Yaa hor-taagan in ay aqoonsi hesho Somaliland?
W/D:
Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Muqdisho, Soomaaliya
Waxaa maalmahan si aad ah loo hadalyey in dalka la magacbaxay Somaliland in ay
qarka u saaran tahay in la aqoonsado, iyadoo warbaahinta caalamka ay maalmahan
arrintaasi ka hadlayeen, balse marka gunta loo dhaadhaco, shacabka ku nool
goboladaasi waa kuwo inta badan raba in ay helaan aqoonsi kana go'aan Koonfurta
Soomaaliya, halka kuwo kale oo aan sidaasi u badneen ay ku dhegan yihiin
mindnimada Ummadda Soomaaliyeed.
Dowladda Itoobiya oo iyadu inta badan xiriir dhow la leh Maamulka Somaliland oo
uu hogaamiyo Daahir Riyaale ayaa haddana waxay ka biyo diidsan tahay in ay
Somaliland hesho aqoonsi waxaana arrinkaasi sabab looga dhigayaa iyadoo
Dublamaasiyiin ka tirsan Dowladda Itoobiya ay kulan la yeesheen Dublamaasiyiin
kale oo iyana ka socotay wadanka Mareykanka ayaa waxay isku mowqif ka istaageen
arrimo fara badan oo ka taagan geeska Afrika oo a y ugu horeyso in ay aqoonsi
hesho maamulka Somaliland.
Dowladaha Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti ayaa la sheegay in ay ka hor jeedaan in
Somaliland noqoto mid ka go'da Soomaaliya inteeda kale.
Haddii aan soo qaadno Dowladda Itoobiya waxay iyadu cabsi weyn ka qabtaa in
Qoomiyadu ay ka mid yihiin Soomaali-Galbeed, Oromo iyo Amxaaro iyana ay
daneeyaan in ay ka go'aan dowladda Itoobiya oo ay noqdaan kuwo gooni isku taaga
sida Somaliland oo kale, halka Kenya iyana ka cabsaneyso in dhulka W/Bari ee
Soomaaliya isna uu aqoonsi raadiyo, halka Jabuuti gaar ahaan Canfarta iyana
cabsi looga qabo in ay gooni isku taag baadi goobaan, sidoo kale Suudaan ayaa
iyana ka cabsaneysa in uu saameeyo gooni isku taaga Somaliland, haddii la
aqoosado waayo Koonfurta horey ayaa looga diiday in ay gooni isku taagaan.
Cabsida ay qabaan Dowladaha ayaa waxaa ku taageersan Dowladda Mareykanka oo
iyadu dooneyso inay isku ilaaliso, iyadoo mar dhawaan la wareystay sarkaal ka
tirsan Dowladda Mareykanka uu sheegay in haddii Geeska Afrika ay ka bilowdaan
dhaqdhaqaaqyo gooni isku taag ay keeni karto labo arrimood, sida in ay soo
ifbaxaan Qawmiyadu iyana gooni isku taag codsada iyo in uu gaabis ku yimaado
hawlaha uu Mareykanku ugu yeero argagixis la dirirka, waxaa kale oo uu sheegay
sarkaalkaasi in Afrika dal xoriyad qaata ugu dambeysay dalka Ereteriya, isagoo
sheegay in xoriyaddii ay qaadatay Ereteriya ay si aad ah uga biyo diideen
dowlado fara badan oo ka tirsan Beesha Caalamka, wixii ka dambeeyeyna waxa uu
sheegay in Mareykanku uu cagta saaray in dalal kale oo afrikaan ah la aqoonsado
oo ay gooni isku taag dalbadnaaan.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Nuural-Cadde iyo Nuural-Maaliki maxay isaga mid yihiin:
xaqiiqda marka loo hadlo dalalka Ciraaq iyo Soomaaliya waa..
Akhri..
Faafin: SomaliTalk.com | Feb
23, 2008
|