SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Kooxo ciyaartooyda kubbada cagta oo Soomaaliyeed, kubbada ugu xeeldheer ayaa kasoo ifbaxay dalka K/Afrika.

Ciyaar Xiiso leh , oo aad loogu riyaaqay ayaa galabta dhexmartay labbo kooxood oo ka kala socdey magaalooyinka Johannesburg iyo Rustenburg, ciyaarta oo ka dhacday garoon ku yaala Johannesburg ayay guushu raacday kooxdii marti galinta lahayd. Hase yeeshee hardanku ma aheyn mid si sahal ah guul lagu xayuubsan karay.

Waxay aheyd ciyaar ku bilaabatay dardar , weerar iyo difaac adag oo hadba kooxaha midba mida kale hardanku uu ahaa mid aan kala dhicin oo hadba koox fooda la darayay, ciyaarta oo aan 10 daqiiqo socon ayay kooxda Rustenburg la timid gool aan sidaa usii xiiso badneyn, oo xittaa dadka qaarkood ee daawanayay eey garan waayeen goorta uu dhashaya, waayo sidii loo arkayay kubaddii oo dibadda u baxday, ayaa misane lagu baraarugey gool dhashay iyo gansooraha oo firimbiga ka dhawaajinaya. Inta eeysanba 8 daqiiqo kasoo wareegin ayaa waxaa kooxda Johannesburg eey la timid hal gool, oo laakiin gool ku laad ahaa (Penalty shoot-out). Oo uu laaday Ciyaaryahan Zakariye Cabdi. Ciyaartu markii eey socotay ilaa nusa saac ayaa markale waxaa gool layaab leh Johannesburg u dhaliyey Xidiga Maxamed Saalax, goolkani oo ahaa mid cajiib ah oo aan is iri malaha isaga oo kale ciyaarta lagama dhalin doono, ayaa si weyn usoo jiitey dareenka daawadayaasha oo xittaa haween eey ka mid ahaayeen.

Wareegii hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaaday 2-1 oo kooxda Johannesburg eey wali hormuudka tahay, dhowr daqiiqo oo lakala nastey ka dib ayaa wareegii labaad dib la’isu soo noqdey, iyadoo kooxda Johannesburg eey garoonka soo galisey ciyaaryahano cusub, halka Rustenburg eeysan wax badan ka badalin ciyaartooydooda. Wareega labaad inta uusan qadar daqiiqado ah socon ayaa waxaa gool kale shabaqa kaga gilgiliyey xidiga caanka ah ee lagu magacaabo Sadiiq oo kooxda Johannesburg ugu dheela nambarka 7-aad, kaasi waa goolkii 3 aad oo Johannesburg u dhasha, halka kooxda kale eey wali hal gool lahayd, hase yeeshee kooxda Rustenburg ayaa lasoo kacday dardar hor leh, oo kubaareysey goolka Johannesburg, waxaa jirey fursado gool loo filan karay oo laakiin beeldaro ka noqdey kooxda Rustenburg. Ciyaaryahanka dhalinyarada cuslaatay ah ee weerarka oga dhela kooxda Rustenburg C/eaxmaan Ukun ayaa laad cajiib ah, oo tiiro gaaban ahaa, goolna loo filan karay waxaa ka dalfiyey mid ka mid ah kooxdiisa. Nasiib wanaag kooxda Rustenburg Ayaa gool haboon oo la yaqaano la timid daqiiqado kadin, waxaana u dhaliyey ciyaaryahay isuga ah dhalinyarada cuslaatay oo magaciisa aan kusoo koobi karro Cafaare, goolkaasi ayuu sacab baddan u dhacay si weyne loogu riyaaqay, waxaana la arkayay ciyaaartooyda oo si weyn ugu dabaaldagaysa goolka dhashay.

Daqiiqadihii ugu dambeeyey ayaa kooxda Rustenburg waxa eey aheyd mid camimtey ciyaarta, una muuqatay in eey lasoo baxday adimo hor leh iyo awood qarsooneyd. Hase yeeshee uma eeysan suuro galin in wax gool dheeraad ah oo ugu yaraan barbar dhac kala dhiga kooxda kale eey la yimaadaan. Ciyaartana waxa eey ku dhamaatay Johannesburg 3-2 Rustenburg.

Hase yeeshee ma aheyn ciyaar buuq iyo qilaaf mid eey ka marnaayeen, waxaa dhacday in ugu yaraan rubuc saac la hakiyo ciyaarta, kadib markii feer iyo laad eey isla dhaceen labbo ciyaartooy oo ciyaarta isku maandhaafay, waxaase taasi ka darnaadey ciyaartooydii kale oo iyaguna damcey in eey .dagaalka qeyb ka galaan, waxay aheyd rubuc saac eey socotey ruwaayad yar oo aad moodey in isbartiibo buujimo ah la daawanayo, haddii eeysan daawadayaasha iyo mas’uuliyiin joogtey aheyna, xaalku faraha ayuu ka bixi lahaa, waxaan arkayay tababaraha koox kooxaha ka mid ah oo ciyaartooyda ku amraya in eey ciytaarta joojiyaan, garoonkana isaga tagaan, hase yeeshee eey ka amar diideen ciyaartooydii, wuxuuna ahaa isla tababarahaasi ninkii sinaba aan ugu qanacsanayn sida eey ciyaarta u socotey oo la arkayay isaga oo cod dheer ugu qeylinaya Garsoore Axmed C/di oo dulqaad fara badani ka muuqdey. Waxaase jirtey eedeyn garsooraha loosoo jeediyey oo macquul u muuqatay, waxay aheyd in uusan garoonka ka saarin ciyaartooygii dagaalamay. Inta eey ciyaarta socotay labbo ciyaartooy ayaa ka dhaawacmey kooxda Rustenburg. Walow dhaawacyada eey fududaayeen.

Kasokow dagaalka iyo buuqa dhacay, dhanka kale ciyartooyda waxay ahaayeen kuwa is ciyaar yaqaana, oo isla heleyay kubbadda. Isla markaana marar badan is balansaday oo si joogto ahna ciyaaro noocaan oo kale ah isaga hotyimid..

Tani waa astaan wanaagsan, oo dhiiro galineysa in dhalintu eey helaan waxyaalo eey ku madadaashaan, isla markaasna isku bartaan, is dhexgalkana fududeyn karta, ciyaaraha waa manda’a kaliya ee aan diini aheyn, ee aduunka ka jira ee dadka walaaleyn kara, is dhexgalkana ka shaqayn kara, walow xamaasada ka dhalata eey dhaliso gacan qaad iyo isku dhac.. dhalinyaradani maanta ciyaareysay waxay uun tiro jajab ah ka yihiin, kumanaanka dhalinyaro ee maaliinkasta lagu dilo tuulooyinka dalkani ee ay nolol maalmeedka ka raadsanayaan.

C/nasir Saxansoxo. Johannesburg. Tell: +27767059384. Email: saxansoxo1@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 11, 2008

:::Booqo Bogga Sawirada (somalitalk.slide.com)

oilPuntland oo Wada Dastuur Cusub oo Xasaasi ah....?
Waxaa beryahan Puntland si xawli ah uga socda qorshe ballaaran oo ay madaxda Puntland ku doonayaan in ay ku dhaqan geliyaan "Dastuur Cusub ee Puntland" loo sameeyo 2008. Dastuurkaas oo u muuqda mid si cad u kala faquuqaya Soomaalida, gaar ahaan xagga... Akhri...

bosaso

hargeysaSomaliland oo Xaqiijisay in Xiriir Dhexmaray Shirkadda Batroolka ee Lundin Oil: Waa maxay xiriirka ka dhexeeya Lundin iy Africa oil Akhri

DEKEDDA BOOSAASO OO AY KU SOO FOOL LEEYIIN LABO DOONYOOD OO HUB SIDA....

Doonyahaas oo hubka ka soo raraya dalka Yemen ayaa waxaa wararku tibaaxeen in ay.... Akhri...

yusuf vs Nuur CaddeMa Dhabaa In Khilaaf  Soo Kala Dhex Galay Madaxweynaha DFKMG Yuusuf Iyo Raysal Wasaare Nuur Cadde...

Booliiska Federaalka Australia oo Baaritaan Xooggan ku haya Shirkado Macdanta ka Baarta Dunida Saddexaad.. Akhri...

Cali Maxamed Geeddi oo Lacagtii uu Qaatay Guri kaga iibsadey Los Angeles, USA.. Jariidada The Independent ayaa shaaca ka qaaday in magangelyo USA laga siiyey Geeddi oo uu... Akhri

nuur caddeKulan Ku Saabsan Batroolka oo Addis Ababa uga socda Yusuf, Cadde Muuse & Nuur Cadde: G/Sare Nuur Cadde Ma aqbali Doonaa heshiiska Range iyadoo aan Baarlamaanka Baydhabo ansixin Sharciga Batrool DFKMG.. Akhri...

cise dholawaaWaraysiyo Ku saabsan Qaraxyadii ka dhacay Boosaaso: Raadiyaha Australia ee SBS ayaa waraysi ku saabsan qaraxyadii Boosaaso waxa uu la yeeshay Maamulaha Cisbitaalka Boosaaso, duqa Magaalada Boosaaso iyo tifatiraha wargeys ka soo baxa Boosaaso... Guji

oilShirkadihii Shiidaalka oo Maalgelin toos ah ku samaynaya Cabudhinta Shacabka Puntland. Warbixinta ka akhri halkan...

Sawiro: Bannaanbaxii ugu weynaa oo ka dhacay London, UK Jan 16, 2008


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com