SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

DFKMG oo Hub Loo soo Mariyay dalka Uganda oo Ciidamoodu joogaan Muqdishu - Daily Nation

Dawladda Maraykanka oo Hub u dirtay DFKMG: Sida ay qortay jariidaadda WashingtonPost caddadkeedii June 25, 2009, dawladda Maraykanku waxay sheegtay  in ay hub u dirtay Dawladda (FKMG) Soomaaliya si ay isaga dhiciso muqaawamada islaamiyiinta. Ian Kelly oo ah Afhayeenka waaxda Arrimaha dibadda u qaabilsan Maraykaanka (State Department) ayaa sheegay in Washington ay hub siisay kaddib weydiisasho ka timid dawladda (FKMG) si ay isaga caabiyaan weerarka xooggaga xag jirayaasha oo carqaladaynaya nabadgalyada Soomaaliya, waa sida warku dhigay'e.. Warkaas oo dhan Akhri (English).

Hub la sii mariyay Uganda: Dhanka kale qoraal dheer oo qortay jariidadda Daily Nation maanta (Jimce June 26, 2009) oo ay kaga hadlaysay sida ay ciidamada Kenya ugu diyaar garoobeen haddii weerar kaga yimaado Soomaaliya, ayaa markii uu ka faalooday hubka uu Maraykanku siiyay DFKMG waxa ay jaridadda oo soo xiganaysay ilo xagga ammaanka oo shisheeye waxay sheegtay: Hubka la gaarsiiyay DFKMG ee Soomaaliya waxa uu sii mariyay dalka Uganda oo ah ay ciidamadoodu ka mid yihiin ciidamada Afrikaanka ee ku sugan Muqdisho. Waxayna jariidadu intaas raacisay in kasta oo Qarammada Midoonay ay cunaqabatayn xagga hubka saartay Soomaaliya, haddana Golaha Ammaanku waxay cunaqabataynta ka dhaafeen hubka iyo saanadda/rasaasta cusub ee la gaarsiiyay DFKMG. Tixraac Daily Nation, June 26, 2009.


MADAXDA SOOMAALIDA WAXAY  KA BAXSANAYAAN WADANKOODA.

Inta badan  xubnihii baarlamaanka  iyo wasiiradii Soomaalida waxay u baxsadeen dibada sababtuna waxay tahay dagaalka u dhexeeya kooxaha islamiyiinta ah iyo ciidamada dawlada oo si xawli ah ooga socdo caasimada Soomaaliya.

Waxa la xaqiijiyay ku dhawaad 300 (MP) oo xildhibaano ah  ay haatan wadanka ka maqan yihiin taasoo tilmaamayso in baarlamaanku qaadan karin fadhi maadaama oo kooromku buuxsamaynin.

Sida laga soo xigtay masuuliyiinta baarlamaanka  288 xub nood ayaa 24.6.2009  wadanka ka maqnaa tiradaas 50 ka mid ah waxay ku maqanyihiin  safar shaqo inta kale  way iska tageen waxayna joogaan wadamada dariska ah sida  Ethiopia, Jabuti, Kenya iyo wadamada reer galbeedka sida  Sweden, Ingiriiska, Holand  ,Norway, iyo Maraykanka ,

Abdalla Haji Ali  oo ah xubin barlamaan waxuu  yiri:  kama mid  ahaankaro dawlada Soomaaliya hadiiba ayna idifaaci karin  naftayda.

Tirada looga baahan yahay kooramka si baarlamaanku u shiro waa 367 xildhibaan
  • 550 x 2/3 = 367

Tirada Hadda Muqdisho lagu malaynayo waa 262 xildhibaan

  • 550 - 288 = 262

Sidaa daraadeed kooramkii waxaa ka dhiman 105 xildhibaan

  •  367 - 262 = 105

Agoosto 10, 2009 waa marka ay guddiga xadaynta badahu la kulmayaan dalalkii akhbaarta u gudbiyay wixii ka horeeyay May 8, 2009, dalalka xogta gudbistay waxaa ka mid ah Kenya oo cabiratay badda Soomaaliyeed. Baarlamaanka DFKMG ayaa laga rajaqabay in ay shiraan ka hor taariikhdaas oo heshiiskii is-afgaradka ka dhigaan waxba kama jiraan, maadaama aan heshiiskaas wax dan ahi ugu jirin Soomaalida, taas oo jirtana ay xukuumadda oo wasiiradeeda qaarkood garabsanaysa ay difaacdey heshiiskaas.... Daawo Halkan

550 baarlamaanku  ka koobanyahay si uu fadhi u yeesho isla markaana  uu go'aamo u gaaro waxaa lagamamaar maan ah inay joogaan ugu yaraan  2/3 sadex meelood labo meelood.

Gudoomiyaha baarlamaanka waxuu ku booriyay xildhibaanadda inay yimaadaan caasimada Soomaaliya, sidoo kale wasiirka maaliyadda waxuu joojiyay  mushaarkii 144 xildhibaan oo dibada kumaqan.

Saa in qaranka loo shaqeeyaa hadii aadan yeelaynin  waa inaad is casishaa intaadan cararin kahor sidaa waxaa yiri Sheikh Ahmed Moalim oo ka tirsan baarlamaanka kuna sugan muqdisho, sida ay werisay Reuters.

Wadanka Soomaaliya waa qasan yahay reer galbeedku waa ka  wal wal sanyihiin.

Dawlada (FKMG) Soomaaliya waxay caawimo waydiisatay caalamka iyo dawladaha dariska ah ooy ciidan ka dalbatay, dalbashada ciidamada dariska waxaa cambaareeyay  kooxaha dawlada kasoo horjeedo ayagoo ka digay faragalin dibada ah cawaaqib xumada ka imaan doonto.

Sirdoonka reer galbeedka waxay ka wal wal sanyihiin xaalka Soomaaliya waxayna ka baqayaan xaalada sii xumaanayso iyo tabar darada dawlada Soomaaliya inay ka faa iidaystaan islaamiyiinta ooy wadanka qabsadaan.

Reer galbeedku arinta sida aadka ah ay ooga baqayaan waxaa weeye kooxaha islaamiyiinta ee laga baqayo inay wadanka la wareegaan waxaa loo malaynayaa inay xiriir la leeyihiin uruka Al-qaacida taasoo ah arin wal wal xoogleh ku hayso reer galbeed ka.

Dagaalada Soomaalida u dhexeeyo waxaa ku dhintay bishii 5aad kadib  boqolaal dad ah dadkaas dhintay waxaa kamid ah wasiirkii Amniga iyo taliyihii booliska ee caasimada Soomaaliya ee Moqadisho.

UN ku waxay  qiyaaseen in 159 000 oo qof ay ka carareer guryahoodii  bilihii oogu dambeeyay dagaalka socdo dartii.

Tixraac:

TV-ga qaranka Finldand: http://yle.fi/uutiset/ulkomaat/2009/06/somalijohtajat_pakenevat_ulkomaille_824022.html

iyo Reuters http://www.reuters.com/article/latestCrisis/idUSLO890231

Waxaa  diyaariyay  Eng Idiris Hassan Farah

Chairman of Somali Reconstruction And Social Development ry(SORASOD) Idiris Hassan Farah
www.srasd.net     idirishf@hotmail.com     Phone:358445545344 

Faafin : SomaliTalk.com | June 26, 2009

BAARID | SEARCH


Burcad badeed la waraystay June 23, 2009: voa Soo rogo  (MP3)


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 


Dhul-Badeedka Soomaaliya


Waxaan ku baaqeynaa in Heshiiska badda ee dhexmaray dowladda Kenya & DFKMG loo soo bandhigo culimaa’uddiinka iyo qaanuunyahanno, kadibna baarlamaanka DFKMG.. Akhri



Axmad Walad Cabdalla oo Muujiyay in uusan ka war hayn Akhbaarta ku Saabsan Qalfoofka Qaaradda Badda ee Soomaaliya u Gudbisay Qarammada Midoobay ee uu isagu Diyaariyay....



Faarax Qare: Calaamada Kenya iyo Soomaaliya waa Xariijin kala cad.. iyo Kenya & Soomaaliya oo Raadinaya Xallinta Muran Dhuleedka...
Akhri/Daawo


prof ibbi
Dowlada KumeelGaarka ah oo Markale Heshiiskii Nairobi Difaacday, Qirtayna in Kenya Badda Soomaaliya Kusoo Xadgudubtay Akhri/Daawo...


wasiir
Kenya oo 2005 la soo Xiriirtay DFKMG ayadoo Doonaysay in ay wada hadal furaan ama sheegasho ku saabsan qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.


UN
Shirka Jaraa'id ee Xoghaynta Guddiga Xadaynta Badaha - oo Sheegay Hadallo Daaha ka Rogay Arrimo ay Madaxda DFKMG ku dadaalayeen in aan shacabku ogaan:


caruusha
Isbarbar dhig Heshiisyadii Caruusha iyo Nairobi... Akhri..



Bayaan ay soo saareen Jaaliyadda Soomaaiyeed -Yurub



DHAXALWAREEG ( Gabay Cusub) - Eng. Cibaar



"...haddii aad tagtid Archive-ka ama Libreeriga Congress-ka Maraykanka waad heleysaa EXACTLY BEARING-ka (jihada xadku u socdo) oo ilaa inta uu qalin gaaro ku tusaysa, waa wax record-kii meesha jiro (Diiwaan). Akhri..



Barnaamij ay ka qayb qaateen  Prof. Cabdi I.Samatar  iyo Eng. Maxamed Cali  oo ku saabsan dhul-badeedka Somalia
Dhagayso ama
Soo rog



Xasan Dhooye oo faahfaahiyay Heshiiskii Kenya & Soomaaliya
Q.1aad: Dhagayso ama soo rogo
Q.2aad: Dhagayso ama
soo rogo



Barnaamij ku saabsan xuduudaha badaha ee Radio Codka Beesha



ka hor daabacaadii cilmi-baarista


HESHIISKII IS AFGARAD

Heshiiskii Is Afgarad ee Kenya iyo Soomaaliya: Af-Soomaali
| English Version