Nuural-Cadde iyo Nuural-Maaliki maxay isaga mid yihiin
W/D:
Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Muqdisho, Soomaaliya
xaqiiqda marka loo hadlo dalalka Ciraaq iyo Soomaaliya waa labo dal oo si xoog
ah ay ku qabsadeen dowlado kale, kuwaas oo u horseeday burbur iyo dagaal gaystay
dhimasho iyo dhaawac fara badan.
Dowladahan dhowr meelood ayay isaga mid yihiin, gaar ahaan dhinaca madaxdii soo
martay. Dowladda Ciraaq waxaa markiiba Ra'isul Wasaare looga dhigay Iyaad
Calaawi, halka Dalka Soomaaliya Ra'isul Wasaare looga dhigay Cali Max'ed Geedi,
waxayna labadaa Ra'isul Wasaare ku soo beegmeen xili labada dal ay ku sugan
yihiin ciidamo shisheeye, kuwaas oo runtii la dhihi karo waa ciidamo aysan rabin
shacabka halkaasi ku nool.
Intii uu Ra'isul Wasaaraha ahaa Iyaad Calaawi waxaa dalka ka bilowday qaraxyo
har iyo habeen ka socda dalka, halka Ra'isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali
Max'ed Geedi isna xiligiisii ay bilowday qaraxyo, Iyaad Calaawi intii uu ra'isul
wasaaraha ahaa waxa uu ka badbaaday dhowr qarax oo lagu qaariji lahaa, halka
Cali Max'ed Geedi uu isna ka badbaaday qaraxyo badan oo isna la doonayey in lagu
qaarijiyo.
Dalka Ciraaq, kooxaha ka dagaalamaya waxay bilaabeen in ay dagaal xoog leh la
galaan ciidamada Dowladda Ciraaq ee dhinaca Booliiska, waxaana la weeraray
saldhigyo fara badan oo uu booliisku lahaa oo cagta la mariyey halka kooxaha ka
dagaalamaya Soomaaliya iyana ay dagaal la galeen ciidamada Dowladda Federaalka
kuwaas oo iyana bartilmaameed ka dhigtay saldhigyo fara badan oo uu Booliisku
lahaa.
kooxaha ka dagaalamaya Ciraaq waxay leeyihiin Web-Site-yo ay ku soo bandhigaan
halgankooda, waxaana maalin walba halkaasi laga daawadaa ciidamo booliis ah oo
qaarkoodna la dilay qaarkoodna la siidaayey, halka kuwa iyana ka dagaalama
Soomaaliya iyana Web-Site-yada ku soo bandhigaan warbixino la mid ah kuwa
Ciraaqiyiintu soo bandhigaan.
Ra'isul Wasaarihii hore ee Ciraaq Iyaad Calaawi, wareysiyo uu horey u bixiyey
waxa uu ku sheegay in dalka Ciraaq ay ku sugan yihiin kooxo argagixiso ah kuwaas
oo uu sheegay in aysan dooneyn wax uu ugu yeeray Dowladnimo, halka Ra'isul
Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Max'ed Geedi oo isna dhowr jeer ku celceliyey
in dowladdiisa ay caqabad ku yihiin kooxo uu ugu yeeray nabad diidayaal.
Waxaa la yaab leh markii uu khilaaf soo kala dhex galay Iyaad Calaawi iyo
Saraakiishii Mareykanka in taasi keentay in Iyaad Calaawi lagu qasbo in uu si
deg deg ah xilka isaga dego, waxa uuna Wareysi uu bixiyey uu ku guubaabiyey
kooxaha ka dagaalama Ciraaq in ay dalkooda ka xoreeyaan wax uu ugu yeeray kooxo
huwan ah oo uu ku soo duushay, Ra'isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Geedi ayaa
isna waxa ay iska hor yimaadeen Saraakiisha Itoobiyaanka ahaa ee ku sugnaa
gudaha dalka Soomaaliya iyo waliba Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, waxayna
taasi keentay in Geedi lagu qabso inuu xilka ka dego, hase yeeshee wareysi isna
uu dhiibay intii uusan xilka degin ayuu ugu baaqay shacabka in ay iska dhiciyaan
kuwa ku qaraabanaya shaarka Dowladda, waxaa hadalkiisii ka mid ahaa "Shacabka
hadda dagaalada waxay horey u rideen dowlad xoog badan, anaga miyey noo
daahayaan".
Iyaad Calaawi markii xilkii laga qaaday dalka waa uu isaga tagay halka Geedi
isna uu dalka isaga tagay, waxaase Geedi bedelay ra'isul wasaaraha haatan ee
Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde), halka Iyaad Calaawi uu isna bedelay Nuural
Maaliki, waxayna labadan Ra'isul Wasaare isaga ek yihiin meelo badan oo aysan
isaga mid aheyn kuwii hore.
Ugu horeyn waxay isaga mid yihiin magaca oo waa wada "Nuur", labada Ra'isul
Wasaare waxay hoos yimaadaan quwado shisheeye, markay arrin yari ka dhacdo
Ciraaq, Nuural Maaliki waxa uu gaaraa dalka Mareykanka halka Nuur Cadde isna uu
u dhaqaaqo Itoobiya halkaas oo ay ka soo qaataan wixii talooyin ah, Nuural
Maaliki waxa uu mar kasta ku celcelilyaan in dalka Ciraaq u qabanayo shir dib u
heshiisiin ah, halka Nuur Cadde isna uu mar kasta ku celceliyo in uu qabanayo
shir dib u heshiisiin ah uuna la kulmayo kooxaha mucaaraadka ah, hase yeeshee
Nuural Maaliki ku celcelinta in uu la kulmayo kooxaha mucaaradka ah mooyaane
lama goob uu kula kulmay intii uu xilka yahay oo ku dhow labo sano, halka Nuur
Cadde insa uusan weli la kulmin balse isku muujinaya in uu ka dhabeynayo la
kulanka mucaaradka, waxayse dad badani saadaalinayaan in uu u muuqdo mid mari
doona wadadda Nuural Maaliki.
labada Nuural waxayna kaloo iska shabahaan, iyagoo dhowr jeer ku celceliya in ay
dalka dib ugu soo celin doonaan dadkii ka barakacay deegaanadoodii, ilaa iyo
haatanna ma muuqato dad dib ugu laabtay deegaanadoodii, iyadoo shacabka labada
dal ay ku rafaadsan yihiin dowladaha deriska la ah.
Nuural Maaliki waa nin marka la fiiriyo dhinaca Madaxweynaha ka awood roon halka
Nuural-Cadde uu yahay awoodda labaad ee Dowladda Federaalka Soomaaliyeed,
waxaana ka sarreeya Madaxweynaha, hase yeeshee dadka qaarkiis waxay qabaan in uu
u taagan beel aad u weyn, waxa uuna Nuural Maaliki sidaas oo kale ugu taagan
yahay mid ka mid ah madhabaha ka jira dalka Ciraaq.
Nuural Cadde waxa uu inta badan ku celceliyaa in uu dalka ka saarayo quwadaha
shisheeyaha marka la helo heshiis dhab ah, halka Nuural Maaliki isna uu dhowr
jeer soo hadal qaaday in uu Ciraaq ka saarayo quwadaha shisheeye marka la helo
ciidan Ciraaq oo awood u yeesha hanashada amniga dalka, balse Nuur Cadde ayaa ku
dooda in loo baahan yahay ciidamo ka socda Qaramada Midoobey ama Midowga Afrika
si ay u bedelaan ciidamada Itoobiya.
Dalka Ciraaq shantii ee uu Mareykanku gacanta ku hayey, waxaa ku geeriyooday
kumaana kun oo dad ah, halka ciidamada Itoobiya ku sugnaayeen Soomaaliya iyana
ay ku geeriyoodeen kumanaan kale, iyadoo labada shacabka ee Ciraaq iyo
Soomaaliya ay sanadahan dambe ahaayeen kuwo nool dhibaatooyin aad u fara badan
oo aysan saadaalin karin xilka ka bixi doonaan.
labada Nuural ayaa dadka qaarkood waxay ka bixinayaan fikrado kala gedisan,
waxay qaarkood soo jeediyeen in wanaagsanaan lahayd in labadaa ra'isul wasaare
kulmaan iskana wareystaan xaaladda ay dalalkoodu ku sugan yihiin, waxaa laga
yaabi lahaa in ay wax badan iska saxaan, waayo labada dal waxay ku wada jiraan
Jaamacadda Carabta iyo ururka Islaamka, halka qaar dadka ka mid ah leeyihiin
labada Ra'isul Wasaare waa labo nin oo Maqaar saar ah oo looga kala arrimiyo
Magaalooyinka Washington iyo Adis-Ababa
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
AKHRI: QORAALADII HORE EE AMIIN YUUSUF...