“Alla Wiilka ha iga dhihin Calal Uus”
W/D:
Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Muqdisho, Soomaaliya
Caruurta waa Jilayaal xilli kasta oo yimaadana waa kuwa matala waxa ka dhacaya
hareerahooda , mararka qaarkod waxaa la dhihi karaa wax bay saadaaliyaan ,
iyadoo taasi ay jirto ayaa akhristayaasheenna waxaan halkaan ugu soo gudbinayaa
dhacdooyin ay jileen caruurta Soomaaliyeed , waxaan soo xasuustey dhacdoo ay
sameeyeen ama ay jileen caruurtaas gaar ahaan markii ay joogeen Maxkamadaha
Islaamiga oo ay ka talinayeen inta badan dalka waxaa xiligaas Maxkamadaha ay
toogteen rag wax dlley
Caruurta way ku cusbeyd dad la tooganayo waxayna qaarkood soo daawadeen
toogashadaas waxayna dib ula soo laabteen Xaafadahooda iyagoo bilaabey in ay
jilaan Toogashadaas waxaana la kulmey caruur sameyneysa waxii ay soo arkeen
waxaan goob joog u ahaa laba caruur inta caruur kale soo qabteen la leeyahay
waxa lagu soo qabtey falal Burcadnimo ah iyadoo kuwa kalena ay iska dhigayaan
ciidamadii Maxkamaha islaamiga , markiiba waxaa lagu xukumey dil toogashao
,labadii caruurta inta indhaha laga xirey la soo taagey tiirka toogashada ,
iyadoo ay rasaastii waa dhagaxaantii ku socota ayaa waxaa ku soo baxay hooyo
dhashey mid ka mid ah kuwa la tooganayo, waxayna ku calacashey “ Ha iga
Habaarina wiilka “ waxay sii daba dhigtey” waryaa ma hadaa keentey in sidaan
laguu galo oo aad tiraahdo ha la i toogto welee qof weliba wuxuu iska dhigo buu
ku dambeyn: wiilkii baa hooyadii ku yiri “ hooyo waan iska cayaareyney” Hooyadii
baa sii hadashey oo tiri” Dqqon baa tahay maa diidid oo aad tiraahdid aniga
waxaan noqonayaa kuwa wax tooganaya
Xilliggan caruurta waxay bilaabeen in ay jilaan dhacdooyinka ka dhacaya wadanka
, waxaana dhawaan ku soo dhex dhacay caruur u kala safan laba qaybood kuwaas oo
ay ka taagneyd qir iyo qir waxaan weydiiyey waxa ay isku haystaan mid baa soo
boodey oo yri “ waxaan isku haysanaa kooxda noqoneysa “ Calal Uuus” caruurtii
dhamaabntood wey diideen in ay noqdaan ama matalaan Calal Uus waxaan markii
dambe aan ku iri ma idiin tuuraa Xarash iyo Madax waxay dhamaantood yiraahdeen
haa taas ayaan ku kala baxaynaa , markiiba waxaan u tuurey Xarash iy madax
waxaana dhacdey qolo ay heshey in ay noqoto Calal Uuus qoloda kalena Muqaawamo
markiiba waxaa bilaabatey weerear iyo weerar celis durbadiiba waxaa ooda
jabsadey caruurtii mataleysey Calal Uuus iyagii baa laga xoog roonaadey Mid ka
mid caruurtii Mataleysey ayaa igu yiri “ Adeer waan ogeyn in kuwaan ay jabayeen
oo laga adkaanayo”inta qosley baan iri “ adiga marnaba madooneysid in aad noqoto
Calal Uuus “markaasuu igu yiri “ maxaan ka doonayaa qolo maalin kasta laga
adkaanayo “ inta yaabey” ayaa mar hoosta is ka iri caruurtiina ma sidaan bey
yeelayaan oo maanta u kala baxay Muqaawamo iyo Calal Uuus
Waxaan dhawaan arkey caruur ku dagaalamaya dhagaxaan oo kuwa ka mid ah la
eryanayo waxaa dhagaheyga ku soo dhaceen “ war waa jabeen Calal Uustii ee si
wanaagsan ha loo eryo.hana laga Qaniimeysto Waxaa indhaheyga qabteen wiil ku
dhawaawacmey oo loo sii sido Gurigoodii waxaa markiiba ku soo baxay Hooyadii oo
tiri” waryaa ku daqrey “Markaasuu yiri hooyo Dagaalbaa ku daqramey Midka mid ah
caruurtii ay isku Jaalka ahaayeen ayaa hooyadii ku yiri” hooyoo waxaan u kala
safaney Muqaawamo iyo Calal Uuus wiilkaaguna wuxuu ka mid ahaa wiilashii
matalayey Calal Uuus “ Habartii inta naxdey bay ku Calaacashey” waryaa ma
maantaa aad tiri waxaan ahay Calal Uuus “ Aley lahe Geedo dambe ma calaliyo
hadaad ii noolaatid ‘ ma maanta tiri Calal uus baan hay “ Hooyadii wey sii
hadashey oo tiri” war waa yaabe Calal UUsto meel walba ma sidaan loogu soo
galayaa“ markiiba Dhaqtarkii baa loola cararey , Hooyadii intii la sii wadey
waxay la dardaarmeysey wiilkeeda oo ay ku lahayd waryaa” mar dambe Calal Uus ha
noqon ee noqo Muqaawamada iyagaa geesiyaal ah
Odaygii dhaley wiilka ayaa mar dambe yimid Gurigii waxaan ka hor tagey gabar uu
dhaley oo ku tiri “ Aabe Sakeriya waa la soo Daqrey markaasuu yiri yaa soo
daqrey , Gabadhii baa u jawaabeye “ oo tiri” Aabe waxaa soo daqrey Wiil
magaciisa lagu sheegay Muqaawamo “ Odaygii wuxuu u qaatey in Muqaawamadu uu
yahay wiil magaciisa oo degen Xaafada “ markaasuu hoosta iska yiri”Aleyl ehe cid
na kala saareyso maanta ma jiro reerka wiilka dhaley waxaan ka doonayaa dhiig
Hooyadii wiilka dhashey baa Odeygii ku tiri” dhiigaada hala haanine wiilka
isagaa sidaan isku galey waana ogaa in uu waxaa sameynayo , Odaygii wiilka
dhaley ayaa yiri “ war waxa jira ha ley sheego maxay tahay waxa la qarinayo”
markaasaa habartii tiri “maanta hadii aan kuu sheego wiila waxa lagu soo daqrey
waad gowri lahayd markaasuu yiri hala ii sheego “ Hooyadii baa la soo boodey “
wiilkaada wuxuu iska dhigey Calal Uuus markii isaga iyo koox uu la jirey ay soo
jabiyeen Caruur kale oo iyana iska dhigey Muqaawamo “ Walee hadii uu ii noolaado
ama Geeda dambe uu Calaliyo waxba ma ihi” ma maantuu iska dhigey Calal Uus” naa
heblaaya waxaan ku weydiiyey markasta Maxaa Calal Uusta loo jebiyiyaa “ Hooyadii
oo ka jawaabeysa ayaa tiri” war waa wax mataraayal Caruurta iyo Haweenka bay ka
adag yihii oo ay dariiqyada u taagan yihiin “ Odaygii dhaley wiilka isagoo la
dardaarmayaa ayuu wiilkii ku yiri “ Aabe mar dambe ha noqon Calal Uus waxaana
markasta kuugu ogahay in aad doorato Muqaawamo iyagaa markasta guuleysta,haddii
aad noqon lahayd Muqaawamo maanta Daqarkaan kuma soo gaareen” wuu sii Hadley
Aabihii dhaley wiilka wuxuu ku yiri “ xitaa is ka Ilaali magacyada Marya Calas
iyo weliba Koobi Amxaaro
Bal aan idiin fasirio Calal Uus , Marya Calas iyo Koobi Amxaaro, Calal Uus , iyo
Marya Calas waa laba magac oo isku mid ah waxaana loo yaqaana Ciidamada Dowladda
Federaalka Koobi Amxaaro waxaa iyana la yiraahdaa Ciidamo lagu soo tababarey
Dalka Itoobiya waxyna iska yeel yeelaan sida Ciidamada Itoobiya waxaana
Magacyadaas loogu bixiyey Naceybka shacabka u qabaan Ciidamadas waayo waxay goob
joog u ahaayeen Dhibaatooyin Fara badan oo ay geysteen Ciidamadaas waxaana
dhacda marka kor laga arko ay dadka ka cararaan iyagoo ka cabsi qaba in wx yeelo
ka soo gaarto waagii hore marka la arko nin xiran Direyska Ciidamada lagama
cararari jirin ,Caruurtaasna sida ay u doorteen Magaca Muqaawamda ayey u dooran
lahaayeen Magaca Calal Uus haddii uu wanagsan yahay
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Soomaaliland: Shaley Xabadi Keentey , Xabadi Sugto Maantana Qarax keentey ,
Qarax sugto
Faafin: SomaliTalk.com | April 23, 2008