SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

IDAACADAHA MUQDISHO IYO SIYAASIGA U BUUXIYA WAQTIGA

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Muqdisho, Soomaaliya


Siduu u dhashay kacaankii idaacadaha dalka Somalia, gaar ahaan magaalada Muqdisho, oo haatan ay ka dhisan yihiin illaa iyo dhowr iyo toban idaacadood, kuwaasoo mid walba ay sheegto inay tahay mid madax bannaan oo dhexdhexaadna ka ah siyaasadaha iska soo horjeeda ee dalka.

Runtii Idaacadaha wax badan ayay ka badaleen xaaladda Somalia, gaar ahaan soo bandhigidda waxyaabo ka qarsoon bulshada iyo weliba dhacdooyin ka dhacay dalka, kuwaasoo ay si aad ah ugu dhiirradeen idaacaduhu inay sheegaan iyagoo aan cidna ka cabsan, waa midda ay taageerada faraha badan kaga heleen bulshada Soomaaliyeed.

Idaacadaha Muqdisho oo ka ah: HornAfrik, Shabelle, Banaadir, Somaliweyn, Capital Voice, Xurmo, IQK, Codka Nabadda, VOD, SIMBA, waxaana bishaan gudaheeda la furay Idaacadda la magic baxdey Sahan.

Shacabka Muqdisho ayaa noloshooda ku xiray dhageysiga idaacadaha, iyadoo qolo waliba ay barnaamijyo gaar ah ka dhageysataan. Hase ahaatee idaacaduhu waxay isaga mid yihiin waqtiga uu soo galo warka taasoo si aad ah ay ugu wareereen bulshada Soomaaliyeed, sidoo kale, barnaamij soo gala habeenkii oo inta badan ay dhageystaan Bulshada Muqdisho oo ay dadka qaarkood ugu yeeraan marka la gaaro 9:30 fiidnimo, waqtigii fadhi-ku-dirirka idaacadaha, waxaana soo gala idaacadaha kumannaan siyaasi oo ku sugan dalka gudihiisa iyo dibaddiisa.

Haddaan fiirinno waqtiga habeenkii ee dhageysiga wararka 24-ka saac, waxaa daadihiya wariyeyaal loo xulay; waana barnaamij socda muddo 45-daqiiqo ah, wuxuuna u baahan yahay juhdi iyo dadaal dheeraad ah, balse habeen walba ma helaysid, siyaasi aad ka wareysato umuuraha dalka ka dhacay, balse wariyeyaasha ayaa markay ku yaraadaan wararka waxay khadka soo geliyaan siyaasi ay ku xiran yihiin oo aan mar walba laga waayin idaacaddaas.

IDAACADDA BANAADIR oo iyaduna 8-sano jir ah ahna Hooyadii Barnaamijka Habeenkii Baxa ee ee wararka 24- saac ayaa iyaduna waxay inta badan diiradda saartaa laba siyaasi oo kala ah: Cali Maxamed Nuur (Timo Jilic) oo ah Hoggaamiyaha xisbiyada isbadal-doonka Soomaaliyeed, waxayna ku kabtaa siyaasiga Ibraahim Geeddi Jimcaale (shookaali) oo isaguna hoggaamiya gole ay ku mideysan yihiin beelaha dulman ee Soomaaliyeed.waxaa kale oo aan maye aqoon Xidhibaan Maxamed Cismaan Maye

IDAACADDA SIMBA oo 3-sano jir ah; ayaa iyaduna Saaxiib la tahay Sheekh caan ka ah Gobollada Jubbada Sheekh Maxamed wali Ugaas Axmed Nuur iyadoo mararka qaarkoodna ku kabta Prof. Maxamed Cumar Dalxa ku xigeenka koowaad ee Golaha Baarlamaanka Somalia.

IDAACADDA SOMALIWEYN oo sannad jir ah, waxay mar walba khadka soo gelisaa Sheekha caanka ah ee lagu magacaabo Sheekh Axmed Maxamed Cabdulle (Sheekh Axmed Qare), wuxuuna u badan yahay barnaamijka doodaha ama midka habeenkii baxa, waxaa kale oo waqtiga u buuxiya Axmed Diiriye Cali Afhayeenka Beelaha Hawiywe .

IDAACADDA HORNAFRIK oo 9-sano jir ah, marka waqtigu ku yaraado wariyaha daadihiya barnaamijka habeenkii; wuxuu ku buuxsadaa waqtiga aqoonyahanka caanka ah Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar, sidoo kale waxaan ka marneyn Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed ).

IDAACADDA SHABELLE oo iyana 6-sano jira ah, waxay inta badan iyaduna khadka soo gelisaa si ay waqtiga barnaamij habeeneedka u buuxiso aqoonyahan dhawaan-gal ah oo hoggaamiyaha urur la magac-baxay golaha aqoonyahannada xorta ah kaasoo lagu magacaabo Mustafa Kamaal waxaa kale oo u jajaban ninka la yiraahdo Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) oo Gudoomiya Gobolka Banaadir oo sannadkan la qaybsadey Dabaal degga Sanadguuradeedii Lixaad

IDAACADDA CODKA NABADDA oo dhowr bilood jir ah, kana soo farcantay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, ayaa iyaduna tartan weyn kula jirtay idaacadaha kale ee ka jira Muqdisho, balse habeennadaan waxay diiradda saartaa oo ay deris la tahay Maxamed Xasan Xaad oo ah Guddoomiyaha Golaha Midnimada beelaha Hawiye weli uma helin lambarka labaad inkastoo ay bilow tahay waase la arki doonaa ninka labaad ee u buuxun doona waqtiga

Xubnahaan Buuxiya Waqiga ayaa ah Ragg u Heelan in ay markasta hadlaan waxaana la yiraahdaa ma diidayaal markasta oo aad wacdo waa diyaar ma dhahaan Waa Mushquulsanahay, Hargab baa i haya iyo waqi kuuma hayo .

Idaacadaha kala ah: IQK, Xurmo, VOD iyo Capital Voice ayaan iyagu inta badan isku taxaluujin barnaamijyada siyaasadeed ee ay sii daayaan idaacadaha aan soo sheegnay, qaarkoodna maba gaaraan waqtiga barnaamijka, balse kuwo kale ayaa waxay sii daayaan barnaamijiyo Diini ah iyo mid maaweelo ah.

Idaacadda Sahan oo toddobaad hawada ku jirta ayaa illaa haatan aan Mowqifkeeda Caddeyn welina ma helin Saaxiibka Sahan , balse waan ka dhur-sugaynaa cidda ay isha la raacdo.

waxaa jira rag dibadaha ku nool oo si weyn looga bartey Idaacadaha Ragaas waa JOKAR Idaacad kasta waa la saaxiib waxay kala yihiin Maxamed Nuur Tarsan oo siduu ugu biiirey Isbahaysiga Casmara aan la maqal warkiisa waayadaan iyo Cabdiraxmaan Yariisow

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro.

E-mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 25, 2008

“Alla Wiilka ha iga dhihin Calal Uus”..
Maqaalkiii Amiin Yuusuf

 

BAARID | SEARCH


Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS