TAARIIKHDA WAR-ISGAARSIINTA
Qaybtii 5-aad

W.Q. C/fataax M. Cabdulle
abdulfatah@yahoo.com
NIDAAMKA DHANBAAL-DIRISTA
Ka hor intii aan si dhab
ah loo baran hay’adaha casriga ah ee loo yaqaan boostada oo iyagu u
xilsaaran dalwinta, qaybinta, iyo mas’uuliyadda warqadaha iyo dhanbaallada
la isu diro, inta ay ka gaarayaan dadkii loo diray, waxay dadku adeegsan
jireen dhanbaal-qaadayaal lugeeya, iyo kuwo fardo ama buquul (mules) ku
jooga oo dhanbaallada dadka u kala qaada.
Farsamada ku wada
xiriiridda wararka qoran ee la isu diro waxay mar walba hareer socotay
hindisaha farta iyo qoraalka, balse horumarinta farsamadaasi goor dambe ayay
timid, ummado kala duwan baana ka qayb qaatay.
Dadkii ugu horreeyay ee
jideeyay adeegga dhanbaal-dirista waxay ahaayeen Faraaciintii reer Masar.
Waxay adeegsan jireen dad ammarada iyo qaraarrada ay soo saaraan boqorradii
faraaciintii Masar u kala qaada dhammaan dhulkii ay xukumayeen boqorradii
Faraaciintu. Habkaasi wuxuu ahaa nidaam dowli ah kii ugu horreeyey oo
wararka dowladda shacabka loogu baahiyo (2400 BC). Nidaamkaasi waxaa markii
dambe horumariyay boqortooyadii Ashwariyiinta (Assyria)
ee ka jirtay dhulka haatan loo yaqaan Ciraaq.
Dhinaca dalkii Giriigga
waxaa la wariyey sheeko cajiib ah oo ku saabsan farriin-qaade u geeriyooday
dhaawac kasoo gaaray orod 26 mayl uu kusoo jaray isaga oo farriin deg-deg ah
sida. Taariikhdu markii ay ahayd 490 C.H. ayaa nin Giriig ah oo magaciisa la
yiraahdo Phidippides, oo ahaa farriin-qaade (herald)
u adeega boqortooyadii Giriigga, farriin uu kala soo orday goob uu dagaal ku
dhex marayey boqortooyadii Iran (Persia)
iyo boqortooyadii
Giriigga,
si uu shaaca uga qaado guushii ay ka gaareen Giriiggu dagaalkii Marathon (Battle
of Marathon); ninkaasi wuxuu orod kusoo maray inta u dhaxaysa goobtii
Marathon ee dagaalku ka dhacay ilaa magaaladii qaddiimiga ahayd ee
Athen; waa masaafo dhan 42 km (26 mayl).
Farriin-qaadahaasi wuu geeriyooday kadib markii uu warkii soo gaarsiiyay
dadkii joogay magaaladii Athen. Wuxuu u
dhintay dhaawac kasoo gaaray orodkaas uu ku xiiqmay.
Haddaba, nidaamka
dhanbaal-dirista waxaa sii horumariyay boqortooyadii
Qin ee ka jirtay dhulkii Shiinaha (221 B.C. – 207 B.C.). Waxaa sidoo
kale sii habeeyay boqorkii Roomaaniyiinta ee la oran jiray
Augustus Caesar (62 BC – AD 14). Boqorkii
Roomaaniyiintu wuxuu jideeyey hab dhanbaallada la isugu diro oo loo bixiyay
cursus publicus, waxaana
dhanbaallada qaadi jiray rag orodkoodu aad u dheereeyo iyo kuwo fardo aad u
xawaara dheer ku jooga. Habkani waxaa la sheegay in masaafo gaareysa 170
mayl uu farriimo ku geeyay muddo 24 saacadood gudahood ah.
Hab kale oo isaguna u
shaqeeya sida nidaamka boostada oo aad u muhiimsanaa ayaa waxaa jideeyey
dowladdii Islaamka ee Umayawiinta, gaar ahaan
xilligii uu madaxda u ahaa Amiir Mucaawiyah.
Adeeg hufan oo dhanbaallada dadka u kala dalwiya ayaa la dejiyay waxaana loo
bixiyay (Beriid).
HABKII
WAR-ISGAARSIINTA EE KA HORREEYAY ADEEGSIGA KORONTADA
Ka hor intii aan la baran adeegsiga qalabka korontada ku
shaqeeya ee wararka la isugu tebiyo, dadku qarniyo badan ayay warar
isgaarsiinayeen iyagoo isticmaalaya habab kala duwan oo lagaga maarmay
in warka afka ama gacanta lagu qaado.
Hababkaas kala duwan ee ay dadku adeegsanayeen waxaa kamid ah:
Dab-Seenyaalayn
(Fire Signal):
qiyaas ahaan
taariikhdu markii ay ahayd 650-kii C.H. boqorradii Baabiliyiinta (Babylonian
kings) ayaa jidadkii ugu muhiimsanaa dhulkii Ciraaq waxay ka
sameeyeen saldhigyo ay fadhiyaan hawl-wadeenno wararka isugu gudbiya habka
dab-seenyaalaynta. Waxay dhiseen minnaarado iftiinka dabka la isaga baaqo oo
wararka la isugu gudbiyo. Sidaasna waxaa looga maarmay farriin-qaadayaal
lugeeya.
Qiiq
seenyaalayn (Smoke Signal): qiiq seenyaalayntu waa bidhaan-arag kamid
ah hababkii ugu horreeyey ee dadku ay isugu baaqi jireen iyaga oo kala jooga
goobo kala durugsan; waxaana warka lagu kala qaadan jirey qiiq labada
dhinacba u muuqda. Inta dab la beleliyo oo xagga sare busto ama wax la mid
ah lagaga daboolo ayaa kolka la isu baaqayo mar kaliya muddo yar daboolka
laga qaadayaa, si qiiqa dabku uu cirka ugu shareermo. Baaq horay loo
qorsheeyey oo labada dhinacba ay isla garanayaan, oo badanaa isugu jira
qaabka uu qiiqu u baxayo, dhererka, iyo amminta u dhaxaysa laba qiiq oo isku
xiga, ayaa laga daalacanayaa goob aad uga durugsan halka qiiqa laga sii
deynayo iyadoo qaabkaas warar kala duwan la isugu gudbinayo. Habkan waxaa
aad loo adeegsan jiray xilliyada dagaalka lagu jiro, iyadoo farriimo
meleteri la isugu tebinayo, waxaana aad u adeegsan jiray ummado ay kamid
yihiin Shiinaha iyo dadyowgii ugu horreeyay ee soo degay Waqooyiga Ameerika
(North America).
Qalabka
Durbaanka (Tom-tom): durbaanku wuxuu isugu jiraa noocyo kala duwan,
waana qalab ka samaysan agab xoldan (hollow material) oo hal af ama labada
afba ka daloola oo harag ama xuub xalleefsani uu ku rogan yahay. Sacabbada
ama laba ulood ayaa lagu garaacaa si uu u sameeyo dhawaaq dheer oo meel fog
laga maqli karo. Dhex-roorkiisu (diameter) wuxuu u dhexeeyaa 8 ilaa 20 inji.
Durbaanku wuxuu kamid ahaa aaladihii ugu horreeyey ee war-isgaarsiinta.
Ummado kala duwan oo ku kala nool daafaha dunida ayaana adeegsan jiray.
Marka si deg-deg ah loogu baahdo koox dad ah oo isku xaafad ku nool, waxaa
loo garaaci jiray durbaanka maadaama aan xilligaas la aqoon aaladaha kala
duwan ee maanta dunida laga adeegsado. Qarniyo badan kadib, qalabka
durbaanku wuxuu kamid noqday qalabka cayaaraha, ilaa iyo maantana qalabka
cayaaraha ayaa lagu tiriyaa. Dhinaca Soomaalida aad baa looga yaqaan
durbaanka; siiba haweenka soomaaliyeed aad bay durbaanka u isticmaali jireen
waxaana jirtay hees-dhaqameed dumarka u gaar ah oo magaceeda la yiraahdo
HAAN iyo kuwo kale, sida BURAANBUR, oo aan qalabka durbaanka looga maarmin.
Adeegsiga
Qoolleeyda:
shimbiraha loo yaqaan qoolleeyda soo guryo noqota
(homing
pigeons)
ayaa laga adeegsan jiray magaalada Baqdaad horraantii sannadkii 1150-kii.
Shimbirahaasi oo ahaa kuwo loo carbiyay in ay farriimaha qoraalka ah ay
dadka u kala qaadaan, dibna ay ugu soo noqdaan guryaha ay ku noolyihiin.
Dhanbaallada qoran ayaa qoolleeyda lugaha lagaga xiri jirey iyagoo u kala
qaadaya masaafooyin aad u kala fog oo loo tababaray. Sideedaba qoolleeydu
waa shinbiro cajiib ah oo ilaa iyo maanta culimada saynisku ay darsayaan
unugyada jirkooda iyo guud ahaan qaabka ay u noolyihiin oo ay dadka ula
shaqeeyaan.
Adeegsiga
qoolleeyda waxaa aad ugu bogay hogaamiyihii meleteri ee Shiinaha,
Genghis Khan. Hogaamiyahaasi waxaa loo
aqoonsan yahay in uu ahaa ninkii aasaasay ciidamadii Mongooliyiintii
Shiinaha (Mongolia), wuxuuna markii dambe
dhaqan geliyay adeegsiga qoolleeyda farriimaha dadka u kala qaadda.
Taariikhdu
markii ay ahayd 776 C.H. dadkii Giriigga ee ku noolaa magaalada
Athen waxay qoolleeyda u adeegsan jireen in
ay dadka u kala gudbiso xilliyada la qabanayo cayaaraha isboortiga.
Waxaa
xusid mudan in markii taariikhdu ay ahayd 1850-kii, nin magaciisa la oran
jirey Paul Reuter oo ahaa ninkii markii dambe
aasaasay Wakaaladda Wararka ee Reuters (Reuter Press
Agency), uu adeegsaday koox qoolleey ah oo tiradoodu kor u dhaafayso
45 qoolleey si ay warar kala duwan ugu qaadaan, iyagoo isaga kala gooshaya
magaalada caasimadda u ah dalka Belgium ee Brussels
iyo magaalada Aachen oo ku taalla dalka
Germany.
Qoolleeyda dhanbaallada qaadda waxaa aad loo adeegsaday xilligii uu socday
dagaalkii 1d ee adduunka (World War I).
Ciidamadii Cirka ee
Ingiriisku waxay isticmaaleen tiro qoolleey ah oo kor u dhaafaysa
20,000 muddadii uu socday dagaalkii 1d ee
adduunka.
Waxaa
waliba dhacday xilligii dagaalkii 1d ee adduunka shimbir qoolleey ah oo
loogu magac daray Cher Ami
(Saaxiibta Qaaliga ah), oo la shaqayneysey ciidamo gaar ah oo
Maraykanka u qaabilsanaa seenyaale-bixinta (signaling) lagu abaal-mariyey
billad sharaf meleteri oo lagu bixiyo geesinnimo dheeraad ah. Billaddaas
waxaa magaceeda la yiraahdaa French Croix de
Guerre, waxaana la guddoonsiiyay kadib markii ay qaadday farriimo
meleteri oo ka kooban 12 warqadood. Cher Ami
waxay ahayd qoolleey caan ah waxaana lahaa ciidamo Maraykan ah oo
xilligii dagaalkii 1d ee adduunka ka dagaallamayey dalka
France. Qoolleeydaasi waxay gacan ka geysatay
sidii loo badbaadin lahaa qaar ka mid ah urur ciidan oo kamid ahaa qaybta
77d ee Maraykanku lahaa. Ururkaas oo loo yaqaan Lost
Battalion waxaa go’doomiyey ciidankii Germany
iyagoo ka dagaallamaya kaymaha Argonne
taariikhdu markii ay ahayd bishii October 1918-kii. Shimbirtaas billadda
lagu abaalmariyay waxaa markii dambe xabadka ka toogtay ciidankii
Germany iyadoo dhanbaallo meleteri wadda.
Billadda
magaceeda la yiraahdo French Croix de Guerre
(eeg sawirka bidix)
ee lagu abaal mariyay qoolleyda, Cher Ami,
waxaa markii ugu horreysay la sameeyay taariikhdu markii ay ahayd 1915
waxaana bixiya dalka France.
Adeegsiga
Fardaha: dalka Maraykanka dhanbaalka deg-degga
ah ee faraska lagu qaado (pony express) wuxuu
ahaa habka ugu dheereeya ee dadka dhanbaallada loogu kala qaado.
Muddo ka yar 10
maalmood ayaa warqado ay sidaan dhanbaal-wadayaal fardaha deg-degga ah dul
saaran oo jawi kasta ku shaqeeya ay ku gaarayeen masaafo dhan 3,200km.
Adeegga fardaha dheereeya ee warqadaha lagu qaado wuxuu joogsaday bishii
October sannadkii 1861-kii, kadib markii la helay farsamada
telagaraafka (telegraph).
Akhri
qaybta 6-aad
ee TAXANAHA TAARIIKHDA WAR-ISGAARSIINTA...
Aad baan usoo
dhaweynayaa fikradaha akhristayaasha. Wixi talo iyo turxaan bixin ah waxaan
codsanayaa in e-mail la iigu soo diro.
W.Q. C/fataax M. Cabdulle
Faafin: SomaliTalk.com | Jan 16, 2005
Sawirada: Google | Yahoo
QAYBTA
4aad |
QAYBTA
6aad |
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|