SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet Daabaco Boggan | Print


AFRICOM iyo Qaaradda Afrika: Welwelka Afrikaanku ka Qabaan saldhigga Militari ee AFRICOM Akhri...


oilPuntland oo Wada Dastuur Cusub oo Xasaasi ah....?
Waxaa beryahan Puntland si xawli ah uga socda qorshe ballaaran oo ay madaxda Puntland ku doonayaan in ay ku dhaqan geliyaan "Dastuur Cusub ee Puntland" loo sameeyo 2008. Dastuurkaas oo u muuqda mid si cad u kala faquuqaya Soomaalida, gaar ahaan xagga...
Akhri...

  • Xoogaga Al-shabaab Oo Mudo Sadex Maalmood Ah Gacanta Ku Haya Degmada Waajid Ee Gobolka Bakool.
  • Raysal Wasaare Nuur Cadde Oo Ku Jaahwareersan Xaalada Suuqa Weyn Ee Bakaaraha Kadib Dacwooyin Kasoo Gaaraya Ganacsatada

Xoogaga Al-shabaab Oo Mudo Sadex Maalmood Ah Gacanta Ku Haya Degmada Waajid Ee Gobolka Bakool.

Wararka laga helayo degmada waajid ee gobolka bakool ayaa sheegaya inay magaaladaasi gacanta ku hayaan xoogaga dhaq dhaqaa Al-shabaab mudo sadex maalmood ah oo ay halkaasi kala wareegeen ciidamo ka tirsanaan dowlada FKMG islamarkaana halkaasi ka fuliyeen Howlgalo ay ku sifaynayaan ciidamada dowlada taageersan ee ay dagaalka kula jireen.

Xoogagan Al-shabaab ee la wareegay magaaladaasi Waajid ayaa Fuliyey Howlgalo ay ku qaadayaan jidgooyada loo yaqaano Isbaarada taasoo ay ciidamada dowladu ku qaadan jireen Lacagaha baada ah ee dadka shacabka ah iyo Gawaarida laga qaado .

Sidoo kale Xoogaga dhaq dhaqaaqa Alshabaab ayaa waxaa si weyn ugu Riyaaqay islamrkaana soo dhoweeyey dadka shacabka ah ee ku nool deegaankaasi kadib markii ay fuliyeen qaadista isbaarooyinka ay ciidamada dowladu lacagta baada ah ku qaataan oo dhibaato ba,an ku haysay shacabka degan deegaankaasi .

Maadeey isaaq oo kamid ah dadka deegaanka ah ayaa saxaafada u sheegay inay aad ugu farxeen kadib markii ay ciidamada dowlada KMG ah lagala wareegay halkaasi islamrkaana tilmaamay inay Durba ka qaadeen Xoogaga alshabaabku isbaarooyinkii iyo dhibaatadii ay ku hayeen ciidankasi waa siduu hadalka u dhigaye .

Maaha markii ugu Horaysay ee xoogaga lagu magacaabo Alshabaab ee kasoo Horjeeda dowlada FKMG iyo Ciidamada shisheeye ay la wareegaan Deegaano ka tirsan Gobolada bay iyo bakool taasoo ay dhowaan la wareegeen gacan ku haynta degmada diinsoor islamrkaana saacado kadib iskaga baxeen kadib markii ay ku wareejiyeen shacabka reer diinsoor islamrkana ku booriyeen inay iska eryaan waxa ay ku Tilmaameen gaala raaca oo ay ula jeedeen ciidamada dowlada FKMG soomaaliyeed.

Raysal Wasaare Nuur Cadde Oo Ku Jaahwareersan Xaalada Suuqa Weyn Ee Bakaaraha Kadib Dacwooyin Kasoo Gaaraya Ganacsatada

Warar Hosaadyo laga helayo xafiiska raysal wasaaraha dowlada FKMG soomaaliya Nuur xasan xuseen (nuur cadde ) ayaa sheegaya inay soo gaarayaan dacwooyin ka dhanka ah saraakiisha ciidamada dowlada FKMG ee ku hareeraysan suuqa ganacsiga ee bakaaraha tasoo ay gaysteen maalmihii ugu dambeeyey dhac iyo boob ay u gaysanayaan Ganacsatada suuqa bakaraha .

Dacwadan ay u gudbiyeen ganacsatada iyo shacabka Col, nuur cade ayaa waxaa weheliya sida ay wararku sheegayaan talooyin ku aadan maamulka sare ee saraakiisha ciidamada dowlada soomaaliyeed taasoo raysal wasaraha lagula taliyey inuu bedelo Hogaanka sare ee ciidanka iyadoo ay u sababaynayaan in dhac ,boob iyo weliba dil ay u gaysanayaan ciidamada dowladu islamrkaana aysan jirin cid ka hadlaysa ama ku amraysa inay joojiyaan.

Sidoo kale Raysal wasaaraha DFKMG nuur cadde ayaa la sheegay inuu aad ugu jaahwareersan yahay talooyinka iyo dacwooyinka kasoo gaaraya dhinaca shacabka taasoo sida wararku tibaaxayaana uu u Gudbiyey madaxweynaha dowlada C/laahi yuusuf axmed .

Dhinaca kale wada hadalo dhowr jeer ah oo ay isku soo Hor fariisteen madaxweynaha iyo raysal wasaaruhu ayaa noqday kuwo aan miro dhal noqon taasoo loo sababaynayo is af garanwaa xaga dacwooyinka dadka shacabka ka imaanaya oo uu madaxweynuhu Gaashaanka ku dhuftay inaysan waxba ka jirin .

Col, nuur cadde oo raysal wasaaranimo loo doortay mudo laga joogo mudo bilo ah ayaa la jaahwareersan xaalada cakiran ee magaalada muqdisho gaar ahaan dhaca iyo Boobka loo gaysanayo dadka shacabka ah ee ku nool caasimada Muqdisho.

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Maarso 5, 2008

oilPuntland oo Wada Dastuur Cusub oo Xasaasi ah....?
Waxaa beryahan Puntland si xawli ah uga socda qorshe ballaaran oo ay madaxda Puntland ku doonayaan in ay ku dhaqan geliyaan "Dastuur Cusub ee Puntland" loo sameeyo 2008. Dastuurkaas oo u muuqda mid si cad u kala faquuqaya Soomaalida, gaar ahaan xagga... Akhri...

bosaso

hargeysaSomaliland oo Xaqiijisay in Xiriir Dhexmaray Shirkadda Batroolka ee Lundin Oil: Waa maxay xiriirka ka dhexeeya Lundin iy Africa oil Akhri

DEKEDDA BOOSAASO OO AY KU SOO FOOL LEEYIIN LABO DOONYOOD OO HUB SIDA....

Doonyahaas oo hubka ka soo raraya dalka Yemen ayaa waxaa wararku tibaaxeen in ay.... Akhri...

yusuf vs Nuur CaddeMa Dhabaa In Khilaaf  Soo Kala Dhex Galay Madaxweynaha DFKMG Yuusuf Iyo Raysal Wasaare Nuur Cadde...

Booliiska Federaalka Australia oo Baaritaan Xooggan ku haya Shirkado Macdanta ka Baarta Dunida Saddexaad.. Akhri...

Cali Maxamed Geeddi oo Lacagtii uu Qaatay Guri kaga iibsadey Los Angeles, USA.. Jariidada The Independent ayaa shaaca ka qaaday in magangelyo USA laga siiyey Geeddi oo uu... Akhri

nuur caddeKulan Ku Saabsan Batroolka oo Addis Ababa uga socda Yusuf, Cadde Muuse & Nuur Cadde: G/Sare Nuur Cadde Ma aqbali Doonaa heshiiska Range iyadoo aan Baarlamaanka Baydhabo ansixin Sharciga Batrool DFKMG.. Akhri...

cise dholawaaWaraysiyo Ku saabsan Qaraxyadii ka dhacay Boosaaso: Raadiyaha Australia ee SBS ayaa waraysi ku saabsan qaraxyadii Boosaaso waxa uu la yeeshay Maamulaha Cisbitaalka Boosaaso, duqa Magaalada Boosaaso iyo tifatiraha wargeys ka soo baxa Boosaaso... Guji

oilShirkadihii Shiidaalka oo Maalgelin toos ah ku samaynaya Cabudhinta Shacabka Puntland. Warbixinta ka akhri halkan...

Sawiro: Bannaanbaxii ugu weynaa oo ka dhacay London, UK Jan 16, 2008


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com