SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Ururka Lasqorey Concern oo mashaariic ka fuliyay Gobolka Sanaag...

Sawirada halkan ka daawo....

Warbixin:- Ururka caalamiga ah ee Lasqorey Concern ayaa mashaariicdii ugu badnayd ka fuliyay Gobolka Sanaag, Ururkaasi ayaa inta badan waxa uu u olaleeyaa Horomarinta Caafimaadka iyo waxbarshada,iyaga oo Deegaano badan oo hoos yimaada Gobolka ka fuliyay Mashaariic fara badan, waxa ka mid ah goobaha uu Ururkaasi ka fuliyay Magaalada Dur Duri ee ku taala Xeebta Sanaag.

Lasqorey concern waxaa la asaasay sanadii 2005 bishii December, ururku waxaa uu ka shaqaynayey laga soo bilabo wakhtigaa deegamada PUNTLAND khaas ahaan Gobolka Sanaag.

Qalabkii ugu horeeyey ee ururku ku shaqo galo waxaa ku deeqay wiil Somali ah oo ku nool wadanka Emirate ka arabta. Hadii aan nahay shaqaalaha ururka LQC waxaa nasiib wanaag noo ah in aan mahad balaaran u diro wiilkii ku deeqay qalabkii ugu horeyey ee lagu shaqo bilaalbo oo magiciisa la dhoho FAYSAL AHMED YUSUF (HAWAR) oo ku nool Dubai wadanka emirate ka arabta

Hooyiinka Qaarkood ayaa Ururka Lasqorey Concern waxa uu tababar dheeraad ah ku siiyaa sidii ay u Karin lahaayeen Cunto Nadiif ah oo isu dheeli tirin dhanka faytamiinka marka .

Hooyiinka Qaarkood ayaa Ururka Lasqorey Concern waxa uu tababar dheeraad ah ku siiyaa sidii ay u Karin lahaayeen Cunto Nadiif ah oo isu dheeli tirin dhanka faytamiinka marka la eegayo.

Waxa Siminaaro badan oo uu Ururka Lasqoray Concer u qabtay Bulshada rayidka ah kuwaasi oo inta badan lagu wacyi galiyo inay ka shaqeeyaan Nabada.

Hadaan dib u yara milicsano wax yaalaha uu qabtay Uruka Caalamiga ah ee Lasqoray Concern waxa ka mid ah.

  • Barnaamijyada uu fulieyey ururku waxaa ka mid ah
  • Workshop ku saabsan Naas nuujinta iyo cunada nafaqada leh
  • Bali-busle oo aan ka dhisnay school tent iyo qalabkiisa sida buugaag,kuraas iyo miisas
  • Dayactir ka shan ceel oo ku yaala Sanaag
  • Wacyi-gelinta iyo Qaybinta malaria nets
  • Wacyi-gelinta cholera/shuban biyoodka
  • Kormeer ay ku mareen meelo badan oo ka mid ah Sanaag si aan u ogaano xaalada caafimaad,waxbarasho iyo biyood.

Jaamac Ayaanle Feyte
Somalitalk.com
Bosaso
Feyte37@hotmail.com Faafin: SomaliTalk.com | March 11, 2008

:::Booqo Bogga Sawirada (somalitalk.slide.com)

oilPuntland oo Wada Dastuur Cusub oo Xasaasi ah....?
Waxaa beryahan Puntland si xawli ah uga socda qorshe ballaaran oo ay madaxda Puntland ku doonayaan in ay ku dhaqan geliyaan "Dastuur Cusub ee Puntland" loo sameeyo 2008. Dastuurkaas oo u muuqda mid si cad u kala faquuqaya Soomaalida, gaar ahaan xagga... Akhri...

bosaso

hargeysaSomaliland oo Xaqiijisay in Xiriir Dhexmaray Shirkadda Batroolka ee Lundin Oil: Waa maxay xiriirka ka dhexeeya Lundin iy Africa oil Akhri

DEKEDDA BOOSAASO OO AY KU SOO FOOL LEEYIIN LABO DOONYOOD OO HUB SIDA....

Doonyahaas oo hubka ka soo raraya dalka Yemen ayaa waxaa wararku tibaaxeen in ay.... Akhri...

yusuf vs Nuur CaddeMa Dhabaa In Khilaaf  Soo Kala Dhex Galay Madaxweynaha DFKMG Yuusuf Iyo Raysal Wasaare Nuur Cadde...

Booliiska Federaalka Australia oo Baaritaan Xooggan ku haya Shirkado Macdanta ka Baarta Dunida Saddexaad.. Akhri...

Cali Maxamed Geeddi oo Lacagtii uu Qaatay Guri kaga iibsadey Los Angeles, USA.. Jariidada The Independent ayaa shaaca ka qaaday in magangelyo USA laga siiyey Geeddi oo uu... Akhri

nuur caddeKulan Ku Saabsan Batroolka oo Addis Ababa uga socda Yusuf, Cadde Muuse & Nuur Cadde: G/Sare Nuur Cadde Ma aqbali Doonaa heshiiska Range iyadoo aan Baarlamaanka Baydhabo ansixin Sharciga Batrool DFKMG.. Akhri...

cise dholawaaWaraysiyo Ku saabsan Qaraxyadii ka dhacay Boosaaso: Raadiyaha Australia ee SBS ayaa waraysi ku saabsan qaraxyadii Boosaaso waxa uu la yeeshay Maamulaha Cisbitaalka Boosaaso, duqa Magaalada Boosaaso iyo tifatiraha wargeys ka soo baxa Boosaaso... Guji

oilShirkadihii Shiidaalka oo Maalgelin toos ah ku samaynaya Cabudhinta Shacabka Puntland. Warbixinta ka akhri halkan...

Sawiro: Bannaanbaxii ugu weynaa oo ka dhacay London, UK Jan 16, 2008


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com