SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Soomaaliland: Shaley Xabadi Keentey , Xabadi Sugto Maantana Qarax keentey , Qarax sugto

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Muqdisho, Soomaaliya


Soomaalidu waxay tiraahdaa Geeridii Galbeed laga sheego Gondaahaaga ka eeg waa murti inta badan soo if baxda waqtigeeda ha dheerooto amaa ha dhawaato , iyadoo sidaasi ay jirto ayaa hadana soomaalida aysan ku baraarusaneyn Murtidaas mar kastana waxaa haboon ama ay tilmaameysaa in aan la isku fiirsan dhibaatada midi doonto ha noqotee, Waxaan soo xasuustey Waagii reer Waqooyiga ama Soomaaliland ay ka socdeen Dagaalada iyo burburka ayaa dadkii ka soo barkacay deegaankaas oo qaarkood soo gaarey Koonfurta Soomaaliya , dadkaas oo ay ka muuqatey Diif Iiyo Darxumo ayaa dadkii reer Koofurka waxay dadkaas intii ay soo dhaweeynlahaayeen dhibaatadooda uga damqan lahaayeen u bixiyeen XABADI KEENTEY iyaga oo rer waqooyiga is giijinayaa iskana dhicinaya reer koofurka ayaa dadkii reer waqooyiga ahaa waxay ku jawaabeen XABADI SUGTO nabasigaas waa uu soo deg degey oo ma dheeraan dadkii loo bixiyey Xabadi sugto waxay mar qura ku baraarugeen Xabad ka socoto magaalada Muqdisho , waagaas xabadii bilaabatey weli waa socota oo ilaa iyo hada ma degi waxaan is iri armey reer waqooyiga idiin Habaareen maadaama aan gacmo furan lagu soo dhaweyn ,reer waqooyiga markiiba waa is daba qabteen oo caqligoodii ay kaashadeen waxayna ku tashadeen in ay maamul sameysataan

Waqtigii reer waqooyiga ay noo bixiyeen Xabad Sugto waxaa ka soo wareegtey 20 sano ilaa iyo waqtigaa majiraan nin reer waqooyi ah oo yiraahda war reer koofureedka sidaa hala daayo waa walaalaheen ama waxaan u fidineynaa Gogol nabadeed maadaama ay reer waqooyi ay noooga waaya aragsan yihiin sida loo xaliyo dagaalada sokeeyey soomaalidu waxay tiraahdaa SAAN AROOROYAAD DIB LAAMA RAACO , waxaana wanaagsan in la iska iloobo wixii dhacay maadaama aan ku kala liidan wixii ka yimid oo dhiibaato ah Dowladii Maxamed Siyaad waayo haddi reer waqooyiga markasta ku celceliyaan waa nala la burburiyey waa nala barakiciyey waxaa xaqiiqo ah in dhibaatadaas ay idiin kaga horeeyeen Maamulka Puntland oo dadkooda laga dhigey wax la diley wax la barakiciyey iyo wax la kufsadey dhibaatada kuma ekaan Puntland oo waxay u gudubtey Gobolada Dhexe iyana wixii ka dhacay waa lawada ogaa marka waxaan leeyahay siyaad Bare dhibaatada waa noosimey ee ma hayn in aad isku gooni yeeshaan

Xiligan waxaa Koofurta ka socdo dagaalo lagu riiqmey oo caalamka looga aqoonsadey dhibaatadii ugu xumeyd ee ka dhacda adduunka hadaba reer waqooyiga loogama sheekeyn maayo waxaa ka socda oo maalin walba waxaa dhegahooda ku maqlayaan ama indhahooda ku arkayaan waxa ka dhacaya Koonfurta oo ay sameeynayaa Ciidamada Itoobiya iyo kuwa kale

Reer waqooyiga maanta waxay haystaan nabad waxaana Ilaah uga baryayaa in uu u sii siyaadiyo nabadaas hase yeeshee walaalaheen reer waqooyiga waxay ahayd in ay gacan ka geystaan Xalinta dhibaatada ka taagan Koonfurta oo aysan ku fiirsan balse waxaan calool xumaadey markii koox wariyayaal ah laga masaafuriyey Magaalada hargeysa oo maamulka Daahir riyaale ku yiri waxay wariyayaashas xumeynayaan Xiriirka Itoobiya iyo Soomaliland balse qoraaladoodii markaan dib u raacay wariyayaashaas inta badan waxay ahaayeen kuwo ammaani ka buuxdo gaar ahaan maamulka Daahir Riyaale yaan war kuugu daaline wariyayaashaas waxaa gacmo furan ku soo dhaweeyey Reer Jabuuti waxaa la yaab leh reer jabuuti waa walaalo naga yara durgsan marka loo fiiriyo reer waqooyi ee waxay ahayd in dadkaaas madax saartaan gabar walaalshey ah oo u cararay Magaalada Hargeysa ayaa iydoo lugeyneysa faras Magaalaha Hargeysa ayaa gabar reer waqooyi ah ka hor timid markaas inta sida u fiirisey ku tiri ” Alla walaale MA QARAX KEENTI BAA “ inta caroodey ayay waxay goostey in aan iska celiso gabadha markaas bay ku tiri”QARAX SUGTO”Gabadhii reer waqooyiga inta xanaaqdey bay damacdey in la dagaasho waxaase qayladoodii ku soo baxay dad kale oo reer waqooyi ah dadku isku mid goobtaa waxaa dhacdey in gabdhii tiri Qarax keentey lala safto balse nin odey ah ayaa yiri gabadha na tiri Qarax keentey waa saxsan tahay waayo Markii aan gaarney oo aan Qaxooti ku noqoney Muqdisha waa taan is dhafsaney Xabadi Keentey iyo xabadi sugto maanta daw bay u leedahay in ay na tiraado Qarax sugto waayo dhibaatadii baan ku fiirsaney marka waxaan leeyahay reer waqooyi Candhuufta dib ha u liqaaan oo wixii hore ha iska Ilooban inta ay goori goor tahay waxayna soomaalida tiraahdaa Nabsi waa ma daale , odeygii qaar baa taageeeray oo yiri waa runtii hase yeeshee kuwii mintidka ahaa ama xaqjirka oo ay ku weyneyd Gooshasada waxay yiraadeen yeyesan gabadhaas dib dambe noogu noqon Ereygaa

Xaqiiqda la iskama indho tiro runtii maanta reer waqooyiga waxaan uga baahneyn gacan weyn waayo si naba kuma kala maarano , ninkii odeyga ahaa isagoo sii socda ayuu yiri “war reer waqooyigow dib isugu laabta ogaadana in taariikhdu iyadu ay is qori doonto

Soomaalida waxay afkooda ka yiraahdaan waa tii la arko haddii reer koofur ay noqdeen Qarax keentey reer waqooyigiina la yiri Qarax sugto markii aan dib u fiiriyey Oraahyadaas la is dhaafsadey waxaa ii soo baxday reer Waqooyiga ay yihiin qarax Sugto waayo Meel aan sidaa uga dheereyn dhulka reer waqooyi waa Puntland waxaa ka bilowdey qaraxyadii waxaana magaalada Boosaaso ka dhacay dhowr Qarax iyo dilal qorsheysan waxaana dhihi lahaa reer waqooyiga in ay meel iska dhigaan Qabyaaladda una soo jeestaan sidii walaalahooda u samatabixin lahaayeen , waana xaqiiq qarax ka bilowdey Muqdsho Maantan sii marayaa Puntland uu gaari doon meelo ka sii fog Hargeysa

Waagi Maxkamaha ay la wareegeen Koofurta waa la ogaa wixii ka soo yeerey reer waqooyiga reer Puntland oo waxaa afkooda ka dhamaan waayey Kitaabka waan qaadaneyna waana isku xukumeynaa Waayo xiligaa waxaa saameyn idiin ku yeeshey Wixii ka dhacay Muqdisho waxaana ogaataan in dabka ka holcaya Muqdisho uu u eg yahay mid mid ku faafi doona Gobolka Geeska afrika ayna arrintu Noqon doonto”LAGAA BARAYOO LAGAA BADI”

Aniga oo lugeynayaa Agaagaarka lambar afar ayaa waxaa iga horyimid wiil dhalinyaro ah markaas buu iyiri “ walaal goormey naga baxayaan Itoobiyaankaan Xooga nagu haysta “markas baa iri “ma garanayo “wuxuu idaba dhigey “ walaal itoobiya waxay haysataa dalka oo dhan ha noqdaan Koonfur Soomaalind iyo Puntland “ markaas baan Iri walaal Soomaliland iyo Pundland ma Itoobiyan baa jooga “makAasuu iyiri” haddi Koofurta Xoog ku haystaan Soomaaliland Puntland Fikradahooda ayaa ka shaqeeya “ waxan soo xasuustey Safarkii uu dhawaan ku tagey Magaalada Hargeysa Taliyaha ciidamada Itroobiya ee soomaaliya Gen Gabre waxaana halkaa kaaga muuqda in Itoobiya ay ku sugan tahay meelkasta oo soomaaliya sidoo kale waxaan soo xasuustey mar aan gaarey magaalada hargeysa in ay damceen dad itoobiyaan ah oo ka soo cararay Dalkood in ay sameystaan Munaasabad ay ku soo bandhigayeen waxa ay uga soo carareen Itoobiya waxaana dhacdey in Maamulka Daahir Riyaale uu ogolaadey balse daqiiqadihii ugu dambeeyey ayaa joojiyey ama la banadey Munaasabadaas ka dib markii ay sidaa Itoobiya ku amartey Maamulka riyaale waxaana arrintaan ka caroodey Hay adda Qaxootiga UNCHR oo saraakiisha ay sheegeen in ay xaq u leeyihiin in dadkaas ay dhigtaan Munaasabadaas bals waxaa la qaatey amarkii Itoobiya marka waaxaqiiq in Itoobiya ay tahay mid nawada haysto balse waxaan uga bixi karnaa anagoo wada tashano waxaana ogaataan Falaartii laga ganey Muqdisho Cid waliba filo.

Yaa hor-taagan in ay aqoonsi hesho Somaliland?..Akhri...

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 18, 2008

Tartankii 18 aad ee kubadda cagta ee Gobolada oo ka furmey Jowhar

awnuurPuntland: Maraarkiibta Dagaalka ee Maraykanku haka baxaan Xeebta Soomaaliya, haddii aysan la dagaalamayn Burcadda....
Wasiirka kalluumaysiga Puntland ayaa eedayn kulul u jeediyey Maraykanka, waxana uu sheegay in USA qayb ka yahay ammaan darrida ka jirta Puntland... Dhegeysi/Akhri

laqanyoSoomaali Argaggaxiso ahi ma jirto- Soomaaliya ma joogaan Soomaali Argaggaxiso ah
Sidaas waxaa yiri Safiirkii DFKMG u fadhiyi jirey Itobiya xilligii ay ku duushey somalia Dhegeysi/Akhri

dawaaraHalyeey Faarax Macalin Mohamed “ Dawaara” ahna ku xigeenka afhayeenka Baarlamaanka Kenya oo si weyn loogu soo dhaweeyay London. Akhri.. Mar 11

oilPuntland oo Wada Dastuur Cusub oo Xasaasi ah....?
Waxaa beryahan Puntland si xawli ah uga socda qorshe ballaaran oo ay madaxda Puntland ku doonayaan in ay ku dhaqan geliyaan "Dastuur Cusub ee Puntland" loo sameeyo 2008. Dastuurkaas oo u muuqda mid si cad u kala faquuqaya Soomaalida, gaar ahaan xagga... Akhri...


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com