SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Indhoolayaasha Dugsiga Al-Nuur oo la gaarsiiyey Deeq Lacageed

Waxaa maalintii shaleyd ahayd [March 14, 2008] Dugsiga Indhoolayaasha Al-Nuur ee Magaalada Muqdisho la gaarsiyey Deeq lacageed oo ay soo dhiibeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Norwey gaar ahaan Gobolka Keristian Sands

Deeqdaan oo ay isku soo dubarideen Gabdho soomaaliyeed ee ku nool Gobalkaas oo ay horkacaysey Xaliimo Maxamed Weheliye , waxaa Deeqdaas loo soo marsiiyey Shirkadda Dahabshiil waxaana wakiil uga ahaa Maxamed Ibraahiim Cilmi(Jirdde)

Deeqdaan oo ka koobneyd Lacaga gaareysa 10Milyan shilin soomaali ayaa waxaa ka gudoomey Maamulaha Dusiga indhoolayaasha Al-Nuur Cabdi fitaax Maxamed Daahir wuxuuna isagana u mahadceliyey intii isku soo howshey Deeqdaas lacageed oo ay ugu horeeyaan Jaaliyada Norwey wuxuuna si gaar ah uga mahadceliyey Xaliimo Maxamed Weheliye isagoo Ilaah uga baryey in uu mid ka khayr badan ugu badelo

Waxaa kaloo halkaas ka Hadley Maxamed Ibraahim Jirde oo ku hadlayey Magaca Shirkadda Dahabshiil oo isna u mahadceliyey intii isku soo dubaridey Deeqdaas lacageed wuxuuna u soo jeediyey Jaaliyadaha kale ee soomaaliyeed ee ku nool dibadaha in ay ku daydaan Gabdhahaas oo iyaga gartey in ay kaalmeeyaan Dadka soomaaliyeed ee dhibaateysan

Lacagtaan oo mid mid loo gudoonsiiyey ardeyda wax ka barata dugsiga ayaa waxaa u Hadley ardeyda Cabdikarim Daahir Xuseen oo usoo jeediyey dadka soomaliyeed in gacansiiyaan Ardeyda wax ka barata dugsiga

Waxaa munaasabadii gudoosiinta lacagtaas Xiriirinayey Barqad Cawaale oo isaga isku howley Gaarsiinta lacagtaas

Sidoo kale waxaa ka hadley Canab xuseen Maxamuud oo ku hadleysey magaca waalidiinta oo iyana u mahadcelisey intii soo dhiibtey Sadaqadaas

Hadaba cidii dooneysa in ay kaalmeyso ardaydaas Indhoolayaasha waxay ugu soo hagaajinkaraan

Email dwf@diswelf.org
Web-ka diswelf.org
Tel 002521-5511979
Tel 2525-929781
Tel 2521-218433
Tel 2521-856308
Fax-2521-216370

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 16, 2008

:::Booqo Bogga Sawirada (somalitalk.slide.com)

oilPuntland oo Wada Dastuur Cusub oo Xasaasi ah....?
Waxaa beryahan Puntland si xawli ah uga socda qorshe ballaaran oo ay madaxda Puntland ku doonayaan in ay ku dhaqan geliyaan "Dastuur Cusub ee Puntland" loo sameeyo 2008. Dastuurkaas oo u muuqda mid si cad u kala faquuqaya Soomaalida, gaar ahaan xagga... Akhri...

bosaso

hargeysaSomaliland oo Xaqiijisay in Xiriir Dhexmaray Shirkadda Batroolka ee Lundin Oil: Waa maxay xiriirka ka dhexeeya Lundin iy Africa oil Akhri

DEKEDDA BOOSAASO OO AY KU SOO FOOL LEEYIIN LABO DOONYOOD OO HUB SIDA....

Doonyahaas oo hubka ka soo raraya dalka Yemen ayaa waxaa wararku tibaaxeen in ay.... Akhri...

yusuf vs Nuur CaddeMa Dhabaa In Khilaaf  Soo Kala Dhex Galay Madaxweynaha DFKMG Yuusuf Iyo Raysal Wasaare Nuur Cadde...

Booliiska Federaalka Australia oo Baaritaan Xooggan ku haya Shirkado Macdanta ka Baarta Dunida Saddexaad.. Akhri...

Cali Maxamed Geeddi oo Lacagtii uu Qaatay Guri kaga iibsadey Los Angeles, USA.. Jariidada The Independent ayaa shaaca ka qaaday in magangelyo USA laga siiyey Geeddi oo uu... Akhri

nuur caddeKulan Ku Saabsan Batroolka oo Addis Ababa uga socda Yusuf, Cadde Muuse & Nuur Cadde: G/Sare Nuur Cadde Ma aqbali Doonaa heshiiska Range iyadoo aan Baarlamaanka Baydhabo ansixin Sharciga Batrool DFKMG.. Akhri...

cise dholawaaWaraysiyo Ku saabsan Qaraxyadii ka dhacay Boosaaso: Raadiyaha Australia ee SBS ayaa waraysi ku saabsan qaraxyadii Boosaaso waxa uu la yeeshay Maamulaha Cisbitaalka Boosaaso, duqa Magaalada Boosaaso iyo tifatiraha wargeys ka soo baxa Boosaaso... Guji

oilShirkadihii Shiidaalka oo Maalgelin toos ah ku samaynaya Cabudhinta Shacabka Puntland. Warbixinta ka akhri halkan...

Sawiro: Bannaanbaxii ugu weynaa oo ka dhacay London, UK Jan 16, 2008


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com