SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Fayadhowrku: Waa Furaha Xakameynta Daacuunka UNICEF oo ka waremeysa dadaal soo jireen ahaa oo daacuunka looga joojinayo Soomaaliya

20 Maarso 2008: Munaasabadda Maalinta Biyaha Adduunka daraaddeed, ChristianBalslev-Olesen oo ah wakiilka UNICEF ayaa sharxaya xaqiiqada ah – in lagafursan karo in xannuun looga shakiyo daacuun oo soo noqnoqda uu ka dilaacoSoomaaliya. Meertada daacuunka soo noqnoqda waxaa lagu joojin karaa iyadaoo si habboon loo asturo saxarada dadka, adeegsiga musqulaha iyo saabuun kugacmo dhaqashada.

“Tani ma ahan xog cusub,” ayuu yiri Balslev-Olesen, “laakiin waxa aan ubaahanahay in aanu sheegno muhiimaddeeda sababta oo ah sanad kastawaqtiyadaan waxaa Soomaaliya lagu arkaa xaalado looga shakiyo cudurkadaacuunka. Arrinta cusub ilaa hadda waa in tiradii dadka uu ku dhacayey siaad ah ay hoos ugu dhacdey, sababtuna waa dadaalka ay shariikyadeena (partners) kaga gargaaraan in ay bulshadu qodoto musqulo, qabanqaabiyaanololayaal nadaafadeed, kor u qaadaan nadaafadda oo ay hubiyaan in biyaha sijoogta ah loogu daro maaddada koloriin-ta).”

Horraantii 2007, UNICEF iyo shariikyadeeda muhiimka ah waxa ay joojiyeendaacuun weyn oo ka dambeeyey daadadkii iyaga oo bulshada degaanka iyoxarumaha caafimaadka u qaybiyey 35 xirmo oo ah qalabka daacuunka iyo in kabadan 1.5 milyan oo ah milanka fuuq-celinta si loogu daweeyo shubanka.

Haseyeeshee, arrinta guushan lagu gaarey waxa ay ahayn dadaalkiishariikyada UNICEF ay ku siinayeen biyo la cabbo oo nadiif ah dad ka badan230,000 oo daadadku waxyeeleeyeen, iyo koloriin ku daradda ilaa 1,000 ceeloo ku yaalla gobollada koonfureed iyo kuwo dhexe ee dalka iyodhaqan-gelinta olole ballaaran oo lagu dhiirigelinayey nadaafadda iyofayadhowrka kaas oo ay ka faa’iideysteen 180,000 qof. Waxaana guushan siiadkeeyey waa dadaalka sii socdey ee maaddada koloriin-ta loogu darayeyilaha biyaha iyo/ama kiniinka biyaha lagu nadiifiyo ee aqua tab amakoloriin ee la siinayey qoysaska ku nool meelaha xannuunka laga heley.

Halka ay ka jirto biyo yaraan iyo fayadhowr-xumo, UNICEF iyo shariikyadeeduwaxa ay wax ka qabtaan arrimaha muddada dhow iyo kuwa muddada fogba.Tusaale ahaan, meelaha ay ka mid tahay Afgooye oo martigelisey in ka badan240,000 oo dad gudaha ku barakacay ah, UNICEF waxa ay la shaqeyneysaahay’adaha iyo ururada aan dowliga ahayn (NGOs) ee shariigga la ah in aymaalin kasta in ka badan nus-malyuun litir oo biyo ah baabuur ku gaarsiiso100,000 oo qof – biyahaasuna waa saddex-meeloodow meel biyaha baabuurtalagu keeno; in ay qoddo musqulo (kuwaas oo ilaa hadda ay ka faa’iideysteen30,000 oo qof) iyo in ay ka shaqeyso xalalka muddada fog sida dayactirkaceelasha iyo gelinta dhuumaha biyaha.

Soomaaliya oo dhan, UNICEF (iyada oo ka heshey maalgelin deeqsinimo ay kudheehan tahay Guddiga Reer Yurub iyo dowladaha Denmark, Norway,Netherlands, Sweden, Kanada iyo Mareykanka iyo kuwo kale) waxa ay kugargaareysaa maamullada degaanka iyo ururrada bulshada in ay dejiyaansiyaasado iyo tallaabooyin lagu hubinayo laguna joogteynayo helidda biyahaee mustaqbalka iyo maareyntooda, iyo sidoo kale in ay bixiso gargaardhinaca farsamada ah iyo mid dhaqaale oo dugsiyada iyo xarumaha caafimaadkaloogu sameynayo biyo iyo fayadhowr.

Xataa dadka sida aadka ah loo fogeeyo ayaa ka faa’ideystey, sida AqiloXassan oo ku nool Baydhabo, oo ah xarunta koonfurta-dhexe ee Soomaaliya.

“Waxa aan jiraa 27 sano. Waxa aan leeyahay 3 carruur ah - oo dhammaantooday da’doodu ka yar tahay 4 sanno. Waxa aan ka soo jeedaa qabiil ku caan ahmegdaynta maqaarka xayawaanka. Maaddaama ay shaqadeenu ku saabsan tahay waxsoo uraya, nalama jecla.”

“Markii aan xeradaan imaanno, dadku sanka ayaa ay naga qabsadaan; dadkaiska leh ceelasha nooma oggolaanayaan in aan isticmaalno biyahooda, waxaanaaan ku khasbanaa in aan lugeeyo shan kilomitir maalin kasta si aan biyo ugusoo helo shaqada iyo qoyskeyga. Hadda, iyada oo ay UNICEF ku mahadsantahay, waxa aan haysanaa 14 musqulood iyo laba il-biyood – waxaana ay utahay arrin nolol-iyo-geeri ah – 247 qoys ee ku nool halkaan.”

Sida uu qabo malaaqa beesha, Malaaq Maxamed Sabarow Xuseen, arrintani waxauu micnaheedu yahay xannuunkii oo yaraadey. “Sanadkii dhowaa iyo sanadihiika horreeyey, waqtiyadaan oo kale waxa aan arki jirney 70 xaaladood ooshuban ah bishiiba. Sanadkan, xataa mid keliya ma arag”.

UNICEF

UNICEF waxa ay ka shaqeysaa 150 dalal iyo dhulal ah si ay gacan uga geysatosamata-baxa iyo horumarka carruurta, laga soo bilaabo marka ay aadka u yaryihiin ilaa marka ay qaan-gaarayaan. UNICEF oo ah hay’adda siisa tallaalkaugu badan dalalka soo koraya, waxa ay taageertaa caafimaadka iyo quudintacarruurta, helidda biyo iyo fayadhowr wanaagsan, waxbarasho aasaasi ah ootayo leh oo ay helaan dhammaan wiilasha iyo gabdhaha, iyo ka ilaalintacarruuta rabshadda, dhiig-miirashada, iyo AIDS. UNICEF waxa ay dhammaanmaalgelinteeda si iskood ah uga heshaa shakhsiyaad, ganacsiyo, mu’asasadoiyo dowlado.

Hadaad wareysi u baahato, fadllan soo wac:Christian Balslev-Olesen, Wakiilka UNICEF, +254 722 514 569 ama +254 733629 933Nuradin Dirie (Wareysiyada Af Soomaaliga iyo Af Carabigaba), +254 722 582646

Xog intaa dheer fadlan kala soo xiriir:Denise Shepherd-Johnson: Madaxa Warfaafinta: +254 722 719 867,dshepherdjohnson@unicef.orgRobert Kihara, Sarkaalka Warfaafinta, rkihara@unicef.org. +254 721 244 800or +254 722 206 883

(See attached file: PR0308.World Water Day.Somali.doc)(See attached file:PR0308.World Water Day.English.doc)

Faafin: SomaliTalk.com | March 21, 2008

 

oilPuntland oo Wada Dastuur Cusub oo Xasaasi ah....?
Waxaa beryahan Puntland si xawli ah uga socda qorshe ballaaran oo ay madaxda Puntland ku doonayaan in ay ku dhaqan geliyaan "Dastuur Cusub ee Puntland" loo sameeyo 2008. Dastuurkaas oo u muuqda mid si cad u kala faquuqaya Soomaalida, gaar ahaan xagga... Akhri...


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com