SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - TAHRIIB
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print
MADHOODHOW
Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...
 
FILIMADA ANSHAXA XUN
Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...
 
GALCAARKA
Fulinta Dhaqantoosinta iyo La dagaallanka HIV/AIDS-ka:
Ka digtoonaansho qorshaha shisheeye oo ah mindi laba-afle ah...
Guji
 
CAAFIMAADKA
AIDS | CHOLERA | SOKOROW | JABTADA | SHIFO
Faarax Axmed Muuse | Karachi
 
QISO NAXDIN LEH
Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah....... GUJI....
 
SAWIRRO XAMAR
XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO
 
XIJAABKA
»Maxamed DHeere oo Indh shareerka mamnuucay

»
Faransiiska oo iskuulada ka mamnuucay Xijaabka...

»Yusuf Shabac II oo Raali Geliyay Jaaliyadda Guji...
 
DAROOGADA QAADKA
KHASAARAHA DHAQAN-DHAQAALE EE QAADKU KU HAYO SOOMAALIYA:
Waxaa lagu qiyaasay in garoonka Deyniile oo keliya laga dejiyo qaadka nooca Miirowga loo yaqaan oo qiimihiisu dhan yahay $170,000/bishiiba, taas oo sannadkii ka dhigeysa $2,040,000. Eeg halkan... Qiyaas akhristow inta ardayga Soomaaliyeed uu ku dhigan karo Jaamacad kutaal Soomaaliya..
Guji.. 

BOSASO: Kasoo horjeedka Cisbitaalka Boosaaso waxaa kuyaal suuqa daroogada Qaadka oo ay  kasoo baxdo miisaaniyad lagu qiyaasay $US50,000 maalintiiba, laakiin lacagta halkaas ka soo baxda iyo cashuurteedu toona ma gaaraan cisbitaalka, sidaas waxaa qoray...
 ABC Australia...
 
MUSLIMIINTA CUSUB
Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..

Dhakhtar Ajnabi ah oo ka tirsan dhakhaatiirta Isbitaalka SOMRUS oo Islaamay: Dr. Maxamed Cali oo horeyna loo oron jiray Dr. Nikiforov Pavel ayaa islaamay Muqdisho Guji

Singapore: 500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka.. Guji
 
QISO XIISA LEH
“Sawirkan Lama Ogala. Waxan Rabna Sawir Midab ah oo wajiga, timaha iyo qoorta wada muuqato”, Guji.. ..

Sheekadii Kiishka... Guji/
 
BARO QAARADA AFRIKA

AFRIKA: DUNI DAHAB AH IYO MALAB DAMEER SAARAN!! aKHRI: Wax ka baro Qaaraddaada


DHIBAATOOYINKA TAHRIIBKA BADDA Dr. taqi

Qaxootinmo Nafta Loo Miidaamiyaa Sharaf ma laha! Guji.... [Qore Saciid Cali]

 


Maamulaha iyo Shaqaalaha Telesom Borama oo tacsi u direen dhalinyaradii ku geeriyootay badda Liibiya.

Maamulaha shirkada Telesom ee Boorama Mudane Cabdiqaadir Aadan Nuur ayaa maanta (June 18, 2008) xafiiskiisa shir jaraa'id ugu qabtay Saxaafada, waxuuna ka hadlay dhibaatada lasoo gudboonaatay dadweynaha ku dhaqan magaalada Boorama gaar ahaan dhalinyarado tiradooda lagu sheegay 25 oo ku geeriyootay badda u dhaxeysa Liibiya iyo Talyaani.

Mudane Cabdiqaadir Aadan Nuur ayaa sheegay inuu aad ugu xunyahay geeridaasi dhalinyarada ku timid, waxuuna ugu baaqay waalidiinka inaysan wax lacag ah caruurtooda usiin sidii ay iskugu biimeyn lahaayeen badda dheer ee u dhaxeysa Liibiya iyo Talyaani.



Maamulaha Telesom oo marka uu Saxaafada la hadlayay indhihiisa laga dheehan karayay ilmo xoogan ayaa sheegay inuusan xalay jiifan marka uu maqlay geerida ku timid dhalinyaradii usoo baxeysay Boorama oo la doonayay sida uu yiri inay badalaan Odoyaasha iminka talada magaalada haya.

Waxuu ugu baaqay dhalinyarada kale ee iminka jooga Liibiya inaysan naftooda biimeyn oo ay ka joogsadaan inay galaan badda oo xiligaan aad u kacsan isla markaana ku tusaala qaataan 25-dhalinyaro ee reer Boorama ah ee geeriyootay labadii cisho ee lasoo dhaafay.

Waxuu maamulaha u tacsiyeeyay eheladii ay ka geeriyoodeen dhalinyaradii u dhalatay G/Awdal, Somaliland iyo guud ahaan Soomaaliya, waxuuna Alle ugu baryay janadii Fardowso.

Sidoo kale, C/qaadir marka uu Saxaafada la hadlayay waxaa garbahiisa taagnaa dhamaan Shaqaalaha kala duwan ee Telesom Boorama ka howl-gala, Shaqaalaha tacsida dirayana waxey kala yihiin:-

Maamulaha Telesom C/qaadir Aadan Nuur
C/laahi Xaaji Indho Nuur.
Axmed Sh. Yuusuf Diiriye.
Eng. Maxamed Cumar Ibraahim
C/raxmaan Max'ud Jaamac "Awgaab".
Axmed Yuusuf Nuur "Koosaar".
Cumar Yuusuf Nuur.
Cabdiqani Cabdi Xasan "Sheekh Deeq".
Cabdi Idiris Axmed.
Max'ed Jabriil Cilmi
Max'ed Ibraahim.
Muuse Ibraahim Habane.
Ibraaahim Nuur Riyaale
Jamaal Cumar Ibraahim.
Mukhtaar Aw-cabdi Saciid.
Cumar Cabdilaahi Coloow
Daahir Faarax Salsale
Iyo dhamaan shaqaalaha Telesom Borama rag iyo haweenba

Inaa lilaah wa inaa ileyhi raajicuun

Qore: Cabdifataax, Awdal


  • Tahriibayaal lagu daadiyey badda u dhow xeebaha Yemen....
  • Dooni ay saarnaayeen 140 oo isugu jira Somali iyo Ethopian ayaa ku qalibmatey xeebaha dalka Yemen
  • Nin Soomaali ah oo Doon Lagaga Tuuray Xeebaha Talyaaniga
  • Nin Soomaaliyeed oo Tahriib ahaa oo Ku Dhintay Webi Ku Yaal Yurub...

Tahriibayaal Lagu Daadiyey Xeebta Laasqoray, oo markii la dejinayey loo sheegay in ay joogaan Yemen.... Feb 23, 2008

Nalka ka iftiimayey Laasqoray ayaa loogu sheegay in uu yahay Yemen.....

Laasqoray:- ku dhawaad ilaa 100- Ruux oo Tahriibayaal ah ayaa maanta [Sabti Feb 23, 2008] soo gaadhay Magaalada Laasqoray ee ka tirsan Gobolka Sanaag, tahriibayaashani waxay markii hore ka soo Boqooleen Magaalada Bosaaso ee caanka ku ah dhoofinta Tahriibta, dadkaasi waxa loogu sheekeeyay inay tegayaan Dalka Yeman iyaga oo markii danbe laga dejiyay Magaalada Laasqoray.

Sida ay sheegeen dadka Deegaan Laasqoray Tahriibayaashaasi waxay la socdeen dooni yar oo ka Boqooshay goobta laga daad gureeyo Tahriibta ee ku taala Duleedka Magaalada Bosaaso,kuwaasi oo markii ay doonta soo raacayeen loo sheegay in la gaynayo Dalka Yeman balse hadhaw laga dejiyay xeebta Degmada Laasqoray ee Gobolka Sanaag.

Cali Cabdi Ibraahim oo ka mid ah dadka Deegaanka ayaa warbaahinta Ingriiska ee British Broadcasting Corporation u sheegay inay dadkaasi tiradoodu gaadhayso ilaa 100- Ruux oo isugu jira Haween iyo Rag kuwaasi oo ay wajiyadooda ka Muuqtay Diif iyo dhibaato xoogan, iyaga oo mudo soo maryay Xeebta oo hadba meel laga dejinayay.

Cali Cabdi waxa uu sheegay inay markii ay ka war heleen Muhaajiriintaasi ay fidiyeen Gar Gaar iyaga oo loo soo daad gureeyay Gudaha Magaalada Laasqoray waxana cunto iyo hooyba u keenay dadka Deegaanka Laasqoray oo arintaasi lagula kacay Muhaajiriintaasi aad uga xumaaday.

Dadkaasi Laasqoray soo gaadhay waxa ku jira Carruur yar yar iyo Haween kuwaasi oo ka walaacsan arinta ay ku sameeyeen dadkii ka qaatay Lacagta oo watay Doonyahay saarneeyeen.

Dhanka kale dadka Deegaanka Laasqoray ayaa sheegay inay dadkaasi ku daad guraynayaan Baabuur si loogu celiyo Magaalada Bosaaso oo ay horay uga soo kicitimeen, iyaga oo kharashka Baabuurtaasi ay gacan ka gaysteen wax garadka Deegaanka Laasqoray ee Gobolka Sanaag.

Maha markii kowaad ee Deegaanka Laasqoray ay soo gaadhaan Muhaajiriin noocaasi oo kale ah e waxa jirta inay sanadkii 2003- ay dooni siday Tahriib ku soo caariday meel u dhawa Xeebta Laasqoray halkaasi oo ay ku dhinteen ku dhawaad ilaa 50- Ruux.

Jaamac Ayaanle Feyte
Feyte37@hotmail.com
Bosaaso | Feb 23, 2008


Badda Yemen: Tahriibayaal Soomaaliyeed oo Qori Caaradiis Looga Daadiyey Laba Doonyood... Feb 22, 2008

Ugu yaraan 40 qof ayaa dhintay, sida laga soo xigtey saraakiil reer Yemen ah, kaddib markii dad tahriibayaal ahaa oo saarnaa laba doonyood lagu daadiyey badda, qori caaradiis. Arrintaas ayaa ka dhacday meel u dhow xeebaha dalka Yemen, dadkaas oo la sheegay in ay ka soo tahriibeen Soomaaliya.

Kooxda tahriibta ku wadey doonyaha ayaa wararku tibaaxeen in ay iyagoo ka cabsi qabey in ilaalaha xeebaha yemen ay arkaan, markii ay kusoo dhowaadeen badda la olloga ah gobolka Shabwa ayey dadkii tahriibta ahaa waxay qori caaradiis kaga daadiyeen doonyaha. 40 meyd ah ayaa ku soo caariyeen xeebta u dhow tuulada Hawra oo 580 km koonfur bari ka xigta magaalada Sanca ee caasimada Yemen.

Waxaa labadaas doonyood ka soo badbaadey ilaa 176 qof oo tahriibayaal ah.

Isha: Warbaahinta Yemen | Feb 22, 2008


Dooni ay saarnaayeen 140 oo isugu jira Somali iyo Ethopian ayaa ku qalibmatey xeebaha dalka Yemen - Jan 20, 2008

Saraakiil reer Yemen ah waxaa laga soo xigtey in ay dhinteen ilaa 82 qof oo tahriibayaal ah oo u badan Soomali ah kaddib markii doontii looxa ahayd ee ay la socdeen ay degtey...

Dooni siday 120 qof oo 30 ka mida ay yihiin Somali Halka 90ka kalena ay Itoobiyaan yihiin taasoo ku dagtay xeebaha dalka Yemen, iyadoo 20-qof oo ka mid ah la sheegay inay dhinteen, halka 30-ruux lagu helay nolol, tirada kalena ay maqan yihiin weli. [Waxaa jira warar dambe oo soo baxay oo tirada ku sheegay 140 tahriibayaal ah kuwaas oo u badan Soomaali.]

Kalluumeysato Reer Yemen ayaa maydadka dadkaan ka helay aroornimadii hore ee Jimcaha deegaanka Axwar oo ka tirsan Gobolka Ebyan ee Koonfurta dalkaas, waxaana kalluumaysatadu ay heleen sidoo kale dad badbaaday oo nool.

Wararka ka imaanaya dalka Yemen ayaa waxay sheegayaan in kalluumeysatadu ay wargeliyeen ciidamada Yemen; kuwaasoo u gurmaday dadkaas dhinatay iyo kuwii badbaaday ee laga helay xeebaha, iyadoo la sheegay in dadkaas la geeyey goobo ay ku nastaan.

Dadka ka badbaadey doonidaan ayaa la shaagey inay 17 ka mid ah yihiin Somali, halka 12 kalena ay yihiin ku u dhashay dalka Ethopia, sidoo waxaa uga naxdin abdnayd kadib mariin labaataba ruux ee dhimatay ay 14 ka mid ahaayeen

Dadka Maqan ee 70 ruux ah ayaa lagu tirinayo inay dhinteen, balse aan la helin, iyadoo doonidii burburtay laga helay isla xeebaha Yemen, waxaana dadka dhintay ka mid ah kooxihii tahriibinayay.

Dadkan badbadey ayaa ciidamada Badda Yamen u sheegey in laga soo qaadey degaanka lagu magacaabo Shimbirale oo ku taal duleedka Bosaso.

Abdulkarim Mohamed Jima’ale (Muxsin)
Mail: Muxsin55@hotmail.com
Jan 20, 2008


Nin Soomaali ah oo Doon Lagaga Tuuray Xeebaha Talyaaniga

  • Dooni ay saaraayeen 60 Soomaali tahriibayaal ah oo gaartey Talyaaniga

Doonta ay saarnaayeen Soomaalida tahriibayaasha ah oo soo Gaartey Lampedusa, Talyaaniga.. Jan 2008.. Sawirka:
http://www.repubblica.it

Janaayo 11, 2008: Nin naakhuude ka ahaa Doon Kalluumaysi oo Talyaani ah oo magaciisa la yiraahdo Mariano Ruggiero, oo 46-jir ah, ayaa loo taxaabay xabsi ku yaal Lampedusa oo ka tirsan dalka Talyaaniga kaddib markii lagu soo eedeeyey in uu diley nin qaxooti ah (oo Soomaali ah).

Arrintan ayaa dhacday, sida ay ku warbixiyeen warbaahinta Talyaanigu (Jan 11, 2008), kaddib markii dooni ka soo hayaantay dhanka Woqooyiga Afrika oo ay saaraayeen 60 Soomaali ah ay badda meel 50 mile u jirta jasiiradaha loo yaqaan Pelagie kula kulmeen dooni kale oo kalluumaysato ah oo Talyaani ah. Markaas ayaa mid kamid ah dadkii tahriibta ahaa inta uu badda ku boodey waxa uu dabaashay dhankii doonta kalluumaysatada ah, markii uu doontaas fuulay ayaa kabtankii doonta kalluumaysatada waxa uu u diidey in uu saarnaado, waxana uu ninkii ku tuuray badda, halkaas ayaa ninkii tahriibta ahaa ay mawjadda baddu ku qaaday.

Arrintu in ay sidaas u dhacday waxaa sheegay tahriibayaashii kale markii ay gaareen jasiirada Lampedusa. Kuwaas oo ay baaritaan ku wadeen boolisku markii warkan la qorayey. Sida uu u dhintay ninka tahriibta ah waxaa dembi-baaris ku wada Talyaaniga.

Lampedusa waxaa lagu xusuustaa in bishii October 2003 ay ku dhinteen 90 Soomaali ah oo ka dhoofay Liibya. [Akhri halkan]

Xigasho: http://www.repubblica.it

Nin Soomaaliyeed oo Tahriib ahaa oo Ku Dhintay Webi Ku Yaal Yurub....

Janaayo 6, 2008: Saddex Soomaali ah oo tahriib ahaa ayaa waxay gaareen xadka dalka Hungary (Yurub) iyagoo ay wadeen dad mukhalasiin ah. Markii mukhalasiintii ka hareen oo ay keligood yihiin Soomaalidii ayaa mid kamid ah uu isku deyey in uu ka gudbo webiga Tisza meel u dhow Tiszakerecseny.

Dhawr mitir markii uu socday ayaa ninkii waxaa la jabay biyihii barafka noqday ee webiga ee uu ku kor soconayey, markaas ayaa biyihii barafka ahaa ay qaadeen, sida ay warbaahinta Hungry (Jan 6, 2008) ka soo xigateen booliska.

Labadii kale ee ninkaas la socday ayaa markaas caawino weydiistey Booliska, kuwaas oo arrinta ku wargeliyey booliska jooga xadka dalkaas. Markaas ayaa baadigoob loo galay meydka ninkaas Soomaaliyeed. (webiga Tisza  waxa uu maraa dalal ku yaal Yurub, isaga oo ka soo bilowda Ukraine oo sii mara xadka Romaniya, waxana uu dhex maraa dalka Hungary, isagoo gaara dalka Slovakia iyo Serbia.)

Xigasho: MTI


Wararka la Xiriira Soomaalida Tahriibka Ku Dhintay:

Sannadkii 2007 waxaa xeebaha dalka yemen kudhintay 1,400 qof oo ka tahriibey Soomaaliya, sida ay sheegtay warbixin ay soo saartay Qaramaad Midoobey...

Bishii December 2007 hay'adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR waxay sheegtay in 200 qof ay ku dhinteen dooni ka timid Soomaaliya.

Hay'adda Gargaarka ee xarunteedu tahay Geneva waxay sheegtay in sannadkii 2007 oo keliya ay 300 oo doonyood ku tahriibeen 28,300 qof oo ka tahribey Woqooyi-Bari Soomaaliya oo badan koodu ahaa Soomaali iyo Itoobiyaa, dadkaas oo gaarey xeebaha Yemen, halka sannadkii 2006 ay tahriibeen ugu yaraan 29,000. Waxaa dhintay 328 qof (oo meydkooda la helay), waxaana meel ay jaan iyo cirib dhigeen la waayey 310 qof. Waxaa warka Qaramada Midoobey intaas ku daray in sannadkii ay tahriibayaasha ugu badani dhinteen uu ahaa 2007, waxaana sannadkaas xeebaha Yeemn ku dhintay ilaa 1,400 qof.

Bishii November 2007 laba dooyoon ka tegey xeebaha Boosaaso oo sidey in ka badan 110 qof ayaa labadiiba waxay ku degeen badda u dhexaysa Soomaaliya iyo Yemen, waxaan aku dhintay in ka badan 100 qof. [Tixraac]

Bishii Maarso 2004 ayey hayd markii dad ka badan 100 qof oo ka ka tahriibey Soomaaliya ay doontii kula degtey badda u dhexaysa Soomaaliya iyo Yemen. Warar ayaa tibaaxay in doontaas ay ka badbaadeen shaqaalihii donta watey. Waxaa jiray warar tirada dadka doonta saarnaa ka dhigaye ku dhowaad 120 qof oo ay ka badbaadeen 13 qof.. [Eeg halkan].

Bishii Agoosto ee 2003 ayey ahayd markii 45 Soomaali iyo Itoobiyaan ah ay ku dhinteen xeebaha Yemen kuwaas oo ka dhoofay Mareera oo u dhow Boosaaso... [Eeg halkan].

Arin aad u naxdin badan ayey ahayd markii Octoobar 2003 ay 90 Soomaali ah ku Dhimateen Xeebta Talyaaniga ee Lampedusa..[Eeg Halkan]

Bishii Octoober  ee 2003 ayay ahayd markii Doontani ay saarnaayeen dad gaaraya 172 qofood ku xiratay deked ku taal dalka talyaaniga.. [Eeg halkan] , waxaana taas ka dambeeyey doon kale oo isla talyaaniga kusoo xiratay dhammaadkii bishii October 2003 [ Eeg halkan]

Bishii May ee 2001 ayey ahayd markii 86 Soomaali ah oo Kudhintay Xeebta u Dhaxaysa Boosaaso iyo Yaman Kaddib Markii lagaga Tuuray Doontii ay Saaraayeen, isla waqtigaas 93 qof oo isugujira dhawr dal oo Afrika ah oo Harraad Kudiley Saxaraha Liibiya [Eeg halkan]

Sidaas oo kale ayaa dad badan oo Soomaali ah ugu le'deen saxaraha u dhexeeya Liibiy aiyo Suudaan, waxaa warkaas ugu dambeeyey kii bishan Maarso 26 ee la soo sheegay in dad Soomaali ah ay ku dhinteen saxarahaas.. [Eeg Halkan]. Sidoo kale Dadka ku dhintay Saxaraha Suudaan iyo Liibiya Eeg Halkan..

Sanadkii 2000 waxaa si toos ah u bilowdey tahriibka bada iyadoo soomaali badani ka soo galeen dalka libya saxaraha u dhaxeeya suudaan iyo libya, libya iyo maser, niger iyo libya xitaa diyaarado ayaa looga soo galay dalka soomaaliya si toos ah si loo maro bada Mediterranean sea, sanadihii 2000-2002 waxaa ku geeriyootay tiro muhaajiriin soomaali ah oo gaareyso(300 qof) iyadoo sanadihii 2003—2005 ay ku geriyootay badda ayuu yidhi inta lagu helay xogta in ka badan (350 qof)oo muhaajiriin soomaali ah iyada oo laga yaabo in ay tiri kale oo aan war loo hayna ay ku maqan yihiin bada Mediterranean sea. [Akhri warbixintii Siciid Anteno]

2003: SOOMAALIDA KU GEERIYOODEY BADDA U DHEXAYSA LIIBIYA IYO TALYAANIGA

2002: SOOMAALI TAHRIIB AH OO KU GEERIYOODEEN SAXARAHA U DHAXEEYA LIIBIYA IYO SUUDAN

2001: SOOMAALIDA KU GEERIYOODEY BADDA CAS EE U DHEXAYSA SOOMAALIYA IYO YEMEN

2001-2004: SOOMAALIDA LAGU LAAYEY QURBAHA

QAXOOTI: HORDHAC | UTANGE | BANAADIRI | BARAAWE | KKUMA | IFO | MANDHEERA | YEMEN |

Puntland iyo ka Ganacsiga Tahriibayaasha

Gabagabadii, arimahan dawlad la'aanta, tahriibta, qaxootinimada laga so bilaabo 1991, waxbarasho la'aanta, tacadiga joogtada ah ee dalka gudihiisa iyo dhammaan dhibaatooyinka aan halkan lagu soo koobi karin ee soo wajahay umadda Soomaaliyeed, waa mid u baahan in dhallinyarada Soomaaliyeed ay ka dhiidhiyaan, culimadu ay ka hadlaan, mas'uuliyiintu ay isu xilsaaraan xalinteeda, qof kasta oo wax qaban karana uu u gurmado badbaadada shacabka inta hartay.


Doon ay saaran yihiin tahriibayaal oo ka tegey Soomaaliya, Sawirka AFP 2002

2004: TACADIYADA SOOMAALIYA: DILKA, DHAAWACA, AFDUUBKA, KUFSIGA & BARAKACA

2004: CAQBADAHA HOR TAAGAN NABBADA SOOMAALIYA

Faafin: SomaliTalk.com | March 30, 2004 | Updated: Jan 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com