Xarakatul-Mujaahidiin Alshabaab oo wacad ku maray in
ay la dagaalmi doonaan ciidamada shisheeye ay dowlada
Somalia dalbatay hadii ay soo galaan dalka.
Shirka Jaraa'id
Dhegeyso ama
soo rogo
Afhayeenka Xarakatul-Mujaahidiin Alshabaab Sheekh Cali
Maxamuud Raage oo maanta (Axad June 21, 2009) saxaafada
la hadlay ayaa sheegay in ay la dagaalami doonaan ciidan
waliba oo ay keensato dowlada FKMG ee Somalia waxana uu
intaasi ku daray in askari ka tirsan Xarakatul
Mujaahidiin inta uu ku suganyahay dalka Somalia uu
dagaalku sii socondoono tan iyo inta laga xoreynayo ayuu
yiri cadowga magaca dowlada wata.
Mar wax laga weydiiyay Afhayeenka Xarakatul-Mujaahidiin
Alshabaab hadii tiro ahaan looga bato ciidan Alshabaab
ayuu ku jawaabay in ay ka baqeyn tira ahaan hadii laga
bato oo ay isku kalsoonyihiin tiradooda.
“Waxaan u sheegayaa tiro kasta iyo tayo kasta oo ay
qabaan Allaah cidii ku xiran ayaa guusha heleysa, mana
uga baqayno tiri iyo tayo intaba, waxaana leenahay Awood
Alle ka weyn ma majirto Alle ayaan ku
tashanaynaa”Afhayeenka Xarakatul Shabaabul-Mujaahidiin
ayuu yiri Sheekh Cali Dheere, oo intaasi ku daray waxana
ku soo dhaweyneenaa dagaal iyo baa’ba lagu cararsiiyo
karfanahooda ayuu ugu dambeyn yiri Sheekh Cali.
Waxan uu ugu dambeyn sheegay Afhayeenka Xarakatul
Shabaabul Mujaahidiin in dowladda ay u muuqato mid ku
fashilantay howlo uu sheegay in looga soo dirsaday dalka
Somalia.
Si kastaba, hadalka afhayeenka Xarakatul-Muajaahidiin
Alshabaab ayaa ku soo aadaya xilli maalinti shalay aheyd
ay dowlada Somalia ku amartay in wadamada caalamka ay u
furanyihiin xaduudaha dalka isla markaasina ka codsaday
gaar ahaan dowladaha Ethiopia, Kenya, Yemen Djabout in
ay gurmad deg deg ah ay lala soo garaan dowlada.
Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666
Warar dheeraad ah AKHRI HALKAN