SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Donald Payne: Al-Qaacida ma joogto Soomaaliya!

March 18, 2008.

Minneapolis, MN – Mudane Donald Payne oo ah Madaxa gudi-hoosaadka Afrika iyo Caafimaadka Guud ee Dunida u qaabilsan Congress-ka Mareykanka ayaa waxuu si qeexan u sheegay ineeysan Soomaaliya joogin wax la yiraahdo Al-Qaacida, Ururkii Midowga Maxaakiimtuna eeysan aheeyn argagixiso.


Mudane Donald Payne waxuu hadalkan jeediyay mar uu ka qaybgalay galabnimadii Isniinta shir loogu magac daray East African Forum kaasoo lagu qabtay Jaamacadda Minnesota.

Donald Payne waxuu qudbadiisa kaga hadlay dhibaatooyinka ka taagan Geeska Afrika kuwaasoo ku tilmaamay ineey masuul ka yihiin hogaamiyayaasha goblka sida midda Tigreega ee Addis Ababa ka amar taagleeysa iyo taageerista qalda ee Aqalka Cad siiyay xukuumadaas. Waan ka soo horjeeday waana diidanahay duulaanka gardarradda ah ee Itoobiya Soomaaliya ku gashay ayuu yiri Mudane Payne.

Waxuu Mudane Donald Payne ku dheeraaday safarkii u ku tagay Geeska Afrika iyo kulimaddii u la soo yeeshay madaxda Kenya, Itoobiya iyo Eritereya iyo siduu ugu dalbaday ineey u hogaansamaan dhowrida xeerarka caalamiga iyo xaquuqda aadanaha. Mudanaha ayaa ka hadlay kulankii uu Asmara kula yeeshay madaxda Ururka Dib-u-Xoreeynta Soomaaliya iyo gaar ahaan madaxa ururkaas Sheekh Sharif Axmed.

Donald Payne ayaa mar uu ka hadlayay Soomaaliya dhibka ka taagan, qiray ineey Maxkamaduhu intii lixda bil aheeyd ee Muqdisho iyo Koofurta Soomaaliya ka talinayeen ee ku guuleeysteen ineey nabadgelyo buuxdo hirgeliyaan. Nasiib daro, qaladaad yar yar baa dhacay kuwaas oo uu sheegay mudanaha in laga qanciyay. Sawir qaldan ayaa laga bixiyay buu yiri qaladaadkaas hasa yeeshee maaha sida loo buunbuuniyay.

Dawladda Ku Meel Gaarka ayuu Mudane Donald Payne ku sheegay ineey ka kooban tahay Qabqablayaashii dagaalka Soomaaliya burburiyay waxuuna sheegay in badan oo iminka isku sheega hogaamiyayaal eey tahay in la horgeeyo maxkamad sidii Milošević-kii Serbia.

Mudanaha ayaa carabaabay inuu jiro qorshe ah in dib loo soo celiyo ururkii maxaakiimta la hishiisiiyo dawladda ku meel gaarka ah intooda aanan gacmahoodu dhiig laheeyn iyo iyaga. Xalka Soomaaliya waxuu ku jiraa Soomaalida oo dhexdeeda ka hishiisa kana hormariya danta qarankooda mida qabiilka iyo is qaybqaybinta ku dhisan jufo jufada hoose ayuu ku booriyay Soomaalidii shirka fadhiday.

Waxuu Mudane Donald Payne ku guubaabiyay soomaalida ineey garato in qabyaalad iyo is qoloqoleeysiga jahliga ah aaneey wax u qaban doonin, dalna u dhisi doonin.

Xiligii Su'aalaha iyo jawaabaha ayaa laga wareeystay arinta gooni-u-istaaga Somaliland, waxuuna Mudane Donald Payne sheegay ineeysan taasi dhici doonin balse Somaliland eey gaartay horumar xagga nabadda iyo is-maamulka loona baahan yahay in Koofurta Soomaaliya ku dayato Somaliland si aaneey u xanibin horumarka Soomaaliya.

Shirkan oo ku dhacay jawi degan kana soo qayb galeen qaybaha kala duwan ee jaaliyaddaha Geeska iyo Bariga Afrika ayaa waxaa warbixino ku saabsan qadiyaddaha dadka dulman sida Soomaalida la barakiciyay , kuwa Ciidanka Itoobiyaanku gowraceeyn, dadka Soomaaliyeed ku dhaqan gobalka Ogaden ee gumeysiga ku jira, kuwa Gambellaha iyo qowmiyadda Oromia.

Mudane Abdulkadir Abdirahman (utah) oo ah madaxa Somali Cause ayaa isna ka hadlay gardarradda iyo duulaanka Itoobiyaanka, dhibaatada lagu hayo shacabka Soomaaliyeed ee masaakiinta ah iyo sida kaliya ee Soomaaliya nabad loogu soo celin karo ineey tahay in Soomaalida loo daayo ka tashiga aayahooda, Itoobiyaankuna ka baxo gebi ahaan cariga Soomaliyeed.

Sidoo kale waxaa halkaas ka hadlay Sheekh Xasan Jaamici, iyo Zainab oo iyagu sheegay ineey dawladda Mareeykanka iyo inta daneeysa arimaha Soomaaliya eeysan iska indha tiring xadgudubka iyo gefefka xaga bini aadan ee loo geeysanayo hooyooyinka, caruurta iyo masaakiinta Soomaaliyeed. Waxeey codsadeeyn in si deg deg ah qaxootiga tabaaleeysan loo gargaaro lagana qabto dagaal oogayaasha iyo ciidamadda Itoobiyaanka ah ee ka hor taagan deeqda cunto ee loo wado in lagu badbaadiyo dadkaas.

Maxamed Saalax ayaa isna ka hadlay sida dadka masaakiinta ah ee gobolka xabashidu gumeeysato ee Ogadeniya xaqooda loogu tunto iyo weli xasuuqa ba'an ee Itoobiya ka wada gobolkaas.


Bidix: Keith Ellison, Donald Payne: Sawirada oo dhan daalaco halkan

Donald Payne waxaa Minnesota ku casuumay Mudane Keith Ellison oo ah ninka u fadhiya Congresska Xaafadda Shanaad ee Minneapolis, si uu warbixin iyo wada tashi ula yeesho jaaliyaddaha kala duwan ee ka soo jeeda Geeska iyo Bariga Afrika ee kuna dhaqan gobolka Minnesota. Keith Ellison ayaa Soomaalida ka codsaday ineey bilaabaan olole eey kaga dalbanayaan madaxda Mareykanka ineey Soomaaliya arinteeda wax ka qabtaan, dadka mareeykanka iyo warbaahintana ka dhaadhiciyaan ineey halaaga iyo naxdinta ka socota Soomaaliya.

Agaasinka Forum-kan waxaa gacan ka geeystay dhowr urur oo Soomaaliyeed sida Somali Cause iyo Somali Action Alliance.

Abdulkadir Mohamed (Ato)
abaadir@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 19, 2008

March 18, 2008: United States Designates Somalia's al-Shabab as a Terrorist Group

laqanyoSoomaali Argaggaxiso ahi ma jirto- Soomaaliya ma joogaan Soomaali Argaggaxiso ah
Sidaas waxaa yiri Safiirkii DFKMG u fadhiyi jirey Itobiya xilligii ay ku duushey somalia
Dhegeysi/Akhri

 

:::Booqo Bogga Sawirada (somalitalk.slide.com)

oilPuntland oo Wada Dastuur Cusub oo Xasaasi ah....?
Waxaa beryahan Puntland si xawli ah uga socda qorshe ballaaran oo ay madaxda Puntland ku doonayaan in ay ku dhaqan geliyaan "Dastuur Cusub ee Puntland" loo sameeyo 2008. Dastuurkaas oo u muuqda mid si cad u kala faquuqaya Soomaalida, gaar ahaan xagga... Akhri...


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com