SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Magaalada Yubbe ee Gobolka Sanaag oo dhanka Waxbarashada ka Gaadhay Meel sare

Yubbe:- Magaalada Yubbe ee Gobolka Sanaag ayaa mudooyinkan danbe dhanka Waxbarashada ka Gaadhay Meel sare, Magaalada Yubbe oo ah Magaalooyinka ku Yaala Cidhifka shi she ee Gobolka Sanaag, ayaa dhawaan waxa Booqasho ku Tegay Kooxo dhalinyaro ah oo isla Deegaanka ka soo Jeeda kuwaasi oo u Kuur Galay Heerka Aqooneed ee Magaalada Yubbe.
Magaalada Yubbe ayaa lays oran karaa waxay sanadahan danbe Meel Fiican ka Gaadhay Marxaladaha kala duwan ee Waxbarashada iyada oo dhawor Iskuul halkaasi laga Hir Galiyay sidoo kale Yubbe ayaa dhanka Caafimaadka Ka Gaadhay Guul iyada oo ay halkaasi ka furanyihiin Gooba Caafimaad.

Sidoo kale Magaalada Yubbe ayaa dhawaan waxa Laga Hir Galiyay Dugsi Sare kaasi oo ay dhismihiisa Gacan wayn ka Gasyteen Qurba Joogta Deegaanka waxana ay noo sheegeen dadka Hawshaasi la socday inay Jaliyada Emart-ku ay yihiin kuwa sida xooga ah uga qayb qaatay sidii Magaalada Yubbe ay dhanka Tacliinta uga Gaadhi lahayd Meel Fiican.

Maxamuud Maxamed Xasan [Is Del-Del] oo ka mid ah Jaliyada Reer Yubbe ee Dubai ayaa la sheegay inay ka mid yahay raga ugu tunka wayn ee Kaalinta xoogan ka qaatay sidii Magaalada Yubbe looga Kabi lahaa dhanka Aqoonta.

Horay ayaa Magaalada Yubbe waxa uga jiray Iskuul lagu Barto Computer-ka kaasi oo ay ka Aflaxeen Arday aad u fara badan oo isugu jira Wilal iyo Gabdho, sidoo kale Mashruucaasi ayaa waxa Hir galiyay Nin Ka mid ah Jaliyada Yubbe ee Dalka Isu taga Emart-ka Carbta kaasi oo lagu Magcaabo C/qaadir Maxamed Xasan.

Sidoo kale Dadka Deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay inay aad ugu baahanyihiin in wax lagala qabto sidii loo Dayac Tirilahaa Ceelasha Magaalada Laga Cabo oo dhanka Biya ha ka ah Ga Baabsi.

Magaalada Yubbe ayaa Modaa inay si Xawli ah ku soconayso marka Loo eego dhanka Hormarka Adeegyada Caafimaad iyo kuwa Waxbarashada,dhamaan Adeegyadaasi aan Kor ku sheegay Magaalada Yubbe kama aysan Helin dhanka Maamulada iyo walibada Hay"addaha Balse waxa fuliyya Jaliyada Dibada oo iyagu Gar waaq saday inay Meel Fiican Gaadhsiiyeen Magaalada Yubbe.
Qore: Jaamac Feyte

Musharax u Taagan Hogaanka Somaliya ayaa Bosaaso lagu soo dhaweeyay.



Musharax Daahir Mire Jibriil ayaa saxaafada kula hadlay Gudaha Garoonka Bosaaso waxana uu Tafaasiil dheer ka Bixiyay Ujeedkiisa Musharaxnimo, isaga oo si Qota dheer uga hadlay Marxalad ay haatan Marayso Somaliya.

Musharaxa ayaa sheegay inuu aad ugu Rajo wayn yahay in loo doorto Hogaaminta TFG isaga oo waliba sheegay inuu wax wayn ka qabandoono soo Celinta Amaanka Somaliya oo Lumay iyo isku Keenida Shacabka Somaliya ee ay kala Fogeeyeen Dagaaladu.

Daahir ayaa xusay inuu Kulamo badan ku soo qabtay dalka dibadiisa isaga oo Kulamadaasi la qaatay Jaliyadaha Somalida ayna isla garteen inuu Isu Taago Hogaanka Somaliya.
Musharaxa ayaa sidoo kale sheegay inuu dhawaan Kulan la qaadandoono Isimada Puntland kalana hadlidoono sida ugu Haboon ee ay Taageero u siin Karaan, sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay inuu Ugudbi doono dhanka Xarunta Baarlamaanka Somaliya ee Baydhbao.

Ugu danbayntii waxa uu si Gaar ah Mahad Balaadhan ugu Celiyay Duqa Degmada Bosaaso C/saaq Xareed iyo Gudoomiyaha Gobolka Bari Muuse Gelle Faroole oo labadu si aad ah uga qayb qaatay soo dhawaynta Masuulkaasi.

Jaamac Feyte

Baaq Ka soo Baxay BeeshaYuusuf Daarood "Aurtable" ee California.

Anagoo ka amba qaadayna, Shirwaynahii Isniintii, January 20dii 2009, ay ku kulmayn dhamaan Aqoonyahanada, waxgaradka, Odoyaasha, Culumada, Dumarka iyo Dhalinyarada ee beeshan, waxaan si wada jir ah ugu diraynaa CABASHO ku socda Hogaanka, Baarlamaanka iyo Isimada ee Dowlad Gobaleedka Puntland.

Baaqan aan soo saarnay waxaanu si cad ugu sheegaynaa meelaha ay ku socoto inaan aad uga xunahay jagada Wasiir ku xigaynka ah oo lagu magacaabay Beesha Aurtable inay tahay mid aan munaasab noo ahayn, taasoo noogu muuqata mid nalaku jaa'ifeeyey, nalaka soo qaaday inaan nahay "Muwaadaniin Darajada 2aad".

Haddaba, Waxaa xusid mudan, kaalinkii wax ku oolka ahaa ay Beesha Aurtable ka qaadatay halgankii xornimo doonka SYL, ka qayb galikii hogaanka Dowladahii ka danbeeyey iyo guud ahaan dhismahii Qaranka Somaliyeed. Dhacdooyinkaa taariikhiga aha ayaa dhaxalsiisay beeshaan inay hantiso mudnaan iyo qadarin gaar ah. Sidaa awgeed, Waxaa muhiim ah inaan idin xasuusinayo isla markaasna aynu jeclayn inaan meel uga dhacno xiirkeenii soo jireenka ahaa, haddana waxaan suluugnay xilkaas oo ah mid aan noo qalmin ana u aragno inay tahay meel ka dhac iyo ihaano nalala beegsaday kaliftayna deg-deg iyo ka fiirsasho la'aan.

Ugu danbeestii Waxaan soo Jeedinaynaa in:

1- Laga noqdo jigadaas oo ah mid aan nagu habooneen.
2- Qaybta Yusuf Daarood oo si buuxda dib loo qoondeeyo
3-Tirada xubinimada Baarlamaanka ee Beesha Ayrtable oo dib loo qeexo. Iyo
4- Sida munaasabka ah xushmada iyo sharafta Beesha Aurtable oo la dhowro.

Mahadsanidiin,
Wabilahi Altowfiiq

Maxamed Cumar Maxamed
Af hayeenka Beesha Aurtable ee California
Email harbi1@cox.net

C/laahi Yuusuf oo Magangelyo Siyaasadeed ka Helay Dalka Yeman

Sanca:- Madaxwaynihii hore ee Dawlada Somaliya C/laahi Yuusuf Axmed ayaa la sheegay inuu isaga iyo Qoyskiisuba ay Mangangelyo Siyaasadeed ka Heleen dalka Yeman, Saraakiil ka tirsan Xukuumada Sanca ayaa Saxaafada u sheegtay in C/laahi Yuusuf uu dhawaan soo degidoono Gudaha Yeman.

Sarkaal sare oo ka tirsan Xukuumada Cali Cabdalla Saalix ayaa Wakaaladaha Wararka u sheegay in Madaxwaynihii Hore ee TFg Guri Qasri ah laga siiyay gudaha Caasimada Yeman ee Sanca halkaasi oo uu sheegay inuu ku Dansandoono ka dib Qul Qulka Siyaasada uu Gabi ahaanba ka Baxay.

Masuuliyiinta Yeman waxay kaloo sheegeen inay jiraan wali Dalal badan oo iyana u Hanqal taagaya inay C/laahi Yuusuf Siiyaan Mangelyo, sida Emart-ka iyo Sucuudiga in kastoo aanay wali si Toos ah shaaca uga qaadin.
C/laahi Yuusuf ayaa Maalintii shalay ee ay Bishu ahayd 20-Janaayo,2009- Gaadhay Dalka Yeman isaga oo diyaarad Khaas ah ka Raacay Gudaha Magaalada Gaalkacayo ee Xarunta Gobolka Mudug.

C/laahi Yuusuf ayaa Hogaaminta Somaliya ka degay Taariikhdu markay ahayd Dec-29-2008- isaga Xilka ka degistaasi ku Fasilay Khilaaf daba dheeraaday oo soo kala dhex Galay isaga iyo Raisalwasaarihiisa Nuur Cadde.


Xilka Ka degistaasi ka dib ayaa C/laahi Yuusuf dib ugu soo Laabtay Gudaha Maamulka Puntland oo ahaa awal Ninkii Unkay Maamulka Puntland 1998- xiligaasi oo loo doortay Hogaamiyaha Puntland ka dib shirar ay isugu yimaadeen Beelaha degan Gobolada Puntland.
Dadka saadaaliya Siyaasada Somaliya ayaa sheegaya in C/laahi Yuusuf oo wakhtigan jiray 72-sano Jir ay u Muuqato inuu Siyaasada Somaliya Gabi ahaanba ka Fadhiisto.


Jaamac Feyte.

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 23, 2009

 

BAARID | SEARCH


yuusufC/Laahi Yuusuf oo Is Casilay Isniin Dec 29, 2008
Madaxweyanaha DFKMG ayaa ku dhawaaqay in uu iska casiley xilka DFKMG Akhri Warka oo dhan...

::Maraakiibta La Afduubo ee Soomaaliya & Faahfaahin Burcad Badeeda

"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS