SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - OIL

Baarlamaanka Puntland oo Ku kala Qaybsamay Ansixinta Sharciga Batroolka Puntland

Wasiirka Batroolka/Tamarta ee DFKMG oo si cad uga horyimid Sharciga Batroolka Puntland

  • Eng. Kaanje: Sharciga Batroolka Ansixintiisa Wax Puntland ka khuseeya ma jiraan...
  • Waraysi Xildhibaan Mukhtaar (DGPL): "habkaan marooqsiga ah oo codkii oo aan dhammaystirnayn uu guddoomiyuhu ku dhawaaqay oo isaga naftarkiisu uu debmbi ku jiro  'ku tagri fal awoodeed ee golaha ayaannu ku haysanaa." Xildhibaan ..
  • Xildhibaan Idiris: Sharcigaas (Shidaalka DGPL) Ansax ma aha...
  • Wakaalad loo bedeley Wasaaradda Batroolka iyo Agaasime laga dhigay Wasiir laakiin aan la horgeyn Baarlamaanka si loo ansixiyo.....
  • Sarkaal Digniin Kulul u Diray Shirkadaha Ajnebiga ah (ee Qandaraaska la gala Puntland)...

    SomaliTalk.com | Maarso 19, 2008 | Daabacaad cusub: Maarso 22, 2008

Golaha Baarlamaanka Dawlad Goboleedka Puntland (DGPL) ayaa ku kala qaybsamay cod ay u qaadeen sharciga Batroolka Puntland. Golaha oo ay fadhiyeeen 48 xildhibaan ayaa codayntii koowaad waxay noqotay 21 diidey iyo 21 ogolaatay iyo 6 aamustay.

Haddaba halkii laga rabey in cod bixinta mar labaad lagu celiyo, sida uu dhigayo Dastuurka DGPL, ayaa waxaa hal dheeri ku ogolaaday Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Baarlamaanka, Axmed Cali Xaashi, sidaasna uu ku ansixiyey xeerkii.

Arrintaas waxaa ka dhashay eedayn ay xildhibaanada qaarkood ku eedeeyey Guddoomiyaha Baarlamaanku in uu awooddii Golaha Wakiilada xoog ku marooqsaday iyo in aan sharcigaas waqti ku filan la siin uu baarlamaanka kusoo akhriyo oo kaga doodo. Qaar kale ayaa rumaysan in sharcigaas ay ku qoran yihiin waxyaabo aan dan u ahayn danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Sharcigan Batroolka Puntland waxaa (3/3/2008) magaalada Boosaaso ku ansixiyey golaha wasiirada xilli uu goob joog ka ahaa Gen. Cadde Muuse. Kaddib (Sabti 15/3/2008) Gen. Cadde Muuse ayaa shir albaabadu u xirnaayeen magaalada Garoowe kula yeeshay xildhibaannada Baarlamaanka Puntland, markaas ayaa xildhibaannada loo soo bandhigay sharciga cusub oo ka kooban 121 bog oo cinwaankiisu yahay [SHARCIGA HORUMARRINTA KHAYRAADKA MACDANTA IYO SHIDAALKA PUNTLAND], waxana loo furay fadhi aan caadi ahayn oo soconaya 15 maalmood oo loogu talo galay in ay ku ansixiyaan sharcigaas cusub ee Batroolka DGPL. Maalintii xigtey (Axad 16/3/2008) waxaa baarlamaanka dhexdiisa ka dhashay buuq sababay in (Isniin 17/3/2008) Golaha Wakiilladu Guddi ka kooban 7 Xubnood u saaraan sidii ay u falaqayn lahaayeen hab ay saxaafadda maxalliga ah ku tilmaantay "Qodobbada uu Dastuurka DGPL kaga soo horjeedo sharciga cusub ee Batroolka oo la sheegay in laga soo saari karo Gobollada Bari, Nugaal, Mudug iyo Karkaar, laakiin aan la xusin Gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn". Guddiga la saaray waxaa haysteen hal maalin (Talaada 18/3/2008) oo baarlamaanka intiisa kale la fasaxay. Markaas ayaa (Arbaca 19/3/2008) waxaa cod loo qaaday sharcigaas, kaas oo codayntii koowaad noqotay barbar dhac, taas oo markiiba uu hal cod dheeri uu ku ansixiyey guddoomiyaha golaha wakiillada DGPL. Ansixintaas waxaa lagu soo beegay in (19/3/2008) ay Garoowe yimadeen wafti ka socda shirkada Ex-CANMEX ee la baxday AFRICA OIL ee heshiiska Shidaal Baarista kula jirta Puntland iyo Range Resources.

Qaar kamid ah xildhibanada Puntland ayaa rumaysan in aysan sharciga waafaqsanayn golaha xukuumadda Puntland qudhiisu, waxayna arrintaas ku sababaynayaan in Golahaas Wasiirada ee DGPL in ilaa markii uu dhawaan soo magacaabay Gen. Cadde Muuse (15/12/2007) aan weli la hor keenin baarlamaanka Puntland si loo ansixyo, sidaas daraadeedna aysan golahaasi sharci u lahayn in ay ansixyaan Sharciga batroolka maadaama iyagiiba aan marka hore la ansixin.

Haddaba Idaacadda Australia ee SBS ayaa waraysi dheer la yeelatay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Puntland (DGPL) oo fikirkaas qaba. Waa Xildhibaan Mukhtaar Axmed Oday oo ka mid ahaa xildhibaannadii fadhiyey kulankii baarlamaanka ee Arbaca Maarso 19, 2008 codka loogu qaaday sharciga lagu maamulayo Khayraadka dabiiciga/Batroolka Puntland, waana xildhibaan ka soo horjeeda sharcigaas.

Xildhibaan Mukhtaar Axmed Oday waxa uu tibaaxay sida uu uga soo horjeedo qaabka loo abaabulay sharciga Batroolka iyo sida loogu coddeeyey ama loo ansixiyey.

Inta aynaan u gudbin Waraysiga Xildhibaanka, waxaa xusid mudan in DFKMG ay war saxaafadeed ka soo saartay sharciga Batroolka ee Puntland ay ku cadaysay sida ay uga soo horjeeddo sharcigaas.

Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta DFKMG, Eng. Maxamuud Cali Saalax (Kaanje) ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray (20/3/2008) isagoo ku sugan Jabuuti waxa uu ku sheegay "Waxaan war-saxaafaeedka u qabtay, si aan mowqifkayaga ka wasiir ahaan iyo mowqifka Xukuumadda Federaalka KMG ee Soomaaliya ugu caddayno meesha aan ka taaganahay arrinta Dawlad Goboleedka Puntland ay waddo."

kaanjeEng. Kaanje oo cadaynaya in khayraadka Dabiiciga ay masuuliyadeeda leedahay DFKMG ayaa yiri: "Waa arrin aan la ogolaan karin in Dawlad Goboleedka Puntland oo ah laf-dhabarta Xukuumadda Federaalka KMG ee Soomaaliya ay si bareer ah ugu tacadido xeerka u yaal XFKMG ee Soomaaliya, kaas oo si cad u qeexaya awoodda ay kala leeyihiin Xukuumadda FKMG iyo Dawlad Goboleedyada. Awoodahaas oo sheegaya in khayraadka dabeeciga ah, sida batroolka, macdanta, iwm ay yihiin hanti qaran masuulna ay shacabka uga tahay Xukuumadda FKMG ee Soomaaliya; ayna tahay awoodda iyo masuuliyadda XFKMG, in ay u dajiso siyaasad iyo sharci lagu maamulo si looga faa'iideeyo dhammaan shacabka Soomaaliya."

Wasiirka Macdanta iyo Tamarta ee DFKMG waxa uu Dawlad Goboleedka Puntland ugu baaqay in ay "gabi ahaanba joojiyaan ficillada ay wadaan ee ku wajahan sharci u samaynta khayraadka dabeeciga ah, sida batroolka, macdanta iwm; Ficillada oo ka hor imanaya xeerka XFKMG ee Soomaaliya."

Qormada Wasiirka DFKMG oo dhamaystiran hoos ayaad ka arki doontaa, balse marka hore waxaan si dhamaystiran halkan ugu soo gudbineynaa hadalkii Xildhibaan Mukhtaar Axmed Oday.

Waraysigii Xildhibaan Oday...

Ciise Maxamuud Dhoollawaa oo waraysanayey ayaa Xildhibaanka waxa uu weydiiyey "Maanta (19/3/2008) waxaa baarlamaanka (Puntland) la keenay shaci, waxaadna sheegtay in aad sharcigaas ka soo horjeedid, haddaba maxaad sharcigaas uga soo horjeedaa?

Xildhibaan Mukhtaar Oday waxa uu ku jawaabey: "Bismillaahi Raxmaani raxiim.  Horta sharcigaas.. khayraadka in la soo saaro oo sharci loo sameeyo baarlamaanku diyaar ayuu u yahay, laakiin habka loo maray iyo nidaamka la waafajiyey ayaa la isku khilaafay."


Ciise Dhoollawaa, radio Australia

Muxuu yahay marka dhibaatada aad tirsaneysaan ayaa la weydiiyey Xildhibaan Mukhtaar Oday?

"Waxay tahay horta Puntland waa Maamul Goboleed ka tirsan Dawladda Federaaliga ah, waxay leedahay baarlamaan ka kooban 66 (xildhibaan) waxayna u qaybsantaa saddex gole. (1) Golaha xukuumada waxaa la soo dhisay dhowaan, waxaana sharciga Puntland dastuurku qeexayaa in la hor keeno golaha wakiillada kaddibna la ansixiyo, kabacdi xukuummaddii oo aan la ansixin ayaa la soo marsiiyey xeerkan oo qabyo ah oo aan dhammaystirayn, khayraadka iyo nidaamka loo maamulayona aysan sax ahayn oo si ku filan aysan usoo gudbin. Haddaba mar haddii aan nahay golaha xeer dejinta awoodaha aannu leenahay (Allah ayaa awood lehe) waa wax ku daridda, wax ka dhimidda, diidmada iyo ogolaanshaha. Haddii aan danta u gudbo waxay tahay, dastuurka Puntland waxa uu qeexayaa qodobka 46.8 in sharci kasta oo la keeno [Golaha] qodob-qodob looga doodo, markaas kabacdi loo codeeyo," ayuu ku jawaabey.

Xildhibaan Oday oo hadalkii sii watey waxa uu yiri: "Marka (habka) codayntu ay u dhacday xeerkan waxaa weeye isagoo aan laga doodin ayaa si jajuub ah oo ku tagri fal awoodeed ah waxaa u marooqsaday guddoomiyaha golaha wakiillada (Puntland). Waxaa weeye cod ayuu geliyey, codkiina waxa uu u dhacay 21 diidey iyo 21 ogolaatay iyo 6 aamustay, waxaa (golaha) fadhiyey 48 xildhibaan.. Intaas markay dhacday, codkii waxaa waajibka goluhu ahaa in lagu celiyo. Marka labaad hadduu isleekaado ayaa xeer hoosaadku wuxuu awood u siinayaa in uu cod dheeri ah yeelan karo [oo markaas Guddoomiyaha goluhu uu isagu codayn karo oo cod dheeri ah la iman karo]. Waxaa sidaas dhigaya xeer hoosaaska golaha wakiilada, Xeer la yiraahdo No.4 soona baxay bishii December 2006, uuna saxiixay madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland markuu arkay Qodobka 54aad, farqaddiisa 14aad, oo sheegeysa in uu madaxweynuhu leeyahay in uu saxiixo xeerarka Golaha Wakiilladu ay ansixiyaan, oo sidaas ku dhaqan geliyey Madaxweynaha DGPL, mudane Maxamuud Muuse Xirsi iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo isaguna maanta (Maarso 19, 2008) nagu jajuubaya in hal mar markii cod loo qaado in uu ansax yahay xeerkaas oo isaguna uu saxiixay November 13, 2006, Xeer Lr. [13.8] XGW/DGPL 16kii [Dec] 2006 kuna saabsan xeer hoosaadka Golaha Wakiillada DGPL ayaa wuxuu qeexayaa in codka markii laba jeed lagu celiyo oo uu is leekaado in mar saddexaadka uu Guddoomiyuhu awood u yeelanayo codka dheeriga ah..

Ma waxaad leedahay markii ugu horeysey xeerkaan lagama doodin, ayaa la weydiiyey?

Xildhibaan Mukhtaar Oday wuxuu ku jawaabey "HAA, markii koowaad kuma fillayn, waxaa loo baahnaa in la isla qeexo xuduudaha, khayraadka la qaybiyo gobolkii laga soo saaro inta uu ku yeelanayo, sida loo qaybsanayo Federaalka oo aannu ka tirsan nahay, nidaamkii in baarlamaanku ka baaraan dego, qodob qodobna uga doodo, wixii markaas ka soo horjeeda dastuurka iyo xeerarka u degsan Maamul Goboleedka Puntland in aannu ka saarno, markaas ka bacdina ay codayntu timaado ayaan qodobka koowaad ku diidanaa, oo dastuurkuna uu sidaas u qeexayo Qodobka 46.8 ee Dastuurka Maamul Goboleedka Puntland."

Weriyaha Idaacada Australia waxa uu xildhibaanka weydiiyey: Ma waxaad leedahay waxay ahayd haddii cod la qaadayo in marka ugu horreysa haddii la is leekaado, oo mar kale la sameeyo cod qaadista, oo haddii markaas la is leekaado uu mar labaadka uu guddoomiyuhu uu codkiisa dhinac uun ku daro, sidaas miyaa?

Waxa uu ku jawaabey: "Xeer Hoosaadka Qodobka 13.8 ee faafinta rasmiga ah sidii uu ugu soo baxay aan kuu sheegay, wuxuu qorayaa 'Haddii laba jeer codku is leekaado mar saddexaadka in guddoomiyuhu cod dheeri ah yeelan karo', taasina ma dhicin ee hal mar ayaa codka la qaaday, halkii mar ee la qaadayna waxa uu ku dhacay 21 diidey, 21 ogolaatay iyo 6 ka aamusay, waxaa (golaha) fadhidey 48 xildhibaan," ayuu kujawaabey.

Waxana uu Xildhibaan Mukhtaar Oday intaas ku daray "Marka waxaan halkaan idiinka cadaynayaa, ka xildhibaan ahaan, anigoo aan diidanayn maslaxadda dalka iyo dalka, anigoo aan  iska hor keenayn shuruucda iyo nidaamka, adeegsanayana shuruucda dalka iyo dadka u deggan iyo qawaaniinta dalka, in ay tahay LAAXIN aan jirin oo uu Guddoomiyuhu marooqsaday, xeerakanna uu qabyo yahay, Goluhuna uusan ka doodin, codayntu sidii ay u dhacdayna aysan sharci ahayn, isaga  ayaana ku saxiixan xeer hoosaadka sidaas u qeexaya Guddoomiye Axmed Cali Xaashi ayaa ku saxiixan, waxaa kale oo ku saxiixan Maxamuud Muuse Xirsi oo ah madaxweynaha DGPL, faafinta rasmiga ah ayuu kusoo baxay. Annagu wixii aan sharci ahayn, maadaama aannu sharci dejin nahay waa naga rebban yihiin."

Waxa kale oo la weydiiyey: Maxaa marka idiin qorshe ah waayo waxaa jiro shirkado ajnebi ah oo raba dalka in ay shidaal ka baaraan, maadama arrintani tahay caalami (International) oo aad moodid in ay meel fog salka ku hayso, marka arrintan ay hadda DGPL ay sharcigeeda dhamayneyso sidee ayey idiinla muuqataa idinka (Baarlamaanka) sidey dhibaato ugu keeni karto (Dhexdiina) ama sidee ayey dhibaato ugu keeni kartaa dadka iyagu doonaya in ay wax ka baaraan ama aysan baarin-ba?

Waxa uu ku jawaabey "Wax kasta waxay leeyihiin waddo loo maro, qawaaniin iyo sharci ayaa hore loo degsadey, waxaannu annagu haddaanu nahay xeer dejintii aan ilaashanaa waa xeerarka aan samaysanay oo na kala haga, qofna hadal tiro iyo muran waxba kuma qaadi karo, waxay tahay waxaa weeye golihii wakiilladu waa noo furan yahay, sidaad ogtahayba waxaan fadhinaa (ama socda) fadhi aan caadi ahayn oo la isugu kaaya yeeray oo 15-cisho soconaya, kaas oo bilowday 15-kii Maarso 2008. Waa laga doodayaa waana laga wada hadlayaa, wixii ay goluhu isla qaataan ayaana sharci noqonaya."

Laakiin Mukhtaarow sida aad sheegeysid haddii 15-kii (Maarso 2008) la idiin furay kalfadhiga oo uu ahaa fadhi dheeraad ah, miyeysan ahayn in dooddu arrintan ku saabsan ay mar hore bilaabatay?

Waxa uu ku jawaabey: "Haddii aan kuugu noqdo qodobkaas, fadhigu markii uu u furmay golaha wakiillada, maalintii koowaad waa la isku qabtay oo xeerkan waa laga dooday, maalintii labaadna buuq ayaa dhashay, kabacdi guddi ayaa loo qabtay, shalay (18/3/2008) baarlamaanku fasax ayuu ahaa oo guddigii ayaa la maqnaa, guddigii maanta [19/3/2008] haddii ay keeneen oo wixii ay soo arkeen ay akhriyeen, waxay ahayd in laga doodo, oo markaas ka bacdi qodob qodob looga doodo... Waxaa sharcigaani ku ansixi karaa in qodob qodob looga doodo sida uu qabo Dastuurka DGPL Qodobkiisa 46aad, farqaddiisa 8aad oo tilmaameysa 'Sharci kasta oo ay soo gudbiyaan golaha xukuummadu waxaa looga doodayaa qodob qodob' Markaas ka bacdi ayaa cod loo qaadayaa..  Waxaa weeye marka habkaas sharci darrada ah ee guddoomiyuhu mariyey, baarlamaankuna sidaad ogtahay cod ayuu wax ku kala helaa iyo aqlabiyad. Markii nidaamka (process) la mariyo haddii ay noqoto sida ayagu ay rabaanna waxba kama qabno oo waxaa weeye cod ayaa wax laga helaa, haddii kale oo ay noqoto markaas sidaas ay u dhacdona cod ayaa lagu lelay. Laakiin habkaan marooqsiga ah oo codkii oo aan dhammaystirnayn uu guddoomiyuhu ku dhawaaqay oo isaga naftarkiisu uu debmbi ku jiro  'ku tagri fal awoodeed ee golaha ayaannu ku haysanaa."

Waxaa xildhibaanka la weydiiyey: Miyeysan dhici karin ninka dhinaca kale jooga oo isagu u codeeyey in sharciga la meel mariyo oo 21-ka ogolaatay ka mid ah in uu yiraahdo sharcigaan waa laga dooday, dhawr ayaamood ayaa laga doodaayey, guddi ayaa loo saaray, guddigii loo saarayna markii la keenay waxay ku taliyeen in loo codeeyo, miyuusan sidaas oran karin, sababtoo ah warar sidaas ah ayaa jira?

Xildhibaan Mukhtaar Oday waxa uu ku jawaabey: "MAYA, xeerkaan lagama doodin, markii ugu horreysey oo golaha la keenay buuq ayuu dhaliyey, sida hadda codaynta kaaga muuqatana baarlamaanku waa ku kala qaysabsamay, qayb ayaa waxay yiraahdeen BAHALKAANI WAA LAAXINKIISA ayaa badan ama waxaa ku qoran waxyaabo aan dan u ahan danta dalka iyo dadka, qaybta kalena waxay soo jeedisey in la lafaguro oo la kala qaybiyo, sidaas ayadoo lagu kala qaysan yahay ayaa guddigii wax ka soo taataabtay ayagoo aysan ku fillayn muddada la siiyey oo guddiga laftarkiisa culays lagu saaray isla maalintiiba in ay soo celiyaan. Arrintu si kastaba ha ahaatee iyadoo markaas aan laga doodin ayaa haddana loo codeeyey. Qodobka la isku haysta waxay tahay markii hore oo waxyaalo badan oo la isku haystey ay ku jireen xeerkan oo doodiisii uu soo dhaafiyey oo guddoomiyuhu diidey. Waxaan marka kuu cadaynayaa in aan  lagaba doodin markii horeba ee la isku qabsaday Xeerkaani Sax ma aha iyo waa sax, kabacdina guddiga sidaas loogu saaray.

Waxa kale oo la weydiiyey: Iyadoo aan laga doodin, iyadoo codkii la qaaday oo sidaas u dhacay oo ahaa in uusan isagu [Guddoomiyaha Baarlamaanku] soo dhex gelin ayaa ka mid ah qodobada ugu waaweyn. Maxaa kale oo aad diidan tihiin, waayo waxaan maqalay in la yiri waxba lagama baari karo Sool, Sanaag iyo Cayn, oo dad badani arrintaas ka soo horjeedaan, adigu ma dadka noocaas ku jira ayaad tahay?

Waxa uu kujawaabey: "Sidaad ogtahayba Puntland waa gobollo la yaqaan oo ku cad dastuurka DGPL. Sida aad ogtahayna gobollo ka mid ah ayaa la haystaa, iyadoo marka xuduudihii iyo wadankii khayraadka qaysanayey iyo intii ku bahowdayba ay qaybi maqan tahay, xildhibaannada qayb ayaa waxay qabaan in marka hore la sugo xuduudada maamul goboleedka Puntland, marka labaad loo gudbo amniga oo la sugo, marka saddexaadna loo gudbo sidii khayraadka loo qoondaysan lahaa, loon akala xadayn lahaa degmooyinka iyo gobollada khayraadkaasi dhex yaallo.

Laakiin haddii Sool, Sanaag iyo Cayn idinkuna dawlad ahaan aydinaan awood u lahayn aad ku qabsataan magaaladii Laascaanood oo dawlad kale oo leh Soomaaliland ayaa nala yiraahdaa ay hasato, miyaan markaas la idiin arkayn in aad cuna-qabatayn ama jajuub aad ku haysataan gobolada kale oo laga yaabo in ay wax baartaan, ayaa la weydiiyey?

Xildhibaan Oday waxa uu ku jawaabey "Horta Puntland waxa weeye goob nadabeed, waadna ogtahay Soomaaliya oo dhan waxay u tahay hooyada nabadda. Puntland mar walba gobollada ka maqan waxay ku dooneysey in ay maslaxad ku raadiso, oo walaaltinimo ku raadiso, dadka oo dhammi waa is yaqaan, xuduudahana waa la yaqaan, haddii markaas ay ku imaan weydo maslaxadda iyo nabadda loogu baaqan nimankaas soo duuley oo yimid Gobollada Puntland oo sheeganaya in ay ka goosteen Soomaaliya inteeda kale haddii ay ka bixi waayaan ayey imaaneysaa tillaabadii laga qaadi lahaa, laakiin weli waxaa la wadaa waan-waan in ay ka baxaan sida madaxweynaha Dawladda Federaalka mudane Cabdullaahi Yuusuf Axmed uu ugu baaqay in ay ka baxaan gobollada ay kusoo duuleen ayna iyaga laftarkoodu ka mid yihiin Soomaaliya, inkasta oo iyagu gaar ay isu magacaabeen oo ay rabaan xoog in ay Soomaaliya ku kala googooyaan, waxaan Soomaalida na dhegeysaneysa u sheegeynaa Soomaaliya in ay mid tahay oo nin gobolladayadii xoog ku goosanaya aannaan ugu dul qaadanayn, mar dhowna ay imaan doonto in dib loo soo celiyo markaas ka bacdina khayraadka iyo wadanka maslaxadiisa laga talin doono.

Mukhtaarow dad badan ayaa waxay isku hayaan dawladdaan (Puntland) awoodeeda iyo waxqabad keeda in aysan wax sidaas u weyn ahayn, sida laga warqabo Xalay (Maarso 19, 2008) dagaallo ayaa ka dhacay Boosaaso iyo Qardho dhexdeeda, ciidamo aan dawladda ka mid ahayn iyo ciidamo kale ayaa madaxa isku qaatay, marka idinku sidee ayaad u raabtaan in sharci noocaas ah (Batroolka) loo gudbiyo (loo ansixiyo) idinkoo taladii waddanka oo hadda haddii la soo qaado labadii bilood ee la soo dhaafay inta wax ee dhacay  oo afduubka ah oo haddeer lacagta sicir bararka keentay oo lacagta waddanka laga daabacayo keentay, marka maxaa idinku mashquuliyey arrintan batroolka iyadoo aad moodo wadankiiba in kulligiinba uu gacantiina ka baxaayo oo bal mas'uuliyiinta laga yaabee idinka ruuxiinu aydin waxba ka qaban arrintaas, ayaa la weydiiyey?

Waxa uu ku jawaabey: "Wax kasta waa dhacaan, adduunka oo dhan ayey ka dhacaan, Maraykanka ayey ka dhacaan, Ingriiska ayey ka dhacaan, oo dhacdoyinkan aad ka sheekayneysid way dhacaan, xoogaa wa jiraan debecsanaan ah oo xagga amniga ah, iyadana waa midda uu baarlamaanku doonayo in wax laga qabto gudaha iyo dibaddaba, oo Puntland waxay ahayd hooyadii nabadda , lasoo celiyo nabad gelyadii. Baarlamaanku aad ayey ugu dadaalayaan, waana ku dadaaleynaa. Dhacdooyinkaas hadda dhacayana waannu ka xunnahay, yacni weyna dhacdaayo haddeer waad ogtahay Maraykanka ayey ka dhacday oo arday iskuul ku jira in qori la iska mariyey, meelo kale oo la iska laayey, dukaamo la boobay.... wax dhaca weeye"

Laakiin waxa ka dhacaya Puntland hadda ciidamo ayaa jira sida wararku sheegayaan ciidamo dad dhaqaale leh oo arrintaasi salka ku hayso lacagta daabacaadda ah oo ciidamada qoriga xabbadu afka ugu wad jirto, marka sidee ayaad batrool aan la garanayn iyo shuruuc aan la garanayn sida ay u suurta geli karto iyo baaristeeda aad isugu mashquulineysaan idinkoo isku mashquulin waayey waddanka nabaddiisa ayaa radiye Australai weydiiyey?

Xildhibaan Mukhtaar Axmed Oday waxa uu ku jawaabey: "Horta baarlamaan waad taqaanna oo waa rag tiro badan oo meel isugu yimid , ra'yigana waa lagu kala duwanaan karaa, laakiin waxay ka midaysan yihiin waa maslaxadda dadka iyo dalka, arrintaas aad sheegeysid  sida loo buun buuninayo ma aha, wax waa ka jiraan laakiin aad ayaa loo buun buuninayaa, haddana in wax laga qabto oo la daba galo oo arrimahaas aan culaysino ka baarlamaan ahaan ayaan rajayneynaa,  waxaannuna dooneynaa qoladayadan ku-leh xeerkaan kama aanan doodin in laga hor mariyo wax walba maslaxadda iyo nabad gelyada iyo dib u sixidda iyo golaha wasiirada oo aan xasaanaddii lahayn...."

Waraysigaas cod ahaan waxaa qaaday Ciise Dhoolawaa oo ka tirsan Idaacada Australia ee SBS waxaana qoraal ahaan u rogey bahda SomaliTalk.com.

Eng. Kaanje: Sharciga Batroolka Ansixintiisa Wax  Puntland ka khuseeya ma jiraan...

kaanje(Sharciga batroolka Puntland) Ansixintiisa ayaan diidanahay, waayo ansixintiisa iyagu ogolaanshoba uma leh.... wixii ku saabsan sharci dejinta oo dhan waxaa leh dawladda Federaalka...

Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta DFKMG, Eng. Maxamuud Cali Saalax (Kaanje) ayaa (19/3/2008) waraysi uu siiyey Radio Garoowe waxa uu si qeexan ugu sheegay in sharciga Batroolka Soomaaliya cidda keliya oo samayn karta ay tahay DFKMG, sidaas daraadeedna Puntland aysan wax shaqo ah ku lahayn in ay samayso sharci noocaas ah.

Eng. Maxamuud (Kaanje) waxaa la weydiiyey: Dawlad Goboleedka Puntland ma kaala soo xiriireen arrimaha khuseeeya Batroolka intii aad haysey xilka wasiirnimo (ee DFKMG)?

Eng. Kaanje waxa uu ku jawaabey: "Waa ila soo xiriireen, mar ayey ila soo xiriireen, waxaana ila soo xiriiray wasiirka loo xilsaaray macdanta iyo batroolka (Puntland), markaas waan u sheegnay oo waxaan ku niri in masuuliyadda ay qaadeyso oo ka mas'uul tahay Dawladda Federaalka oo qur ah, wixii ka soo baxa markii shuruucdaas la fuliyo in wixii qayb ahaan loo qoondaynayo Dawladda Federaalka, wixii Dawlad Goboleedyada loo qoondaynayo, iyo meelaha ay ka soo baxaan ama degmo ha ahaato ama tuulo ha ahaatee in iyaga naftarkooda wax horumarin ah loo qoondeeyo, waa waxyaabaha aan maskaxda ku hayney, oo aanaan weli u qoondayn balse ay tahay in waqti dambe la qabto."

Wasiirka Macdanta iyo Tamarta DFKMG waxaa kale oo la weydiiyey: waxa ay ka DFKMG ka yeeleyso sharciga ay (19/3/2008) ansixyeen baarlamaanka DGPL?

Eng. Kaanje waxa uu ku jawaabey: "Wararka isoo gaaraya waxay sheegayaan in la isku afgaran waayey (sharcigaas), laakiin haddiiba ay noqoto in la yiraahdo waa la ansixiyey, waxaad ogaaneysaa in waxan waa khayraad dadka oo dhan ka siman, innagu maangada iyo cambaha iyo babaayga ka baxa Xamar ma oran karno waannu idinla leenahay khayraadka Puntland kasoo baxana nalama lihidin wax caqliga geli kara ma aha, waxa weeye waa dal Soomaaliyeed, Puntland waa laf dhabarka Dawladda Federaalka (KMG) ama xag dhaqaale ha noqoto ama xag siyaasadeed ha noqoto sida ay u taageereysey iyo taageeradeeda waxay annaga noo ahayd oo noo xisaabsanayd in ay tahay laf dhabarka Dawladda Federaalka.."

Waxana uu markaas xusay sida ay muhiimka u tahay in la dhawro heshiisyadii hore loola galay shirkadaha/dawladaha, isagoo taas ka hadlayeyna waxa uu yiri: "Dawlado kale oo shisheeye ah ayaa waayadii hore lala galay heshiisyo, dhulku wuu kala cabbiran yahay, waxyaabo badan ayaa u baahan in la qaddariyo oo xeerkeeda u baahan. Shariikad yar oo ama Australia aan ka keenay ama Canada laga keenay oo aan dhaqaalahii iyo Teknoolojiyadii midna lahayn waxay ila tahay wax weyn ka bedeli meyso tii hore, dadkii hore u maal gashaday, kunturaadyadii (qandaraasyadii) hore waa burbureen waa sax laakiin haddana la iskama illaawi karo (shirkadihii hore) iyagoo intaas oo juhdi ah geliyey in maanta la yiraahdo orda oo iska taga, marka xisaabaad badan ayaa jiraaya."

Eng. Kaanje oo hadalkiisii sii watey waxa uu sheegay in shirkadaha caalamiga ah aysan kusoo dhiiranayn in ay Soomaaliya yimadaan xaaladda waaqaca ee jirta awgeed, isagoo taas ka hadlayeyna waxa uu yiri: "Shirkadaha caalamiga ah (International Campnies) waxaannu ognahay in aanay imanayn, waxa (sababta) aanay u imanayna waxaa weeye waaqaca wixii ka jira meesha way ogyihiin, marka sidaas awgeed ayaanayba uguba soo dhiiranayn, marka wax macne ah (oo sharcigaasi) kordhinayo annagu ma aragno, waayo wixii wax jira maba aha."

Waxaa kale oo la weydiiyey waxyaabaha ay DFKMG ku dhaliileyso arriminta shidaalka ee Puntland "ma waxay la xiriirtaa in shirkadihii hore heshiisyada loola saxiixday in aan la iska ilaawin oo kuwa cusub ayaad dhaliileysaan, mase arrintu intaas ma ahane shidaalka ansixintiisa ayaad diidan tihiin xilligan."

kaanjeWasiirka Macdanta iyo Tamarta DFKMG waxa uu ku jawaabey: "(Sharciga batroolka Puntland) Ansixintiisa ayaan diidanahay, waayo ansixintiisa iyagu ogolaanshoba uma leh, ansixinteeda waqtigaan xaadirka ah wax iyaga ka khudeeya ayaanba jirinba. Marka aad unoqotid xeerka Xukuummada Federaalka ee Soomaaliya waxaa ku qeexan in la dhawro lana qaddariyo shuruucda caalamiga ah ee heshiisyada aannu dadkii hore la gallay iyo in wax u kala soocan yihiin Dawladda Federaalka iyo Dawlad Goboleedka. Markaas dawlad goboleedka waxaan iyagu shaqo kuma laha, waxaan annaga (DFKMG) ayey shaqadayada tahay, heshiisyada annagaa samayna, xeerarka annagaa u soo samayneyna, wixii ku saabsan sharci dejinta oo dhan waxaa leh dawladda Federaalka, sidaas awgeed ahal uma aha iyagu (DGPL) in ay sharci doca-docaynaya kii aan soo saareyney na barbar geliyaan."

Waxaa kale oo jirta warsaxaafadeed qoraaal ah oo uu soo saaray Eng. Kaanje (Hoos ka akhri). Balse marka hore aan eegno hadalladii wasiirka DGPL u qaabisan Batroolka oo isaguna ka hadlay sharciga shidaalka Puntland.

Aloore: Sharcigan ayaan ku shaqaynayaa...

aloore Hassan Osman MahamudWasiirka Batroolka DGPL, Xasan Cusmaan Maxamuud (Xasan Aloore), oo warbaahinta maxalligu ay (Maarso 19, 2008) wax ka weydiisey in xildhibaannaada Puntland qaarkood ay sheegeen in cod bixinta sharciga batroolka qaabkii ay u dhacday in ay khalad ahayd, waxa uu ku jawaabay:

"Wasiir ahaan Aniga waxaan ahaa wasiirkii su'aalaha laga weydiinayey oo buugga keenay, xildhibaannadu awoodda waxay u lahayeen in ay buuggan qodobka 1-aad  ilaa 91-ka uu ka kooban yahay buugga qoran, waxaa weeye iyagaa awood u lahaa in ay diidaan ama in ay yeelaan, waana yeeleen (ogolaadeen). Guddoomiyaha baarlamaankuna tiro badi ayuu ku yeelay, wuxuuna ku dhawaaqay in sharcigaas la ansixiyey, sidii ayaan kusoo qaaday aniguna xukuummadda aan (sharcigaas) ku dhaqan gelinayaa, kuna shaqaynayaa maanta wixii ka dambeeya."

Wasiir Aan la ansixin....

Dhanka kale, Xildhibaan Mukhtaar Oday ayaa muujiyey wasaarada Macdanta & Batroolka ee Puntland qudheedu in aysan waafaqsanahayn xeerka (oo xasaanad ama ansixin ka haysan Baarlamaanka Puntland), waayo ayuu yiri: Miisaaniyadda waxaa ugu jira (ama ugu qoran) in ay tahay Wakaalad, Wasiirkana waxa uu ahaa Agaasime, hadda ayaana madaxweynuhu soo magacaabay, golaha wakiilladana lama hor keenin oo wasiirka lama ansixin.. Haddana sidaas oo ay tahay ayaa la keenay xeerka (Batroolka Puntland).." sidaas ayaan ku diidanahay ayuu yiri Xildhibaan Oday.

Marka laga soo tago xildhibaannadii markii hore diidanaa sharcigaas, waxaa kale oo jira xildhibaanno markii hore u codeeyey "HAA", laakiin markii ay cod bixintii koowaad barbaro noqotay oo guddoomiyaha baarlamaanku uu durbadiiba ansixiyey ayey aad uga carrodeen arrintaas, iyagoo ku tilmaamay in guddoomiyuhu ka hor yimid sharciga u deggan Puntland. Waxana markaas ka hor yimaadeen sharcigii ay "haa" ugu codeeyeen...

Xildhibaan Idiris: Sharcigaasi Ansax ma aha...

Dhanka kale, Xildhibaan Maxamuud Maxamed Idiris oo ka mid ah 21-kii xildhibaan ee ogolaanshada ugu codeeyey sharciga batroolka Puntland ayaa sheegay in uu hadda aad uga soo horjeedo qaabkii ay u dhacday ansixinta, isaga oo la hadlaayey saxaafadda maxalliga ah waxa uu sheegay: in kasta oo uu isagu ka mid ahaa xildhibaanada ogolaa sharcigaas, in uu haddana ka soo horjeedo sida guddoomiyaha baarlamaanku uu u ansixiyey sharciga. Isaga oo sheegay in aan la marin sidii sharcigu ahaa.

Xildhibaan Idiris waxaa la weydiiyey in sharcigaasi dhaqan gelayo in kale, waxana uu ku jawaabay "MAYA, ma dhaqan gelayo, sababta aannu ku dhaqan geleyna waxaa weeye: golayaashu waxay leeyihiin xeer ay isku hoggaamiyaan, annaguna sharci dejintii ayaannu nahay, in markaas sharcigu dhankayaga ka xumaado munaasab noqon meyso, ee xeerkaasi ansax ma aha. Waxa aanu ku ansaxayn qodobka xeer hoosaadka ka mid ah ee 13aad, farqaddiisa 6aad ayaa tilmaameysa in codku haddii uu is leekaado laba jeer ayaa lagu celinayaa, marka saddexaad ayaa guddoomiyuhu wuxuu yeelanayaa cod labaad oo dheeri ah, markaas qolada uu raaco ayaa codku ansax u noqonayaa."

Xildhibaan Maxamuud Maxamed Idiris waxa uu sheegay in sharciga lagu celinayo golaha, waayo mar haddii goluhu is qabto waxaa lagu kala baxaa sharciga.

Waxa kale oo Xildhibaan Idiris sheegay in sharcigaas ay ka muuqdeen waxyaabo badan oo ka hor imanaya sharciga Puntland, sida in uu gobolo qaar faquuqayo, iyo in aysan ku caddayn wax qaybsiga sida in aysan ka muuqan saamiyada degaanka, DGPL iyo DFKMG inta uu mid kasta yeelan doono iyo isagoo u muuqda sharci kala qoqobaya dadka isku degaanka ah.

Wafti ka socda Ex-CANMEX oo Joogey Garoowe Markii loo codaynayey sharciga....

Maarso 19, 2008, oo ah maalintii codka loo qaaday sharciga batroolka Puntland, waxaa magaalada Garoowe soo gaarey wafti ka socdey shirkadda Africa Oil (Ex-CANMEX) ee heshiiska shidaal baarista kula jirta Puntland iyo Range Resources.

Wararka ayaa tibaaxay in xubno ka socda shirkaddaas ay yimaadeen Garoowe maalintii sharciga la ansixinayey ayna isla markii sharcigaas muranka dhaliyey la ansixiyey ay ka laabteen Garoowe.

Sarkaal Digniin Kulul u Diray Shirkadaha Ajnebiga ah (ee Qandaraaska la gala Puntland)...

Cabdullaahi Bootaan "Ciilqabe" oo ah Sarkaal ka tirsan Puntland oo ka mid ah dadka sida weyn uga soo horjeeda xeerka shidaalka ee la hor geeyey Baarlamaanka DGPL oo u waramayey Idaacada Garoowe (20/3/2008)waxa uu yiri: "Waxaan xukuummada maamul Goboleedka Puntland la socodsiinayaa in aan shidaal laga soo saari karin iyo macdan toonna aan ogolaansho looga haysan dadka deegaanka Gobolka Nugaal aysan xukuummaddu ku tallaabsan karin in ay shaqo k abilowdo meesha la yiraahdo Conoco," ayuu yiri sarkaalka reer Puntland isagoo intaas ku daray "Waxaan uga digeynaa shirkadaha Qandaraaska Beenta ah ka qaadanaya Xukuummadda oo ajnebiga ah wixii soo gaara iyagaa ka masuul ah haddii aysan haddii aysan dib uga fiirsan."

Maxamed Xaaji Huruuse oo isaguna ka mid ah ciidamada Puntland ayaa si qeexan u muujiyey in dhaqaalaha soo gala Puntland dad gaar ah ay dibadaha ku shubtaan, isagoo arrintaas ka hadlayeyna waxa uu yiri "Maamulku maanta meel xun ayuu marayaa, dad ayaa loo shaqaynayaa meeshan ee dawladnimo loo shaqayn maayo, dalka wixii soo galay oo dhaqaale ahaana Cummaan, Abu-Dubai iyo Imaaraadka Carabta iyo Sweden ilaa tan iyo Talyaaniga ayaa lagu shubay. Isimada, waxgaradka Soomaaliyeed iyo ummada reer Puntland waxaan leeyahay belaayo lama dhawrto xaaladuna maanta meel adag ayey maraysaa. Dhaqaalaha waddankeena soo galaana Geeska Afrika (oo dhan) marka uu gaaro waxaa dhaqaale laga siin karaa Reer Yurub. Bad iyo berriba, maalin walba inta la shubo oo dibadaha laga buuxiyo oo la kala tuurto in afka caag loo mariyaana dhibkeeeda ayey leedahay. Baarlamaan shaqaynayaana ma jiro oo dhammaan midkasta boorsadiisa ayuu cabbaystay oo nin walba waa lala ballamay, nin cod dhiiban karana ma leh, xafiis ay fadhiyaanna ma leh. Waxaan leeyahay fadhiga hala kaco, isimadu gacanta haku dhigeen dalka, baaqigayaga harayna iyo difaaca dalka, han asoo celiyeen nolosha ummadda."

Hadalka Cabdullaahi Bootaan iyo Maxamed Huruuse iyo warar GooGoos ah:

Waxay ahayd Maarso 14, 2008 markii musharax madaxtinnanimada DGPL, Colaad Maxamed Saciid, uu ka digey in shidaal laga baaro deegaanka Hol-Hol ee hoos taga degmada Taleex ee Gobolka Sool. Waxana uu intaas ku daray "inay puntland ka jirto xilligan ammaan darro baahsan oo ka dhalatay maamul xumada masuuliyiinta xilka u haya puntland taasoo sii murginaysa xaaladda maamul goboleedka puntland haddii la isku dayo in shidaal laga qodo deegaanada hoos taga deegaanada Sool iyo Nugaal."


Wasiirka Batroolka ee DFKMG oo si cad uga horyimid Sharciga Batroolka Puntland

kaanjeMaarso 20, 2008: War-saxaadeed ku wajahan Sharciga Batroolka ay ku dhawaaqday Dawlad Goboleedka Puntland in ay Golaha baarlamaanka Horgeyneyso.

Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta DFKMG, Eng. Maxamuud Cali Saalax (Kaanje):

 "Waxaan war-saxaafaeedka u qabtay, si aan mowqifkayaga ka wasiir ahaan iyo mowqifka Xukuumadda Federaalka KMG ee Soomaaliya ugu daddayno meesha aan ka taaganahay arinta dawlad goboledka Puntland ayu wado."

"Waa arrin aan la ogolaan karin in Dawlad Goboleedka Puntland oo ah laf-dhabarta Xukuumadda Federaalka KMG ee Soomaaliya ay si bareer ah ugu tacadido xeerka u yaal XFKMG ee Soomaaliya, kaas oo si cad u qeexaya awoodda ay kala leeyihiin Xukuumadda FKMG iyo Dawlad goboleedyada. Awoodahaas oo sheegaya in khayraadka dabeeciga ah, sida batroolka, macdanta, iwm ay yihiin hanti qaran masuulna ay shacabka uga tahay Xukuumadda FKMG ee Soomaaliya; ayna tahay awoodda iyo masuuliyadda XFKMG, in ay u dajiso siyaasad iyo sharci lagu maamulo si looga faa'iideeyo dhammaan shacabka Soomaaliya."

Xeerka Xukuumadda FKMG ee Soomaaliya, waxaa uu qeexayaa in la dhawro lana qadariyo sharciga caalamiga ah iyo heshiisyadii Soomaaliya ay horey ula gashay dawladaha iyo shirkadaha shisheeye. Sidaas awgeed, waa in talaabo kasta oo XFKMG iyo dawlad goboleedyadeedu ay u qaadayaan ka faa'iidaysiga khayraadka dabeeciga ah ee ku jira dhulkooda, aan marna lagu tuman sharciyadaas iyo heshiisyadaas iyaga ah.

Ugu dambayntii, waxaan ka codsanayaa masuuliyiinta dawlad goboleedka Puntland in ay xushmeeyaan, masuuliyadna iska saaraan dhawrista xeerarka XFKMG ee Soomaaliya oo ay gabi ahaanba joojiyaan ficillada ay wadaan ee ku wajahan sharci u samaynta khayraadka dabeeciga ah, sida batroolka, macdanta iwm; Ficillada oo ka hor imanaya xeerka XFKMG ee Soomaaliya.

Qoraal uu soo saaray Gen. Cadde Muuse [22/3/2008] ayuu ku qeexay in "Inta laga helayo dastuur federaal ah oo loo dhan yahay iyo dhismaha dawlad goboleedyo ku qanacsan qaybsiga awoodaha iyo khayraadka, taageerada Dawladda Puntland u hayso DFKMG ah sina looguma qaadan karo in ay Puntland ka mid tahay DFKMG ah - Puntland waa u madax bannaan tahay shuruucdeeda, siyaasaddeeda iyo daneheeda." [Akhri Qoraalka Cadde]


Somaliland oo Xabsiga ka siideysey Maxaabiis Puntland ah:

Maarso 19, 2008: Maamulka Somaliland ayaa xabsiga ka siidaayey 68 maxaabiis oo wararku sheegeen in ay reer Puntland yihiin. Wararka ayaa tibaaxay in Somaliland ay sheegtay in ay maxaabiista ku siidaayeen codsiyo uga yimid odayaasha dhaqanka ee Sool iyo Cayn.

Guddoomiyaha Baarlamaanka DFKMG oo ku hanjabey in uu is casilayo

Maarso 19, 2008: Sheekh Aadan madoobe, guddoomiyaha Baarlamaanka DFKMG ee fadhigiisu yahay Baydhabo ayaa ku hanjabey in uu is casili doono, isagoo arrintaas ku sababeeyey in xildhibaanada DFKMG ay la shaqayn waayeen, laga soo bilaabo markii la magacaabay ra'iisul wasaaraha DFKMG, col. Nuur Cadde.

Puntland: Maleeshiyo Beeleed ka itaal roonaaday Ciidamo Fadhiyey Kantarool

Maarso 18, 2008: Bar kantarool ah oo ku taal buurta Al-xamdulilaah (oo Boosaaso u jirta ilaa 130km) ayaa waxaa iska hor imaad hubaysan ku dhex maray Ciidamo Puntland ah oo bartaas kantaroolka joogey iyo maleeshiyo beeleed ku socdey Boosaaso si ay usoo furtaan makiinad daabaci jirtey lacagaha beenta ah oo ay joojisey Dawlad Goboledka Puntland. Waxaa wararku sheegeen bartaas ay laba qof ku dhinteen ilaa 7 kalen aku dhaawacmeen, isla markaana in ay maleeshiyadii beeleed ka itaal roonaadeen ciidankii kantaroolka joogey oo ay sidaas ku dhaafeen bartii kantaroolka ahayd. Waxaana la sheegay in aygaareen tuulo u dhow Boosaaso.

Dagaal ka dhacay Muqdisho:

Maarso 20, 2008: Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay dagaal ka dhacay magaalada Muqdisho.

Faafin: SomaliTalk.com | Updated: March 22, 2008

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: