Qaybihii
hore ee taxanaha taariikhda war-isgaarsiinta waxaan uga hadlay mid kamid ah
qalabka war-isgaarsiinta oo ah farta iyo dhigaalkeeda iyo heerarkii ay soo
martay. Qaybtan afaraad waxaan kusoo qaadanayaa qalab kale oo iyaguna
laf-dhabar u ah war-isgaarsiinta; waxayna kala yihiin khadda, qalinka,
qardaasta, haragga qoraalka, iyo warqadda. Mid kasta oo ka mid ah qalabkaas
kaalin mug leh ayuu kaga jiraa taariikhda war-isgaarsiinta; waxayna
kamid yihiin
qalabka dadku ku diiwaangeliyo fikirka iyo dareenka qof ahaaneed. In wax
laga ogaado waayaha iyo taariikhda dadka waxaa suurta geliyay aaladaha kala
duwan ee war-isgaarsiinta.
KHADDA
Khaddu waa shay kamid ah
walxaha daruuriga ah ee aan looga maarmin qoraalka war-isgaarsiinta,
waxbarashada, iyo guud ahaan diiwaangelinta cilmiga iyo waaya-aragnimada
dadka.
Waxaa la
aamminsan yahay in khadihii la adeegsan jiray waayadii hore laga samayn
jiray walxo laysku riiqay oo isugu jira “curiyaha kaarboon-ka”
oo ah curiye dhuxul ka kooban iyo xabagta geedaha oo biyo lagu qasay. Khadda
laga sameeyay walxahaas waxaa af-Ingiriisiga lagu yiraahdaa
“India inks”.
Curinta walaxda loo
yaqaan khadda (ink) waxay bar-bar socotay hindisaha iyo adeegsiga qalinka
iyo warqadda. Faylasuuf Shiinees ah oo magaciisa lagu sheegay
Tien-Lcheu
ayaa markii ugu
horreysay curiyay walaxda loo yaqaan khadda ee wax lagu qoro qiyaas ahaan
muddo ku beegan 2697 (C.H.). Isku-jirka walxaha uu ka sameeyay khaddii uu
curiyay waxay kala yihiin danbas (soot) lagu dheehay maaddo jilicsan (gelatin)
oo laga shiilay hollobta hargaha xoolaha; isku darkaas wuxuu ku carfiyay
miski si dadku aysan u dhibsan marka ay wax ku qorayaan. Sidoo kale, waxaa
la sheegaa in ay jireen ummado kale oo iyaguna horumariyay khadda iyagoo
isticmaalaya xabagta dhirta, siiba geedka gowlallada, iyo miraha loo yaqaan
beeri (berries), iyo walxo kale.
QALINKA
Qalinku wuxuu kamid
yahay aaladaha aan looga maarmin war-isgaarsiinta, wuxuuna u kala baxaa
noocyo kala duwan oo adeegsigooduna ay kala fudud yihiin. Haddaba inta aan
la baran qalimaanta casriga ah ee aan maanta isticmaalno, dadku waxay
adeegsan jireen qalimaan kale oo xilligoodii aad loo jeclaa. Qalimaantaas la
adeegsan jiray waxaa kamid ah:
Qalinka
Baalshimbireedka:
qalabka qoraalka ee
baal-shimbireedka (quill
pen) oo isagu ahaa
aalad wax lagu qoro kan ugu tayada fiican muddo ka badan kun sannadood, ayaa
waxaa la bartay taariikhdu markii ay ahayd 700 A.D. Baalasha wax lagu qoro
waxaa laga soo goyn jiray shimbiro nool oo ay kamid yihiin guuska (goose),
shimbir-badeedda (swan), tukaha (crow), gallayrka (eagle), guumeyska (owl),
dafada (hawk), iyo turkiga (turkey). Baalashaas marka shimbiraha laga soo
gooyo afka hore ayaa mindi looga qorayaa iyadoo loo yeelayo caarad fiiqan oo
khadda la darsado si wax loogu qoro.
Qalinka
Khadda lagu shubo:
ummadihii Roomaaniyiinta ayaa la sheegaa in ay ahaayeen dadkii ugu horreeyay
ee sameeya aalad loo isticmaalo sida qalinka khadda lagu shubo (fountain
pen). Aaladdaasi
waxay ka sameeyeen jirridda geedka af-Ingiriisiga lagu yiraahdo “bamboo”.
Geedkaas jirriddiisu dhexda ayay ka furan tahay waxaana laga buuxiyaa khad
iyadoo loo yeelayo caarad dhuuban oo wax looga qoro. Qalinka khadda lagu
shubo waxaa aad u horumariyay nin Maraykan ah oo magaciisa la yiraahdo
Lewis Waterman
taariikhdu markii ay
ahayd 1884-kii. Ninkaasi wuxuu sameeyay qalin farsamo ahaan is haysta oo leh
dhuun yar oo khaddu ugu kaydsan tahay (reservoir). Qalinkaas la casriyeeyay
waxaa loogu magac daray habkii la adeegsanayey jirridda geedka bamboo-ga (fountain
pen). Ilaa
sannadkii 1920-kii, qalinkaasi wuxuu ahaa aaladda ugu muhiimsan ee galbeedka
dunida laga adeegsado.
QALABKII QORAALKA EE KA HORREEYAY WARQADDA
Ka hor
inta aan la baran xaashida wax lagu qoro ee aan maanta naqaan (paper), dadku
waxay isticmaali jireen agabyo kale oo kala duwan – sida dhoobo la
qallajiyay, dhirta, dhagxaanta, biraha, macdanta, iwm. Agabyadaas kala duwan
waxaa ugu caansan qardaasta laga samayn jiray geedka “papyrus-ka”.
Sida laysku raacsan yahay ereyga af-Ingiriisiga ah ee “paper” oo la
micne ah xaashi ama warqad waxaa laga soo dhiraan-dhiriyey ereyga qaddiimiga
ah ee “papyrus”.
Papyrus
waa magaca geed laga samayn jiray qardaasta wax lagu qoro. Geedkaasi wuxuu
ka baxaa hareeraha Webiga Niil ee
dalka Masar (Egypt).
Geedkaas inta lasoo gooyo oo diirka kore laga fiiqo, kadibna la jarjaro ayaa
fal-falliq laysu dul saaraa, iyadoo lakab-lakab (layers) ay u kala
sarreeyaan. Kaddib waxaa laga samaynayaa qardaas siman oo wax lagu qoran
karo. Ma jirin wax
isbeddel weyn ah oo lagu soo kordhiyay qardaastii ay reer Masar ikhtiraaceen
muddo 3,000 oo sannadood ah.
Qardaastaasi
waxaa markii dambe beddelay harag si gaar ah loo habeeyay oo ka samaysan
saanta xoolaha, siiba neylaha, weylaha, iyo waxaraha. Haragga xoolahaas inta
laga nadiifiyo dhogorta (hairs) iyo hollobta ku dhegan (scraping) baa la
magdeen jiray (tanning). Adeegsiga hargaha wax lagu qoro waxaa afka
Ingiriisiga lagu yiraahdaa “Parchment” iyo “Vellum”.
Magaca “Parchment” wuxuu kasoo jeedaa magaalo
qaddiimi ah oo magaceeda la yiraahdo “Pergamum”
oo ka tirsanayd dalkii Giriigga. Magaaladaas waxaa lagu farsamayn jiray
hargo tayo fiican oo sida xaashida wax loogu qoro. Samaynta hargaha qoraalka
waxay billaabatay qiyaas ahaan taariikhdu markii ay ahayd 200 (C.H.). Waxaa
xusid mudan in hargaha noocaas ah iyo agabyada kale ee jurmiga leh weli
mar-mar loo isticmaalo qorista dukumiintiyo sharafeed (honorary
documents) iyo abaalmarin-mudnaaneed (award)
la siinayo dad si gaar ah loogu maamuusayo wax qabad qiimo badan oo ay
dadkooda kusoo kordhiyeen ama horumar ay ku tallaabsadeen.
HINDISAHA WARQADDA
Warqaddu
waa aalad ka mid ah qalabka war-isgaarsiinta. Sida
lagu sheegay kutubta sooyaalka qaddiimiga ah, xaashida ama warqadda waxaa
ikhtiraacay nin Shiinees ah oo magaciisa la
oran jiray
Ts’ai Lun
oo ka tirsanaan jiray boqortooyadii
Ho Ti.
Ninkaasi oo ahaa nin dhufaanan (eunuch)
wuxuu ka shaqaynayey maxkamad magaceeda la
oran jiray
Han ee ka
jirtay dhanka bari ee dhulkii Shiinaha. Walxaha uu ka sameeyay xaashidii ugu
horreysay waxaa loo malaynayaa in ay yihiin qolfaha jirridda geedaha siiba
geedka af-ingiriisiga lagu yiraahdo “mulberry”.
Muddo qiyaas ahaan gaaraysa ilaa shan boqol oo sannaddood xirfadda samaynta
warqadaha waxay u gaar ahayd dadkii Shiinaha; xirfaddaasi waxay markii dambe
u gudubtay dalka Japan taariikhdu markii ay ahayd 610 (A.D.); bartamaha
Aasiyana waxay soo gaartay taariikhdu markii ay ahayd 750 (A.D.). Markii ugu
horreysay ee xaashida ama warqad lagu arkay dhulkii Masaarida waxay ahayd
sannadkii 800 (A.D.), Reer Masar-na waxay billaabeen in ay warqadaha
samaystaan taariikhdu markii ay ahayd 900 (A.D.).
FARSAMADA WARQADO SAMAYNTA EE YURUB IYO MARAYKANKA
Dhinaca qaaradda Yurub, warshaddii ugu horreysay ee warqadaha lagu
sameeyo waxaa laga aasaasay dalka
Spain qiyaas ahaan
taariikhdu markii ay ahayd 1150 (A.D.), wixii markaas ka dambeeyay
sancada samaynta warqadaha waxay ku fidday dalalka reer Yurub intooda
badan. Dalka Ingiriiska (England) ayaa markii ugu horreysay laga
hirgeliyay warshad warqadaha lagu sameeyo taariikhdu markii ay ahayd
1495 (A.D.). Warshad taas la mid ahna waxaa laga sameeyay dalka
Maraykanka taariikhdu markii ay ahayd 1690 (A.D.). Waxaa xusid mudan in
warshadahaasi ay dhammaantood ahaayeen kuwo gacan-ku-kaalmays ah oo aan
u horumarsanayn sida kuwa maanta la adeegsado.
Aad baan usoo dhaweynayaa fikradaha akhristayaasha. Wixi talo iyo turxaan
bixin ah waxaan codsanayaa in e-mail la iigu soo diro.
W.Q. C/fataax M. Cabdulle
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 21, 2004
Sawirada: Google | Yahoo
QAYBTA
3aad |
QAYBTA
5aad |
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com