Daahir Riyaale oo Maraykanka ku Casumey in ay Saldhig Militari ka Samaystaan
Berbera...
Wargeyska Sub-Saharan Informer ee xaruntiisu tahay Itoobiya oo soo
xiganeysey Madaxweynaha maamulka Somaliland ayaa qoray (Maarso 14, 2008)
in Daahir Riyaale Kaahin uu Maraykanka ku casumey in ay saldhig militari ka
samaystaan magaalada xeebta ah ee Berbera.
Dekedda iyo magaalada Berbera,
GoogleEarth
Sida uu wargeyskaasi sheegay, Daahir Riyaale oo arrintaas ka hadlayey waxa uu
yiri:
"Noloshu waa is bedeshaa. Waxaa la dhehi jirey jid kasta waxa uu ku geynayaa
Talyaaniga, laakiin waayadan dambe jid kasta waxa uu ku geynayaa Ameerika.
Sidaaas daraadeed waxaan soo dhoweyneynaa Ameerikaanka, waxaana iyaga ku casuney
in ay Berbera dib uga furtaan Saldhig Militari, sidii ay mar sii horeysey
halkaas saldhig ugu lahaan jireen oo kale," ayuu yiri Riyaale oo intaas ku daray in uu
la shaqayn doono qof kasta oo ku guulaysta doorashada madaxtinimada Maraykanka
(ee dhici doonta sannadkan 2008 dabayaaqadiisa) waxana uu yiri "Waxaan iyaga
(Maraykanka) u
rajayneynaa doorasho guul ah, waxaana iyaga u rajayneynaa in ay ahaadaan
kuwo tusaale lagu dayan karo u ah doorashooyinka dimoqraadiga ah ee adduunka."
Daahir Riyaale waxa kale oo
uu ka hadlay doorashada Somaliland, sida ay qortay jariidadu, waxana uu sheegay in doorshada soo socota ay Somaliland aad uga
shaqayneyso in ay noqoto mid dimoqraadiyada ah. Mar su'aal laga weydiiyey suurtagal nimada xisbiyo cusub in la sameeyo ayna ka qayb geli karaan doorashda
Somaliland waxa uu ku jawabey: "Ilaa hadda Somaliland wax ka bedel kuma samayn
dastuurka, sidaas daraadeed waa sharci darro (in la sameeyo xisbiyo cusub).
Musharaxiinta u tartanka jagooyinka waa in ay ku biiraan mid ka mid ah saddexda
xisbi ee shaqaynaya (UDUB, KULMIYE, UCID), waana in ay jooyiyaan cabashada."
Waxaa markaas jariidadu xustay in uu hadalkaas ula jeedey xisbiga QARAN kaas oo
ilaa hadda ka cabanaya sidii uu u agaasimi lahaa xisbi siyaasadeed.
Sub-Saharan Informer oo
xaruntiisu tahay Addis Ababa waxa uu sheegay in Daahir Rayaale uu Itoobiya ku ammaanay sida ay u joogteysey xiriirka ay
la leedahay Somaliland, waxana uu muujiyey sida uu Itoobiya uga rajayneyno in ay
noqoto dawladda ugu horeysa ee Afrikaanka ah ee aqoonsata Somaliland. [Jariidadu
waxay illowdey in ay taas ka horeyso in Itoobiya ay marka hore aqoonsato
xornimada Dhulka Soomaali-Galbeed iyo Dhulka Oromiya, sidaas waxa yiri aqoon
yahan Soomaaliyeed oo arkay qormadaas].
Daahir Riyaale waxa uu sheegay, waa sida ay qortay Sub-Saharan Informer,
in Dawladda Maraykanku ay ka ballan qaaday in ay waddamada Midowga Afrika ku
dhiiri gelineyso in ay aqoonsadaan Somaliland. Waxa uu Daahir Riyaale xusay
safarkii Dr. Jendayi Frazer ay bishii hore ku tagtay Somaliland iyo safarkiisii
Maraykanka.
Laakiin waxaa taas ka duwan qoraalladii ay 17kii January 2008
faafiyeen warbaahinta Maraykanku ee sheegay in kulankii Daahir Riyaale iyo
Jendayi Frazer aan loo qaadan karin aqoonsi uu Maraykanku
damacsan yahay in uu aqoonsanayo Somaliland.
"Maraykanku Aqoonsan maayo Somaliland" Afhayeen u hadlay Maraykanka...
Janaayo 2008: Afhayeen u hadlay dawladda Maraykanka ayaa sheegay in
xukuumadda Maraykanku aysan aqoosannayn madaxbannaani uu qaato Gobolka Woqooyi
Galbeed ee Soomaaliya.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibbadda USA (State Depatment) ayaa saxaafadda
u sheegay in aan Maraykanku aqoonsanayn Somaliland. Hadalkan ayaa ku soo beegmay
xilli uu Maraykanka ku sugnaa Daahir Riyaale Kaahin.
Wasiirka Kalluumeysiga oo eedayn Kulul u jeediyey Dawladda Maraykanka....
Maraarkiibta Dagaalka ee Maraykanku haka baxaan Xeebaha Soomaaliya, haddii
aysan la dagaalamayn Burcad-badeedka....
- Axmad Saciid Aw-Nuur oo Maraykanka ku eedeeyey in uu Qayb ka yahay Ammaan
darrida ka jirta Puntland......
"Wax wada shaqayn ah nagama dhaxayaan (Maraykanka), mana rabaan ayaan u
malaynayaa in ay annaga wada shaqayn nala yeeshaan..."
"Maraakiibta Maraykanka waxay oggol yihiin in burcaddu socsocod samayso,
isla markaasna waxay xannibaad iyo cunaqabatayn saaraan dadka kalluumaysatada ah
oo maxalliga ah, meesha waxa ka socdaa [scandal] (fadeexad) weeye..."
"Haddii Maraykanku na qancin waayo baddayada nooga bax ayaan
oraneynaa...."
Wasiirka Kalluumeysiga, Dekadaha iyo Gadiidka Badda ee Maamul Goboleedka
Puntland, Axmad Saciid Aw-Nuur, ayaa eedayn kulul u jeedeyey dawladda
Maraykanka, kuna hanjabey in Maraykanku ka baxaan xeebaha Puntland, isagoo ku
eedeeyey in Marayknku qayb ka yahay ammaan darrida ka jirta Puntland, sheegayna
in maraakiibta Maraykanaka ee jooga xeebaha magaalada Eyl in aanay waxba ka
qaban arrimaha la xiriira la dagaallanka burcad-badeedda iyadoo badda Eyl lagu
haysto Markab ay soo afduubeen burcad badeed, sidaas waxa uu sheegay waraysi uu
(Maarso 15, 2008) siiyey Idaacadda Codka Maraykanka.
Wasiirka Kalluumeysiga, Dekadaha iyo Gadiidka Badda ee DGPL isagoo arrimahaas
ka hadlayey waxa uu yiri: "Waxa jira waxa weeye ciidamadii Maraykanku meesha waa
joogaan, maraakiibtii waa joogtaa, annagu waxaan hubnaa in Maraakiib Maraykan
ahi joogto, kuwo kale oo reer Galbeed ah in ay joogaan waa dhici kartaa, laakiin
dadka ilaa hadda sheegtay in ay xeebaha Soomaaliya joogaan waa dawladda
Maraykanka Maraakiibteeda, laakiin mushkiladda la yaabka leh waxaa weeye
markabkii afduubnaa oo hadda muddada labada bilood ah afduubayaashu haysteen
ayaa waxaa agtaagan oo boqol tallaabo agtaagan Markab Maraykanku leeyahay ilaa
haddana sidii ayey ilaa maalintii ay yimaadeen ay isu doc (ag) fadhiyeen ayey
isu doc fadhiyaan, tan kale oo layaabka leh waxaa weeye annagu ciidamo Puntland
ah oo aan mar meesha u dirray markaan ciidankayagii geyney Maraakiibtaasu
madaafiic ayey kusoo garaaceen meeshii ciidankayagu deganaa, taasu waxay ku
kalliftay ciidankayagu in ay meeshii ka guuraan.."
Khariidada marka laga cabbiro fogaanta u dhexaysa Garoowe iyo
Eyl waa: 160 km (100 mile)
Wasiirka kalluumaysiga Puntland waxaa la weydiiyey in ay wax xiriir ah la
sameeyeen maraakiibta Maraykanka ama wada shaqayni ka dhaxayso.?
Axmad
Saciid Aw-Nuur waxa uu ku jawaabey: "Walaal wax wada shaqayn ah nagama
dhaxayaan, mana rabaan ayaan u malaynayaa in ay annaga wada shaqayn nala
yeeshaan, annagu waa isku daynay in aannu hello meelaha lagala xiriiri karo,
laakiin ilaa hadda nooma ay suuroobin."
Ma waxaad leedahay maraakiibta meesha joogta (Maraykaanka) iyo markabka
meesha lagu haysto (Eyl) waxba iskuma darsadaan, waxna isma yiraahdaan ayaa
waxaa weydiiyey Cali Xaraare.?
Aw-Nuur waxa uu ku jawaabey: "Maraakiibta meesha joogta oo Maraykanka ahi
waxay oggol yihiin in burcaddu [movement] (socsocod) samayso, oo markabka ka soo
degto oo fuusho oo ciddii kale oo rabta in ay fuusho oo ku biirto ay ku biirto,
isla markaasna waxay [ristriction] (xannibaad) iyo cunaqabatayn saaraan dadka
kalluumaysatada ah oo maxalliga ah oo caadiga ah oo iyagu aan burcad badeedda
ahayn, meesha waxa ka socdaa [scandal] (fadeexad) weeye..."
Haddii aad tahay wasiirka kalluumaysiga oo aad leedahay Maraykanku ma
ogola in aan la shaqayno, ma leedahay markaas maraakiibta Maraykanka ee
badahayaga joogaa ha ka baxaan, ayaa la weydiiyey.?
Waxa uu ku jawaabey: "Wax xiriir ah iyo wax wada shaqayn ah oo ay Maraakiibta
Maraykanka nala leeyihiin ma jirto, haddii aan nalaku qancin waxa baaddayada
laga qabanayo, oo laga samaynayo oo dawladda Maraykanku aysana nasoo hordhigin,
yacni [resultigii] (natiijadii) ka soo baxay shaqadii ay baddayada ka qabteen,
waxaannu ka tashaneynaa isla markaana go'aamineynaa, go'aanna ku gaari doonaa in
aannu niraahno nooga baxa baddayada, xaqna waanu u leenahay in aan sidaas
niraahno.."
Waxaa la weydiiyey in ay jiraan wax ay uga shaki qabaan maraakiibtaas Eyl
fadhida waxay qabanayaan.
Wasiirka kalluumaysigu waxa uu ku jawaabey: "Waa jiraan, wax badan ayaan uga
shaki qabnaa, dadka odayaasha ee degaanku waxay noo sheegeen in ay
kalluumaystaan, laashash in ay la soo degaan oo ka kalluumaystaan badda, yaa u
ogolaaday baddayada in ay ka kalluumaystaan, [THAT IS THE QUESTION] (Taas weeye
su'aashu). Midda labaad [Rumour] (hadallo la isla dhex marayo) oo badan ayaa
wuxuu sheegayaa in baddayada lagu aaso sun, taasna waxaan dooneynaa war cad in
nalaka siiyo, oo nalaka qanciyo ayaan dooneynaa."
Waxaa la weydiiyey in Puntland ay isku dayday in ay soo daayaan
maraakiibka meesha afduubka loogu haysto iyagoo aan waxba laga sugin ama lala
kaashan Maraykanka?
Waxa uu ku jawaabey: "Annagu markii ugu horeysey oo markabkaasi meesha yimid
ayaan isku daynay in aanu burcaddaas la dagaallano, ciidan ayaan meesha u
dirray, ciidamadii aan u diray ee meesha tegey Maraykanku isagaa meesha ka soo
cayriyey oo kanooni (madaafiic) kala daaley runta markaan kuu sheego."
Waxaa la weydiiyey su'aal ahayd: waxaa maamulka [Puntland] wax ka qaban
waayey nabad gelyadii berriga, marka maxaad ka qaban kartaan nabad gelyadda
badda?
Axmad Saciid Aw-Nuur waxa uu ku jawaabey: "Haddii Maraykanku na qancin waayo
baddayada nooga bax ayaan oraneynaa, midda kale waa runtaa annagu nabad gelyadii
berriga dhibaato badan ayaa naga haysata magaalooyinkii waaweyn, taas ruuxeeda
waxaannu ku eedayneynaa Maraykanka maxaa yeelay hadda ka hor waxaad la socotaa
in markab la afduubay inta Maraykanka uu soo kaxeeyey oo dekeddayada Boosaaso
agteeda meel ah keenay, nimankii haystey hal million oo doolar ($1,000,000) oo
madax furasho ah la siiyey, markabkaas iyo ciidankaas saarana ay raali ka
ahaayeen, halkaas malyan oo doolar burcaddii qaadatay waatan
[destabilization-ka] (xasillooni darrida] ku samayneysa Puntland, oo dhibaatada
ka wadda..."
Qawda Maqashii oo Qursiga ka cun....
Waraysi kale oo Maarso 17, 2008 uu Axmad Aw-Nuur, wasiirka
kalluumaysiga DGPL, siiyey idaacada British Broadcasting Corporation waxa uu
sheegay in Maraykanku ay muddo hore sheegeen in ay ilaalinayaan xeebaha
Soomaaliya, laakiin ayuu yiri sida noo muuqataa ilaa hadda wax la taaban karo oo
ka soo baxay ilaalintoodii ma jirto, waxana uu intaas ku daray "Waxaannu
dawladda Maraykanka ka codsaneynaa in ay is caddeeyaan, soona ban dhigaan wax
qabad koodii muddadii ay xeebaha Soomaaliya ku sugnaayeen, sidaasna waxaan ka
codsaneynaa DFKMG ee Soomaaliyeed, xafiiska ra'iisul wasaaraha iyo wasiirka
arrimaha dibaddu degdeg in ay ula xiriiraan Maraykanka oo ummadda Soomaaliyeed
wax qanciya la tuso, oo loo sheego, maxaa yeelay shaki farabadan ayaa jira runta
marka aan kuu sheego"
Waxaa la weydiiyey inta aydan u gudbin Dawladda Maraykanka iyo DFKMG idinku
waxaad tihiin maamulka degaankaasi ku sugan, burcad badeed-kuna waa kuwo
degaankiina ka dhashay, marka idinka doorkiinu waa maxay, idinku miyeydinaan
waxba qaban karayn in aad qaylo dhaamisaan uun mooyaane?
Waxa uu ku jawaabey: "Horta burcad badeedu ma ahan degaankayaga oo keliya,
meesha laga soo abaabulo oo burcad badeedda laga maal geliyaa waa magaalada
Muqdisho iyo koonfurta Soomaaliya, dadka hawshaas wadaana waa dad Soomaaliyeed
oo isku dhan oo aan qabiil lahayn, laakiin marka laga hadlayo maad wax ka
qabataana annaga wax ka qabashadayadu waa yar tahay runta ayaan kuu
sheegayaaye, awood aan burcad badeeda wax kaga qabanaana aad ayey u yartahay,
[capacity]-gayagu (awoodayadu) waa yar yahay, tuulooyinka xeebaha ku yaal in
aanu boolis geyno oo amni geyno waa nagu adag tahay waqtiga xaadirka ah maxaa
yeelay magaalooyinka waaweyn ayaan hadda ku rafaadsanahay oo amnigooda ka
shaqayneynaa sidii aannu u sugi lahayn, illaa in aan xaqiiqda sheego ayaan
rabnaa, waxaa weeye arrintani iskaashi ayey u baahan tahay, DFKMG naftarkeedu
waxa xeebaha ka dhacaaya in ay la socoto weeye."
Wasiirka kalluumaysiga DGPL waxa uu waraysigaas kumuujiyey sida wasaaradda
kalluumaysiga DFKMG aysan hawsheeda uga soo bixin, isagoo halkaas ka hadlaayeyna
waxa uu yiri: "Wasiirkii Kalluumaysiga DFKMG ee [counterpart] (dhigayga) ii
ahaan lahaa laba sano hadda waxa ka dhacaaya xeebaha Soomaaliya annaga u
sheegeyna oo la socodsiineynaa oo waxaan leenahay haddii aan wax laga qaban
[disaster] (masiibada) ka dhacaya xeebaha Soomaaliya burbur farabadan ayaa ku
dhacaaya mushtamaca Soomaaliyeed."
Axmad Aw-Nuur waxa uu muujiyey tuhunka ay ka qabaan maraakiibta Maraykanka ee
jooga xeebaha Soomaaliya, isagoo arrintaas ka hadlayey waxa uu yiri: "Dawladda
Maraykanka ee maraakiib toodu xeebaha Soomaaliyeed tuunsan tahay hala weydiiyo
wax qabadkii ay u qabteen ummadda Soomaaliyeed si ay ugu qanacdo muddadii ay
xeebahooda ilaalinayeen wax qabadakii ay sameeyeen, immisa hub sharci darro ah
ayey qabteen, immista burcad badeed ah ayey qabteen, waa loo baahan yahay in
dawladda Maraykanka soo bandhigto. Annaga wax badan oo tuhun ah ayaan qabnaa,
maraakiibta iska dhooban xeebtayadu waxa ay qabanayso, waa yaabanahay, runtaan
kuu sheegayaa, ma sun ayaa la aasayaa, ma la kalluumaysanayaa, ma wax kale ayaa
la samaynayaa ma naqaan. Marka [is upto USA Goverment] (Dawladda Maraykanka
ayaa laga rabaa) in ay runta sheegto ayaa looga baahan yahay. Dawladda
Federaalkaana waxaa looga baahan yahay in ay la xiriirto oo arrintaas caddayn ka
sameeyaan.."
Waxa uu intaas ku daray "Aannaga ilaa shalay waxaan aragnay markaan runta kuu
sheego wax laga aamusi karo ma aha, waxaannu aragnay Soomaalidu markay
maahmaaheyso waxay tiraahdaa "Qawda Maqashoo oo qursiga ka cun"
macneheedu waxaa weeye waxaannu aragnay tobaneeyo Markab oo Maraykan ah oo
diyaarado ka kacayaan, oo beebayaasha badda dabaashaa ay baddii dabaalanayaan.
Toban wiil oo xun-xun ah oo burcad badeed ah ay markab agtooda ku haystaan oo
aysan wax ka qabanayn. Taanu aragnay taas weeye. Tan qaylo dhaanta nagu
kallifeysaana taas weeye. Qawda maqashii oo qursiga ka cun ayaa la yiraahdaa."
Markabkii ku afduubnaa Eyl oo laga bixiyey $700,000 oo madax furasho ah
Maarso 18, 2008: Wararka ka soo baxay Puntland ayaa sheegay in
markabkii ku afduubnaa xeebaha Eyl la sii daayey, habka lagu siidaayeyna uu
yahay mid DGPL aysan ku lug lahayn.
Arrinta siideynta markabka oo idaacadaha maxalliga Puntland ay wax ka
weydiiyeen Wasiirka Kalluumaysiga, Dekadaha iyo Gadiidka Badda ee DGPL, Axmad
Saciid Aw-Nuur, waxa uu ku jawaabey:
"Warka aan ka heleyno Eyl oo naloo xaqiijiyey, iyo meesha Gabac la yiraahdo oo
markabka lagu haystey intuba waxay sheegayaan in shalay (17/3/2008) maalinimadii
uu markab kale u yimid, oo annagu in Maraykanku leeyahay iyo in qolo kale leedahay ma
garaneyno, markabkaasi in uu kusoo dhinac xirtay markabkii afduubnaa, dabadeedna
in labadoodii is raaceen oo badweynta wada aadeen, dabadeedna in uu markabkii
afduubnaa soo noqday oo xalayna (17/3/2008) in burcad badeedkii markabkii ka
degtey oo ay kala yaceen oo nin walba meeshii uu rabey aadey, lacag toddoba
boqol oo kun oo doolar [$700,000] oo madax fursho ahna la siiyey, warka
aan haynaa intaas weeyey."
Bishii Februay 1, 2008 ayey ahayd markii markabka laga leeyahay dalka Ruushka
oo lagu magacaabo Svitzer Korsakov lagu afduubay xeebaha aagga
magaalada Eyl. Wararkii ugu horeeyey ee (Feb 4, 2008) ka soo baxay afduubka
markabkaas ayaa sheegay in ay markabka saarnaayeen lix qof shaqale ka ahaa (labo
British ah iyo afar Ruush ah), markabkaas oo ah nooca wax jiida, ayna
afduubeen ilaa 14 burcad badeed ah ayna ku haysteen meel 40 km u jirta xeebta
Somaaliya.
Puntland: Tabar uma hayno Burcad Badeedka....
Wasiirka Dekadaha ee DGPL, Axmed Saciid Aw-Nuur ayaa
idaacadaha maxalliga ee Boosaaso waxay weydiisey (Maarso 15, 2008) si ay
arrimaha burcad badeedka wax uga qabanayaan haddii iyaga (Puntland) arrimahaas
farah aloogaga qaado. Waxa uu qiray in burcad badeedka ka qowleysata xeebaha
Puntlad ay iminka Puntland ka xoog badiyeen, isla markaasna ay Puntlanday taag u
weydey wax kaqabashada arrimaha burcad-badeedka. Isagoo arrintaas ka hadlaayey
waxa uu yiri: "Wallaahi haddaan runta kuu sheego xaqiiqdii annagu tabar aan
hayno oo iskaga qaban karnaa ma jirto, ama waaba iska yar tahay". Hadalkaas
waxa uu sheegay mar uu socdaal ku tegey goobo ka
mid ah xeebaha Puntland, gaar ahaan aagga Eyl.
Aw-Nuur waxa kale oo la weydiiyey in la sheegayo in madaafiicda maraakiibta
Maraykanka laga soo tuuro ay ku dhaceen xeebaha Eyl, oo xitaa ay ku dhceen aagga
garoonka Eyl, khasaare intee leeg ayey madaafiicdaasi geysteen.
Waxa uu ku jawaabey: "Waxaan tagnay meelihii madaafiicdu ku dhacday, dadkii
reer baadiyaha ahaa ee arrintaas markhaantiga ka ahaa waan aragnay, nasiib
wanaag cidna kuma dhicin, xoolona ma layn in kasta oo mararka qaar ay agtooda ku
dhacaysay oo sas badan keentay, su'aasha la is weydiinayaa waxaa weeye
Maraykanku muxuu u weerari waayey burcadda agtiisa joogta oo markabka haysata,
oo madaafiicda ugu ridayaa dadka reer baadiyaha oo xoolaha dhaqanaya,
jawaabteeda waxaa laga sugayaa dawladda Marayklanka iyo taliyaasha ciidamada
Maraykanka ee maraakiibta aan soo aragnay madaxda ka ah." [Hadalkaas
Dhegeyso].
Waxa kale oo uu wasiirka kalluumaysiga Puntland qiray in cidda la xiriiri
karta Dawladda Maraykanka xagga dublomaasiyadda ay tahay DFKMG, isagoo arrintaas
ka hadlayey waxa uu yiri:
Buug laga filan karo in uu qoro M.C.
Gaabaab...
[Jun 2007:
dhegeyso] |
Buug laga filan karo in uu qoro A.S.
Aw-Nuur...
[ Maarso 2008
Dhegeyso]. |
"Waxaan dadka la socodsiinayaa waxa meesha ka socda waxaynu hadda ka hor
maqalay (ma aha), Dawladda Maraykanka oo tiri waxaannu ilaalineynaa xeebaha
Soomaaliya waxaannuna ka ilaalineynaa burcad badeedda isla markaana waxaan
ilaalineynaa hubka sharci darrada ah ee meesha soo gala, oo Soomaaliya la soo
geliyo, intaba waxaa muuqata in aan waxba ka hir gelin, marka Dawladda
Maraykanka, Dowladda Federaalka ee Soomaaliyeed iyadaa [Diplomatically]
(hab dublomaasiyadeed) la xiriiri karta'e waxaan dooneynaa arrintu in aanay
noqon qawda maqashii oo qursiga ka cun'e, in nala qanciyo oo waxa khayraad ah ee
laga qodanayo, haddii burcad badeedka nalaka ilaalinayona waa ku qanacsanahay,
waana soo dhoweyneynaa, laakiin waxaannu dooneynaa in nala qanciyo oo ummadda
Soomaaliyeed lagu qanciyo waxa badda Soomaaliyeed maraakiibta tirada badan ka
qabanayaan, oo u fadhiyaan, hadday fadhiyaan oo wax qabanayaan wax qabadkaas ay
qabanayaan in ay ummadda Soomaaliyeed u soo bandhigaan."
Axmed Aw-Nuur waxaa wasaaraddaas loo maagacaabay kaddib
markii uu Wasiirkii hore ee Kalluumaysiga Dekadaha ee Dawlad Goboleedka
Puntland, Saciid Maxamed Raage, uu iska casiley jagadaas isagoo xilligaas
[12/12/2007] shaaca ka qaaday sababahii uu isaga casiley xilka wasiirnimo inay
ugu weyn yihiin arrimaha la xiriira khayraadka dabiiciga ah ee shacabka sida loo
maamulayo oo ay isku afgaran waayeen Gen. Cadde Muuse, gaar ahaan "Macdanta iyo
Kalluumaysiga".
Taariikhda
marka dib loo jalleeco waxay ahayd June
1, 2007 markii Maraykanka duqeeyey meel u dhow magaalada
Baargaal ee Woqooyi Bari Soomaaliya
(Puntland), waxaana
xilligaas arrintaas ka hadlay wasiirka maaliyadda Puntland isagoo sheegay in
halkaas ay Maraykanku ku dileen argaggaxiso ajaaniib ah oo nin Maraykan ahi ku
jiro: "Dagaalkaas waxaa
lagaga diley kooxda Argaggaxisada ah lix qof, oo kala ah nin Maraykan ah, nin
Ingriis ah, nin Swidhish ah, nin Marookaan ah, nin Pakistaani ah iyo nin Yamani
ah, qaar hore loo raadinayeyna waa jiraan" Sidaas waxaa yiri Maxamed Cali
Yuusuf Gaagaab, Wasiirka Maaliyadda DGPL. [Halkan ka dhegeyso].
Jawaabta ay xilligaas bixisay Puntland shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer
Puntland waxay muujiyeen in aysan ku qancin. In badan oo adduunka dadka
siyaasadda faalleeyana waxay ku tilmaameen hadalka Puntland ee in dad ajnebi ah
lagu laayey Puntland mid aysan caddayn u keenin ama dadka ka qancin.
Dad tahriibayaal ah oo Soomaali ah oo sugaya sixiimad (doon yar) oo ay ka
raacayaan magaalada dekedda ah ee Boosaaso
March 13, 2008 -
Sawirka: Reuters (13/3/2008)
Garoowe: Golaha Wakiillada DGPL oo Kulan Albaabadu u Xiran yihiin la
yeeshay Gen. Cadde Muuse....
- Range Resources oo Khasaartay 8 million oo doolar.....
- Wasiirka Dekadaha ee DGPL oo sheegay in aysan waxba ka qaban karin
burcad badeedka....
Golaha Baarlamaanka Puntland ayaa Sabtidii (Maarso 15, 2008) kulan ku yeeshay
magaalada Garoowe, kulankaas oo uu ka soo qayb galay madaxweynaha DGPL, Gen.
Cadde Muuse, waxa uu ahaa kulan saxaafadda loo diidey oo albaabadu u xirnaayeen
- Intii aan kulankaasi bilaaban ayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, Axmed
Cali Xaashi, waxa uu weydiistey in ay xarunta shirka ka baxaan weriyayaasha,
waxaana la sheegay in dalabkaasi ka yimid madaxweynaha DGPL. Afhayeenka
baarlamaanka DGPL waxaa laga soo xigtey in uu sheegay in weriyaasha loo ogolaanayo in
ay kulanka ka soo qayb geli karaan maalinta labaad ee fadhiga golaha wakiillada
oo ah Axadda (March 16, 2008).
Wararkii ugu horreeyey ee ka soo baxay kulankii Sabtidii markii uu dhammaaday
ayaa sheegay in madaxwaynaha DGPL iyo golaha wakiilladu ay ka wada hadleen
arrimo la xiriira Sharciga Cusub ee Shidaalka Puntland
ee ay Xukuumadda Gen. Cadde Muuse doonayso in ay kalsooni uga helaan
Xildhibaannada Baarlamaanka Puntland.
Xilibaan Idiris oo goob joog ka ahaa kulankii Sabtida ayaa u sheegay
Idaacadda Garoowe in Madaxweynaha DGPL la weydiiyay dhawr su'aalood oo ku
saabsan ajandayaal loo qaybiyay xilibaannada, taas oo markaas uu Gen. Cadde
Muuse sheegey in uu waqtigan si aad ah u doonayo in lasoo saaro khayraadka, gaar
ahaan Shidaalka.
''Waa mid ay ku degdegeen waqtigani waayo xilibaannadu waa ay ka doodayaan
ajandayaasha loo soo gudbiyay maalmaha soo socda kadib marka meel la isugu
raacana waad arki karaysaan halka wax meel maraan" ayuu yiri Xildhibaan Idiris
oo ay su'aal fikirkiisa ku saabsan dalabka xukuummadda Gen. Cadde wax ka
weydiisey Idaacadda Garoowe.
Wararka ka imanaya magaalada Garoowe ayaa tibaaxay in xildhibaanadda
Baarlamaanka Puntland ay ku kala qaysab yihiin wixii laga yeeli lahaa sharciga
cusub ee Batroolka ee ay xukuummadda Gen. Cadde Muuse dooneyso in la ansiyo.
Laakiin shacabka Puntland wax kaslooni ah kuma qabaan in baarlamaanka
Puntland dood ka keeni karo wixii ay soo gudbiso xukuummada Gen. Cadde Muuse,
sida ay marar hore u ansixiyeen heshiisyo aan laga doodin oo ay xukuummadu
wadatey. Waase la arki doonaa markaan wixii ka duwan habkoodii hore.
Dad badan ayaa rumaysan in sharcigan cusub ee loo samaynayo Shidaalka
Puntland uu markale keeni karo is faham la'aan iyo xurguf ka soo dhex
cusboonaata DGPL iyo DFKMG.
Xukuumadda Col. Nuur Cadde ilaa hadda war sugan kama soo saarin cidda leh
mas'uuliyadda khayraadka dabiiciga ah ee dalka Soomaaliya iyo bixinta hesiisyada
caalamiga ah. Siyaasiyiin badan ayaa rumaysan in col. Nuur Cadde uusan xilligan
ku dhiiran karin in uu arrintaas ka hadlo ama war sugan ka soo saaro.
Dhanka
kale, shirkadda Range Resources, oo ah shirkadda heshiiska shidaalka kula jirta
Puntland, ayaa qoraal ay Jimce (Maarso
14, 2008) u dirtay Suuqa Ganacsiga Australia, kuna saabsanaa xisaab xirkii
sannadkii tegey barkiis (ilaa Dec 31, 2007), waxay ku caddaysay in shirkaddaas
ay xilligaas khasaartay lacag kor u dhaaftay 8 million oo doolar (AU$8,276,082)
- Waxaa xusid mudan in shirkaddaasi ay sanandkii ka sii horeeyey (Dec 31, 2006)
ay khasaartay 4 million (AU$4,163,775).
Waxa kale oo ay Range Resources qoraalkaas ku sheegtay in lacagta caddaanka
ah ama wax u dhigma lacag caddaan ah ee ay haysatey kalabarkii dambe ee
sannadkii hore (Dec 31, 2007) ay ahayd (AU$9,787,715) halka
kalabarkii hore ee sannadkaas (June 30, 2007) ay sheegtay in ay haysatey
(AU$22,896,484). Halkaas waxaa ka muuqata in sannadkan 2008 ay shirkaddaasi la
bilaabatay in ay haysatey lacag caddaan ah (ama wax u dhigm alacag caddaan ah)
oo aad iyo aad uga yar tii ay sheegtay in ay haysatey bartamihii sannadkii hore
(2007).
Puntland oo ka jawaabtey eedaymo loo soo jeediyey
March 14, 2008: Warsaxaafadeed uu soo saaray madaxweyne ku xigeenka
DGPL, Xasan Daahir Maxamuud "Afqurac' ayaa waxa uu kaga hadlay warbixino ay soo
saartay Hay’ada xuquuqda u dooda, kuwaas oo sheegay in tacadiyo loo geysto dadka
Maxabiista ku ah jeelasha Puntland, arrintaas oo ku tilmaamay kuwo aanay wax ka
jirin, waxana uu sheegay in maxaabiista loola dhaqmo si wanaagsan. [Akhri
qoraalkii March 11, 2008 ay daabacday U.S Deparment of State].
March 17, 2008: Dagaal ka dhacay Gaalkacyo: Maleeysiyo ka kala tirsan
laba beelood oo oo wada dega Gobolka Mudug ayaa dagaal dhex maray, waxaana lagu
soo waramay in dagaalkaas ka dhacay Gaalkacyo ay ku dhinteen ugu yaraan 10 qof
ayn aku dhaawacmeen ilaa 13 qof. Dagaalkan ayaa la sheegay in uu ku salaysan
yahay dhul ay isku qabteen labada beelood.
Faafin: SomaliTalk.com | March 18, 2008
Musharaxa Madaxweynanimo Ee Puntland Colaad Maxamed Saciid Oo Gashaanka U
Daruuray Shidaalka Lagu Wado In Laga Qodo Deegaanka Hol- Hol
Musharaxa
madaxweynanimo ee maamulka soomaaliyeed ee puntland Colaad Maxamed Saciid ayaa
gaashaanka ku dhuftay hadal kasoo yeeray masuuliyiinta ugu sarsareeya maamulka
Puntland oo lagu sheegay in shidaal laga soo saari doono deegaanka Hol Hol ee
hoos taga degmada taleex gobolka sool.
Colaad Maxamed Saciid oo saxaafada u waramayey ayaa shaaca ka qaaday inaysan
marnaba ka aqbali doonin masuuliyiinta ugu sareeya puntland in deegaanada la
sheegay inay shidaal ka baarayaan shirkado la sheegay inay shisheeye yihiin
islamarkaana aysan ka aqbali doonin taasoo uu ku macneeyey inaysan kasoo bixin
masuuliyadii hore ee ay maamulka puntland u hayeen oo ay u horseedeen sicir
barar iyo weliba amaan xumo waa siduu hadalka u dhigaye.
Musharaxa madaxtinimo ee mustaqbalka colaad maxamed saciid ayaa intaasi raaciyey
inay puntland ka jirto xiligan amaan daro baahsan oo ka dhalatay maamul xumada
masuuliyiinta xilka u haya puntland taasoo uu ku tilmaamay mid sii murginaysa
xaalada maamul goboleedka puntland hadii la isku dayo in shidaal laga qodo
deegaanada hoos taga deegaanada sool iyo Nugaal .
Hadalka musharaxa ayaa kusoo beegmaya xili ay maamulka puntland la sheegay inuu
qorsheynayo inuu shirkado kula heshiiyo inay shidaal hore looga baaray
deegaanada Hol-hol iyo meelo kale inay kasoo saaraan taasoo dhalisay xasarad ku
wajahan deegaanada lagu sheegay shidaalka .
yaasiin maxamed faytin
yaasiinfaytin@hotmail.com
Maarso 14, 2008
Faafin: SomaliTalk.com |