TAARIIKHDA WAR-ISGAARSIINTA
Qaybtii 3-aad
W.Q. C/fataax M. Cabdulle
abdulfatah@yahoo.com
Sidii aan ku
xusay qaybtii
koobaad &
labaad
ee taxanaha Taariikhda War-Isgaarsiinta, hab-qoraalku markiisii hore wuxuu
ku billowday astaammo iyo sawirro wax lagu kala garto oo qayb ka ah
taariikhda war-isgaarsiinta. Haddaba, qaybtan saddexaad, sidii tii ka
horreysayba, waxaan kusoo qaadanayaa qaar kale oo ka mid ah farihii ugu
horeeyay adduunka ee la qoray. Faraha loo jideeyay afafka lagu hadlo waxay
ka mid yihiin aaladihii ugu horreeyay ee war-isgaarsiinta.
Alifba’dii reer Fayniqiyah
(Phoenician Alphabet) waxaa kasoo askumay saddex qaybood oo hab-qoraal ah,
waxayna kala yihiin:
-
Aramean:
Waxaana la hayb ah:
Hebrew
(Farta Cibraaniyiinta)
-
Arabic
(Farta Carabiga)
-
Aramenian (Farta
Aramiiniyiinta)
-
Saboean:
Waxaana la hayb ah:
India
(Farta Hindiya)
-
Chinese (Farta
Jayniiska)
-
Japanese (Farta
Jabaaniiska)
-
Korean
(Farta Kuuriyaanka)
-
Hellenic:
Waxaana la hayb ah:
Greek
((Farta Giriigga)
-
Latin
(Farta Laatiinka)
-
Cyrillic (Farta
Sirilik-ga)
-
Coptic
(Farta Qibdiyiinta)
Haddaba, maadaama ay aad u badan yihiin farihii laga soo
dhiraandhiriyay Alifba’dii reer Fayniqiyah, waxaan si kooban wax uga
sheegayaa qaar ka mid ah farahaas kala duwan, aniga oo u kala hormarinaya
sidii ay wakhti ahaan u kala horreeyeen:
Farta Shiinaha
(Chinese
Script)
Sida ay
sheegeyso sheeko qaddiimi ah oo ka hadlaysa billowgii qoraalka farta
Shiinaha, saddex boqor ayaa ka dambeeyay curashada hab-qoraalka ee dadka
Shiinaha, siiba boqorkii la oran jiray
Huang Che
oo isagu noolaa qarnigii 26aad Nabi Ciise Hortii (C.H.). Boqorkaasi, sida la
sheegay, wuxuu lahaa hibo (gift) uu ku ikhtiraacay habka wax qorista iyo
akhrinta kadib markii uu darsay walxaha dabeecadda gaar ahaan shimbiraha iyo
raadadka (footprints) xoolaha.
Farta shiinuhu
aad bay u fac weyn tahay waana far cajiib ah oo wax la mid ah aysan jirin (unique
script).
Fartaasi waxaa la curiyay qiyaas ahaan sannadkii 2000 (C.H.), waxaana la
habeeyay qiyaas ahaan sannadkii 1500 (C.H.).
Qoraallada
ugu da’da weyn ee ku qoran farta Shiinaha waxaa ka mid ah weero murtiyeed ay
ku shaqlan yihiin hadallo xikmadaysan oo aad u fac weyn oo ku xardhan
Qolofta Diinka (ama
dahaarka qubada), iyo
lafaha xayawaanka. Waxaa xusid mudan in farta
Shiinaha aan wax sidaas ah laga beddelin qaabkii ay ku billaabatay ilaa iyo
maanta.
Farta Cibraaniyiinta (Hebrew
Script)
Qabiilladii ka farcamay
wiilashii 12-ka ahaa ee Nabi Yacquub (C.S.) waxaa laysku yiraahdaa reer
Israa’iil (Israel)
oo Yahuuddu (Judah) ku jirto.
“Judah”
wuxuu ahaa mid ka mid ah wiilashii Nabi Yacquub (C.S.), halka magaca “Israel”
uu u taagan yahay dhammaan wiilashii Nabi Yacquub (C.S.).
Haddaba, reer Israa’iil waxay ahaan jireen dad reer guuraa ah, oo aan ku
nagaan dhul gaar ahaaneed. Waxay miraafi jireen dhulal kala duwan oo ay ka
mid yihiin Suuriya, Falastiin, Kancaan, Masar, Lubnaan iyo Kuweyd. Waxaa hoy
u ahaan jiray aqallada guur-guura ee loo yaqaan teendhooyinka, waxayna
dhaqan jireen xoolo nool oo ay ugu muhiimsan yihiin riyaha, idaha, iyo lo’da.
Sidoo kale, waxay gaadiid ahaan u adeegsan jireen xoolo nool oo kala ah:
dibida, dameeraha, iyo geela.
Reer Israa’iil waxay markii hore qaateen
fartii ay curiyeen reer Faynaqiyah (Phoenician)
waxayna adeegsanayeen qarnigii 12aad ilaa horraantii qarnigii 10aad (C.H.),
kadibna waxay bilaabeen in ay samaystaan hab-qoraaleed iyaga u gaar ah oo
magaciisa la yiraahdo Cibraani (Hebrew Script).
Qoraalkan waxaa la qoray 135 (A.D.), waxaana laga
helay Waadi Murabbacaat oo u dhaw halka loo yaqaan "Dead Sea".
Xirfadda qorista iyo akhrinta farta Cibraaniga
ee ay samaysteen reer Israa’iil aad bay u
korortay laga bilaabo qarnigii 8aad (C.H.), iyadoo ay xilligaas
adeegsanayeen guud ahaan qabiilladii reer Israa’iil. Farta Cibraanigu waxay
door weyn ka qaadatay isu gudbinta mahadhooyinkii reer Israa’iil, sidoo
kale, fartaasi waxay dabooshay kaalintii war-isgaarsiinta oo ahayd baahi
weyn oo ay qabaan bulsho kasta oo reer guuraa ah.
Farta Araamiya
(Aramaic
Script)
Araamiiniyiintu (Aramaean)
waxay ku noolaan jireen dhulkii
Aram-Nahrayn
oo micnaheedu yahay “dhul taag ah oo ay maraan laba webi”,
dhulkaasina qayb ahaan waxaa hadda ku fadhiya dalalka Suuriya iyo Ciraaq.
Haddaba, Araamiiniyiintu
waxay markii hore qaateen fartii ay curiyeen reer Faynaqiyah (Phoenician)
waxayna adeegsanayeen qarniyadii 11aad iyo 10aad (C.H.), kadibna waxay
bilaabeen in ay samaystaan hab-qoraaleed iyo luqad iyaga u gaar ah oo la
yiraahdo
Araamiya
(Aramaic
Script) bartamihii
qarnigii 8aad (C.H.).
Luqaddii iyo
fartii
Araamiya waxay
noqotay Far rasmi ah oo ay ku wada xiriiraan ummadihii kala duwanaa ee ku
hoos noolaa boqortooyadii Ashwariyiinta (Assyrian).
Muddo kadibna, fartaasi waxay noqotay far muhiim ah oo loo adeegsado xagga
dibloomaasiyadda iyo ganacsiyada caalamiga ah. Waxaana arrintaas loo
cuskadaa warqad qardaas ah (papyrus)
oo laga diray dalka Falastiin (Palestine)
qiyaas ahaan taariikhdu markii ay ahayd 600 (C.H.) oo laga helay magaalada
Saqarah
ee dalka Masar (Egypt).
Qoraallo
kale oo iyaguna ku qoran fartii
Araamiiniyiinta ayaa sidoo kale laga helay Waqooyiga dhulkii Carbeed,
Falastiin, Suuriya, Turki
(Anatolia),
Mesopotamia, Iran (Persia), Afqaanistaan, iyo Baakistaan. Ummado fara badan
baana fartii Araamiiniyiinta ka dhigtay luqaddoodii labaad. Haddaba, fartii
Araamiiniyiintu waxay kaaliin aad u weyn ka qaadatay war-isgaarsiintii dadku
u baahi qabay.
Farta Giriigga (Greek
Script)
Diiwaan lagu qoray farta giriigga oo lagu
kaydiyay dukumiinti muhiim ah, 46 (A.D.) |
Taariikhdu markii ay ahayd laba kun oo sannadood (C.H.) ummadihii
Miinawiyiinta (Minoans)
iyo Massiiniyiinta (Mycenaean)
ee ku noolaa dalkii Giriigga ayaa waxay gaareen ilbaxnimo heerkeedu aad u
sarreeyo, waxayna soo saareen dhigaal isugu jira sawirro iyo xarxariiq (Greek
Script),
iyagoo adeegsanaya alifba’ ka kooban 24 xaraf. Dhigaalkaas qaybtiisa
xarxariiqeed-ka ah (linear)
ayaa maanta wax laga ogyahay. Sidoo kale, qolyahaasi waxay aad u hormariyeen
shaqalka oo lafdhabar u noqday dib-u-habaynta farihii horay loo ikhtiraacay.
Farta Giriiggu, sidii farihii ka horeeyayba, waxay kaalin mug leh ka
qaadatay habka qoraalka layskula xiriiro, gudbinta fikirka aqooneed, iyo
war-isagaarsiinta dadku u baahan yahay.
Farta Laatiinka (Latin
Script)
Farta caanka
ah ee Laatiin-ka waxaa asalkeedii hore laga soo dhiraandhiriyay fartii
qadiimka ahayd ee Giriigga. Xilligii boqortooyadii
Roman-ka,
alifba’da Laatiinku waxay ka koobnayd 23 xaraf, laakiin maanta waxay ka
kooban tahay 26 xaraf. Farta Laatiinka waxaa lagu qoray afafka reer Yurub
intooda badan, waxayna kaalin muhiim ah ka qaadatay taariikhda ilbaxnimada,
farsamada aqooneed, iyo war-isgaarsiinta reer Yurub. Waxaa xusid mudan in
afafka ilbaxnimada iyo sancada casriga ah u horseeday ummadaha ku hadla,
sida af Ingiriisiga (English)
iyo afka Faransiiska (French)
ay dhibaato ka jirto dhinaca hikaadda afafkooda, taasina waxay ku salaysan
tahay lahjadihii (dialects)
kala duwanaa ee ay lahaan jireen dadkii ku hadli jiray afafkaas.
Farta Cyrillic-ga (Cyrillic
Script)
Farta
Cyrillic-ga
waxaa, sida farta Laatiinka, asalkeedii hore laga soo dhiraandhiriyay fartii
qadiimka ahayd ee Giriigga, waxaana maanta laga adeegsadaa dalalka haatan
kala googo’ay ee laysku oran jiray Midowgii Soofiyeet (U.S.S.R.), Bulgaria,
iyo Yugoslavia. Dadyowga iyo dalalka isticmaala farta
Cyrillic-ga
ee dalka Raashiya (Russia) ka mid yahay, sancada iyo war-isgaarsiinta tayada
leh ee ay ku tallaabsadeen waxaa gundhig u ahaa curinta iyo adeegsiga fartii
ay jidaysteen oo iyada la’aanteed aysan gaareen war-isgaarsiinta casriga ah
ee dayaxgacmeedku suurta geliyay.
Faraha Sans iyo Carabi (Sans
and Arabic Script)
Waxaa jira
dhowr farood oo iyaguna aad u da’ weyn, waxaana ka mid ah farta loo yaqaanno
Sans Script
oo micnaheedu yahay “Fartii Hufnayd”. Fartaasi waxay kasoo baxday dalka
India
muddo imminka qiyaas ahaan laga joogo saddex kun oo sannadood, waxaana
markii dambe ka farcamay afaf badan oo lagaga hadlo dalka India, iyo afafka
lagaga hadlo dalal ay ka mid yihiin
Nepal
iyo
Serilanka.
Af Carabigu
(Arabic)
wuxuu kasoo jeedaa af ay ku hadli jireen dad magacooda la oran jiray
Nabatiiniyan (Nabataeans),
oo noolaa muddo imminka qiyaas ahaan laga joogo dhowr kun oo sannadood;
waxayna ku noolaan jireen deegaanno ay ka mid yihiin Suuriya (Syria),
Jordan, guud ahaan dhulkii Carbeed (Bilaadul
Carab), iyo inta u
dhaxaysa Webiga
Furaad ilaa
Badda Cas.
Ahmiyadda ugu weyn ee afka Carabigu leeyahay waxaa weeye in Qur’aanka oo ah
warkii ugu muhiimsanaa ee Ilaahey (S.W.) usoo diray dadka uu ku soo degay
af-Carabi. Sidoo kale cibaadada Ilaahay (S.W.) ee salaaddu ugu horeyso iyo
guud ahaan shareecada Islaamka waxaa gundhig u ah af-Carabiga.
Cilmi Saynis ku qoran af-Carabi
Dhinaca aqoonta Sayniska,
laga billaabo bartamihii qarnigii 8aad ilaa dhammaadkii qarnigii 11aad
af-Carabigu muhiimad gaar ah ayuu lahaa maaddaama dadyowgii adeegsanayey
farta Carabiga ay ku hormareen cilmiga sayniska iyagoo daah-furay aqoon ay
ka mid yihiin: Cilmiga Kimistariga (al-kemia
= chemistry); Cilmiga Xisaabta ee
Aljebra (al-jabr =
Algebra), iyo kuwo kale. Aqoontaas waxaa
xilligaas bidhaansaday dadyowgii ku noolaa qaaradda Yurub; dad badan oo
cilmi doon ahaa ayaa u hayaamay xaruntii aqoonta cilmiga Sayniska oo markaas
ahayd Baqdaad, Ciraaq.
Inkastoo
aan si dhab ah loo aqoonin goortii la jideeyay alifba’da Carabiga, haddana
taariikhyahannadu waxay sheegaan in af-Carabiga qoristiisa la billaabay
muddo imminka laga joogo 2000 ilaa 2500 oo sannadood. Alifba’da Carabiguna
waxay ka kooban tahay 28 xaraf; qoristiisuna waxay ka bilaabataa dhinaca
midig iyadoo loo qorayo dhinaca bidix.
…La soco
qaybta 4-aad ee TAXANAHA TAARIIKHDA WAR-ISGAARSIINTA, Alle idankiis.
…Aad baan usoo dhaweynayaa
fikradaha akhristayaasha. Wixi talo iyo turxaan bixin ah waxaan codsanayaa
in e-mail la iigu soo diro.
W.Q. C/fataax M. Cabdulle
Faafin: SomaliTalk.com | November 24, 2004
Sawirada: Google | Yahoo
QAYBTA
2aad |
QAYBTA
4aad |
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|