixafiid Sh. Xuseen oo hada ah Gudoomiyaha Degmada Diinsoor ee ay ku ogtahay DFKMG.

Degmada Diinsoor waxaa ka jira maamul hoos taga DFKMG oo uu guddoomiye u yahay Dr. C/xafiid Sh. Xuseen, oo sida ay dadweynuhu sheegaan aan waxba u qaban dadka iyo deegaanka, in muddo ahna wuxuu hayaa xilkaan  ku dhowaad 8-Sano, DFKMG waxay ku soo siyaadisay ma jiraan marka laga reebo 23-ka xubnood ee Golaha Deegaanka oo uu isagu ka mid yahay oo ay  sharciyeysay, in ay yihiin mas’uuliyiinta degmada.

Degmada Diinsoor waxaa degan ugu yaraan 5-Hay’adood kuwaasoo sheegta inay deegaanka ka qabtaan Hawlo isugu jira Daweynta, ka hortaga iyo barista cudurada Xoolaha, caafimaadka dadka, wacyigelinta dadka iyo abuurista xirfado shaqo, balse marka si hoose loo eego ay jiraan dhaliilo waaweyn, kuwaasoo aan si dhab ah loo shaacin Karin.

Dhammaan dadka ka shaqeeya Hay’adahaan waxay u badan yihiin kuwo lagu soo xuley qaab beel ahaan, mana ahan kuwo aqoon lagu kalsoon yahay lagu soo xuley, inkastoo dadweynaha Degmada ay ii sheegeen xiliyada ay Hay’adaha jooga deegaanka ay dad u baahdaan la soo dhejiyo Imtixaano Bug ah, hadana waxaa laga qaataa xubintii cusub ee  aan ku baasin Imtixaanada lacag, markii aan weydiiyey sababtaas waxa keeney ayaa waxay iigu sheegeen in maamulka Degmada iyo Gudi gaar ah oo Beelaha deegaanka ka mid ah ay ka qaataan lacago laaluush, mar aan ku sameeyey baaris arimahaasna waxaa ii muuqdey sawiro muujinaaya arimahaas, waayo waxaan indhahayga ku arkey in inta badan shaqaalaha ka shaqeeya Hay’adaha ay yihiin dadkii Tujaarta ahaa carruurtooda islamarkaana lagu naas nuujinaayo, halka kuwii aqoonta lahaa ee dadka taagta darana loo diidey in ay helaan fursado shaqo, taasoo ay ku ogyihiin dhamaan mas’uuliyiinta Hay’adaha Ajnabiga ah ee ka hawlgala degmada, taasina waxay ku qasabtaa Mas’uuliyiintii Hay’adaha in dib ay ugu furaan tababar muddo soconaya isagoo shaqaale ah.

Arintan ayaa waxay ka mid tahay dhibaatooyinka Bani’aadaninimo ee loo geysanayo shacabka Soomaaliyeed ee uu daashadey dirirta dadka hamuunta weyn u qaba qabashada xilalka ugu sareeya dalka iyo dadka Soomaaliyeed, iyagoo aan eegeynin inta u dhimata maalinta kasta ujeedooyinkooda guracan, una barakacda in badan oo aan awoodin nolol maalmeedkoodii iyagoo qayb kasta leh.

Sidoo kale mar aan si hoose u eegey shaqaalaha Ajnabiga ah ee ka hawlgala degmada Diinsoor, iyaguna waxaa iiga muuqdey kuwo ay ka muuqato calaamooyinkii Xirfadlayaasha, balse aysan wada ahayn kuwo aqoontooda ay dhameystiran tahay, inta badana ay la shiraan mas’uuliyiinta maamulka degmada iyo Ugaasyada Beelaha, halkii laga rabey in codka bulshada la qiimeeyo.

Dadweynaha Diinsoor waxay kaloo ii sheegeen in Maamulka Degmada Diinsoor uu Hay’adahaan ka qaato lacago  gaar ah kuwaaso aan la ogeyn tiradooda, ilaa iyo intii ay soo degeen degmada, mar aan weydiiyey sababta looga qaadayo lacagtaas ayaa waxay iigu sheegeen in arimaha Amaanka oo kale looga qaado, balse isku dayo fara badan oo aan sameeyeyna iima suura gelin inaan helo xogtaas dhab ahaanteed.

Degmada Diinsoor ma laha Iskuulo madax banaan marka laga reebo mid ay maamuli jirtey Hay’ada Al-Islaax oo hada dhaqaalo yari darteed Macallimiintii wax ka dhigayey qaarkood ay isaga tageen, islamarkaana dhaqaalihii ay siin jirteyna ka joojisay, halka kuwa hada joogana ay yihiin kuwo ay ka muuqato daruuf dhaqaale, maamulka degmada ma jiro wax uu ku taakuleeyo, mana jiraan Iskuulo kale oo Sare iyo H/dhexe ah oo degmada ka jira.

Sidoo kale marar badan oo aan booqdey Suuqa degmada Diinsoor ayaa waxaa iiga muuqdey in uu jiro sicir barar dhinaca Xoolaha iyo kan daruuriga ah, waxaana sare u sii kacaayey qiimaha kala duwan ee Xoolaha sida Geela, Lo’ada, Ariga, Dameeraha iyo Digaaga iyo maciishada daruuriga ah.

Birimada Geela ee Hilbaha ah waxaa lagu kala gadanayey 13,000,000-14,000,000-Sh.So [14 Milyan], halka Lo’ada Dibida waaweyn lagu kala gadanaayey 6,500,000- 7,000,000-Sh.So [7-Milyan], halka birimada Ariga jarka ah ee Hilbaha  ah lagu kala gadanaayey 900,000-1000,000 Sh.So, halka Dameerahana mida dhediga ah lagu kala gadanaayey 3000,000 Sh.S0, halka kuwa la rarto ee Labka ay marayeen 2,500,000 Sh.S0, Birimada Digaaga ayaa waxay mareysay 100,000 Sh.So.


1000 Sh.So ee ugu dambeeyey oo la kala soocayo,
 inta laaban wuxuu doonayaa in laga bedelo qofkan, wuxuuna ku gatey Neef Xoolo ah

Qiimaha quutul daruuriga ee Miraha dalka ka soo go’a waxay marayeen sida, Digirta 1-Kgrm waxaa lagu kala gadanaayey 5000, Sh. So, Galeyda 3500, Sh. So, Masagada 2500, Sh.So, halka Caanaha Liiterkii lagu kala iibsaneyey 7000 Sh.So, Subaga 1-Liiter 54000, Sh.So, Malabka 1-Liiter uu marayey 90,000 Sh.So, halka Alaabta kale ee laga keeno dibada sida Bagaashka kala duwan iyo dharkuna ma lahayn qiimo degan, waxayna la socdeen isbedelka lacagta qalaad, inkastoo Degmada Diinsoor ku dhowaad 15-maalmood sare uu u kacay qiimaha Doolarka, kadib markii uu yaraadey soo gelitaanka magaalada, islamarkaana uu batey isticmaalkiisa Ganacsatada kala duwan ee Degmada iyo kuwo kale ee dadka Xoolaha keena ah.

Dadka reer guuraaga ah waxay ku jireen guur guur iyo Bal daaq si meelaha Xoolahooda Biyaha iyo baadka ay uga helayaan u tagaan, deegaankuna waxaa ka jirey Jiilaal aad u kulul, dadka Beeraleyda ayaa waxay ku jireen diyaarinta qalabka Beeraha iyo diyaargarowga xili roobaadka  sanadka cusub.

Dhaqaalaha laga soo aruuriyo dadweynaha Degmada Diinsoor waxay leeyihiin lama oga halka ay ku baxaan, maalin kasta waxaa nalaga qaadaa Canshuur, lagumana dayactiro Xarumihii hore ee Dowlada, waxaana Burbursan Xaruntii D/Hoose, Jidadka soo gala Degmada iyo qaar ka mid ah Iskuulada Degmada, maamulka degmada ma siiyo wax ahmiyad ah dhinaca wax-barashada, dadka Tujaarta ah ee degmada Caruurtooda inta badan waxay u dirsadaan dalalka Dibadda sida Kenya IWM iyo Gobolada Soomaaliya ee ay ka jirto wax-barashada tayeysan, dadka taagta daran ma helaan caruurtooda wax-barasho, waxaana halkaasi ku baaba’aya labo jiil wax-barashadooda sida kii hore iyo jiilka cusub, haddii aan lahelin cid wax ka qabta rimahaasi waxaa imaanaya in deegaankaas ay ka soo ifbaxaan laba jiil oo aan helin waxbarasho, islamarkaana waxay halis ugu jiraan in degenaasho la’aan ay ka soo barqato. 

Degmada Diinsoor waxaa jira ciidamo Militeri oo joogey ku dhawaad 9-bilood, waxayna ka geysteen dhibaatooyin isugu jira dil, dhaawac, dhac, faraxumeyn, jir dil, Xarig, oo ay u geysteen in badan oo ka mid ah mas’uuliyiinta Degmada oo uu ugu horeeyo Gudoomiyaha Degmada Diinsoor oo ay soo xireen dabayaaqadii sanadkii tegey bishii Agousto 2007-da, ku xigeenadiisa, kuwo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Deegaanka, Taliyihii Saldhiga Ciidamada Booliiska Degmada Diinsoor, xubno fara badan oo isugu jira Macallimiin Dugsi, Wadaado Tabliiq ah, Ganacsato kala duwan oo isugu jira kuwo deegaanka iyo kuwo safar ku maraayey halkaas, islamarkaana u diideen dadweynihii Degmada War weyn oo dadka iyo Xoolaha ay ka helayeen Biyaha, taasoo hore loo isticmaali jirey, iyagoo aan sheegin sababta dhabta ah ee ay ugu diidayaan dadweynaha, balse waxay ahayd halka iyagu xarunta ka dhigteen, Wartan ayaa waxay ku taalaa Woqooyi bari ee degmada, waxayna u jirtaa magaalada ilaa iyo 5-Km.


Wartii ay Ciidamada Militarigu u diideen dadka iyo Xoolaha

Dadweynaha Degmada Diinsoor waxay si hoose u sheegayeen Ciidamda Militeriga ah ee jooga waxay ilaaliyaan danaha Kooxo gaar ah oo aan u tureynin danta shacabka iyo tan deegaanka, maamulka degmada Diinsoorna ma taageersana jiritaanka DFKMG iyo Maxkamadaha Islaamiga ee waxaa laga Xukumaa Dalka dibadiisa sida Magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, tan iyo intii ay bur burtey Dowladii dhexe ee Soomaaliya, Maamulka Degmada Diinsoor ma ogola in shacabka deegaanka uu horumar gaaro, sababtaas ayaa keentey in  shacabka loo soo kireysto Ciidamo aan u dhalan Deegaanka ayey leeyihiin.


meel ku dhow Suuqa Xoolaha Diinsoor ayna ku yaalaan Ceelal badan oo Xoolaha laga Shubo

Shacabka Degmadu waxay kaloo si hoose u leeyihiin Ciidamadan Militeriga ah ee jooga Degmada inta badan ma ahan kuwo ku eg sharcigii iyo sharaftii loo igmadey, waxayna faraha la galaan hawlaha Ciidamada Booliiska iyo hawlaha u gaarka ah shacabka,   ciidamada Militerigu waxay rabaan ayey iska sameystaan, ninka ay rabaana ay iska xirtaan, iyaga ayaa Booliis ka ah, iyaga ayaa Militerina ka ah, iyaga ayaa Minishiibina ka ah, Nabad sugid ka ah, Hay’ad gargaar ah oo qaybisa ah, islamrkaana dhacana raashiinkii loo qaybinayey dadka shacabka ah, iyagaana Maamul Degmo ka ah, halkii laga rabey in ay ku ekaadaan amaanka guud ee dalka iyo kan  Degmada.

Halka Maamulka Degmaduna ay ku sheegayaan in uu ka gaabiyey ka hadalka falalka kala duwan ee ay geysanayaan Ciidamada Militeriga, islamarkaana uu u sheego khaladaadkooda Saraakiisha iyo ciidamada kale ee ay xukumaan, halka Golaha Deegaanka Degmaduna ay ku sheegayaan in ay ku kala qaybsan yihiin dhibaatooyinka kala duwan ee loo geysto shacabka, qaar waxayna leeyihiin waxa wata dhibaatooyinka Maamulka Demada iyo kuwo yar oo fara ku tiris ah oo ka tirsan Golaha Deegaanka Degmada, halka kuwo kale ay leeyihiin arrintaan waxaa wata xubno aan ka mid ahayn maamulka degmada iyo odayaasha, islamarkaana doonaya in shacabka la caburiyo, waxay kaloo doonayaan in baahi kasta oo loo baahdo si deg deg looga helo shacabka qaybihiisa kala duwan, islamarkaana aysan u noqon kuwo madaxa kor u soo qaada.

Shacabka ku nool Degmada Diinsoor waxay kaloo ii sheegeen ma nihin kuwo xor u ah fikirkooda, waxaana lagu cabsigeliyaa in lana xiraayo, qofku haddii uu si toos ah u soo bandhigo aragtidiisa ku aadan dhinaca maamulka degmada, kan DFKMG, marka aad wax weydiiso waxay ku leeyihiin hay baxargelin hadda banaanka ayaan joogaaye

Dhinaca kale Ciidanka jooga Degmada Diinsoor ma ahayn kuwo haysta waxyaabihii nolosha ciidamada daruuriga u ahaa sida ma haystaan Teendho ay kuleylka iyo Qabowga ka galaan oo Ciidamad lagu yiqiiney, ma haystaan mushaar nolol maalmeedkooda ay ku dabaraan, waxa keliya ay haystaan ayaa wuxuu yahay Bariis qalalan oo ay ka qaataan degmada oo aan lahayn iidaan dhameytiran, maadama ay yihiin muwaadiniintii dalka, halkaas waxaa ku maqan xuquuqdooda, taasina waxay dhilinkartaa haddii ay sii socoto in falalka hada ay wadaan kusii laba lixaadsadaan, islamarkaana waxay keenidoontaa falal ammaan darro, kuwa hadda jira mid ka daran.

Mar aan u kuur galey awoodda Ciidamada Booliiska ee jooga Degmada Diinsoor, islamarkaana aan wax ka weydiiyey dadweynaha hawlaha ciidamada Booliiska ayaa waxay iigu sheegeen in  tiradoodu ay tahay 28 oo laba  Haween  ay yihiin, aysan kaafin karayn baahida nabadgelyo ee Degmada xilligaan la joogo, sababtoo ah waxaa jira wada shaqeyn la’aan Booliiska iyo Ciidamada Militeriga, inkastoo shacabka degmada ay yihiin, kuwo nabadda wax kasta ka hormariya, balse qas iyo qalaanqul ay ka wadaan Kooxaha daneystayaasha ah,  shacabkuna uu fahansan yahay hawlaha ay faraha kula jiraan,  si aysan u imaan nabadgelyo xumo ay uga aamusan yihiin.


Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Baay Shiine Macallin Nuuroow...

Dhammaan arrimahaan iyo kuwo kale oo fara badan oo ka dhacay degmada Diinsoor ayaa waxay keentey in qaar ka mid ah mas’uuliyiinta degmada ay qoraallo dacwad ah ka soo gudbiyaan maamulka degmada,  ciidamada Militeriga oo inta badan sabab u ahaa waxa ka dhacaaya Degmada iyo halka qaar ka mid ah guddi in muddo ah soo shaqeynayey oo hada isu rogey mid awoodii Xildhibaanada Golaha Deegaanka, kan maamulka degmada, kii Gobolka Baay, tii Xukuumada, tan Golaha Baarlamaanka iyo mas’uuliyiinta sare ee DFKMG isku fuuqsadey, islamarkaana ku adeeganayey Ciidamadan Militeriga ahaa, bareyna arrimahaas in Militeriga dadka sidaas ula dhaqmaan, waxayna keentey in la diro Guddi Xaqiiqo raadin ah oo arrimahaan soo baara, si go’aan mideysan looga gaaro, kaddib markii ay ka war heleen Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka ee uga jira Deegaankani waxa dhacaaya, waxaana la soo direy, Wafdi xaqiiqo raadin ah oo uu hogaaminaayo Gudoomiye ku xigeenka Gobolka, ahaana kusimaha Gudoomiyaha Gobolka Baay Md. Shiine Macallin Nuurow oo ka kooban shan xubnood, 11-kii Febraayo [11/02/2008-da].

Guddoomiye ku xigeenka Gobolka, ahaana kusimahii Gudoomiyaha Gobolka Baay Shiine Macallin Nuurow “annagu in dadka la caddibo oo la juujuubo raalli kama nihin, wax amar ahna kama bixin”.

Wafdigaan ayaa wuxuu la kulmey xubnaha Golaha Deegaanka Degmada Diinsoor, Ugaasyada Beelaha, Culumaa’udiinka, Ganacsatada iyo waxgaradka Deegaanka, kuwaasoo dhamaantood wax laga weydiiyey falalka  is daba joog ahaa oo maalmihii aynu ka soo gudubney ka dhacaayey Degmada Diinsoor taasoo ay wadeen Ciidamada Militeriga ee jooga degmada, falalkaasoo isugu jiray dil, dhac, Kufsi, Jirdil iyo handadaad is dabajoog ah.

Shiine Macallin Nuurow oo aan wax ka weydiiyey Ujeedada socdaalkooda, cid ku wehlisa safarkiisa, sababaha keeney in degmada Diinsoor xiligaan la soo booqdo, dhibaatooyinkii loo geystey dadweynaha Degmada Diinsoor waxa lagu xaliyey ayaa wuxuu yiri socodkayaga wuxuu ahaa hawlo Ukuurgelida xaalada nabadgelyo, tan siyaasadeed iyo tan dhaqaale ee Degmada Diinsoor, waxaana ila socda Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Baay, G/S/ Ibraahim Macallin Kutub, Taliyaha Nabadsugida Gobolka Baay, G/S/ Maxamed Macallin C/raxmaan, Madax C.I.D-da Gobolada Baay, Bakool iyo Geddo iyo xubno ka socdey Dowlada Dhexe, waxaana muddooyinkan hakad ku jirey hawlaha Gobolka Baay, Wasaaradda Arrimaha Gudahuna waxay ka soo saartey wareegto in maamulka aan sii wado inta kan kale laga dhisaayo, diyaarinta socodsiinta hawlaha Gobolka waxayna nagu qaadatey in muddo ah, hawlaheena shaqo waxaa ka mid ah cabashooyin naga soo gaarey degmada Diinsoor oo ay ka mid ahaayeen, in ciidamada nabadgelyada ay geysteen fal fool xun oo isugu jira dil, dhac iyo is afgaranwaa saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliiska iyo kuwa Militeriga, islamarkaana ay sababtey in ay hakad galaan hawlihii shaqo ee Degmada Diinsoor”.


bidix Madaxa C.I.D-da Gobolada Baay, Bakool iyo Geddo, midig Taliyaha Nabadsugidda Gobolka Baay

Mar uu ka hadlaayey dhibaatooyinka loo geystey dadweynaha degmada Diinsoor  waxa lagu xaliyey ayaa wuxuu yiri “arrimahaasi dib ayaan ka soo sheegidoonaa qoraalana waan ka soo saaridoonaa, anagu in dadka la cadibo oo la juujuubo raali kama nihin, wax amar ahna kama bixin”. Ayuu hadalkiisa ku soo koobey Md. Shiine Macallin Nuurow.

Qaybo ka mid ah Daadka Xad-gudubyada Xuquuqda Aadanaha ee ay geysanayeen ciidamada  Militeriga  DFKMG ee joogey  Degmada Diinsoor.

Intaa kadib waxaan bilaabey baaritaano falalkii kala duwanaa ee ka dhacey degmada Diinsoor intii aan imaan, xiliga aan joogay waxa dhacaayey iyo  sababaha keeney, arimahaas waxaan la kulmey islamaalintaas 11/02/2008-da

Marwo Iisho Cismaan Kuule oo ka mid ah dadkii ay waxyeelada u geysteen Ciidamada Militeriga ah ee joogey Degmada Diinsoor, islamarkaana kuweysey Gacanteeda Midig, ahaydna Haweeney aan lahayn wax caruur   aan waligeed dhalin wax ka weydiiyey qaabka ay wax u gaareen ayaa waxay tiri:

“waxaan tegey meel laga bixinaayey mucaawino, ma wadan wax Hub ah, waxaan watey oo keli ah Alaab aan kusoo qaadanayo mucaawinada la bixinaayey qaybta isoo gaarta, abbaarihii saacaddu marka ay ku beegneyd 12:00 Duhurnimo, Taariikhduna ay tahay 12-kii Janaayo [ 12/01/2008-da], ayaa anigoo saf ku jira oo hore iyo gadaalna ay naga jiraan Ciidamada Miteriga oo dadku ay ku kala ceyrinayaan Gaari Baroon ah Guuxiisa, islamarkaana u sameynaya arrintaas si ay iyaga u boobaan dadka oo xabbadana ay dadka ku ridayaan, dadkuna aysanba waxba u arkeyn Xabadaha dhacaaya, waxa keliya ee u muuqdeyna ay ahayd Raashiinka ayaa nin lebisan nagu soo ordey aniga iyo Haweenkii kale ee safka kuwada jirney, intuu Qori nagu foorariyey nagu yiri “Fariista fariista, markii dambana waa nagu furey, aniga goobtii ayaan ku dhacay” ayey tiri.


Iisho Cismaan Kuule oo Gacanteeda ku weysay Xabbado ay ku dhufteen Ciidamadii Militeriga ee Diinsoor joogey..

Iisho Cismaan Kuule oo hadalkeeda sii wadata ayaa intaa ku dartey “in xabbaddii iyada ku dhacdey ay isu gudubtey 4 Haween kale, islamarkaana mid Qoorta ayey uga dhacdey, mid Adinka, mid Gacanta iyo mid ay dhexfariisatey waatan anigana gacanteyda midg ayaan ku waayey”.

Mar aan weydiiyey Ninkii falkaan geystey halka uu ku dambeeyeyo ayaa waxay tiri “Ninka falkaan geystey wuxuu ka mid yahay Ciidamada sida tooska ah u jooga Degmada Diinsoor, cid wax ka qabatey ma jiraan ee waxaan si naxariis leh uga codsanayaa dadka Soomaaliyeed ee jooga Dunida Dacaladeeda haddii ay jiraan cid wax ka qaban karta dhibaatada igaartey in wax la iiga qabto” ayey hadalkeeda ku soo gebagebeysay Iisho Cismaan Kuule iyadoo ka xun sida loo dhibaateeyey, islamarkaana aan cid ay ugu dacwooto aysan jirin.

Awkuusha “Gabadheydii waxaa lagu diley Gurigeyga hortiisa, intii aan la dilin habeenkii oo dhan ayey foolaneysay…”


Awkuusha Aadan Mayoow

Sidoo kale Aabaha dhalay  gabadhii Uurka lahayd ee lagu diley dhowaan Degmada Diinsoor oo lagu magacaabo Awkuusha Aadan Mayoow oo ah Odey dadka Ugaarsatada ah  oo aan haysan wax dhaqaalo ah, islamarkaana ku shaqeyta Ugaarsiga iyo jarida dhista lagu dhiso Guryaha ayna ka muuqato wajigiisa daruuf daran ayaa waxaan wax ka weydiiyey qaabka uu u dhacay dilka gabadhiisa, sababaha keeney in la dilo, halka lagu diley, cida ka dambeysay dilka gabadhiisa iyo waxa loo qabtey ayaa wuxuu yiri:

“Gabadheydii waxaa lagu diley Gurigeyga iridkiisa 12 maalmood ka hor, haddii aan kaaga waramo qaabka uu u dhacay dilka wuxuu ahaa, anigoo ka imid daqiiqado ka hor banaanka guriga, neef Ari ah oo iga lumey ayaa gaduudane iga cuney, waxaana ka imid raadintiisa, markii aan arkey neefkii la cunay ayaan dib ugu soo noqdey Gurigeyga waxaana soo doontey Qaanso iyo Leeb si aan u dilo gaduudanaha, balse markii aan ka soo baxay Guriga iyadoo Gabadheyda ila jirta ayaan waxaan ka war helay istaag, markii aan istaageyna waxaan  iri maxaa dhacay, waxaa laygu yiri dhig markii aan dhigaayey iyo markii ay ku dhacaysey Gabadheyda Xabada isku mar bay ahayd, Gabadheyda ayaan qabsadey, anigana wax hub ah ma wadan, markii ay ku dhacdey Xabada Gabadheyda, mid ka mid ah ciidamada ayaa wuxuu yiri “yaa soo ridey xabada, mana jirin wax jawaab oo aan markaa maqley oo aan dareemikarey sidaas buuna u dhacay dilka gabadheyda, Gabadheydu waxay ahayd 25 Sano jirin leh laba caruur ah oo yar yar, islamarkaana Uur laheyd, intii aan la dilin habeenkii oo dhan ayey foolaneyday” ayuu yiri Mr Awkuusha.

Mar aan weydiiyey in wax hore ka dhexeeyeen isaga iyo ciidanka ayaa wuxuu yiri “ anigu wax ciidan la yiraahdo ma garanaayo, wax aan kuwada kulaneyna ma jiraan”.

Sidoo kale mar aan weydiiyey waxa ay u qabteen maamulka Degmada iyo kuwa kale ee ciidamada, waxaa uu ku jawaabey “ma jiro wax ay ii qabteen, waxayna igu yiraahdeen Baydhabo ayaan kuudireynaa, warqad Qoraal ah ayaan ku siineynaa,”.

Sidoo kale mar uu ka hadlaayey xubnihii yimid in uu la kulmey iyo in kale ayaa wuxuu yiri “markii aan maqley ayaan u tagey mana jiraan wax ay iweydiiyeen dadka yimid, ee waxaan DFKMG ka  codsanayaa in xaqa gabadheyda ay isiiso, maadaama ay iyadu tahay Dowladii dalka ka jirey  tahay“. Ayuu hadalka ku gunaanudey Mr. Awkuusha.

Diinsoor Markaan Tegey Maxaa Dhacay, Maxaase igu Dhacay?!!!


Maxamed Macalin Cismaan "Allman"

Sideedaba Saxafigu waxa uu ku socdaa Seefaha lagu silciyo Shucuubta Caalamka kuwooda ugu khatarsan, isagoo doonaya in uu soo bandhigo halka ay gaarsiisan yihiin Seefahaas lagu silcinaayo Shucuubta kala duwan ee caalamka, taasoo hadba mid kasta Aqoontiisa iyo garashada waxa uu la kulmey uu u soo gudbiyo dadyowga Dunida, inkastoo qaar ka mid ah Bulsho weynta caalamka ay ula muuqato inuu la safan yahay koox gaar ah marka laga reebo tan dowliga ah iyo mid ay leeyihiin kooxaha ku kacasan Dowladahooda.

In badan oo ka mid ah shucuubta caalamka iskama warhayaan waxa dhexooda lagu kala wado, halka kuwa og qaarkood aysan awoodin  in wax ay ka qabtaan, halka kuwa awooda ee ogna ay u bareerayaan silica Seefahaas kala duwan oo ay dadka u geysanayaan, waana tan keenta in ay ku dhibtoodaan ama ay ku waayaan in badan oo ka mid Suxufiyiinta Caalamka Noloshooda, taasoo jiritaankeeda ay dadyowga dunida hadba si u adeegsadaan. 

Uma tegin aniga in Xero Ari laygu xiro Diinsoor, waxaana u tegay laba arimood, kadib markaan arkey wajiyada add adag ee iska soo horjeeda Ciidamada Ethobia,  kuwa DFKMG oo is-garabsanaya iyo Kuwa ka soo horjeeda joogitaanka Ciidamada Ethobia iyo fikirka DFKMG  oo iila muuqdey in midba midka kale uu ii tiirinaayo, islamarkaana aan dareemey sawiro muujinaaya arimhaas, ayna qayb ka yihiin dadka wada xubno wax aan hubsaneyn  ayaa waxaan go’aansadey inaan joogitaanka Magaalada Baydhabo wax ka bedelo, waxaana iisoo baxdey inaan aado Degmada Diinsoor oo markaa iila muuqatey meel hal dhinac  oo keli ah ay joogaan, islamarkaana ay ka dhacayeen dhacdooyin badan kalana socon kara waxa ka dhacaya Gobolka Baay iyo inaan wax badan ka ogaato dhibaatooyinkaas ay geysanayeen Ciidamada Milieriga DFKMG ee joogay Diinsoor oo Saxaafada gudaha iyo dibada ay ka hadlayeen markaa.


SAWIRKAN WAA XERADII LAYGU XIREY DEMBI LA'AAN
OO MARKII AAN KA SOO BAXAY SI FARSAMEYSAN AAN U QAADEY...

“Abbaaro 12:30 daqiiqo ee Duhurnimo 19/02/2008 –da ayaa mid ka tirsan ciidamada Militeriga ah oo ku lebisan dharka Tuutaha ii yeerey mar aan ka soo baxay Hoolka shirarka Golaha Deegaanka Degmada Diinsoor oo Siminaar uga socdey qaar ka tirsan Xildhibaanada Golaha Deegaanka ee Degmada, anigoo la socda Xoghayaha Warfaafinta Maamulka Gobolka Baay Md. Maxamed Cali Aadan (Mad Xalwo) oo aan doonayey inaan wareysi ka qaato, markii uu ii yeerey ninkaan Militeriga ah ayaan waxaan ugu jawaabey Walaallow ruux mas’uul ayaan la socdaaye marka aan ka soo dhameysto ayaan kuu imaanayaaye isug.” 

Wuxuuna iigu jawaabey maya waa Amar ee soobax waad soo noqoneysaaye, markii aan weydiiyey amarku muxuu yahay si kulul buu iila Hadley wuxuuna yiri “waad soconeysaa wax dib aad u soo noqoneyso ma jiraan ee soco oo i hor kac.” 

“Anigana waxaan u sheegey ku raacimaayo ee iska bax, markale ayaa wuxuu igu yiri war taliyaha ayaa ku wacaaya ee soo bax waad soo noqoneysaaye, mas’uulkii ila jirey ayaa igu yiri raac maadaama uu isagu ka Saxaafad ahaan wakiil iga yahay,  markii aan raacey waxaa si khasab ah oo juujuub ah laygu saarey Gaari Tikniko ah oo uu saaran yahay Qoriga Dhashiikaha, intii uusan dhaqaaqin Gaariga ayaa waxaa goobtii  yimid mas’uulkii la sheegey ee Militeriga ahaa wuxuuna yiri kexeeya Gaariga oo hala xiro,  waxaan weydiiyey war ciidankii Booliiska aawey marka aad adinka ikaxeynaysaan,  anigu idiin raacimaayo ilaa aan Booliis arko, waxaas laygu sameynayo waxaa si toos ah u daawanaya dhamaan Godoomiyaha Degmada iyo mas’uuliyiintii ka hooseysay iyo xubno kale oo gaaraya ilaa iyo Toban Golaha Deegaanka” cid ka hadashey ma jirin arinkan. 

Ninka Taliyaha ah oo lagu magacaabo Yuusuf Dheere ayaa mar labaad igu yiri soo deg intii uusan gaariga dhaqaaqin wuxuuna iigeeyey Gudoomiyaha Degmada Diinsoor  iyo xubnihii kale ee la joogey, waxaan soo diyaarsadey Aqoonsigeyga iyo Rikoor aan watey, lacala haddii laygu yiraahdo war khalad ah ayuu naga gudbiyey si aan u tuso, islamarkaana markaan arkey qaabka ay wax u dhacayaana waan ka shekiyey,  marka si aan la iigu xadgudbin ama uusan u dhumin waxa laygu haysto aan u duubto, intii aan la gaarin waxaa laygu yiri keen qalabka,, kadibna waxaan ugu jawaabey anigu qalabkeyga waxaan u dhiibikaraa oo keli ah Booliis adinka waxaa tihiin Militeri ee farihiina haysaarina, waayo adinka amaanka guud ayaad mas’uul ka tihiine, aniguna waan diidey oo waan ka madax adeygey waayo hore ayaa la iigu sheegey in sidaas oo kale dad deegaanka ka tirsan hantidooda looga lunsadey, laakiin markaa wixii ka dambeeyey wax nidaam ah ama mas’uuliyad ah oo ay ilaaliyeen ma jirin si khasab ah ayaa Gaarigii dib la iigu soo celiyey, islamarkaana feer, dharbaaxooyin iyo Teesto kala duwan oo ay igu sameeyeen Ninka Taliyaha sheeganayey iyo qaar ka mid ah Ciidamadii la socdey, waxaana si khasab ah la iiga qaadey qalabkeygii waxaana lay geeyey meel 5-Km u jirta magaalada oo ay degan yihiin Ciidamadan Militeriga ah, waxaana laygu amrey inaan galo meel Xero ah oo u eg Xero Ariga lagu xareeyo oo Qorax ah, qaar ka mid kuwii waardiyaha ka ahaa Xerada ayaa lagu armey haddii aan isku dayo inaan baxsado in 5-Xabadood laygu dhufto, islamarkaana ruuxii isii daayana loogu hanjabey in isna la dilidoono oo 5-Xabadood lagu dhufandoono, waxaana halkaas ku jirey muddo dhan 3 saac iyo bar oo Qorax aad u daran igu haysay.


dhinaca bidix ee Saldhiga Booliiska Diinsoor

Ma ogi waxa laygu soo xirey, islamarkaana jirdilka la iigu geystey oo haddana la iisoo daayey, arrintuna waxaad moodaa in Maamulka Degmada iyo Saraakiisha Ciidamada Militeriga ay isla ogaayeen, mana jiro ilaa iyo hadda wax mas’uul ah oo ka Hadley arinkan, balse waxaa ii gurmadey qaar ka mid ah eheladeyda oo deegaanka ay ku badnaayeen.

Maanlintii xigtey ayaa waxaan u tagey Taliyaha Saldhiga Ciidamada Booliiska Dh/ C/llaahi Maxamed Cumar, waxaan weydiiyey  wax kiiskeyga ah oo lasoo gaarsiiyey in ay   jiraan?, wuxuuna ku jawabey “ma jiraan wax kiiskaada ah oo la iikeeney, anigaaba inta lay dhibaateeyey Baydhabo la ii kexeystey, arintaada anagu ma geli karno ee Baydhabo iska aad oo halkaas hawshaada ka wado.”

Sidoo kale mid ka  mid ah Ciidamada Militeriga ah oo la yiraah C/qaadir Shabeel oo isna aan weydiiyey waxa la ii xirey, oo dhibaatada la iigu geystey iyo waxa laygu soo daayey?, ayaa wuxuu ku jawaabey:

“Walaallow dembigu meel buu leeyahay iyo sii deysmadaada, laakiin dhibaatada laguu-geystey waan iska arkeynaa ee waqti nasii”, iyadoo wax jawaab ah aysan ka bixin dhibaatadii i gaartey iyo waxa la ii xirey ayaa dagaal dhex marey Ciidamo uu hoggaaminayo Abuu Mansuur iyo kuwii Militeriga ahaa ee degmada joogey, oo aakhirkii laga saarey xeryahoodii ciidamada Militeriga.

Iyadoo hawshu halkaas mareyso 27/02/2008-da Abaaro 12:00 Duhurnimo oo ay soo galeen Ciidamada Militeriga DFKMG Degmada Diinsoor hore u joogey wixii ka harey iyo kuwo kale oo lagu soo kordhiyey” ayaa markii ay soo galeen Magaalada ciidamdan, dadweynihii Degmada si weyn ayey uga argagaxeen, waxaan arkey dadweynihii oo kala yaacaya markii aan is iri bal dhinaca wax ka dhacay si feejigan u eeg, oo ahayd Bartamaha Magaalada waxay indhaheygu qabteen Baabuur Tuuteysan oo ay ka daadanayaan Ciidamo Tuuteysan, waxaana I gashey cabsi daran, markii aniga keligey meesha  aan ku soo harey, islamarkaana sedax nin oo Tuuteysan xageyga u soo baxeen, ninka watey ciidamada Gaariga saarnaa ayaa ii yimid, igu yiri “waryaa kaaley”, markii aan u imidna soco ayuu igu yiri fuul baabuurka, aad baana uga murugoodey arinkaas, waayo hore ayaa la ii jirdiley anigoo waxba aan sameyn, haddana maanta toos miyaa lagu dilayaa ayaan is iri, daqiiqdo kadib waxaa la iilala dhaqaaqey dhinaca Guri uu deganaa Gudoomiyaha Degmada Diinsoor, isagii baan meel dhex ku aragney, waxay isasalaameen labadooda wax su’aal iyo hadal ahna la ima weydiin, anigana waxaan u qaatey markhaati ahaan in la isoo qabtay in la tusaayo isaga, waayo kama uusan hadlin xarigeygii hore iyo dhibaatadii isaga hortiisa la igu gaarsiiyey iyo tii dambe.

Kaddib waxaa lay geeyey meel kale oo aan is iri halkaan ayaa laguugu toogan doonaa, balse laga soo qaadeyey noocyada balwadeed oo uu lahaa Sarkaalkan, isoo xirey anigana waxaan saarnaa gaariga dushiisa oo aan  lahayn wax iga difaaca Kulaylka dhacaayey, isaga iyo ciidamadiisuna waxay galeen geedaha hoostooda iyo fadhiga hore ee gaariga, muddo kaddib waxaan dib ugu soo noqoney magaaladii oo dadweynaha qaarkood dib ugu soo noqdeen, markii ay i arkeen anigoo gaariga dushiisa saaran ayey dadweynihii argagaxeen oo naxeen, taasina waxay i galisay naxdin kale oo weyn. 

Daqiiqado kaddib waxaa la ikeenay duleedka saldhiga booliiska Degmada oo ku yaal  Xabsiga Degmada oo ay joogaan ciidamo cusub oo qaarkood aan bargaranayo iyo Saraakiil kale oo aan aqaano, waxaa loo sheegey in uusan wax faldembiyeed ah uusan ii geysan inta laysaga imaanayo, waxaana la i geeyey halkii 19/02/2008 la igu xirey, sidoo kale markii halkaas laygu dejiyey waxaan halkaas ku arkey in halkaas uu ka jirey isbedel aad u weyn oo sameynayey micno fara badan iyo sidii markii hore ay ahayd iyo waxa aan markaas ku suganahay waxa ka imaankara iyo wajiyada ciidamada halkaas isugu yimid, laakiin wax kasta oo aan maleynayey waxay noqdeen kuwo murugo iigeystey, waxaa isu yimid saraakiishii ciidamada watey oo dhan, waxaana halkaas loogu sheegey inaan ka mid ahay bahda wararka fidisa, gunaanadkiina ninkii i soo xirtey wuxuu yiri: 

“Ninkaas niman baa soo dacweystey, haddii uu dembiga ku cadaado oo ay ila gasho Xabad uga naxariisan maayo, haddii kale khaladkii aan ka galey waan ka xaalmarinayaa ee ii dhaafa aniga wax dhibaato ah uma geysanayee” sidaas baana laysku raacay. 

Markii ay kala tageen saraakiishii, aniga iyo isaga ayaa isku soo harney wadahadal kadib wuxuu ii sheegey “inaan sawiro ka qaadey ciidamadii dhintey, kuwii dhaawacmey, lana shaqeynayey Abuu mansuur, islamarkaana aan anigu ku faraxsanaa qaabka ay wax u dhaceen, ayna jiraan dad ciidamada ka mid ah oo isoo dacweeyey oo igu cadeynaya ariamahaas”. 

Waxaan ugu jawaabey “aniga arrimahaas aad sheegeyso waxba kama ogi mana jiraan hawl gaar ah oo aan qabtey oo aan ka ahayn shaqadeyda Suxufinimo, waxaana ka qaatey halkaas sawirada Baabuurtii ay qabsadeen, dadkii daawanayey khudbadii Sh. Muqtaar iyo sawirkiisa wax kalena oo aan qaatey ma jirin, waxaana muhiimada saarey hawsheyda shaqo ee Warfidinta. 

Wuxuuna igu yiri “keen qalabka aad hayso” waxaana u dhiibey Kaamiradii, laba Moobayl iyo Buug yar oo qoraalada aan ku diyaarsaneyey, wuxuuna igu yiri “shid kaamirada” markii aan u shidey waxaan tusey inta sawir aan sheegey, kadib wuxuu igu yiri “Kaamirada iska keen oo beri sedax saac aan isugu imaano ee adigana iska bax, muddo ayaan kala doodey, wuxuuna ku adkeystey inaan ka tago, aniga waxaa i gashey rajo fiican inaan doodi karo beri haddiiba aan noolahay, saacadu markey ahayd 4:30 Galabnimo  waxaana laygu soo qaadey Gaari Tikniko ah, dib ayaana la iigu soo celiyey halkii layga wadey, dadkii ayaa igusoo xoomey waxaana u sheegey in qalab keli ah layga qaatey wax kalena aan la ii dhimin xaga jirkeyga. 

Laakiin markii waagu uu baryey oo aan tegey halkii lagu balansanaa ayaa waxaa laygu yiri “iska bax cid ku haysata ma jirtee, waxaagana anagaa kuu soo qaadeyna” ayey igu yiraahdeen qaar ka mid ah saraakiil markaa igu cusubeyd aragtidooda  oo Militeriga ah iyo Taliyaha ku xigeenka qaybta Booliiska Gobolka Baay  Aadan Baariyoow oo la socdey ciidamadii yimid, markii aan ka soo dhaqaaqey Saldhigii oo aan joogo bartamaha Magaalada oo saacadu ay ku beegan tahay 11:45 daqiiqo ayaa haddana waxaa ii yimid niman ku lebisan dharka Tuutaha oo midkood ku Hubeysanaa Qoryaha Siliska dhaadheer iyo laba kuwa fudud wata, waxayna igu yiraahdeen:

“Soo istaag waryaa soo bax” markii aan soo raacey waxay iigeeyeen ninkii shaley, waxaan moodey in lay siinayo qalankeyga, balse wuxuu igu yiri “keen qalabka aad hayso iyo moobeylada” waan siiyey Askartii ayaa wuxuu ku amrey inay igeeyaan Saldhiga Booliiska oo lay xiro, waxaa la iisoo kexeeyey saldhiga Booliiska,  ciidamadiina waxaa lagu soo daray laba kale oo mid uu wato Qoryaha Somaalidu u taqaano Dabo misheer iyo mid wata kuwa fudud. 

Markii Saldhiga laykeeney waxay amar ku bixiyeen in gudaha lay dhigo, ciidamadii Booliiska ahaa waxay damceen in gudaha la ii dhaadhiciyo, in badan oo markaa la socotey arrimaheyga oo meeshana joogtey ayaa diidey in gudaha lay dhigo, ogna qaabka la iisoo xirey iyo midkii hore la iigu geystey, inkastoo markii hadaladaas ay isdhaafsanayeen Booliisku aan hor taagnaa Qolka dadka lagu xiro, gudahiisuna waxaa iiga muuqdey nadaafad dari aad u weyn, mana lahayn meel furan oo markaa hawo ka soo geli karta Irida iyo Dariishad yar oo aan kaafin maahee, waxaana is iri ugu yaraan 10-Sano lama nadiifin gudihiisa, Ruuxii lagu xirana halkaas Rubuc saac wuxuu u dhowyahay inuu cudur ka soo qaadayo. 

Ciidamadii Booliiska waxay isku raaceen in banaanka aan iska joogo, inkastoo mar kasta aniga igu ahayd mid aan u madax banaaneyn xoriyadeyda, dadka degmadu way la yaabeen qaabka la ii xirayo mar walba, waayo hore ayaa la iiga soo daayey Saldhigii Militeriga, qof kastana wuxuu i weydiinayey waxa laygu soo xirey, jawaabta keli ah ee aan heli karay ayaa waxay ahayd ma garanayo, waxaana banaankaas joogay muddo 24-saac ah, kadib hawshii ayaa is bedeshey arrimahayguna waxay noqdeen kuwo aad u waaweyn oo gaarey meelo kala duwan oo ka mid ah dalka gudihiisa, waxaana layga soo fasaxay saldhigii 29/02/2008-da  12:15 Duhur nimo. 

Balse markii aan heley xuriyadeyda muddo dhan 4-Saac kadib haddana waxaa dib iigu soo noqdey ninkii hore iisoo xirtey, isagoo waliba qalabkeyga haysta oo aan wali laga qaadin, wuxuuna igu yiri “yaa ku soo daayey oo ku fasaxay?!” anigu arrintii waxay igu noqotey inaan jawaab deg deg ah bixin waayo waxaana maskaxdeyda ku soo dhacay hadallo culus, waan is dejiyey waxaan eegey ninka waxaan ku qiyaasay in ninku uusan caadi ahayn, waxaana ugu jawaabey adigaa lagu waayey oo waxaa i sii daayey Taliyaha saldhiga iyo mas’uuliyiintii kale, laakiin wali waan xiranahay”, wuxuuna yiri oo sidaan ma xirnaashaa, waa tahay, dadweynihii meesha joogey iyo kuwo kale oo Ciidamadii militeriga ahaa ee cusubaa  ayaa yaabey, waxaana qaylo dhaan loo direy Saraakiil kale oo isaga ka sareysay, balse intii aysan imaan ayuu ka tegey halkaas, markii ay yimaadeena waxay igu yiraahdeen wax uu kuu dhimikaro ma jirto kumana xirankaro ee meesha aad doonayso iska mar, sidaasna isagii lagu bedelay dhibaatadii uu ku hayey degmada iyo kuwii uu igu hayeyna sidaas ku dhammaatey, balse ma jiro wax xuquuq ah oo la ii qiimeeyey intii aan xirnaa iyo dhibaatadii hore la ii gaarsiiyeyba, waxaase la isiiyey qalabkeygii markii dambe, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen mas’uuliyiin kala duwan. 

Cabdi Yuusuf  “waa mid ay heshiis ku ahaayeen labada qolo in degmada Diinsoor waxa soo gala iyo waxa ku jira la dhaco”

Cabdi Yuusuf Faarax oo ka mid ah Odayaashii Degmada Diinsoor islamarkaana ka mid ah dadka laga dhacay hantida oo wiil uu dhaleyna la xirey, inkastoo Todobaadyo kadib la siidaayey.

“Wiilka waxaa loo xirey niman Askar ah ayaa Qoryo ula yimid, waxaa uuna u gorgorinaayey Qoryahaas niman buuna  ka gadey, wiilkii, nimankii uu qoryaha ka gadey iyo kuwa qoryaha watey ee Askarta ahaa waa la xirey, laba Habeen markii ay ku jireen ayaa Askartii Dukaamadii jabsatey, wiilkeygu sababtaas ayuu ku xiran yahay, hantideydiina sidaas baa lagu dhacay” ayuu yiri mar aan weydiiyey qaabka looxirey Wiilkiisa iyo sida loo dhacay Dukaankiisa Cabdi Yuusuf.

Sidoo kale mar aan weydiiyey arrintaan ma mid maamulka degmada la soo marsiiyaa mise waa mid ay iyagu hawsha iskood isaga wateenbaa ayaa wuxuu ku jawaabey “waa mid ay heshiis ku ahaayeen labada qolo in degmada Diinsoor waxa soo gala iyo waxa ku jira la dhaco, labada qolo aan kuu-sheegaayo waa kuwa maamulka sheeganaaya iyo kuwa Diinsoor bey waardiyeynaysaa la leeyahay waaye”.

Maamulkii Gobolka ee yimid Degmada Diinsoor arimahaasi maka wada hadasheen “ maamulkaas mid aan ku qanacsanahay ma ahan, waxayna u yimaadeen kuwa wax dhacay iyo kuwa degmada heshiisiintooda ayey u yimaadeen, wax ay naweydiiyeena ma jirto waxay la kulmeen dad gaar ah, wayna iska baxeen” ayuu yiri Cabdi Yuusuf Faarax.

Isaaq Maxamed Macallin “wuxuuna iska soocayaa kunka duugga ah, haddii aad la murantidna wuu kuu gacan qaadaya, inaguna ma nihin dowlad ee…”

Isaaq Maxamed Macallin oo ka mid ah kireysta yaasha isaga goosha Gobolada Baay, Bakool, Geddo iyo Muqdisho oo aan kula kulmey halka lagu canshuuro Baabuurta Degmada Diinsoor soo gala, islawaqtigaasna aad u yaabanaa ayaa sheegey in ay dhibaato weyn ku qabaan kuwa jooga Goobaha Kastamada DFKMG ee qaada lacagaha, marka laga reebo agagaarka Banaadir, sababtoo ah buu yiri:


Kireysteyaasha isaga goosha Baay, Bakool, Geddo iyo Muqdisho

“Waxaad arkeysaa qof mas’uul oo kala soocaya lacagta aan bixino, wuxuuna iska soocayaa kunka duuga ah, haddii aad la murantidna wuu kuu gacan qaadaya, inaguna ma nihin dowlad ee waxaanu nahay shacab, wax Bangi ah oo la geeyo mahayno, waxaa kaloo dhibaato nagu haya baraha Koontaroolada ee ay joogaan Ciidamada DFKMG, sababtoo ah waxaa nalagu dhacaa Goobaha qaarkood Habeenkii inta u dhexeysa Leego iyo Muqdisho, iyadoo sidaas ay jirto ayaa hadana waxaa soo batey Isbaarooyin kale, arrintaan Isbaarooyinka soo badanaya waxay soo bilowdeen markii la kala qaadey labada Ciidan ee isku haysta labada Gobol Sh/Hoose iyo Gobolka Baay, Degmada Diinsoor Habeenkii Baabuur ma soo galo kamana baxo, sababtuna waxay tahay ma garaneyno qof aan uga dacwoono intaas oo dhibaato ah ma jiraan” ayuu yiri Isaaq Maxamed Macallin.

Waxaa uuna ka codsadey Isaaq Maxamed Macallin in ay wax ka qabtaan cida shaqada ku leh dhibaatooyinkaas aan soo sheegay ayuu hadalkiisa ku soo gebagebeeyey.

Malaaq C/llaahi Idiris  "Ummaduna inta xilka ay ku murmayaan ayaa xuquuqdii kale ee shacabka lumeysaa”


Af-hayeenka Golaha Guurtida Beelaha Digil iyo Mirifle, Malaaq C/llaahi Idiris Deerow

Af-hayeenka Golaha Guurtida Beelaha Digil iyo Mirifle Malaaq C/llaahi Idiris Deerow oo aan isna kula kulmey Hoteel Ramadaan ee Degmada Diinsoor waxna ka weydiiyey xaaladda ammaan ee degmada iyo dhacdooyinkii kala duwnaa ee degmada ka dhacay intii uu joogey ayaa wuxuu yri “Ciidamada jooga Degmada Diinsoor Afarta Beelood mas’uuliyiintooda lama shaqeeyaan oo xurguf baa ka dhexeysa, mana ogola joogitaankooda, sababtoo ah uma gudbaan ciidamadan Tuulooyinka kale ee hoos yimaada Degmada, mana dhaafaan Degmada, mar aan u tagey ciidamdan inay i caawiyaan, ayaa waxay igu yiraahdeen ma aadi karno halkaas, wax isbaaro aan ahayn oo ay wax ka qabteena ma jiraan, ciidamaduna kuma jiraan Saraakiil ka tirsan dadka Deegaanka u dhashay iyo ciidamada kaleba, taasina waxay cadeyn u tahay in Degmada oo dhan wax aysan ka qabankarin,” ayuu yiri Afhayeenku isagoo hadalka sii wata ayaa intaa ku darey.

“Degmada Diinsoor wax DFKMG ka soo horjeeda ma joogaan, waayo haddii ay jiraan Saldhig kuma yeelan lahayn DFKMG ciidamadeeda Milieriga iyo kuwa Booliiska, laakiin waxaa jira dhibaatooyin ay ka geysanayaan ciidamdan deegaanka, waxaan arkey iyagoo fal dambiyeed raadinaaya, in iyagii ay galeen fal dambiyeed kale sida Dukaamo la dhacay oo ay lahaayeen shacabka, islamarkaana hantidaas si xaraash ah Suuqa bartankiisa loogu iibiyey, iyadoo bareer ah, dadkii lahaa Dukaamadana Xabsiga loo gudbiyey, iyadoo aan la soo marin shuruucdii dalku uu lahaa, taasina waxaa cadeynaya Maxkamada Degmada Diinsoor iyo Saraakiisha kale ee Amaanka” ayuu yiri Af-hayeenku.


Mid ka mid ah Odayaasha lagu dhacay Diinsoor...

Af-hayeenku mar uu ka hadlaayey mas’uuliyiinta Beelaha ayaa wuxuu yiri “ma mideysna mas’uuliyiinta  Afarta Beelood ee dhaqanka Degmada Diinsoor, waxayna isku hayaan qabashada xilka, mana qaadankaraan go’aan mideysan, wax Colaad oo u dhexeeya una baahan in loo kala dabqaado ma jiraan, laakiin waxaa ku dhexjira is xurmeyn la’aan iyo ismaan dhaafyo fara badan, Ummaduna inta xilka ay ku murmayaan ayaa xuquuqdii kale ee shacabka lumeysaa”,  waxaana uu ugu dambeyntii  ku talinayaa haddii ciidamadan aysan la shaqeynayeyn dadka deegaanka, waxaa haboon  inay iska baxaan,” ayuu hadalkiisa ku sheegey Af-hayeenku.

Waxaase wax lalayaabo ah qaar ka mid ah Ugaasyada Beelaha Degmada Diinsoor oo arimahaan ka dhacay degmada wax ka weydiiyey ayaa waxay yiraahdaan, laga dhadhansan karey hadaladooda in ay wax mal-dahayaan, islamarkaana ay quus ka taagan yihiin sidii wax laga yeeli lahaa waxaan dhacaya, waayo haddii ay yiraahdaan hadallo culus in iyaga ammaankoodu uu Khatar galo ayey ka baqayeen, waa kan Ugaaska Beesha Ajuuraan oo arrimhaasi ka hadalaya iyo Ugaaska Dabare:

Ugaas C/qaadir  Macallin Cali (Qooshoow)  “in waxyaabaha qaarkood ay ku dhiiradaan ciidamada Militeriga waxaa ugu wacan Tabar derida Ciidamada Booliiska haysata”

ajuuraan
Ugaaska Beesha Ajuuraan, Ugaas C/qaadir Macallin Cali (Qooshoow)

Ugaaska Beesha Ajuuraan Ugaas C/qaadir Macallin Cali (Qooshoow) oo aan wax ka weydiiyey waxa ay ka wada hadleen Xubnihii uu hoggaaminayey Guddoomioye ku xigeenka Gobolka ahaana kusimaha Gudoomiyaha Gobolka Baay Shiine Macallin Nuurow iyo waxa ay ugu jawaabeen ayaa wuxuu yiri “ waxay na weydiiyeen deegaanka xaaladiisa sida nabadgelyada, waxaana u sheegney in deegaanka nabadgelyadiisa ay wanaagsan tahay, ciidamada joogana waxaan u sheegney in khaladaad yar yar ay sameeyaan, marka loo fiiriyo hawsha ay ka  hayaan deegaanka waxaan u arganey inaysan waxba ahayn, waxaana diyaar u nahay intaasna inaan la saxno, joogitaankooduna ay dan weyn ugu jirto shacabka Degmada Diinsoor, waayo waxay wax ka qabtaan Kooxaha Burcada iyo kuwa Isbaarada dhigta, laakiin waxaan ka codsanay in la badiyo baraha koontaroolada ciidamada Booliiska iyo in la dhiso ciidamo madani ah oo ka hawlgala degmada ” ayuu yiri Ugaas Qooshow.

Mar aan weydiiyey Degmada Diinsoor wax DFKMG ka soo horjeeda oo jooga ma jiraa ayaa wuxuu ku jawaabey “ Degmada Diinsoor iyo nawaaxigeeda wax DFKMG oo ka soo horjeeda oo jooga, islamarkaana aan ognahay ma jiraan, laakiin waxaan maqalnaa mararka qaar in ciidamada Militeriga ee isaga goosha Degmada Diinsoor iyo Magaalada Baydhabo in jidka loo galo, mana ogin meel aan hada ku tilmaami karno oo aan ku ognahay”.

Mar aan weydiiyey haddii ay yimaadaan deegaanka wax ka soo horjeeda DFKMG ma jiraa wax idiin qorsheysan ayaa wuxuu ku jawaabey “wixii nabadgelyo xumo ah waxaa noogu xilsaaran Ciidamada Booliiska iyo kuwa Militeriga, anaguna inaan gacan ku siino ayaan go’aansaney haddii aanu nahay Ugaasyada Afarta  Beelood ee dega Degmada Diinsoor oo weyna ku mideysan yihiin arinkaas”.

Sidoo kale mar aan  weydiiyey maxay tahay sababaha keentey in ciidamada Militeriga ay dadka soo xir xiraan, islamarkaana xabsiga u taxaabaan, iyadoo ay jiraan Booliis ayaa wuxuu ku jawaabey “in waxyaabaha qaarkood ay ku dhiiradaan ciidamada Militeriga waxaa ugu wacan Tabar derida Ciidamada Booliiska haysata, waayo dalka muddadii dowlad la’aanta ahaa dadka waxay barteen inay waxay doonaan ay sameeyaan, Ciidamada Booliiskuna iyaguna ma haystaan hub ku filan iyo dhaqaalo”.

Ugaas Siidey X/Maxmed Nuur  “Ciidamada Nabadgelyada ayey sugayaan waxna nagama rabaan cida diidan, waa…”

dabare
Ugaaska Beesha Dabare, Ugaas Siidey X/Maxmed Nuur

Ugaas Siidey X/Maxmed Nuur oo ah Ugaaska Beesha Dabare oo aan wax ka weydiiyey  sababaha keeney dhacdooyinka nabadgelyo xumida ee ka dhacay Degmada Diinsoor, maxay tahay waxa degmada Diinsoor laga ilaalinaayo oo ciidamo la keeney, islamarkaana dhinacyada looga dhigey   ayaa wuxuu ku jawaabey “ Dhacdooyin sidaas u muhiim ah ma jiraan oo ka dhacay degmada Diinsoor, laakiin waxaa jirey xaalado dhex maray Ciidamada Booliiska iyo kuwa Militeriga, wadankuna maalinba maalinta ka dambeysa wuxuu soo marayey marxalado kala duwan, Degmaduna in laga helo marxaladaha noocan oo kale ma ahan wax la baciidsan karo, marka loo fiiriyo waxa ka dhacaya Gobolada dalka intiisa kale, waxa Diinsoor ka dhacay waxaa lagu xisaabaa waxaan jirin, arrimahaanina waxaa gurmad ka geysta Odayaasha Deegaanka, waxaana ka qaadanaa talaabooyinkii dhaqanka uu lahaan jirey” ayuu yiri Ugaas Siidey.

Sidoo kale mar aan weydiiyey Ugaas sababaha keeney in Degmada Diinsoor  ciidamo la keeno, iyadoo lagu marmarsiyoonayo in ammaanka Degmada la sugaayo maxay tahay  ayaa wuxuu ku jawaabey “ciidamadu waxay u joogaan in dadka Dowlad la’aanta ku barbaarey la baro dhaqanka, kala sareynta  ciidamada iyo  maamulka Dowliga, islamarkaana looga hortago dhaqdhaqaaqyada kale ee soo bixikara, taasoo keeni karta nabadgelyo xumo, inkastoo Degmada Diinsoor aysan joogin wax DFKMG ka soo horjeeda”.

Ugaas waa maxay waxa Degmada Diinsoor laga ilaalinaayo oo ciidamo dhinacyada looga dhigayo?

Wuxuu ku jawaabey “Ciidamada Degmada dhinacyada laga dhigey waa in waxa soo gala iyo waxa ka baxaaya Degmada la ogaadaa, si ruuxa faldambiyeedka geysanayo uusan dhakhso uga bixin Degmada.

Mar aan weydiiyey Ugaas Taasi sow looma qaadankaro in Beesha aad adiga mas’uulka ka tahay ay ku kala qaybsan tahay arrinkaas, ayna jiraan qayb kaasoo horjeeda?.

Waxaa uu ku jawaabey ugaasku beesha Dabare “Ciidamada Nabadgelyada ayey sugayaan waxna nagama rabaan cida diidan, waa kuwo aan ogoleyn Nabadgelyada” ayuu hadalkiisa ku soo gebagebeeyey Ugaaska Beesha Dabare Ugaas Siidey.

Abuu Mansuur oo meel fagaare ah kala hadley dadweynaha Degamada Diinsoor


Diinsoor: Abuu Mansuur oo ka khudbeeyeye Goob Fagaare ah

15 ruux ayaa ku dhimatey tiro kalena waa ay ku dhaawacantey kaddib markii Dagaal kulul uu ku dhexmarey ciidamo uu hogaaminayo Sh. Muqtaar Roobow Abuu Maansuur iyo Ciidmada Militeriga ah ee joogey Degmada Diinsoor 24/02/2008-da Abaarihi 7:45-daqiiqo oo subaxnimo.


Xabsiga Degmada Diinsoor markii laga sii daayey maxaamiistii
oo dadweynaha qaarkood ay ku soo xoomeen.

Ciidamadan uu hogaaminayey Abuu Maansuur ayaa gebi ahaanba 8:30 diqiiqo la wareegey Degmada Diinsoor, waxayna siidaayeen Maxaabiis kala duwan oo ku kala jirtey Saldhiga iyo Xabsiga Degmada Diinsoor, waxay qabsadeen inta badan gawaaridii ay lahaayeen Ciidamda Militeriga, waxay gubeen 4 Gaari oo mid booyad ay tahay, hal Biiteen, hal Shilke, gaari Cabdi Bile ah, waxay kaxeysteen laba gaari cabdi bile ah oo mid uu saran yahay Qoriga dhishiikaha ah halka mid kale uu saran yahay Qoriga Seekaawaha, waxay magaalada soo galeen iyagoo wax Tikniko ah aan wadan, waxayna ka baxeen iyagoo Tikniko wata.


Gaarigii dhishiikaha ahaa oo ay saaran yihii ciidamada Abuu Mansuur...

Sh. Muqtaar Roobow oo meel fagaare ah kula Hadley dadweyne isusoobaxay ayaa waxaa uu yiri “Reer Diinsoor Asalaamu caleykum, waxaan ka xumahay Dulmiga, Kufsiga iyo Boobka la idiin geystey oo Burcad laga soo rarey Puntland idiingeysaneysey iyo wixii kale ee idiin gaarey, intaa kaddib hadaf aan u socono waad garaneysaan, waxaan doonaynaa in dhulka dulmiga laga daayo oo shareecada Islaamka lagu Xukumo, saaka uma imaanin inaan Degmada Diinsoor Xukumo wax kursi ahna kama soo doonan ee waxaan u Nimid inaan dadka Dulmiga ka dulqaadno, Ilaaheybaa inoo fududeeyey ee anaga awoodeena ma ahayn, muddo dheer baana ka fikireyney inaan dulmiga idiinka qaadno, dhallinyaradaan aad arkeysaan muddo ayey duurka kusoo jireen, ma jiro ruux Risaas u keenayey ama lacag siinayey iyagaa woxooda watey, waxaana ku jira dad ilaa iyo laba habeen aan seexan, waxayna u wareegayeen in dulmiga la idiinka dulqaado, dadkaas sow abaal idiinkuma laha?! ayuu su’aaley dadweynihii uu la hadlaayey, Sh. Muqtaar Roobow.

Waxaayna si wada jir ah ugu jawaabeen “Abaal bey leeyihiin”.


Diinsoor: Qayb ka mid ah dadkii uu la hadlaayey Abuu Mansuur

Sh. Muqtaar Roobow oo khudbadiisa sii watey ayaa intaa ku darey “waxaan shaki iigu jirin kuwo badan oo ah kuwii naladagaalamey saaka oo dharka soo bedeshey inay idiinku jiraan, waxaan arkey mid saaka nala dagaalamaayey oo dharkii iska bedeley oo ay u dhiman yihiin kabihii oo kale ah oo aan soo qabtey islamarkaana hada jiifa meel xagaas ah, iyagana lama haysto maadaama shaatigii xumaanta ahaa ay iska tureen, laakiin ruuxii dhuuntey waan soo qabaneynaa insha Allaah, waxaan kaloo la soconaa in beryahaan  Raashiin laga bixinaayey Magaalada, raashiinkaas waa fasaxan yahay, haddii ay doonayaan waxaan ku dareynaa ciidan weyna qiibinkaraan.


Gaariga Booyada ah

Dadweynihii ayaa u sabciyey kadibna, wuxuu ku yiri “aniga sacabka waxaan ka jeclahay Allaahu Akbar, sacabka waa midka aan soo nacay oo aan ka dagaalamayo."


Afar irdoodka Diinsoor oo ay dadweyne daba socdaan Abuu Mansuur

Abuu Mansuur oo hadalkiisii sii watey waxa uu yiri: dad kale annaga ma haysano laakiin waxaan la dagaalamayney Amxaaro iyo wixii la jira, ee waa inaad ka towbo keentaan, Reer Diinsoor waxaan ku amaanayaa in ay yihiin dad ehludiin ah, waayo aniga Culimada iyo waayeelka wax ma weydiin laakiin waxaan hubaa in Diina iyo soor ay taalo, sow halkaas barwaaqo ma taalo, Reer Diinsoor Saalixiyo ayey u badan yihiine maanta waxaa fiicneyd in la xadreeyo, kuwa maanta farta lagu fiiqayo ee Culimada Soomaaliyeed waxaa madax u ah nin Reer Diinsoor ah ee marka sow inay ku faanaan ma ahan, Saalixiyadana markii hore waxay ahaayeen Mujaahidiin, walaallayaalow aniga wax kale uma imaanin dadka dulmiga wata ayaan u nimid beri bay idiinkusoo noqonayaan ee haqarinina, walaahi maanta wax kale uma hayno oo aan ahayn Gowrac ayuu yiri isagoo tilmaan bixinaaya Sh. Muqtaar Roobow, haddii la idiin weydiiyo ninka inta ku khudbeynayey waxaad dhahdaan wuxuu ahaa Abuu Mansuur ayaa inta ku khudbeynayey ilaahay hadiinka abaalmariyo ayuu hadalkiisa ku soo gebagebeeyey Abuu Mansuur khudbadiisii.


Diinsoor: Qayb ka mid ah dadkii uu la hadlaayey Abuu Mansuur

Mar aan weydiiyey Abuu Mansuur tirada dadka isaga ka dhimatey iyo kuwa ka soo horjeeda ayaa wuxuu yiri “anaga waxba nagama dhiman, waxna nagama dhaawac min oo aan ogahay, balse wey jiri karaan wax naga dhaawacmey laakiin dhimasho ma jirto, halka kuwa uu la dagaalamayeyna uu ku sheegey iima tirakoobna oo waan isku soo noqondoonaa ayaa hadalkiisa iigu soo gebagebeeyey markii uu khudbad dhameeyey oo aan labadaas erey su’aaley, intaa kadib dadweynaha degmada Diinsoor ayaa si wey isugu soobaxay banaanka weyn ee fara Magaalada, iyagoo kolba halka ay u dhaqaaqaan ciidamada dabasoconaayey, qaarkood waa ay soo dhaweynayeen imaashiyaha ciidamadan cusub, qaarkood waxa ay la yaabanaayeen qaabka ay u socdaan iyo sida ay u kala dambeeyaan, halka kuwo kale ay dhahayeen maanta adinkaa iska leh berina inagaa iska leh ee maanta waa maalintiina socda ayey isku xifaaleynayeen.


Qaar kamid ah dadkii isu soo baxay markii Abuu Mansuur soo galay Diinsoor

Ciidamada uu hogaaminayey sh. Muqtaar Roobow ayaa markii dambe Magaalada gebi ahaanba isaga baxay wixii ka dambeeyey 11:30 Subaxnimo, waxayna ku kala bexeen sedax jid oo soo gala degmada Diinsoor.

Ciidamadan uu watey Sh. Muqtaar Roobow ayaa markii ay qabsadeen Degmada Diinsoor, ciidamadii Militeriga DFKMG ee joogeyna ay ka xooga roonaadeen waxay ula dhaqmeen hab aysan ka fileynin in badan oo markaa dagaalka ku jirtey iyo dadweynaha deegaanka.


mid ka mid ah ciidamada Al-shabaab oo hortaagan dadweyihii uu la hadlaayey Abuu Mansuur

Ruux ay qabtaan oo ciidamada Militeriga ka mid ah ma aysan dileynin, waxayna ka qaadanayeen Qoriga oo keli ah, waxayna ugu bedelayeen dhar uu xirto, tuutaha uu gashanaa, waxaana lagu dhahayey oo keli ah “bixi dharka oo soco shacabka ayaad ka mid tahaye”, balse ciidamadan kuwii ka harey ee ka baxay magaalada dadkii reer guuraaga ahaa ee ay dhexda ku arkaan waxay ka furanayeen dharka iyo kabaha, halka kuwa ku harey magaalada gudaheeda la siiyey wax kasta oo ay u baahnaayeen, kuwaan ku harey magaalada waxay isugu jireen kuwo dhaawac ah iyo kuwo aan wax dhibaato ah soo gaarin.

Ciidamadan joogey Degmada ayaa markii ay arkeen in ay  yimaadeen kuwii hore iyo kuwo lagu soo kabay ayaa dadkii deegaanka kula kaceen falal ka baxsan bani’aadanimada, waxayna sameeyeen in dadka ay tilmaamaan islamarkaana dadka qaarkood lagu jir dilay, halka aniga uu isoo tilmaamey mid ka mid ah kuwii dhaawaca ahaa oo ay badbaadiyeen dadka deegaanka, wuxuuna igu soo eedeeyey inaan sawiro ka qaadey dadkii dhintey iyo kuwii dhaawaca ahaa, balse ilaahey baa markii horeba iiga digey, aniguna waxaan kaashanayey aqoonta aan u leeyahay dhinaca Militeriga iyo xaalada dalka uu marayo.


Baabuurtan waxaa saaran raashiin Hay'ada WFP u qaybinaysay dadkii taagta darnaa
oo lala sugaayey in ay ilaaliyaan Ciidamada Militeriga ee Diinsoor, islamarkaana ku qabsadey dagaalka..

Ciidamadaan joogey degmada Diinsoor waxay u muuqdeen kuwo aasaya Nidaamkii dalka iyo dadka Soomaaliyeed uu lahaan jirey, islamarkaana waxay shaacinayeen Nidaam derida iyo fowdada, halkii laga rabey inay soo celiyaan in ka badan 17-Sano  Nidaamkii iyo kala dambeyntii luntey.

Guntii iyo gebagebadii akhristoow waxaa wax lala yaabo ah kuwa ku amarku taagleynaya shacabka Soomaaliyeed in ka badan 17-sano, islamarkaana sheeganaya mas’uuliyada waxa dhacaya, kuna faanaya in ay bur buriyeen kuwii ka soo horjeedey, haku waana qaataan dhacdadan sida dhabta ah  u dhacdey, islamarkaana uu ilaahay arkaayo wax kasta oo ruux walba sameeyo, lagana gudaayo wixii dambi ah ee uu galay, hana moodin inaad adiga guul heshey ama sida lagaaga guuleystey ay hawshu kusoo gebageboobeyso, balse ma tahay ruux kuwaano qaadanaaya wixii uu soo marey, waxa hadda uu ku jiro sidii uu uga bixi lahaa, ulana qabsan lahaa waxa soo socda, laakiin haddii ay taasi waano kuu noqonweyso ogoow in markaaga lagu dhahaayo ugu yaraan “soco shacabka ayaad ka mid tahaye, haddii kale……!!!.” 

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) SomaliTalk Baydhabo.
fatxumaalik@hotmail.com , fatxumaaliky@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 15, 2008

oilPuntland oo Wada Dastuur Cusub oo Xasaasi ah....?
Waxaa beryahan Puntland si xawli ah uga socda qorshe ballaaran oo ay madaxda Puntland ku doonayaan in ay ku dhaqan geliyaan "Dastuur Cusub ee Puntland" loo sameeyo 2008. Dastuurkaas oo u muuqda mid si cad u kala faquuqaya Soomaalida, gaar ahaan xagga... Akhri...


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com