Dagaalka u dhaxeeya kooxaha Muqaawamada iyo ciidamada dawladda (FKMG)
waxaa ku barakacay dad tiradoodu gaarayso
159,000 qof, dagaaladaas oo
soo bilowday May 7, 2009. Dad tiradoodu gaarayso 26,000 qof ayaa ka
barakacay Muqdisho laga soo bilaabo Jimcadii June 19. Dadkaas oo
badankoodu ka yimid degmooyinka Kaaran, Yaaqshiid, iyo Shibis.
159,000 qof waxay aadeen (u barakaceen) ilaa:
o 45,000 ilaa Afgooye (xeyaha barakacayaasha IDP)
o 49,000 dhexda Mogadishu ama ilaa xeryaha barakacayaasha ee ku
teedsan cirifka Muqdisho, sida:
§ 16,000 ilaa Dayniile (oo ay ku jirto KM10-13 iyo Garas
Baaley)
§ 9,600 ilaa Kaaraan (oo ay ku jirto Jabuti Gode iyo
Galgalato)
§ 9,600 ilaa Dharkenley (oo ay ku jirto Kax Shiqaal)
o Tiro gaaraysa 65,000 waxay aadeen meelo durugsan oo ay ka mid
yihiin:
§ 18,000 ilaa Shabellada Dhexe
§ 16,000 ilaa Galgaduud.
§ 13,000 ilaa Shabellada Hoose (oo aysan ku jirin Afgooye)
§ 4,600 ilaa Jubada Hoose
§ 3,800 ilaa Gedo
Waxaa xusid mudan in badan oo dadka barakacagayaasha ah ee aaday Gedo
iyo Jubbada Hoose in ujeedadiidu tahay in ka sii aadaan Kenya. Sidoo kale dadka
barakacayaasha ee gaaray Gaalkacyo iyo Boosaaso waxay u jeedaan Yemen
iyo dalalka Khaliijka.
Dadkaas tiradoodu tahay 159,000 qof waxay ka barakaceen ama ka yimaadeen:
o 40,000 ka barakacay Yaaqshiid (oo ay ku jiraan Towfiiq, Ceel
Tuubba Weyne, Fagax, Juungal)
o 18,000 ka barakacay Kaaraan
o 15,000 ka barakacay Wardhiigley (oo ay ku jiraan Cali Kamiin,
Stadium, Xararyaale, Buur Hindi)
o 10,000 ka barakacay Dharkenley
o 8,700 ka barakacay Hawl Wadaag (oo ay ku jiraan Warshadda, Jidka
30-ka, Black Sea, Baar Ubax)
o 6,900 ka barakacay Hodan
o 5,100 ka barakacay Boondheere
Khariidad Muujinayasa barakacayaasha Muqdisho iyo meelaha ay u
barakaceen
Eeg Sawirka oo Weyn (pdf)
Mahadsanidin
Roberta Russo
Associate Public Information Officer
UNHCR Somalia
Waiyaki Way, Lion Place
Nairobi