SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet Daabaco Boggan | Print


AFRICOM iyo Qaaradda Afrika: Welwelka Afrikaanku ka Qabaan saldhigga Militari ee AFRICOM Akhri...


oilPuntland oo Wada Dastuur Cusub oo Xasaasi ah....?
Waxaa beryahan Puntland si xawli ah uga socda qorshe ballaaran oo ay madaxda Puntland ku doonayaan in ay ku dhaqan geliyaan "Dastuur Cusub ee Puntland" loo sameeyo 2008. Dastuurkaas oo u muuqda mid si cad u kala faquuqaya Soomaalida, gaar ahaan xagga...
Akhri...

  • Xaalada Suuqa Bakaaraha Oo Maanta Degan Kadib Bililiqo Loo Gaystay Maalmihii Nasoo Dhaafay.
  • Meydka Labo Haween ah Oo Maanta Laga Helay Agagaarka Isbitaalkii Hooyada Iyo Dhalaanka Ee SOS.
  • Masuuliyiin ka Tirsan Dowlada FKMG Oo Xilalkoodii Iska Casiley Kadib Markii Ay Hanjabaadyo kaga Yimaadeen Kooxaha Dowlada Kasoo Horjeeda.

Xaalada Suuqa Bakaaraha Oo Maanta Degan Kadib Bililiqo Loo Gaystay Maalmihii Nasoo Dhaafay.

Xaalada Suuqa Bakaaraha ayaa Maanta (Maarso 4, 2008) Degan Kadib markii Maalmihii nasoo dhaafay ay ciidamada dowlada KMG ahi u gaysteen Bililiqo xoogan oo ay meelaha qaarkood ka rarteen alaabtii Ganacsi ee taalay ee ay lahaayeen dadka shacabka ah ee ka Gancsanayey suuqasi.

Suuqa weyn ee bakaaraha oo ah meelaha Ganacsi ee ugu waaweyn dalka soomaaliya ayaa laga dheehanayaa maanta Xaaladii uu ku jiray labadii maalmood ee ugu dambeeyey iyadoo aaed meelaha qaarkod ku arkayso rasaasta madaafiicda iyo tan kaleba oo ay ciidsamad adowladu albaabada ku jebiyeen islamrkaana sida la sheegay ay ku rarteen gawaarida dagaalka ee ay wateen .

Dhinaca kale Dadka fara ku tiriska ah ee ay hantidoodii u badbaaday ayaa maanta laga dheehanayaa suuqaasi inay ka baxayaan iyadoo laga cabsi qabo inay mar kale kusoo laabtaan ciidamada dowlada KMG ahi oo ay ka qaataan waxa ay haystaan .

Waxaa soo kordhaya cabsida iyo wel welka kasoo baxaya ganacsatada gobolka banaadir oo xiligan gashay xaalad murugo leh islamrkaana aysan jirin cid uga aabe yeelaysa hantidooda iyo dhaca loo gaysanayo islamrkaana ma jiraan cid ilaa iminka ka hadahay dhacan ay gaysanayaan ciidamada dowlada KMG ah marka laga reebo Hadalkii uu dhowaan ugu tacsiyeeyey dhaca suuqa bakaaraha raysalwasaaraha dowlada oo aysan jirin wax qabad ah oo kasoo baxay .

Xaalada suuqa bakaaraha ayaa kusoo beegmaysa xili ay xukuumada Raysal wasaare Nuur cadde ay dhowaan hadal kasoo saareen ay doonayaan in ciidamada dowlada laga dulqaado suuqaasi waloow ay taasi noqotay mid dhicisoowday islamrkaana ay socdaan weli dhaca iyo boobka loo gaysanayo dadka shacabka ah .

Meydka Labo Haween ah Oo Maanta Laga Helay Agagaarka Isbitaalkii Hooyada Iyo Dhalaanka Ee SOS.

Meydka labo Haween ah ayaa saaka lagu arkay agagaarka isbitaalka Hooyada iyo dhalaanka ee SOS ee degmada Huriwaa ee magaalada muqdisho .

Meydadkan labada Haween ah oo ahaa kuwo da,yar ah oo lagu qiyaasi karo ilaa 20sano ilaa 22-sano ayaa ahayd goobta ay yaalaan meelo mudooyinkanba aysan jirin cid deganayd kadib markii ay iskaga barkaceen dadkii shgacabka ahaa ee deganaa Dagaalada u dhexeeya xoogaga wax iska caabinta iyo ciidamada dowlada iyo Ethiopia .

Ma cada sababta iyo Cida ka dambaysa dilkan labada gabdhood ee meeydkooda laga helay agagaarka isbitaalka SOS .

Maaha markii ugu Horasay ee meyd noocan oo kala ah laga helo meelaha qaxa looga maqan yahay asbuucii nasoo dhaafay Horaantiisii ayay ahayd markii meydkiisa laga helay Nin oday ah xaafada Towfiiq ee degmada yaaqshiid kaasoo sida la sheegay ay dileen ciidamada xukuumada Ethiopia .

Masuuliyiin ka Tirsan Dowlada FKMG Oo Xilalkoodii Iska Casiley Kadib Markii Ay Hanjabaadyo kaga Yimaadeen Kooxaha Dowlada Kasoo Horjeeda.

Tirada masuuliyiinta xilka iska Casilaya ayaa dhowaanahanba isa soo tarayey kuwaasoo qaarkood ay ka cabsi qabaan Dil ay u gaystaan kooxaha dilalka qorsheysan ka gaysta magaalada muqdisho oo la sheegay in ay telefoono kula hadleen islamarkaana Hanjabaadyo u gaystay .

Gudoomihii Xaafada kaawo Godey ee degmada kaaraan Warsame Cali Macow ayaa ku dhawaaqay inuu xilkiisa iska casiley kadib markii uu saxaafada ka sheegay inay hanjabaadyo kasoo gaareen kooxaha dilalka qorsheysan ka sameeya caasimada islamrkaana uusan maanta waxii ka dambeeya xil u hayn dowlada islamrkana uusan aqoonsanayn waa siduu hadalka u dhigaye .

Sidoo kale, Xaliimo Ubax oo aheyd guddoomiyihii Laanta Dayax ee degmada Kaaraan ayaa ku dhawaaqday iney xilkaasi iyana iska casishay, oo iyana ay sheegtay inay wixii maanta ka dambeeya aysan xili u hayn dowlada iyo degmadaba islamrkaana ay sheegtay inay hanjabaadyo ka heshay kooxahan dadka qaarajiya .

Maaha markii ugu Horaysay oo sidan oo kale xaalad Cabsiyi ku jirto ay xilalkii ay dowlada u hayeen ay iskaga casileen kadib markii telefoonada No, numbarka loo yaqaano laga soo wacay islamrkaana ay wel wel walaac Naftooda ah ku abuurmay Horey ayaa waxa isku casilay tiro aad u fara badan oo ka tirsan mas’uuliiyinta laamaha iyo kuwa waaxyaha degmooyinka Gobolka Banaadir taasoo sii wiiqaysa howlihii ay dowladu ka haysay Gobolka banaadir oo u muuqda kuwo looga awood roonaaday dowlada .

yaasiin maxamed faytin

yaasiinfaytin@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Maarso 4, 2008

oilPuntland oo Wada Dastuur Cusub oo Xasaasi ah....?
Waxaa beryahan Puntland si xawli ah uga socda qorshe ballaaran oo ay madaxda Puntland ku doonayaan in ay ku dhaqan geliyaan "Dastuur Cusub ee Puntland" loo sameeyo 2008. Dastuurkaas oo u muuqda mid si cad u kala faquuqaya Soomaalida, gaar ahaan xagga... Akhri...

bosaso

hargeysaSomaliland oo Xaqiijisay in Xiriir Dhexmaray Shirkadda Batroolka ee Lundin Oil: Waa maxay xiriirka ka dhexeeya Lundin iy Africa oil Akhri

DEKEDDA BOOSAASO OO AY KU SOO FOOL LEEYIIN LABO DOONYOOD OO HUB SIDA....

Doonyahaas oo hubka ka soo raraya dalka Yemen ayaa waxaa wararku tibaaxeen in ay.... Akhri...

yusuf vs Nuur CaddeMa Dhabaa In Khilaaf  Soo Kala Dhex Galay Madaxweynaha DFKMG Yuusuf Iyo Raysal Wasaare Nuur Cadde...

Booliiska Federaalka Australia oo Baaritaan Xooggan ku haya Shirkado Macdanta ka Baarta Dunida Saddexaad.. Akhri...

Cali Maxamed Geeddi oo Lacagtii uu Qaatay Guri kaga iibsadey Los Angeles, USA.. Jariidada The Independent ayaa shaaca ka qaaday in magangelyo USA laga siiyey Geeddi oo uu... Akhri

nuur caddeKulan Ku Saabsan Batroolka oo Addis Ababa uga socda Yusuf, Cadde Muuse & Nuur Cadde: G/Sare Nuur Cadde Ma aqbali Doonaa heshiiska Range iyadoo aan Baarlamaanka Baydhabo ansixin Sharciga Batrool DFKMG.. Akhri...

cise dholawaaWaraysiyo Ku saabsan Qaraxyadii ka dhacay Boosaaso: Raadiyaha Australia ee SBS ayaa waraysi ku saabsan qaraxyadii Boosaaso waxa uu la yeeshay Maamulaha Cisbitaalka Boosaaso, duqa Magaalada Boosaaso iyo tifatiraha wargeys ka soo baxa Boosaaso... Guji

oilShirkadihii Shiidaalka oo Maalgelin toos ah ku samaynaya Cabudhinta Shacabka Puntland. Warbixinta ka akhri halkan...

Sawiro: Bannaanbaxii ugu weynaa oo ka dhacay London, UK Jan 16, 2008


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com